SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NABADA PUNTLAND
Wararkii Ugu Danbeeyay ee Puntland, NBi Kenya Iyo Waliba Dubai, UAE.

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Bacda Salaan,

KAAH

Sida lawada ogsoon yahay waxa kor usookacay rajadii laga qabay in xal nabadeed lagu soo dabaalo gayiga Puntland ee somaliya, saaka [May 5] saacaddu markii ay ahayd 11:30 barkahdii ayaa waxa isu soobaxay dadwayne aad u farabadan, isla mar ahaantana qarkood ay lugaynayeen qaarka kalena ay dulsaarnayeen gawaari ay ka dul babanayaan caleemo qoyan , qaarkodna aad ka arki kartay Astaanta Calanka somaaliyed oo ka dulbabanaya Gawaarida, si kastaba ha'ahaatee waxay dadku wada hayeen waddada dheer ee soogasha magalada Bosaso, waxay dadku safnayeen waddooyinka daafahooda oo dhan, waxad meelkasta oo aad eegto ka dareemaysaa xamaasad saa'id ah oo dadka wajiyadooda kamuuqata.

markii uu xilliga ku beenaa 12:15 ayaa waxa soogaray controlka magalada Bosaso Gawaari aad u farabadan oo isagu jira kuwa Xamuulka iyo Gaadiidka Ciidamada, gawaaridaas oo ay dulsaarnayeen Ciidanka Mucaradka Puntland ayaa waxa ay la kulmeen soo dhawany aan marnaba niyaddada ka go'ayn oo ay ku dheehan tahay QIIRO WADANIYADEED, WALAALNIMO, NABADEED, TOLNIMO, XIGAALO,Iyo JACAYL SHACBIYEED, Ciidankaan oo iyagu u gacan haadinayay dadka waxaad wajiyadooda ka dareemaysaa HILOOW, Heesaha Wadaniga ah ee ay caanka Somaliya ku tahay ayaa ka baxayay Baabuurtii ka qayb qaadanaysay soo dhawaynta , hesahaas oo ay halkudhig yadooda ay kamid ahaaeen, (Maanta ...Maanta Waa Maalin Wayne Maanta , Maanta Maanta Madaxeed Banaane Maanta , Maanta maanta Maanta maanta) waxa kale oo kamid ahaa halku dhigaydii dhagaha shacabka sida aad ka ah u soojiitay Heestii Astaanta Qaranka Somaliyeed oo ah (Somaliyeey Toosooy , Toosoy Isku tiirsada), Waxa kale oo ka mid ahaa Heestii ahayd , (Hooy Afrikaay Hurudooy, Cadow Ku heeryee Hurudooy,Halyeeyadaadii Hurudooy Haadbaa cunayee Hurudooy), qoraal laguma sookoobi karo saaka jawigii laga arkayay deegaanka Gobalka Bari ee Puntland.

Dhalinta gawaarida Saaran ayaa waxa ka muuqday Wajiyadooda qashuuc, si kastaba ha'ahaatee Ciidankaan oo ay hor kacayeen Ciidamada Darawishta ayaa u leexday halka lagu magacaabo Girible oo qiyaastii Magalada bosaso u jirta 20 KM, ee xarunta dalxiiska Biyo Kulule ee Gobalka Bari.

Amaanka Magalada bosaso ayaa ahaa mid aad u sareeyay, meelkasta oo magalada kamid ahayd ayaa waxaad ka arki kartay Ciidanka Poliska Gobalka Bari oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta, si kastaba howshu ha'u dhacdee waxad dareemaysaa in dadku jacayl walaalnimo uu qalbiyadooda kamuuqdo.


UAE: 

Mar aan laxariiray dalka Isutagga Imaradka Carabta, magalada UAE waxa la'i sheegay in wafdi jaaliyadda ahi uu 'u anba baxay Magalada Bosaso, Xalay saqdii dhexe oo ay kaduuleen garoonka diyaaradaha ee magalada dubai, Terminal 1, wafdigaas oo isagu jiray siyaasiin iyo ganacsato waxa ka mid ahaa
1-Duuliye sare, Col Khaliif Ciise Mudan.
2-Cali Cabdi Cawaare.
3-C/Ladhiif Maxamed Bari (reebbi).
4-Yuusuf Jamac Daggal (Canbe-Canbe) 

waxa raggan wehliyay tiro aan ka yarayn oo ganacsato iyo wax garad isagu jira oo dhaman iska raacay Dubai, si ay oga wada qayb galan geedi socodka Hanaanka nabadda puntland.

Haddii rabbi idmo , isla magalada Dubai Iyo Shaariqa ayaa waxa iyagana kaduuli doona rag  ka tirsan Puntland, oo dhamantoodba diyaar u ah inay ka qayb qaataan hanaanka Nabadda ee Puntland, illaa iyo haatan magacyada khamiista diyaarka u'ah inay garaan Bosaso waxa kamid ah

1-Col Axmed Ismaciil Boqor.
2-C/laahi Saciid Samanter.
3-Col Cabdi Yassin
4-Mudane Maxamed Yasin Illey(jaaliyadda Malaysia).
5-Mudane,Sulux Cabdi Xaashi(Wakiilka DG Pland ee UAE)

Qaybtan waxaa wehliya dad badan oo iyaguna reer puntland ah, dhamaan qaybahan kala duwan waxay ka baxayaan Shariqa Inter-National Air Port, Iyo Dubai Inter-National Air Port, Illaa maalmahan waxa lafilayaa in UAE ay soogaari doonana Boqolaal dad ah oo reer puntland ah oo ka kala imanaya wadamada yurub iyo America, warkan waxa laga helay sargaal sare oo katirsan Galad Air oo fadhigeedu yahay Dubai. 

Mudane, Saciid Aden Shirwac oo kamid ah dadka daggan Dalka Isutagga Imaraadka Carabta ayaa isaguna ii shegay in Jaaliyadda Imaaradka ay wafdi u diridoonto Puntland si ay nabadda Puntland oga qayb qaataan.

Nairobi: 

Madasha shirka dib u heshiinta somaliyeed ee Magaalada Imbakazi ayaa waxa si aad ah looga hadal hayaa , oo aad looga soo dhawaynaya wada hadalka nabadda ee Puntland, isla markana waxay dadka somaaliyeed ku qanac san yihiin in illaahay nabadda puntland soo dadajiyo , isla markaana ay puntland tusmo u noqoto dalka somaliyeed intiisa kale.

Sargaal sare oo ka tirsan Urur Goboledka IGAD ayaa waxa uu iisheegay in Wafdi Kasocda Dowladaha ku bahoobay Ururaan IGAD ay gaaridoonan Magalada Bosaso Maalinka Barri ah oo ay taarikhdu tahay 06/05/2003 Talaado, waxa kale oo isla Talaadada gaaridoona magalada Bosaso wafuud kale oo ka-kala socota Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Madaxsare oo katirsan Ururka Midowga Yurub, iyo Waliba hay'adaha ka howlgala somaliya hogaankooda sare, waxa wafidan garab socda waxgarad ka kala imanaya Kismaayo, Nbi, Gado,oo dhamman kasoo wada kicitimi doona Magalada Nbi, Deeganada kale ee somaliya ayaa iyaguna waxa laga filayaa inay wax garad usoodirsadan shirkan.

Magaalada Bosaso ayaa aad dhaqaalaheedu kor ugu soo kacay, Hoteladii iyo makhaayadihii raashinka ayaa aad u camiran, Garowe, Galkacyo, Baran, lascanood, Buuhodle iyo Bariga Togdheer ayaa waxa kasoo baxaya wax garad aad u badan iyo shacabka qaarkiis.

NB: ugu danbayntii waxan dib idinkaga soo gudbin doona wixii aqbaar ah ee aan kahelno jawiga wanaagsan iyo Ifka Nabdda ee kasoo baxaya BOSASO.

Mahadsanidn

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 5, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Kulaabo Bogga Hore....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD