SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
 Fadumo Jibril: Geesiyadii deegaanka oo ardayda Minnesota la shirtay

Fadumo oo ardayda koox koox ula hadleysa
W.Diyaariyey: C/raxman Ceynte

Minneapolis- MN.

shalay galabtii ayeey Fadumo Jibril oo ah qofkii ugu horeeyey ee billad abaal marineed oo dhanka deegaanka ah ku guuleystay sanadkii hore la kulantay ardayda soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.

Fadumo Jibrill wexeey ku dhalatay gobolka sanaag ee Somalia. wexeey waxbarashadeeda hoose bilowday sanadku markuu ahaa 1958 oo eey aheyd gabadha kaliya ee dhigata iskuulkii eey dhigatay. dugsigeeda sare iyo jaamacadeedabana dalka mareykanka ayeey ku qaadatay.

Faadumo waa xaas hooyo u ah 5 gabdhood.

Jihaadkeeda ka hortagga xaalufinta deegaanka iyo dhirtaba

1993 ayeey go'aan ku gaartay ineey dagaal ba'an la gasho xaalufinta ba'an ee lagu hayo deegaanka soomaalia. dhibaatooyin badan kadib, shaqadeedii oo eey ilaa iyo hadda ku jirto ayeey bilowday. iyadoo qeexeysa sababta ku kaliftay ineey howshan gasho ayeey tiri " anigu waxaan wax ku soo bartay canshuurta laga qaado dadka masaakiinta ah ee soomaalia. xaqaas ayaana doonayaa inaan iska gudo" hadalkan oo noqday mid dhaqaajiyey dhiiga dhamaan ardaydii isugu timid shirkaas.

jibril Ashley Klein & Fadumo Jibril

Fadumo waxaa la socotay gabar cadaan ah oo la yiraahdo Ashley Klein oo iyana kala qeyb qaadata dadaalkeeda beni-aadanimo.

hey'adda eey Fadumo dhidibada u aastay ee howshan qabata ayaa ka howl gasha ku dhawaad meel kasta oo soomaaliya ka tirsan, marka Kismaayo laga reebo " oo looga soo xoog roonaaday" ayeey tiri Fadumo Jibril.

" dhulkeenu waa mid nugul" ayeey tiri Fadumo oo raacisay in ku dhawaad 10 sentimitir oo roob ahi eey ku da'aan soomaaliya dhexdhexaad sanad walba. taas oo macneheedu yahay inuusan dhulku xaalufin u babac dhigi karin. wexeey aad ugu celcelisay ineey dadaalkeeda ku beegeyso dhuxusha oo qaar reer galbeedka ahi ku sifeeyaan " Dahabkii Madoobaa ee Soomaalia". Fadumo wexeey qirtay in Somalidu dhuxusha aad uga ganacsadaan, taas oo sii adkeyneysa dadaalka eey ugu jirto in taa wax laga qabto.

waxaan weydiiyey; bal waxa lagu beddeli karo dhuxusha oo eey dadku wax ku karsan karaan? wexeeyna ku jawaabtay " waxaan sameynay Burjiko ka dhuxul isticmaal yar midda caadiga ah 30%" ! iyadoo eey ka muuqato ineey xirfad dheeraad ah u leedahay arrinkan ayeey raacisay " waxaa kale oo jira Makiinad ileyska qorraxda ku shaqeysa oo cuntada lagu karsan karo (Solar Cooker) oo aanu ka keenay China & Germany iyagoo ku kacaya inta u dhexeysa 300-500$" waxaana isku rakiba Injineero loo carbiyey isku rakibidooda. laakiin Fadumo wexeey qiratay in Teknoolajiyada Soolarka (ileyska qoraxda) oo wato mashaakilaad eey ugu horeyso baaxadii ama meeshiiba laga dhigi lahaa, madaama soomaalidu " qolal kiro ah u badan yihiin" oo eeysan laheyn deyr eey dhigaan qalabkan.

Fadumo wexeey tibaaxday in dhamaan howl maalmeedkeeda u baahan tamar koronto sida nalka iyo computers-ka eey u isticmaasho qalabka ileyska qoraxda. maadaama uusan waddanku laheyn koronto caadi ah.

KAAH

Fadumo wexeey sheegtay in sababaha soomaliya u dagi la'adahay eey kamid tahay abaaraha soo kordhaya " abaartu imminka labadii sanoba mar beey dhacdaa" taas oo awal ahaan jirtay labaatankii sanaba hal mar! wexeey aad ugu celcelisay in dadka reer miyiga ahi eeysan aqoon dheeraad ah u laheyn qiimaha deegaanku u leeyahay soomaliya. iyadoo soomaaliduna eey 70% yihiin reer guuraa. wexeey ka dhawaajisay in 300 ilaa iyo 500 markab oo waddamo ajnabi ah laga leeyahay oo imminka dhex sabeynaya xeebaha soomaaliya ee beylaha ah. arday ayaa markaas weydiiyey in arrintan hadii loo gudbiyo Qaramada Midoobay eey wax ka qabanayaan iyo inkale...? Fadumo oo wajigeeda caro ka muuqato ayaa la soo booday " ma jecli inaan dhalinyarada niyad jabiyo, ha yeeshee waxaan aaminsanahay in Qaramada Midoobe eey tahay hey'adda ugu talada iyo tayada xun ee dunida " !

Aids-ka

Fadumo wexeey sheegtay in soomaaliya uu ka jirto cudurka halista ah ee Aids-ka loo yaqaan. wexeey sheegtay inaaneey cidi baarin mooyee eey soomaliya ka jiraan tiro mug ah oo cudurkaas la iladaran.

Fadumo wexeey taa sabab uga dhigtay iska hor imaadka ka jira heerarka ilbaxnimada soomaaliya. " gabar reer miyi ah ayaa lagu yiri: orod makhaayada ka fur meel magaala ah oo niman reer magaal ah oo qaad cunayaal ahi joogaan, markaas beey nimankani gabadhan sideey doonaan maskaxdeeda ugu ciyaaraan " ayeey ku nuunuuxsatay Mrs Jibril.

Sideen wax uga qabanaa arrimahaas?

Fadumo wexeey sheegtay ineey jeclaan lahayd in waqtiga xagaaga (Summer)ka eey ardayda soomaaliyeed qaban qaabiyaan bannaan bax ballaaran oo eey inta basas ka qaataan Minnesota ku tagaan Washington D.C. si eey ugu hor mudaaharaadaan safaaradaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ah labada waddan ee ugu badan ee loo iib geeyo dhuxusha. " waddamadu ma jecla in warbaahinta laga soo daayo dad ku mudaaharaadaya" taas ayaa laga yaabaa ineey arrintan wax kaga qabtaan beey tiri Fadumo.

wexeey sheegtay in Sucuudigu ku kharash gareeyo $7000 hal geed sidii ugu kobci lahaa saxaraha Sucuudiga, kuweenana eey gubaan!

arday kale ayaa weydiiyey. inta aan dowladahan dacweynayno maan wax ka qabano dadka u iib geeya dhuxusha ? Fadumo wexeey sheegtay ineey adag tahay in nin soomaali ah oo koox mooryaan ah heysta oo ganacsi u kala socdo lala hadlo, naftaaduna khatar ku gali karto. "dhoofinta dhuxushu waa sharci darro caalami ah, hadii aad moodaan ineey sharci tahay" beey tiri.

" waa in deegaankii la soo nooleeyaa si nabad looga helo somaaliya" ayeey ku cabaaday Fadumo Jibril oo ku dhiiri galisay ardaydu ineey la xiriiraan Xildhibaanada ku jira barlamaanka mareykanka ee laga soo doorto degmooyinkooda " anigoo miyiga soomaaliya jooga ayaan Senotor-keyga warqad u soo diraa, wuuna ii soo jawaabaa" beey tiri.

Fadumo wexeey ka dhawaajisay in waalidiin badan oo soomaliyeed eey qeyb ka yihiin dhibka somaaliya, dhalinyaradana eey raad ku sameeyaan " ku khilaafa wixii khaldan waalidkiin" ayeey tiri, wexeeyna raacisay " waalidiintu wexeey qeyb ka yihiin dhibka soomaaliya ka jira, maxaa yeelay qaaraan hub lagu iibiyo ayeey soo ururiyaane"

wexeey kaloo carabka ku dhufatay in " dagaal dhanka biyaha ahi" uu ka dhexeeyo waddanka Itoobiya & masar oo " qeyb ka ah xasilooni la'aanta siyaasadeed ee Soomaaliya"

Shirka Eldoret iyo aragtida Fadumo Jibril

Fadumo wexeey kamid tahay dumarka dhifka ah ee shirka ilaa iyo mar dhow joogay. " cid i marti qaaday iyo cid la ii marti qaaday ma ogi " ayeey ku billowday. shirkuna waa mid eey soo injineeriyeen ajaanib aan ogeyn dhibka hoose ee soomaalida.

" rajo aan 20% ka badneyn baan ka leeyahay shirka" ayey tiri wexeeyna raacisay " dumarku wexeey soo jeediyeen in la xirxiro ama magangaliyo siyaasadeed la siiyo 22-ka hogaamiye kooxeed ee meesha isugu yimid, waana nalaku qoslay" fadumo wexeey taageertay fikrad ee soomaalidi badani aaminsan yihiin oo ah ineeysan Itoobiya kaliya qaska wadin'e " Carabtuna qeyb libaax leh ku leeyhiin qaska "

" halka sabab ee laga yaabo inaan nabad ku helno waa cabsida Mareykanka iyo Yurubiyaanku ka qabaan in Soomaaliya argagixiso eey hooy u tahay, markaas eey muquuniyaan dowlad eey iyagu soo dhoodhoobeen " ayeey farta ku godday.

Su'aalo iyo Jawaabo.

Dabcan su'aalugu aad ayeey u badnaayeen, dhowr aan muhiim u arko ayaan ka soo qaadanayaa.

Su'aal: kawaran waxbarashada, guud ahaan soomaaliya?

Jawaab: runtii waxbarashadu wax weyn beey isa soo tartay. gaar ahan wixii heer jaamacadeed ka hooseeya. waxaa jira dhowr jaamacadood imminka. ha ii qaadanina Qabyaaladiiste, laakiin anigu jaamacad Boorame ayaan u arkaa ineey tahay jaamacadda kaliya ee dhabta ah !

kuwa kalena weey gaari doonaan heerkaas. Somaliland meelo badan ayeey kaga hormarsan tahay soomaalida kale. Tusaale ahaan Isbitaalka Adna Hospital oo aan gudigiisa fulinta ku jiro waa isbitaal eey taageeraan soomaali oo dhan, isla markaana lacag uruurinta soomaalida dibadaha ee ugu weyn loo uruuriyo. horumarkiisana waa mid cajaa'ib ah. xitaa dhanka xoriyadda, Boosaaso oo ah meesha aan ka imid, kuma sheegi karo wax walba, laakiin marka aan Hargeysa joogo wax walba ayaan oran karaa. koonfurtu waddo dheer baa sugeysee ha soo gudbeen.

Su'aal: maxaa kuugu dhiiri galiyey adiga & Ashley-ba inaad beni'aadanimada ka shaqeeysaan, iyadoo khatar badani jirto, oo xitaa Istarliin oo aheyd gabar samafale ah la dilay dhawaan?

Jawaab: (Ashley) beni'aadanimo iyo naxariis ayaan nagu dhiiri galisa. qof waa inuu naftiisa huraa, si dadku u manaafacaadsadaan.

W.Diyaariyey:

C/raxman Ceynte
Carlson school of Managment
University of Minnesota 

ceyntejournalist@attbi.com

<><><>

I  I  D  H  E  H

 

TAXANIHII SHIRKII ELDORET

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD