SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Madaxweynaha Jibouti iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo soo caga Dhigtay New-delhi Indi

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

May 19, 2002


MADAXWEYNAHA JIBOUTI OO LA FADHIYA MADAXDA RUGTA GANACSIGA HINDIYA

New-delhi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Mudane Ismail Omer Geele iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa Maalintii sabtidii ka Soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda New-delhi Ee Dalka India, Madaxweynaha Ismail Omer Geele waxa la filayaa Goor Dhow oo Maanta ah in uu la Kulmo Madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul kalam iyo Raysal wasaaraha Hindiya Atal Baheri Vajapyee, iyo wasiirka Arrimaha Dibadda yashwan Singh.

Mudane Ismail waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Ee Dalka Hindiya waxana ay ka wada hadleen Xidhiidh Ganacsi ee U Dhaxeeya Labada Dal, waxana la Sheegayaa in waftiga Madaxweynuhu ay la Socodaan Ragg Badan Oo Ganacsadayaal ahi .

Madaxweynaha Jibouti Mudane Ismail Omer Geelle waxa La filayaa In uu Booqasho Ku Tago Bombay ,Hyderabad Iyo Magaaladda Technologyadda Ee Hindiya Banglore.

Mudane Geelle Oo Imanaya Laba Cisho Dabadeed Bombay waxan wax ka waydiin Doona waxa uu ku saabsan yahay Safarkiisani [haddii waqtigu saamaxo]. Madaxweynuhu waxa uu kula Kulmi Doonaa Hyderabad Ardayda Reer Jibouti oo lagu Tiriyo Aradayda Ugu Badan ee Ajniba Ee Dalkan wax ka barata.

Wixii ku soo Kordha Booqashadda Madaxweynaha Waan Idinla Socod Siin Doonaa [insha Allah]

Warbixintii doorashadii Madaxweynaha Hindia... GUJI

Freelance Journalist: Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya

Abdiaziz2@hotmail.com 

May 19, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDICASIIS

Pakistan Iyo Hindiya oo Gaadhay Heshiis 
waa heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag GUJI 13/5

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD