SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Wararka Muqdisho

calideqWQ: Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
MOGADISHU SOMALIA

March 18, 2003

KAAH

 

Muqdisho: Nin Yemeni ah oo Gacanta loo Galshey  shisheeye 

Nin lagu magacaabo Ciisa Xayaatu oo ay AFduub ku heysteen Maleeshiyo aan Cidna ka amar qaadan ayaa waxaa Shaley ku Guuleystey in ay soo furtaan) Ciidanka Booliska Dowladda KMG ah. Waxayse arintii ku dambeysey in ninkaasi mar kale u gacaan galay kooxihii afduubay, waxayna arintu u dhacday sidan: 

Ninkaan oo Kooxda Afduubka ku heysatey ay ku wateen Gaari yar (Crolla) ayaa asagoo maraya Isgoyska Ex-control Balcad halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Booliska DKG, wuxuu si Naftii hurnimo ah la Qabsadey wadihii gaariga Isteerinka, is jiid jiid ka dib waxaa is heysadka Nimanka gaariga ku dhex jira gartey ciidanka Booliska taasoo keentey iney Tacshiirad is Dhaafsadaan Maleeshiyadii Afduubka ku heysatey Ciisa Xayaatu (iyo booliskii DKM),  waxaana u suurtogashay in Ciidanka Boolisku ay Gacanta ku dhigaan Labo ka mid ah Maleeshiyadii Balse waxaa Dhaawac soo gaarey Ninkii Afduubka lagu heystey, kasoo markii Dambe la geeyey Isbitaalka KEYSANEY ee Waqooyiga Magaalada Muqdhiso, waxaana Isbitaalkii lagu daweynayey Ciisa Xayaatu ku weerarey Maleeshiyo Daacad u ah Hogaamiye Kooxeedka Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere), waa sida warku u dhigaye. 

Sida ay wararku ay sheegayaan waxey Maleeshiyadii Maxamed Dheere ninkii kala bexeen Isbitaalkii waxeyna isla markiiba la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee CISALEY halkaasoo ay ku Sugaysay Diyaarad Qaas ah oo ay Wateen Niman aan la garanayn Dhalashadooda, ma jirto Cid Xaqiijin karta Sababta Ninkaan Gacanta loogu galiyey Shisheeye kale. Warar ayaa sheegaya in dadka ninkaas gacanta loo geliyey ay ka yimaadeen qaarad aan Afrika ahayn.

LIFAAQ: Warar ka imanaya Koonfur Africa ayaa sheegaya in lix nin oo Ameericaan lagu tilmaamay oo ay taageerayaan maleysiyo Soomaaliyeed ay qaateen nin dhalashadiisu tahay Yemen oo lagu magcaabay Cise, waxayna kala baxeen cisbitaalka Kaysaney, waxaan ala sheegay in ninkaasi uu watey Paasaboorka Dalka Koonfur Africa. [Eeg Wararka Soomaaliya oo Af Ingiriisi ah... GUJI

Hogaamiye Kooxeedyada oo Muqdisho kusoo Qulqulaya

Waxaa maantey (March 18) Abaarihii 10:00am kasoo Dagtey Garoonka Diyaaradaha ee Deyniile Hoogaamiye kooxeedka Max'ed Qanyare Afrax, imaatinka Qanyare ayaa waxaa ka soo horeeyey Hogaamiye Kooxeedka kale ee Cusmaan Xasan Cali (Caato). Labadaan Hogaamiye oo si gooni gooni ah ugu waramayey Saxaafada ayaa Safaradooda ku sheegay Dano ayaga u Qaas ah.

Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay Xili uu isugu yeeray Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Kenya u Xilsaartey Arrimaha Soomaaliya, kala soo taggaan ayaa Dadweynaha Reer Muqdisho ku Micneeyeen Rajo Xumida Shirka Kenya ka socda iyo sida aysan Daacada uga aheyn Hogaamiye Kooxeedyada iney Soomaliya Nabadi ka Dhacdo, Taasoo Guud ahaan u xaqiijineysa Sida uga aamin Bexeen hadalada Macaan ee kasoo yeera Qabqablayaasha isku heysta Talada Dalka.

DHANKA KALE WAXAA SHALEY GAAREY GAROWE C/LLAAHI YUUSUF
sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dowlada Goboleedka Puntlanda waxaa shaley ka dagey Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Tagitaanka C/llaahi yuusuf ayey ku sheegeen Taageerayaashiisu mid ku saleysan wada Tashi iyo Cusbooneysiin ah Maqnaashaha C/llaahi Yuusuf maadaama uu dhigayo Dastuurka u dagsan in uusan Madaxweynuhu ka maqnaan karin Dalka muda ka badan 60 beri (Labo Bilood) ah,  halka kuwa kasoo horjeedaana ay sheegayaan in uu u tagey Sidii uu Dhagaal ugu dhex Abuuri lahaa Gobollada Puntland. Sikastaba ha ahaatee imaatinka C/llaahi Yuusuf ayaa ka qeyb ah Firxadka ay Qabqablayaashu kusoo galayaan Soomaaliya.

C/qaasim oo kusoo laabtay Muqdisho

C/qasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon.... GUJI...

Waxaa maantey (March 18) Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle kasoo Dagtey Wafdid Balaaran oo uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlada KMG Dr. C/qaasim Salaad Xasan, Waftiga uu hor ka cayey C/qaasim waxaa uga sii horeeyey Wafdi kale oo ka tirsan Dowlada KMG ah kana kala Socdey Labada gole ee Dowlada KMG ah iyo Tikniko fara badan oo looguna talo galey iney soo galbiyaan C/qaasim iyo Waftigiisa.

Warku waxa uu intaas ku daray in uu Qalimey Gaari Tikniko ah oo kamid ah gawaaridaas galbinta loogu talagalay oo ah nuuca loo yaaqaano CABDI BILE (land Crusier ) waxaana ku dhaawacmey Todobo (7) Maleeshiyadii Saarneyd ka mid ah, Shilkaan Gadoonka Gaariga ayaa lagu sheegay inuu sababey Gaariga oo ku socdey Xawli Saa'id ah Aakhirkiina uu wada ka baxey taasoo keentey Gadoonka Gaariga. Ma ahan markii ugu horeysay ee Qalimaan ama Gadoomaan Tikniko soo Dhaweyneysay C/qaasim, markii ugu horeysayna waxey aheyd Safarkiisii koowaad ee uu kaga yimid CARTE. 

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003


 

By:- Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
SOMALITALK MUGADISHU


DAGAAL DHEXMARAY YALAXOW IYO CUMAR FINISH
MUQDISHO: ugu yaraan 8 qof ayaa dagaalkaas ku dhintay, waxaana soo baxaya warar tirada dhimashada gaarsiinayaa ilaa... GUJI...  

<><><>

I  I  D  H  E  H

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD