SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Saxaafada xorta ah iyo dagaalka
Dagaalkii Ciraaq iyo dhibaatooyinkii saxaafada la soo gudboonaaday

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
 
Arbaco, 07 may 2003
Faafin: Khamiid 08/05/03

KAAH

Saxaafada xorta ah waxaa lagu tiriyaa inay tahay awoodda afraad ee qaab dhismeedka dawlada, waana awoodda kaliya ee dadkoo dhami ay u siman yihiin, marka la mariyo dariiqeeda xaqa ah.

Sidaas darteed saxaafada xorta ahi waxay ku indha-la’dahay runta oo kaliya, waxayna had iyo goore baadi goobtaa xaqiiqda, suxufiyiintuna waxay u kala wanaagsan yihiin marba sida ay ugu kala jajaban yihiin raacd ada iyo soo helidda xaqiiqda maqan.

Saxaafada xorta ahi ma laha dano qarsoon (aan warbaahin ahayn) oo u gaar ah hay’adda warbaahineed ee saxaafadaas abuurtay ama dalka ay hay’addu ku abtirsato, haddiise ay danaha noocaas ahi jiraan waxay wiiqaan tayadii saxaafada, waxayna kala dhantaalaan kalsoonidii ay dadwaynuhu ku qabeen xogaha ay saxaafadaasi xanbaarsan tahay.

Saxaafada xorta ah waxay waajibkeeda si fiican u gudan kartaa marka ay hesho duruufo u saamaxaya inay si xor ah u shaqayso, oon laga carsha-carshaynin dadaalka ay xaqiiqo raadinta u galayso ama aan laga hor-joogsanin hilinnada ay u marayso soo helidda xaqiiqda.

Saxaafada ka hawlgasha - haddayba jirto - dalalka dunida seddexaad waxaa inta badan lagu dhalliilaa inayna xor ahayn, sababtoo ah waxaa gacanta ku haya oo jiheeya xukuumadaha dalalkaas ka jira, sidaas darteed waxay baahiyaan oo kaliya xogaha ay xukuumaduhu doonayaan inay gaadhsiiyaan dadkooda ama dunida inteeda kale, balse awood uma laha inay dhinaca kale xukuumadaha gaadhsiiyaan farriimaha ama afkaaraha ay dadwaynuhu doonayaan in la gaadhsiiyo xukuumadohooda.

Sidaas darteed markay saxaafada reer galbeedku soo xiganayso xog laga sheegay mid ka mid ah qalabka warbaahinta ee dalalka dunida seddexaad waxay muujisaa in xogtaas laga soo xigtay ”raadyow ama tilifishin ay xukuumadu maamusho”, taasoo macneheedu yahay inaan xogtaas si wayn loogu kalsoonaan karin, maadaama suxufiga soo diyaariyay aanuu u madaxbannaanayn daah ka rogidda xaqiiqada, isla markaana aanuu awood u lahayn inuu raaco qaabka dhalliil saxaafadeedka oo loo adeegsado turxaan bixinta xaqiiqda.

Hase yeeshee in kastoo dhalliilahaasi ay inta badan yihiin kuwo xaq ku qotoma, haddana waxaa jira hay’ado warbaahineed oo beryahan denbe cidhiidhi wayn geliyay hay’adihii warbaahineed ee reer galbeedka, kuwaasoo tilmaamihii saxaafada xorta ah ka min-guuriyay, isla markaana awood u yeeshay inay saami fiican ka qaataan dadyowga adeegsada qalabka warbaahinta.

Hay’adahaas waxaa ka mid ah kanaalka afcarabiga ku hadla ee Al-Jazira, oo ku yaalla waddanka Qadar. Kanaalka Al-Jazira wuxuu muddo gaaban gudeheed ku guulaystay inuu kasbado kalsoonida dadwaynaha afcarabiga ku hadla intooda badan, sababtoo ah waxay u arkaan inuu yahay kanaalka kaliya ee u shaqeeya si madaxbannaan ee aan loo yeedhinin xogaha uu faafinayo. Baadhis uu kanaalku sameeyay dagaalkii Ciraaq ka hor wuxuu ku sheegay in daawadayaashiisu ay 35 milyan oo qof kor u dhaafeen, markii uu dagaalku billowdayna tiradaasi way laba-jibbaarantay.

Laakiin nasiib darro waxaan maanta aragnaa ifaafaalo aan fiicnayn oo ka muuqda qaar ka mid ah saxaafada reer galbeedka, kaasoo laga yaabo inuu nuqsaan u keeno dhexdhexaadnimada saxaafada. Walwal badan ayaa laga muujiyay sida ay saxaafada iyo siyaasadu isu dhex-galeen, waxaana wadnaha farta lagaga hayaa in saxaafada loo adeegsado sidii aalad lagu faafiyo aragtida xukuumadaha, ra’yul-caamkana lagu khaldo.

Waxaan wada-xusuusanaa suxufiyiintii dharka dagaalka labbisnaa ee daba socday ciidamadii xulufada ee weeray dalka Ciraaq, kuwaasoo soo sheegayay marba waxa loo oggolaado inay soo sheegaan, sababtoo ah dhaqdhaqaaqooda oo dhami wuxuu gacanta ugu jiray hooggaanka ciidamada dagaalka ku jira, waxaana loo oggolaanayay inay tegaan ama soo arkaan marba meesha loo fasaxo, waxaana loo sheegayay marba xogta la is-leeyahay waxba uma dhimayso siyaasada iyo istiraatiijiyada ciidamada dagaalka ku jira.

Saxaafada reer galbeedka oo dagaalka Ciraaq ku kala qaybsantay

Sida ay siyaasiyiinta reer galbeedku ugu kala qaybsameen dagaalka Ciraaq ayay saxaafada reer galbeedkuna ugu kala tegtay dagaalka Ciraaq.

Saxaafada Maraykanku waxay si dhab ah ugu xayd-xaydatay inay bulshada Maraykanka ah ka dhaadhiciso fikradaha ay dagaalka ka rumaysnayd xukuumada Maraykanku. Wuxuu qof kasta oo raac-raaca qalabka warbaahinta ee Maraykanku si dhib yar u fahmi karaa in suxufiga barnaamijka samaynaya ama warka soo tebinaya iyo masuulka magaca xukuumada ku hadlaya ay isku aragti yihiin oo si isku mid ah u falanqaynayaan arrinta markaas laga hadlayo ee dagaalka Ciraaq ku saabsan.

Waxaan la wada-soconaa in suxufiyiinta la siin jiray oggolaansho gaar ah marka ay doonayaan inay si toos ah warar uga soo tebiyaan furinta dagaalka, waxaana suxufiyiinta noocaas ah loogu yeedhi jiray ”suxufiyiinta la oggolaaday”. Waxaa nasiib darro noqotay marka ay saxaafadii iyo qorigii walaaloobeen, oo suxufigii iyo askarigii isku weel wax ku cuneen, dhacdooyinkiina isku si u arkeen. Saxaafada Maraykanku waxay qayb ka noqotay wasaarada gaashaandhigga, suxufiyiintii askarta dagaallmaysa la socotayna waxay ku ekaadeen oo kaliya inay soo gudbiyaan dhambaalo borobogaandho u muuqda oo ka xog-warramaya sida ay askarta xulufadu dagaalka u wadaan.

Saxaafada Yurub iyadu way ka duwanayd midda Maraykanka, waxaana ka muuqatay inay xaqiiqada kaga dhawayd. ”Intii dagaalka Ciraaq socday waxaan u dhabba-galay warbaahin shisheeye ah oo badan, dareen maskaxeedkii ugu horreeyay een ka helayna wuxuu ahaa in saxaafada Yurub ay ku guulaysatay inay wararka dagaalka u soo tebiso si xaqiiqada uga dhaw qaabkii ay saxaafada Maraykanku dagaalka uga warramaysay”, sidaas waxaa tidhi barfasoor Romy Fröhlich, oo ku takhasustay cilmiga isgaadhsiinta, kana tirsan Jaamacadda Ludwig Maximilian oo ku taalla magaalada München ee waddanka Jarmalka.

Sababta ay saxaafada Maraykanku sida hagar la’aanta ah ugu taageertay dagaalka iyo ciidamada waxaa lagu tilmaamay in bulshada Maraykanku ay ka duwan tahay bulshada Yurub inteeda badan, oo dhaqan ahaan aan qiimo wayn siinin ciidamada iyo awoodda millatariga, halka bulshada Maraykanku ay ku faanto awoodda ciidan ee dawladeeda, arrintaasoo u horseedaysa inay si aan kala-hadh lahayn u taageerto cududda millatari ee dalkeeda, iyadoon aad looga baaraandegin cidda cududdaas millatari loo isticmaalayo iyo in xilligii ku habboonaa iyo meeshii ku habboonayd loo isticmaalayo.

Bulshada Yurub inteeda badan waxay aaminsan tahay in la soo dhaafay xilligii uu dagaalku ahaa aalad siyaasadeed, waxayna qabtaa in hannaanka dimuqraadiyadu uu yahay jidka kaliya ee mudan in la raaco, bulshada aaminsan hannaanka dimuqraadiyadana looga baahan yahay inay fikirkeeda ka dhaadhiciso cidda ka soo horjeedda iyadoon awood iyo dagaal isticmaalin. Qanaacada bulsho ee noocan ahna waxay dabcan saamaynaysaa qaabka ay suxufiyiinta Yurub u shaqeeyaan, taasoo ay kaga duwan yihiin saaxiibadooda Maraykanka ah.

Cabudhintii saxaafada oo socon wayday

Hase yeeshee in kastoo xulufadu ay ku dadaaleen inay saxaafada cabudhiyaan intii uu dagaalka Ciraaq socday iyo nitii ka denbaysay labadaba, haddana waxaa arrin lagu farxo ah in xaqiiqda dhinacyadeedii ay qarinayeen ee dagaalka ku saabsanaynd ay ka warrantay saxaafada kale een xulufada ku xidhnayn ama saxaafadii ”oggolaanshaha loo diiday”, sida saxaafada carabta inteeda badan, tan Jarmalka iyo kuwii la midka ahaa.

Wararka ugu xiisaha badan waxaa soo tebin jiray suxufuyiintii ku sugnaa gudaha magaalooyinka Ciraaq, kuwaasoo si fiican u kasbaday dareenka xog-raadineed ee bulshooyinka caalamka, dhambaallada ay soo gudbinayeena waxay kun jeer ka xiiso badnaayeen kuwii ay soo tebinayeen suxufiyiintii halmadyada xidhnaa ee ciidamada la socday, arrintaasina waxay wiiqday siyaasadii xog-cabudhinta ahayd ee Maraykanka, waxay sidoo kale qiimo ridday warbaahintii Maraykanka, oo iyagu aan saami fiican ku lahayn suxufiyiintii ku sugnaa gudaha Ciraaq intii uu dagaalku socday.

Waxaan wali xusuustaa su’aal la waydiiyay suxufi furinta uga soo warramayay kanaalka dheenishka ah ee DR1, ”waxayna ahayd su’aasha la waydiiyay in iyaga (suxufiyiinta ciidamada la socday) iyo suxufiyiinta carabta ahi ay isku si wararka u helaan”, wuxuuna ku jawaabay in iyagu ay sugaan oo kaliya warbixinta ay dhiibaan madaxda ciidanku, balse suxufiyiinta carabta ahi ay bulshada ku dhex jiraan, oo xogo toos ah ka halaan.

Edbinta saxaafada fadal-dheerta noqotay

Hase yeeshee xogaha tooska ah ee kanaallada carabta qaarkood ay dagaalka ka soo tebiyaan waxay ka cadhaysiiyeen madaxda Maraykanka, oo dhawr mar si toos ah u weeraray kanaalka Al-Jazira.

Maraykanku wuxuu Al-Jazira ku eedeeyay inuu dhacdooyinka buunbuuniyo oo u fasiro qaab Maraykanka ka dhan ah.

Waxay dad badani wali sii xusuustaan weerarkii ay ciidamada Maraykanku 8 abriil ku qaadeen Palestine Hotel, oo ku yaalla badhtamaha magaalada Baqdaad, halkaasoo ay degganaayeen suxufiyiinta shisheeyaha ah ee markaas ku sugnaa magaalada Baqdaad, waxaana weerarkaas ku dhintay labo suxufi oo ka kala socday Kankaalka Al-Jazira iyo wakaalada wararka ee Reuters.

Wasaarada gaashaandhigga ee Maraykanku waxay sheegtay in weerarkaasi uu is-difaac ahaa, oo ciidamada Maraykanku ay u jawaabeen rasaas huteelka lagaga soo riday, hase yeeshee suxufinyiintii halkaas ku sugnaa ayaa arrintaas beeniyay, oo sheegay inayna jirin rasaas huteelka laga riday.

Waxay kaloo suxufiyiintu beeniyeen in ciidamada Maraykanka rasaas lagaga soo riday dhismihii ay ku yaalleen xafiisyada kanaallada Al-Jazira iyo Abu Dhubi ee magaalada Baqdaad oo isla maalinkaas weerar lagu qaaday lagu dilay suxufi ka socday kanaalka Al-Jazira, oo lagu magacaabi jiray Taariq Ayuub.

Weerarradaas waxaa si wayn uga cadhooday ururrada saxaafada daneeya, waxaana loo fasiray tallaabo uu Maraykanku ku cabudhinayo saxaafada sida xorta ah uga xog-warranta dagaalka Ciraaq.

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
 

 QORAALADII HORE EE EXMEDYAASIINQAYB KALE EE QORAALADII AXMEDYAASIIN

Kulaabo Bogga Hore....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]