SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Ogeysiis Shirweynahii 9aad ee Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeeniya

June 15, 2003 

KAAH

  

Dhamaan masuuliyiinta Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee ka jira wadamada aduunka, Madaxda JWXO, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Hayadaha samafalka iyo Xuquuqul Insaanka, Abwaanada iyo Fanaaniinta, Ugaasyada, Salaadiinta, Garaadyada iyo waxgaradka soomaalida Ogaadeenya ee ku kala nool dunida dacaladeeda waxaan ogeysiinaynaa in shirweynihii sagaalaad ee Jaaliyadaha Ogaadeenya ee sanadka 2003da lagu qabandoono magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden, Folkhus , Xaafada Rinkby kaa soo socondoona June 27-29.

Shirkaas oo lagaga wada hadlidoono marxaladaha kala duduwan uu maanta ku sugan yahay dadkeena iyo dalkeenii hooyo (Ogaadeenya) iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo guud ahaanba xalka Soomaalida Ogaadenya.

Hadaba wuxuu gudiga qabanqaabada shirku idinka codsanayaa inaad u soo gudbisaan magacyada xubnaha idiinka soo qeybgalaya shirka idinkoo kala soo xidhiidhsya Emailadan iyo Telefoonadan:

Cabdiwali Xuseen Gaas:
Email: darwiish2@hotmail.com  . Tel:+46-73-9510653.

Cabdi Jaamac C/qaadir Qaasim:
Email: Abdijama@chello.se  Tel:+46-73-7417425.

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]