WORLD: AP
| AFP | Ruters
| CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| NYTimes | WPost
| Fox | theStar
| IOL
PAKISTAN: PakNews | Jang
| Dawn
MID EAST: Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
Sawirka: CBC TV
|
WARARKA DAGAALKA CIRAAQ
CIRAAQ: DAGAALKII DHULKA OO BILAABMAY
March 21, 2003
HADDA: WARARKII
UGU DAMBEEYEY EE CIRAAQ
VIDEO: Daawo
wararka AP ee Ciraaq...
MAP: Khariidada
Ciraaq
Wararka ilaa xalay kasoo baxayey dagaalka
Ciraaq ayaa sheegay in dagaalkii dhulka uu ka bilaabmay halkaas kaddib markii
ciidamada Maraykanku ay xalay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka u dhexeeya
Kuwait iyo Ciraaq.
Sawirka: ABC |
TV-ga ABC ayaa soo saaray sawiro muujinaya
kolonyo taangiyada Maraykanka oo ku sii socda Koonfurta dalka Ciraaq.. [Akhri
halkan.... ]
TV-ga CBC ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku
hogaaminayo ay qabsadeen dekadda al-Faw. [Daawo Wararkii CBC]
Sida ay werisey hay'adda AP, askari Maraykan
ayaa lagu diley dagaalkii meel u dhow wadada ku xiriirsan Basra. akhri
halkan.
Sida ay werisey hay'adda Reuters, askarta
Maraykanka ayaa calanka ameerikaanka ka taagey meel marso (deked yar) ah oo u dhow
Umm Qasr waxyar kaddibna ka dejiyey calankaas Maraykanka, sabatana lama macnayn
sida ay hay'adu werisey. akhri
halkan.
Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Blair, waxa uu
yiri dagaalkan (ciraaq) ma noqon doono mid si degdeg ah ku dhamaada. Daawo halkan.
Wasiirka warfaafinta Ciraaq,
Mohammed Al-Sahaf, waxa uu sheegay in Saddam Xuseen uu bedqabo kaddib laba
maalmood oo la duqeeyey Baqdaad. "Waxay weerareen guriga Saddaam
Xuseen iyo
qoyskiisa, laakiin wey nabad qabaa, wey nabadqabaan" ayuu yiri Mohammed
Al-Sahaf oo Jimcadii la hadlayey wariyayaal. Halkan ka daawo
hadalkii Maxamed Al-Sahaf.
Dhanka kale warar ay werisey jariidada Washingtonpost ayaa sheegay in ay dici
karto in Saddam iyo mid ama labadiisa wiil ay ku jireen gurigii gantaalka lala
beegsaday habeen hore, laakiin aan la ogeyn in Saddam uu ku dhintay ama ku
dhaawacmay weerarkaas. Halkan
ka akhri warkii Washingtonpost.
Sawirka: Reuters |
Dhanka kale, Diyaarad ku qaraxday dalka Kuwait
ayaa lagu soo waramay in ay ku dhinteen 12 qof oo saaraa, kuwaas oo kala ahaa 8
u dhashay Briton iyo 4 Maraykan ah, [wararkii u horeeyey ee kasoo baxay waxay
tiradaas ka dhigeen 16, laakiin wararka u dambeeyey waxay tiradaas ku sheegeen
12], sidaas waxaa ku waramay TV-ga Canada ee
lagu magcaabo CBC
. Sidoo kale waxaa warbixintaas mid lamid ah ku waram TV-ga maraykanka ee ABC,
kaas oo ku daray in diyaaradaas nooceedu uu ahaa U.S.
CH-46 oo ay leeyihihin ciidanka badda ee Maraykanka.
Halkan ka daawo Warbixintii TV.CBC
Wixii kusoo kordha wararkaas
ka akhri halkan...
<><><>
Daawo
Khariidada Dagaalka ee Maalintii 1aad....
IRAQ
TODAY'S NEWS... | WORLD
LATEST NEWS
<><><>
WARARKII XALAY:
Wararka caawa ka imanaya dagaalka Ciraaq ayaa sheegay in
ciidamada Maraykanku ay bilaabeen dagaalkii dhulka, waxana ay qabsadeen magaalo u dhow xadka Ciraaq
ay la leedahay Kuwait.
Sida uu werinayo Telefishanka Canada ee CBC magaaladaas
gacanta u gashay ciidanka Maraykanka waa Umm Qasr oo ku taal Koonfurta
Ciraaq. Waxaana warku intaas ku daray ciidanka US. Marine ay xadka Kuwait ka gudbeen
caawa xilli
mugdi ah ayna magaaladaas qabsadeen, waxaana taas ka horeeyey hub culus oo
halkaas lagu garaacay intii aan ciidanku u tallaabin.
Sida uu weriyey TV-ga ABC, Ciraaq waxa ay
beenisey in magaaladaasi ay gacantooda ka baxday.
Waxaa warku intaas ku daray in qof jooga dhanka Kuwait
uu maqlay qarax aad u weyn kaddibna uu arkay holoc kasoo baxay meel durugsan oo
xigta dhanka Basra. Saraakiil Maraykan ahna waxay sheegeen in Ciraaq ay dab
qabadsiisay saddex ceel oo kuwa saliidda ah.
Warar kale ayaa sheegay in qarax laga maqlayey
agagaarka magaalada istaraatiijiga ah ee Basra oo ah magaalada ugu weyn
koonfurta ciraaq.
TV-ga Al-Jazeera ayaa ku waramay qarax ka
dhacay magaalada kale ee lagumagcaabo Mosul oo kamid ah Ciraaq.
Wararka ka imanaya Jordan ayaa sheegaya in
qaxooti ka imanaya Ciraaq ay halkaas soo gaareen [DAAWO
Halkan].
Qaraxii gantaalihii ku dhacay Baqdaaq
Sawirka AP: |
Dhanka magaalada Baqdaaq, waxaa habeenkii labaad laga
maqlayey gantaalada kasoo dhaca maraakiibta ee loo yaqaan Tomahawk kuwaas oo
kusoo dhacayey meelo yool ah oo kuyaal magaalada.
Qof u hadlayey ciidanka Ciraaq waxa uu sheegay in Ciraaq
lagu soo gamey 72 gantaal ee loo yaqaan cruise missiles, kuwaas oo uu sheegay in
badankooda laga hortegey (ama dhulka ay soo dhigeen Ciraaqiyiintu) laakiin
faahfaahin kama uu bixin arintaas sida warku sheegay.
Raadiyaha Ciraaq wuxuu sheegay in guriga qoyska Saddaam
Xuseen gantaal ku dhacay laakiin aan qofna ku dhaawacmin.
TV-ga Ciraaq wuxuu sheegay in dagaalkii Khamiista ay ku
dhinteen afar askarta Ciraaq ah, ayna ku dhaawacmeen shan kale. Ciiraaqiyiintu
waxa ay sheegeen meelaha la weeraray in ay ahaayeen goobo shacab.
Dhanka kale wararka ka imanaya Turkiga ayaa
sheegaya in dalkaasi uu diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka u ogolaaday in ay
dul maraan Turkiga. [Dhegeyso halkan]
Golaha ammaanka ayaa markiiba cabaareeyey dagaalka Ciraaq lagu
qaaday. [Dhegeyso halkan].
Madaxda adduunka ee ka hadlay dagaalka Ciraaq
waxaa kami ah madaxweynaha Ruuska, Vladimir Putin, waxana uu weydiistey in
dagaalka Ciraaq ay ku qaadeen ciidanka uu hoggaaminaya Maraykanku in la degdeg
loo joojiyo. Warbixin dheer oo arintaas ay ka qortay warbaahiunta Ruusku ka
akhri halkan. Madaxda kale oo ka hadlay dagaalka Ciraaq ka
akhri halkan.
Maalintii koowaad ee dagaalka Ciraaq waxaa
daafaha dunida ka bilaabmay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo weerarka Ciraaq.
Waxaa lagu soo waramay in 150 qof ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhacay
dalka Masar. [Halkan
ka akhri...]. Meelaha kale ee dunida ay mudaharaadyadu ka dhaceen ka
akhri halkan.. . Canadian-ka kasoo horjeeda dagaalka ka daawo halkan
Maraykanka waxaa hadda khaliijka ka jooga
ciidan aad u tira badan kuwaas oo xarumo kuleh wadamada Kuwait, Saudi Arabia,
Turkey iyo Qatar. [Akhri
halkan...].
Dagaalka Ciraaq waxa uu bilaabmay qiyaastii 90
daqiiqo ka dib waqtigii 48-ka
Saacadood ee kama dambaysta ahaa ee
Bush u qabtay in Saddam iyo wiilashiisu ka baxaan Ciraaq. Waxaana dagaalkaas
marakiisa bixiyey Madaxweynaha Maraykanka, Bush, asaga oo dadweynaha Maraykanka
kala hadlay TV-ga [Daawo Bush
oo bixinaya Amarkii dagaalka Ciraaq]. Saacado ka bacdi ayaa
Madaxweynaha Ciraaq, Saddam, oo gashan dharka tuutaha dagaalka asaguna ka
hadlay TV-ga Ciraaq, kaas oo si toos ah looga daawanayey telefishanada
Maraykanka [Daawo Jawaabtii
Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq].
<><><>
TAARIIKHDA
DALKA CIRAAQ..... GUJI
IRAQ
TODAY'S NEWS... | WORLD
LATEST NEWS
WORLD: AP
| AFP | Ruters
| CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| NYTimes | WPost
| Fox | theStar
| IOL
PAKISTAN: PakNews | Jang
| Dawn
MID EAST: Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
Somalitalk.com | Canada | March 20, 2003
Tixraac: CBC, ABC, moscow
times.
|