SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu dilay wadanka Koonfur Afrika

Axmed Dowlo | dawlo@hotmail.com  | K.Afrika | May 26, 2003 

Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.

Dukaanku wuxuu ku yaalaa xaafada la yidhaahdo Njoli Square ee magaalada Port Elizabeth oo ilaa 1150 km u jirta magaalada Johannesburg.

Sida uu ii sheegay Xuseen Cali Cilmi (Buto) oo ahaa mid ka mid ah mulkiilayaasha dukaanku, waxay laba nin oo hubaysan soo galeen dukaanka oo ah kuwa gada raashinka (grocery shop) waxayna bilaabeen inay rasaas ooda kaga qaadaan dadkii ku jiray dukaanka. Marxuum Shaafi oo hubaysnaa laftiisu ayaa isna kaga jawaabay inuu xabadaynayo nimankan duulaanka ah, waxayse nasiib daro saddex xabadood cuskadeen saablaydiisa. Isla goobtii lagu toogtay ayuu ku naf baxay marxuumku.

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika 

Waxaa kale oo dhaawac soo gaadhay haweenay South African ah oo shaqaale ka ahayd dukaanka. Dhaawaceedu ma aha mid halis ah.

Booliisku waxay sheegeen inayna wax war iyo wacaal ah ka haynin dadka dilkan gaystay, waxayna ku tilmaameen mid aad u fool xun oo laga gil-gisho.

Wadanka K/A wuxuu ka mid yahay wadamada aduunka ugu danbiyada badan waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay kuwa ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo wadamada “ku jira xaaladaha dagaal, sida Soomaaliya ama Congo oo kale”. Waxaa kale oo K/Afrika ay beryahan danbe caan ku soo noqonaysay danbiyada ajnabi nacaybka la xidhiidha.

Sida u diiwaan gashan ururka Jaaliyada Soomalida ee loo yaqaano Somali Association of South Africa (SASA) dilkan Shaafi wuxuu ka dhigayaa tirada Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika 20 qof.

Kuma koobna dilku Soomaalida oo kaliya ee waa dhibaato haysta dalka oo dhan. Tusaale ahaan 9 kii bilood ee u horeysay sanadkii 2001, tirakoob ay booliisku ka qaadeen 1130 booliis istayshin oo ku yaala wadanka K/Afrika oo dhan waxay sheegeen in mudadaas 9ka bilood ah lagu dilay wadanka dad gaadhaya 15,054 qof. Waxbixintan oo aan ka soo xigtay wasaarada bad-baadada dadweynahu waxay u kala qaaday danbiyada waaweyn ee wadanka ka dhacay sidatan:

Nooca Danbiga Tirada

  • Qudh-gooye 15 054
  • Isku day Qudh-gooyo 21 207
  • Dhac Hubaysan 87 610
  • Kufsi 37 711
  • Jaraaxo Dhiig ku daatay 188 961
  • Jaraaxo Caadi ah 182 110
  • Guri Jabsi 223 045
  • Dukaan Jabsi 67 279
  • Dhac Caadi ah 65 766
  • Xatooyo (dukaan oo kale) 49 661
  • Xatooyo (dukaan oo kale) 49 661
  • Xatooyo Baabuur 74 281

Booliisku waxay rumaysan yihiin in tirada danbiyada aan la soo wargalinin xarumahoodu ay aad u badan yihiin ayna suurta gal tahay inay intaasi ka badan yihiin.

Xuseen Cali Cilmi (Buto) wuxuu ii sheegay in marxuum Shaafi uu ku dhashay deegaanka Qabri-dahare uusana ka tagin wax reer ama caruur ah oo uu dhalay.

Axmed Dowlo

Shirkii Wasiirada Arimaha Dibada ee Afrikaanka ee ka socday wadanka Koonfur Afrika ayaa maanta lasoo gabagabeeyay iyadoo lagu falanqeeyay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay sidii ciidan loogu samayn lahaa qaarada

KAAH

 Shirkii 3aad ee aan caadi ahayn ee ay isugu yimaadaan wasiirada arimaha dibada ee wadamada Afrika oo ka socday lixdii maalmood ee lasoo dhaafay wadanka Koonfur Afrika ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo afartii maalmood ee u horeysay ka socday magaalada dalxiiska u gaarka ah ee la yidhaahdo Sun City oo ilaa 300 Km u jirta Johannesburg waxaa lagaga hadlay arimo ay ka mid yihiin:

* Sidii ay Afika u samaysan lahayd cudud militeri oo nabadaysa qaarada oo ay colaado iyo dagaalo ahli ihi la hadheen

* Sidii soo samayn lahaa gudiyo maamula barnaamijtan lagu samaynayo cududa milteri

* In la qiimeeyo wadamada Afrika ee xubnaha ka ah ururka xaaladahooda sanadkii la soo dhaafay (2002/2003)

* Iyo sidii lay sugu xidhi lahaa wadamada Afrika iyo dadka Afrikaanka ah ee dibadaha ku dhaqan (sida dadka madow ee Maraykanka oo kale & kuwa qaarada u dhashay ee u haajiray waayadan danbe qaaradaha aduunka ee kale)

Qodabkan uga danbeeya waxaa weeye mid aan horey ahmiyad badan loo siin jirin, hadase la ogaaday inay jaaliyadaha Afrikaanka ah ee ku dhaqan aduunka dacaladasiisa ay wax weyn ka geysan karaan hrumarka qaarada iyo amnigeedaba.

Sida lagu xusay qoraalkii kama danbaysta ahaa ee shirka waa la isku waafaqay dhamaanba qodobadan kor ku xusan iyadoo gudiyada farsamada ee la dooron doono ay u kala hor marin doonaan sida ay u kala ahmiyad badan yihiin. Shirkan oo ay gudoominaysay wasiirka arimaha dibada ee K/Afrika Mrs Nkozana Dlamini Zuma ayaa waxaa kale oo loogu gogol xaadhayaa shirkii caadiga ahaa ee sanadlaha ahaa ee ururuka Midinimada Afrika haatan loo bixiyay AU ee bisha July ka dhici doona Maputo oo ah caasimada Mozambique.

Iyadoo ay u saamixi wayday wasiirka arimaha dibada ee DKMG ah ee Soomaaliya mudane Yusuf Xasan Ibraahim inuu ka soo qayb galo shirkan, wadahadalada Soomaalida uga socda Kenya awgeed ayaa waxaa u matalayay DKMG ah ee Soomaaliya wakiilada kala ah:

1. Cabaas Yuusf Cabdi 
2. Max'ed Cabdi Diiriye (Qooqaani)
3. Axmed Mahad

Dawlada Kenya waxaa matalayay:

1. Mr. Cali Makwere 
2. Peter Ole Nkuyaiya
3. R.H.O. Okwaro
4. Brig. Michel Gichangi
5. R. Hadao
6. Prof C. Chesaina

Ethiopia waxaa matalayay shirkan wafti uu hogaaminayo wariirka arimaha dibada 1. Seyoum Mesfin ayna ka mid yihiin:
2. Kongir Sinegiorgis
3. Col. Getnet Yalew
4. Tesfaye Yilma
5. Abebe Kelemu
6. Daniel Yilma
7. Desta Kahsay
8. Tagele Tungamo

Waxaa dawlada Jabuuti matalayay:
1. Maxamuud Cali Yusuf
2. Ibraahim Maxamud Kamil
3. Fatxi Jamac

Halka ay dawlada Eretria ay matalayeen waftigan;
1. Mr Saalax Cumar
2. Testamicael Gherahtu

Shirkran waxaa Axadii lagu sagootiyi doonaa xaflad weyn oo loogu magac daray Africa Day oo lagu qaban doono garoonka cayaaraha ee la yidhaahdo Johannesburg Stadium. Xafladan waxaa lagu xusay sanadguuradii 40aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ururkii midnimada Afrika taariikhdu markay ahayd 25 May 1963. Waxaa ururkaasi aasaasay 31 wadan oo markaas xor ahaa iyada oo maanta ururka ay ka tirsan yihiin 53 wadan oo Afrikaan ah oo xor ah.

Axmed Dowlo 

Xaflad lagu xusayay 40 guuradii ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ururkii midnimada Afrika (OAU) ayaa lagu qabtay Johannesburg

Xaflad aad loo soo abaabulay oo loogu dabaal dagayo maalinta loo bixiyay Maalinta Afrika (Africa Day) ayaa lagu qabtay garoonka weyn ee cayaaraha ee magaalada Johannesburg, K/Afrika maanta.

Xaflada ayaa lagu xusayay 40 guuradii ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ururkii midnimada Afrika (OAU) taariikhdu markay ahayd 25 May 1963. Waxaa ururkaasi aasaasay 31 wadan oo markaas xor ahaa iyada oo maanta ururka ay ka tirsan yihiin 53 wadan oo Afrikaan ah oo xor ah.

Xafladan waxaa kale oo lagu sagootiyay shir asbuucii la soo dhaafay ooga socday Koonfur Afrika wasiirada Arimaha Dibada ee wadamada Afrika oo lagaga hadlayay qodobo ay ka mid tahay:
* Sidii ay Afika u samaysan lahayd cudud militeri oo nabadaysa qaarada oo ay colaado iyo dagaalo ahli ihi la hadheen
* Sidii soo samayn lahaa gudiyo maamula barnaamijtan lagu samaynayo cududa milteri
* In la qiimeeyo wadamada Afrika ee xubnaha ka ah ururka xaaladahooda sanadkii la soo dhaafay (2002/2003)
* Iyo sidii lay sugu xidhi lahaa wadamada Afrika iyo dadka Afrikaanka ah ee dibadaha ku dhaqan (sida dadka madow ee Maraykanka oo kale & kuwa qaarada u dhashay ee u haajiray waayadan danbe qaaradaha aduunka ee kale)

Xafladan oo bilaabatay saaka 7.30 am (Hal saac oo subaxnimo iyo badh) ayaa waxaa ka hadlay madax badan oo uu ka mid yahay M/weynaha K/Afika Mr. Thabo Mbeki oo amaanay madaxdii aasaastay ururkii hore ee midnimada Afrika, iyadoo uu halkaas joogay m?weynihii hore ee dalka Aljeriya Mudane Axmed Ben Bella oo ah ninka kaliya ee ka nool madaxweynayaashii Afrika ee aasaasay ururkii OAU ee haatan loo bixiyay AU.
M/weyne Mbeki oo ay weheliyaan madaxweynaha wadanka Maali mudane Axmad Toumani Toure, iyo madaxweyne Jean-Bertrand Aristide, oo ah madaxweynaha Haiti (oo marti sharaf ahaan u joogay shirka) ayaa waxay soo bandhigeen qoraalo lagu maamuusayay tabarucaadkii ay dadka reer Afrika ku dareen il baxnimada aduunka. Qoraaladaas waxaa laga soo gaadhay jaamacadihii Timbuktu ee Maali oo ahaa kuwa inta la xasuusan yahay aduunka ugu horeeyay.

Maanta oo caadiyan ahayd maalin fasax ah oo shaqooyinka laga nasto ayaa aad la isu soo dhoobay garoonka ay xafladu ka socotay iyadoo markii ay booliisku ka cabsadeen inuu buux dhaafo ay albaabada u xidheen xaflada.

Mbeki wuxuu u sheegay dadkii xaflada isugu yimid in qaarada Afrika oo ay la hadheen colaado hubaysan iyo macaluuli sababtuna ayna ahan buu yidhi in Afrika ay tahay meel fakhri ah oo uusan raashin ka bixi karin, ayse tahay dadka reer Afrika oo ku guul daraystay inay gacmaha is qabsadaan oo dhulkooda iyo dadkooda gaadhsiiyaan aduunka kale ee horusocodka sameeyay. Wuxuu xusay in barnaamijka cusub ee uu wato ururka AU lana yidhaahdo NEPAD uu daawo ka noqon doono horumar la’aanta iyo xasaradaha ka jira Afrika, laakiin ay tahay in dadka reer Afrika ay ka shaqeeyaan inay xaqiijiyaan riyadan.

Mbeki wuxuu kale oo dadkii isu yimid ka codsady inay ilaa 2 daqiiqo u aamusaan iyagoo u murugaysan dadka walaalahooda ah ee reer Aljeeriya oo dhul gariirka ka dhintay.

Xafladu waxay ku dhamaatay iyadoo ay duceeyeen madaxda ururada diimaha ee K/Afrika. Wallow ay dad aad u badan oo doonaya inay soo galaan xaflada tubnaayeen banaanka iridaha garoonka hadana may ayna dhicin wax rabshado ama zaxmad ah xafladuna waxay ku dhamaatay si xasiloon.

Axmed Dowlo | dawlo@hotmail.com  | K.Afrika | May 26, 2003

 QORAALADII HORE EE AXMED DOWLO 

Faafin: SomaliTalk | May 26, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD