Carab miyaa colaada u sahlanaa marki ay iyaga arrin isku maandhaafaan, miyaynan
u muuqan boobka uu la dul joogo mid kale oo walaalkood ah balsa iyaga aan wax ku
dhaamin kala qeybsanaan,isboob,dil iyo dhac dhexdooda ah ,colaadinta ehelkiisa
iyo horjoogsiga danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo danahooda gaarka ah oo
aan ka baxsanayn danta guud ,Soomaalida waxay tiraahdaa kaa bartay ayaa kaa
badshay , ma xumo ,cilmi, khayr iyo wanaag ha la kala barto laakin beesha
Mudulood wuxaay ka baratay beesha korsaarka ku ah shar ku nool ,boobka ninka dad
kuu xigo,banaysashada dilida walaalkaa xaq la'aan,tartan u gelida madaxnimo
aadan miisaankeeda lahayn , u dhega nuglaanta kan ku colaadinayo kuna doodayo
maamulka deegaankaaga in uu wax ka leeyahay amaba dhinaca kale marki aan u
dhigno meel ummadda oo dhan ka dhexayso marki loo fiirsho caasumad ahaan waa
magaalada Muqdisho.
Cadow bidixeey ayaa waxaa yiri iyada oo loo fadhiyo shir oday keen ah ee ka
dhacay Degmada Caddow Uul Agoost1998 xalna loogu raadinayay khilaafaad ba'an ee
ka dhex jiray beesha Mudulood waagaa siduu haddaba uga jiro mid kaa kasii
foolxuma badan iyo maamul la'aan iyo amni xumo ku fiday degaanada loo yqaan
beesha Mudulood "dhiil saab la'aanahaa nin dhaansahaa / ninna dhulkiisiyow
dhumihaa", dhihida shiribkaas oo ah hadal la isku afgartay fadhigaas iyo
haddalada kale ee gogashaas la isku dhaafsaday waxaa ka soo baxay ku dhawaaqida
maxkamad islaami ah oo hoos timaado maamulki Cali mahdi madaxda ka ahaa jiray ,
waxaana maxkamadaas madax looga dhigay Shiikh Sharif Shiikh Muxidiin , waxaana
gudoomiyaha fulinta ee maxkamdda loo magacaabay Shiikh Cali Dheere laakin nasiib
darro waa wada ogtihiin burburinta guulihi ay soo hoysay maxkamadaas in loo
adeegsaday madaxdeedi gaar ahaan iyo guud ahaan hogaamiyayaasha Mudulood oo aan
u kala harsanayn baa'biinteedi iyo ku tumashada xuquuqda taageerayashooda.
Waqtigan xaadirka ah dhuminta Diinka aan ku abtirsano , dhulka iyo asalka laga
soo jeedo ma ahan mid u gaar ah oo kaliya beesha Mudulood ee waa mid wada
saamayso ummadda Soomaaliyeed inteeda badan oo iyada tartarn ugu wada jirto u
adeegida danahooda ka hor danaha dowladdo deris nala ah iyo kuwa naga fogba
balsa dana gaar ah ku leh geeska afrika ,waxaa iydana xaqiiqo aan laga tilaabi
Karin ah in dibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka jirto magaalada Muqdisho culays
weyn ku hayso xal u helidda magaaladaas gaar ahaan iyo guud ahaan deegaanada
Soomaalida oo ay ku fiday colaada iyo ishayshada dad ehel wada ah, haddaba
Su'aasha waxaay tahay sidee qoona loo xagtaa ilkana ku nabad galaan oo ah sidee
muqdisho xal loogu helaa Soomaalina ku nabad gashaa.
Waxaa jirto fikrada isa soo tarayo oo qabo in nabad Soomaali ku degto ay ku
imaan karto xal u helida dhibatada iyo colaada ka taagan magaalada Muqdisho iyo
agagaarkeeda ,magaalada Muqdisho xalkeedana wuxuu ku jiraa laba arrimood mid .
1)Midda hore waxaay tahay in qolooyinka sheeganayo in ay xoog ku haystaan
magaalada ay gartaan in ay Muqdisho leedahay taariikh soo jireen ah lana yaqaan
yaa maamulkeeda xaq u leh sharci ahaan iyo in arinta ku haboon tahay marida
wadada taa lagu gaari karo oo ah wada hadal iyo taabashada baahida loo qabo
nabad lagu wada noolaado in ay dan ugu wada jirto kuwa sheeganayo in ay xoog ku
joogaan Muqdisho,kuwa deegaanka Banaadir ka soo jeedo asal ahaan iyo soomaali
guud ahaan taana ma filayo in ay imaanayso laba sabab awgood waayo
A) nin haddii uu dulmi ku xoogaysto ,boobna ku maaleysto, una aynan muuqan cid
yac iska dhihi karto waa adagtahay in uu naftiisa u sheega wada hadal ayaa
wanaag lagu gaari karaa ilayn waa nin shaydaan la taliya u yahay .
|
I I D H
E H
|
|
B)sababta labaad waxaay tahay hogaamiyayaasha sheeganayo in ay xoog ku joogaan
magaalada Muqisho oo maamulki ay ku midaysnaayeen kala daatay keedib marki ay ku
hungoobeen weerarki ay ku damceen 17/11/1991 in ay ku qabsadaan magaalada
Muqdisho iyo Soomaali inteeda kale taasna ay keentay in ay weli ku taagnaato
fikradi qabsashada Magaalada Muqdisho iyaga oo haddana ku kala tagay in ay ku
midoobaan maamul kaliya General Caydiidna kaga tegay wadada dhexdeeda isaga oo
aan meel ku simin hamigoodi, sidaa darteed way adagtahay hogaamiyayaashaan
abuurmay genanki keddib iyo kuwi sababay daciifinta hogaanki generaalka in ay ku
heshiiyaan in loo noqdo caqliga iyo wada hadal lala kalo beelihi ay dagaalka ku
qaadeen si ay u qabsadaan deegaankooda si nabad loogu soo dabaalo Mar kale
magaalada Muqdisho.
2)midda labaad waa mid aad muhim u ah lagana rabo in ay ka timaado aqoonyahanka,
indheergaradka iyo ganacsatada beesha Mudulood oo iska ka kaashato sidi ay gogol
ugu dhigi lahaayeen beeshooda ,waana mid nabad lagu nasto ku soo dabaali karto
Muqdisho iyo agagaarkeeda, Soomaalina u horseedi karto nabad iyo dowlad midnimo
ee caddalad ugu adeegto ummadda Soomaaliyeed taana waxaay ku imaan kartaa in
beesha Mudulood oo ku dhan oday keen, hogaamiyayaal dhaqan ,culumaa'udiin ,
siyaasiyiin ,ganaacsatada,dhalinyarada,hogaamiyayaal maleeshiyo iyo nin walbo oo
beesha ah laguna tirinayo in uu gacan geysan karo arimaha murugsan ee beesha
Mudulood googol kale loogu dhigo Cadow Uul ama meel kale ee u dhiganto kana fog
magaalada muqdisho ,gogashaasna waa in lagu falaanqeeyo dhibaatada kala gaartay
beesha gudaheeda ,dhibaatooyinka ay ku haayaan beelaha doolka ku yimid
deegaanada loo yaqaan iyo kuwa deriska la ahba ,waana in ay gogashaas ka soo
baxaan qaraaradan hoos ku xusan oo sal u noqon karo maamul soo afjaro maamul
la'aan ku raagtay deegaanadooda iyo colaado joogta ka noqoday beesha dhaxdeeda.
1)in si kama danbayn ah loo soo afjaro colaada beesha dhaxdeeda ka jirto lana
asaaso guddi gaar ah ee u xilsaaran ilaalinta heshiisyada lala kala saxiixdo iyo
ka hortaga dhibaata kasto oo keeni karto gacan ka hadal .
2 Asaaska nidaam siyaasadeed oo leh dastuur,hogaamiye iyo tiirarka fadhi u ah
maamul hoose ee u gaar ah deegaanada beesha Mudulood iyada oo aan laga tegayn
wada tashiyo lala yeesho beelaha kale ee la degan taana waa in loo kaashtaa
dadka ku takhasusay arrimahaas.
3)Magacaabida guddi gaar ah ee wada hadal la galo beelaha kale ee colaada kala
dhaxeyso amaba gacan ku leh dhibaatooyinka ka jiro deeganada beesha oo ay ku
jirto magaalada Muqdisho ,guddigaana waa in ay awood u leeyihiin soo jeedinta
jihad loo dhan yahay oo lala galo haddii ay dhinacyada kale ku gacan seyraan in
wada hadal lagu dhameeyo kala danbeyn la'aanta ka jirto magaalada Muqdisho iyo
agagaarkeeda .
4) Waa in dib loo habeeyo dowrka oday dhaqmeedka iyo kaalinta uu ku leeyahay
maamulka hoose ee deegaanada beesha Mudulood
5) Waa in la magacaabo guddi u xilsaaran wargalinta soomaalida inteeda kale
go'aanada lagu gaaray gogaashaas iyo in aynan go'aanadan ahayn kuwa wax u
dhimayo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dalkeedaba.
Ugu danbeyn waxaa hubaal ah haddii ay beesha mudulood la yimaadaan firfircooni
dheeraad ah iyo garashada in ay dowr weyn ku leeyihiin dhibaatada Soomaliweyn
dul taalo mudda dheer iyo in iyaga haddii ay xal u helaan deegaan ay beeshooda
ku badan tahay dad ahaan iyo dhaqaalo ahaan Soomaalina caasumad u ah ay
soomaali u horseedi karaan nabad waarto ee ummadda Soomaaliyeed mar kale ku
degto.
Abdallah Moallem Mahamud
Moallem10@hotmail.com
QORAALADII HORE EE
Cabdallah MOALLEM