SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

 Aadan Cabdullahi Nuur(gabyoow)oo Maanta ku Geriyooday Dalka Kenya.

Marxuum aadan cabdulahi nuur gabyoow ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka nairobi ee dalka kenya, kadib markii uu xanuunsanaa mudo kuna jiray isbitaalka,gabyoow ayaa qabay xanuuno ay ka mid ahaayeen dhiig kar,isagoo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa xaalad miir la,aan ah.

Marxuum gabyoow allaha u naxriite waxa uu ku soo jiray siyaasada soomaaliya mudo fog sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadkii ay is yaqaaneen iyo siyaasiyiinta qaarkood,sidoo kale waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qaybgalaysay shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ka haatan socda kenya.

Maydka marxuumka ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah loo qaado magaaladii uu ku dhashay ee Bu'aale oo ka tirsan Gobolka jubada dhexe,waxaana horay u raacaya maydka marxuumka qaar ka mid ah siyasiyiinta iyo ergada ku sugan madasha shirka sooomaalida ee Kenya (Embagathi).

Dhamaan siyaasiyiinta,ergada iyo culumaa, udiinka. ayaa tacsi u diraya marxuumka in uu Alle ka waraabiyo naxariisti janno dhamaan intuu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Canab Maxamud mumtaz.

canabmumtaz@hotmail.com 

Somalitalk

Nairobi kenya.

June 4, 2003

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]