SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

war-2-15,Novembar,Mbagathi,Nairobi
Isimada Daarood iyo Isimida Dir oo soo saarey baaq ku Wajahan Dagaaladii dhawaan ka Dhacay Xeraale.......


JAMHURIYADA SOOMAALIYA.

UJEEDO:BAAQ NABADEED


Baaqan waxaa jeedinaya isimada beelaha dir iyo daarood ee kusugan shirka dib uheshiisiinta Soomaalida Mbagathi.

Waxaa mudan in la xusuusto khasaaraha uu dagaalku leeyahay iyo inaan wax faa'iida ah lagaraareynin dagaal beeleed qof baakudhinta ee qofkuma dhasho, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa beelihii ku dagaalamay tuulada xeraale qodobada hoos kuqoran.

1.waaa in dagaalka si shuruud la,aana loojoojiyo ,ciidamadana lagu celiyo fariisimadoodii hore, ilsamarkaana la ilaaliyo xabad joojinta.

2. waxkasta oo khilaafaada waa in lagu dhameeyaa wadahadal silooga bad-baado guuldarada uu dagaalku leeyahay ee ah dhimashada, dhaawaca iyo barakaca.

3.waxaan ugu baaqeeynaa beelaha dariska ah iney kala dhax galaan beelaha ay colaadu kadhaxeyso
anagoo uga mahad celineyna beelihii horay ukala dhax galay.

4. waxaan kacodsaneynaa beelaha kudagaalamaaya tuulada xeraale iney xusuustaan, ayadooy xaaraam tahay dhiiga Muslimka in sharcidaro lagu daadiyo, hadana in lagujiro bil Ramadaan, sidoo kale iney yihiin dad wada dhashay darisna ah loona baahan yahay inla ilaaliyo xuquuqda uu illaahay isugudaray.

Magaca duubabka baaqa soojeediyey.

Isamada Daarood
1.Garaad Abshir Saalax Maxamed-----------------------------
2.Garaad C/llaahi Cali Ciid------------------------------------
3.Ugaas C/llaahi M/lin Haaruun-------------------------------
4. Sudaan Aadan C/llaahi Xuseen ------------------------------
5.Ugaas Max,ed wali SH. Axmed Noor -- Afhayeenk Isimada Beesha Daarood --


Isimada Dir
1.Ugaas Xuseen Ugaas Cumar----------------------------------
2.Ugaas C/raxmaan Ugaas Xuseen------------------------------
3.Ugaas Faarax Ugaas Cabdi------------------------------------
4.Ugaas Saalax Ugaas C/noor------------------------------------
5.SH. Maxed Sh.Yuusuf Direed ------Afhayeenka Isimada beesha Dir

Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

SOFIHA OO GOGOL NABADEED U FIDINEYSA BEELIHII KU DAGAALAMAY XERAALE

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD