SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CAAFIMAADKA

CUDURKA KOLEERAHA

Waxa uu yahay, xakameyntiisa iyo ka hortagiisa.

W.Q. Faarax Axmed Muuse |  colow30@hotmail.com 
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

Qaybtii 2aad ee Wacyigelinta Caafimaadka | Qaybtii 1aad

KAAH

Cudurka koleeraha ayaa ka dilaaca sanad walba wadamada saboolka intooda badan, sababana dhimasha aan yareyn . Dalka somaliya ayaa ka mid ah wadamada uu sida joogtada ah ugu dilaaco cudarkani, dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad badan ayaa u le’day cudurkan sababtii gobolo badan oo somaliya ka mid ah, bishii maarso sanadkii 2000 oo keliya dad gaaraya 1191 qof ayuu cudurka koleerahu ku dhacay 63 qof oo dadkaa ka mid ahi waxay u dhinteen cudurkan sababtii ka dib markii uu cudurkani ka dilaacay shan gobol oo somaliya ka mid ah ( Banadir,Bari, hiraan,shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose ). Hadaba in wax laga sheego cudurkan waxa uu yahay siyaabaha looga hortigi karo loona xakameyn karo faa’fidiisa ayaa ah mid lama huraan ah si uu mushtamacu uga qaado aragti guud.

Inta aanan u gada gelin wax uu yahay cudurka kuleeraha ayaan waxaan door biday inaan kala saarno farqiga u dhexeeya cudurka koleeraha iyo cudurka daacuunka cudurka daacuunka oo ay dad badani isku qaldaan. Soomaalida ayaa in badan ku magacawda koleeraha daacuun calooleed. Balse marka loo noqdo cilmiga sayniska koleeraha iy daacunka ayaa ah laba cudur oo kala duwan oo ay sababaan laba nooc oo bakteeriyada ka mid ahi.

Cudurka daacuunka ( plague) waxaa keenta bakteeriyada loo yaqaan Yersinia pestis. Cudurkan ayaa ah mid dilaa ah kana khatarsan koleeraha in badan calaamadaha uu cudurkani leeyahay ayaa waxaa kamid ah nabara waaweeyn oo maqaarka kasoo yaaca iyo qanjirada difaaca oo barara (bubonic plague). Dhiiga oo sumoobba (Septicenic plague) inta badanna sababa dhimasha deg deg ah. Somobada oo dhiiga (pneumonic plague) .

Hadii aan u soo noqono cudurka koleerah ama daacuun calooleedba dheh waa sida ay soomaalidu u taqaane ayaa waxaa keenta bakteeriyada looyaqaan Vibrio cholerae . inta badan cudurkan waxa uu ka dhashaa cabitaan lacabbay biyowasakhaysan ama cunid lacunnay cunta aan siwanaagsan loo bislayn amaba wasakhaysan. Jeermiska ama bakteeriyada cudurkan keenta ayaa ah mid u nugloon aysiidhka iyo gaasaska ay caloosha aadamuhu soodayso hadiise xaddiga bakteeriyadan ah ee biyaha ama cuntada uu qofku cunnay ama cabbay lasocotay ay ahayd mid badan waxaa dhacda inay qaybka mid ah bakteeriyadani katalaabto aysidhyada ay calooshu soodayso una talaabto dhinaca xiidmaha oo isagu inta badan leh aysidh aan badnayn waxna u gaysan karin kororka iyo taranka bakteeriyadan.

Sikastaba xaaladu ha ahaatee mar hadii bakteeriyada Vibrio cholerae ku guulaysato inay si fiican ugu taranto xiidmaha aadanaha wexey bilowdaa inay soo dayso sunta loo yaqaan sunta koleeraha. Suntan oo sababta inay unugyada jirka gaar ahaan kuwa xiidmuhu ay soo daayaan dheecaano iyo macdanno aasaasi u ah nolosha unugyada jirka, suntani wexey kaloo jirka ka hor istaagtaa nafaqooyinkii, biyihii, iyo macdanihii uu jirku ka nuugi jiray ama ka qaadan jiray xiidmaha. Sidaas darteed ayaa waxaa dhacda inay macdano iyo biya badani ay jirka uga lumaan shuban ahaan iyo matag ahaan. Mar hadii uu bukuhu gaaro heerkan oo kale uusanna helin daawayntii ku haboonayd waxaa dhacda inuu bukuhu u dhinto nafaqo iyo macdan la’aan (fuqbax)

Calaamadaha uu leeyahay cudurka koleerahu

Calaamadaha bukaha cudurkani ku dhaco lagu arko ayaa waxaa kamid ah

  • Ø Shuban biyo ah oo badan, aan lahayn wax midab ah watana dhibca dhibca axalo ah (Flecks of mucus) inta badana u eg bariis lakariyay biyihii
  • Ø Matag (Vomating)
  • Ø Kaadi la’aan (Unuria)
  • Ø Dhiiga oo hoos u dhaca ( hypotension)

Siyaabaha looga hortigi karo cudurka koleeraha

1)- In la cabbo biyo Nadiif ah:- In uu qofku cabbo biyo Nadiif ah oo aan laheyn wax jeermis ah waa mid ka mid ah qaababka ugu muhiimsan ee cudurkan loooga hortigo karo, biyo nadiif ah oo jeermis laheyn waxaa lagu heli karaa iyada oo la raaco qodobadan

a) Biyaha oo lagu daro maadada koloriinta:- maadadani waxay biyaha ka dishaa jeermiska, waxaana lama huraan ah in biyaha lagu daro xadi goan oo dhex dhexaad waayo hadii xadi badan oo maadadan ah biyaha lagu daro waxaa dhici karta in ay caamifimaad qofka wax u dhinto, hadaba xadiga ugu haboon ayaa ah 2mg (miligaran)litirkiiba biyaha baraagaha ( berkadaha).

b) Biyaha oo la karkariyo

2)-Nadaafada iyo fayodhowr-ka deeganka oola ilaaliyo. 

3)- Isticmaalka cunto Nadiif ah oo dhab loo bislayay:- cuntada ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee ka qeyb qaata faafida cudurkan, marka in uu qofku cunno cunto kulul amaba uu dib u kululeyo hadii ay qabowdahay ayaa ah arin lama huraan ah si looga hortago faafida cudurkan, weelasha iyo qalabka wax lagu karsado oo si wanaagsan loo dhaqo..

4)- Gacmaha oo lagu dhaqdo saabuun markasta oo aad suuliga gasho ama ay gacmahaagu taabtaan wax saxaro ah.

DAAWEYNTA IYO XANAANEYTA BUKAHA CUDURKA KOLEERAHA:- 

dhibanaha uu cudurkani kuu dhacaa waxaa uu u baahan yahay in lala gaaro daaweyn deg-deg ah, daaweynta ugu haboona wa

1)- Fuuqcelin :- fuuqcelin waa bukaha oo si deg deg loo siiyo cabitaano cusbo iyo sonkor isugu jira (oral rehydration salts (ORS)) ama lagu xiro faleebooyin cusbo iyo sonkor isku jir ah si loogu soo celiyo macadanihii iyo cusbooyinkii kaga lumay shubanka iyo mataga.

2- Quudinta bukaha:- sadex ilaa afar sacadood fuuqcelinta ka dib waa I n bukaha la siiyaa cuntooyinka fud-fudud , hadii uu bukuhu yahay ilma yar oo naaska nuugayay waa in naaska la siisaa .

3- Qaadashada antibiyootiga (antibiotic treatment):- qaadashada antibiyootigu waxay hoos u dhigtaa xadiga iyo muddada uu shubanku socon lahaa , inta badana waxaa haboon in bukaha la siiyo antibiyootiga sadex ilaa afar sacaadood fuuqcelinta la ka dib oo ah marka uu matagu istaago,

antibiyootiga ugu haboon ee ay in la siiyaa bukuha cudurka koleraha qabaa hadii yahay qof weyn waa DOXYCYCLINE waxaana ku filan hal kuuro oo keliya, hadiise uu yahay ilmo yar waxaa haboon in la siiyo TRIMETHOPRIM-SULFAMETHOXAZOLE daawadan oo inta badan u diyaarsan kiniini ahaan ama dareere ahaan oo loogu talagalay caruurta. 

Si kastaba xaalku ha ahaadee cudurka koleeraha faafidiisa waxaa ugu haboon oo lagu xamakameyn karaa waa wacyi gelin mushtamaca lagu wacyi geliyo in ay dhooraan Nadaafada iyo fayadhorka deegaanka, caruurtana lagu tababaro in aysan cunnin cunto feydan oo suuq talaal, sida cuntooyinka lagu iibiyo iskoolada iridahooda hadii aysan aheyn mid nadiif ah oo daboolan, arinta labaad ee xusida mudan meela badan oo soomaaliya ka mid ah aan ku arkay waa ceelasha biyaha laga cabo ama berkadaha biya lagu shubto oo laga ag qodo ama laga ag dhiso boosaneerooyinka (bulaacadaha) ayaa ah mid iyana qatarteeda leh waayo siimowga (diffusion) bulaacadha iyo biyaha la cabaa waxa ay keeni karaan in jeermis badani ku dhasho biyihii la cabi lahaa (contamination) kaas oo sababa cuduro badan oo khatar ah.

Qoraalkan ayaa ah qoraalkii labaad oo ka mid ah qoraalo aan ugu talagalay wacyi gelinta mushtacama soomaaliyeed, kii hore ayaa ku saabsanaa cudurka Aids-ka.

W.Q. Faarax Axmed Muuse |  colow30@hotmail.com 
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

June 3, 2003

LIFAAQ: 

Bahda SomaliTalk waxay gacmo furan kusoo dhoweynayaan dhammaan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee bartay qaybaha kala duwan ee cilmiga anfacaya bulshada in ay cilmigaas la qaybsadaan bulshada, SomaliTalk.com diyaar ayey u yihiin in ay soo bandhigaan cilmiga manaafacaadka leh ee aqoonyahayka Soomaaliyeed. Cilmi waxaa ugu wanaagsan kan laga sii faa'iido.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]