SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Imisa qof ayaa Sannad walba u dhinta Sigaarka ?

Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale
ARALEVIP@hotmail.com

Madras,INDIA.

KAAH

Sannad kasta waxa u dhinta sigaar cabista dad gaaraya ilaa 2.5 million oo qof aduunka oo dhan, Maraykanka keliya ayaa waxa u dhinta ilaa in kabadan 400,000 oo qof, iyada oo laga mam nuucay meelaha baaarar ka ah iyo meelaha shaqooyinka iyo weliba in laga iibiyo sigaarka dadka da'doodu ka yar tahay 18 jir, iyada oo dadku u dhimanayaan sigaarka ayaa haddana shirkadaha soo saara ay ka helayaan faa'ido [profit] aad u badan .

Sidee bay u helaan faa'idadaas? Waxaa jira intaas oo sharci oo ka soo horjeeda sigaarka sannadkii 1998 ayaa sharci la soo saaray in aan sigaarka lagu cabin baarar ka [maqaayadaha], document laga helay shirkada weyn ee Philip Morris ee sigaarka ayaa sheegtay in arintaasi u yeelan doonto xaalad dhaqaale oo xun shirkadaha, sedex amaba shan sigaar oo uu yareeyo qofka cabaa ayaa khasaaro ugu filan shirkadahaas oo wayaya lacag dhan nus million dollar sanadkiiba.

Dedaal ay ku rabaan inay jeclesiiyaan dadka sigaarka caba ee u ah macaamiisha ayay sameeyaan, beeno iyo waxyaabo khayaali ah oo xayeysiina ayay soo bandhigaan si ay u soo jiitaan dadka caba sigaarka, una sameeyaan dedaal ay hoos ugu dhigayaan kuwa ku ah mucaaradka ee soo saara shuruucka ku lid ka ah, si ay u helaan faaiido.

Bal kawaran waxyeelada uu u gaysto sigaarku caafimaadka qofka aan cabin?

Sannadkii 1993 ayaa waxaa warar shegeen in qofka aan cabin sigaarka laakiin agtiisa lagu cabo uu ku dhaco sanbab xanuuna uuna qaado cudurka Cancer-ka iyo laguna arko dhuunta oo cuduro ku dhacaan, waxaana arintaas sii cadeeyey boqolaal baadhis oo la sameeyey, iyada oo ay hadda leeyihiin shirkadaha sigaarku waxaas oo dhan ayaa been ah.

Philip Mosrris war uu sii daayey sanadkii 1987 ayuu ku sheegay in dedaalka ka dhan ka ah sigaarku uu 600,000 oo dhalinyaro ah ka xanibay inay cabaan balwadaas sigaarka, sanadkii 1978 ayaa la sheegay in ay ugu badan yihiin dadka caba sigaarka nooca Marlaboro dadka da'doodu ka yar tahay 17 sanno iyo weliba kuwa dhigta iskuulada sare, waxaana la ogaaday in sigaarku uu dilo in kabadan 20,000 oo qof Maraykan maalintiiba.

Mucaaridida sigaar cabida ayaa ah mid hadda aad loo maqlo dalka Maraykanka.

Sigaar cabdidu waa dilaa dila dadka in ka badan inta ay dilaan shilalka, cabista khamirga iyo weliba isdilka iyo AIDS-ka.

Shirkadaha sigaarka ayaan kala eegin qofka waxa uu yahay ee laakiin waxay eegtaan doolarka jeebkooda kusoo dhacaya.

Qofkasta ayaa og dhibtiisa sigaarka iyo sida uu wax u dilo, markaa waa inaan iskaga fogaanaa, ma igu raacsantahay akhristow?

Dalka Somalia ayaa uu sigaarku ka helay fursad aan la maamulayn [control], iyada oo ay sigaarka cabaan dad aan yarayn oo aad u badan oo dhalinyarada u badan, mana ku fikirayaan inay joojiyaan sigaarka xataa ma yaqaanan inay kala baxaan qolka ay kujiraan ciyaalkoodu amaba qolka jiifka.

Badnaanta sigaarka Soomaliya waxaa sababay iyada oo yar yihiin wacyi galinta halista sigaarku u lee dahay caafimaadka qofka, Somaliya ma jirto hay'ado dawli ah oo xakeemeeya isticmaalka sigaarka oo aan lahayn goobo xuduudeed uu ka xaniban yahay.

Cabista sigaarka ugu badan Somaliya waxaa aad loo cabaa marka la cunayo Jaadka (qaadka)

Waxaa jira qaylo badan oo ka digaysa cabista sigaarka ee Afrika, hay'ada caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ayaa sheegtay dhowaan in dadka Afrika ay cabaan sigaarka inta ugu badan aduunka, waayo waxaa u geeysanaysa aqoon la'aanta iyo shaqo laanta ku badan Afrika.

Shirkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa ka sameestay Afrika xarumo waa weeyn oo warshado ah, iyagoo ka soo cararaya lacagta tirada badan ee dalalka horumaray ku soo rogaan canshuurta warshadaha sigaarka soosaara, waxaana afrika ugu baaqda lacag badan oo ay ku bixin jireen canshuurta, waxaana wax lala yaabo ah iyada oo aanay waxba ka qaban dowladaha ka jira Afrika.

maamulada ka jira Somalia ayaan xil iska saarin halista sigaarku ku hayo dadkooda gaar ahaan dhalin yarada, iyadoo ay maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii badanayso dadka baranaya sigaarka dalka Somalia, si gaara dhalinyarada.

Sigaarka oo guba amaba madoobeeya wejiga qofka oo dila quruxda ilkaha ayaa waxa ugu daran ee uu keeno ay tahay cancer ka iyo sanbabada oo madoobaada iyo weliba shaxaad aan xishood lahayn.

Waxaa qoray

Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale

ARALEVIP@hotmail.com

Madras,INDIA.

WASALAAMU ALIKOM ALL AKHYAARTA

Faafin: SomaliTalk | May 31, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD