SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA SOOMAALIDA?

W.Q. C/shakuur Cali Mire
Qoraa iyo weriye goobjooge u ahaa shirka halkii sano ee uu socday.
Email shakuur111@hotmail.com

Dadka Soomaalidda ah ee ka qaybgalaya shirka Soomaalida ama sida fiican xog-ogaalka ugu ah arrimaha shirka dib-u heshiisiinta Soomaalida iyo heerka uu marayo, markii ay arkaan cinwaanka qormadaan waxaa dhici karta in ay si deg deg ah u-fahmaan ujeedada qoramadan, balse si ay dad badani wax uga ogaadaan heerka uu marayo shirkii Soomaalida mudada halka sano ah uga socday dalka Kenya, ayaan waxaan qormadaan ku eegaynaa sababahii ugu muhiimsanaa ee hoos u dhigay rajadii laga qabay shirka Soomaalida, waxaan soo bandhigaynaa xogo iyo warar aan soo uruurinay oo intooda badan quseeya shirka, gaar ahaan waxaan faaladaan la beegsanay wax yabaabihii dhacay wixii ka dambeeyay 15,September 2003 oo ahayd maaliinkii uu danjire Kipligat ku dhawaaqay in la meelmariyay Axdigii KMG ahaa ee lagu dhaqi lahaa Soomaaliya afarta sano ee soo socota. Go`aan kaas oo la rumaysan yahay inuu ahaa go`aankii godka dheer ku riday rajadii lagaqabay in ay shirka kasoo baxdo dowlad loo dhan yahay oo kulmisa dhamaan kooxaha siyaasada Soomaaliya, War-bixintan waxaa dhici karta in dadka qaar u arkaan in ay dhinac u xaglinayso, balse waxaa ay ka turjumaysaa xaalada rasmiga ah ee uu shirku ku sugan yahay.

Dadaalkii lagu soo celiyay madaxdii shirka ka maqnayd.

Dawladda Kenya iyo guddiga farsamada IGAD-ba waqti dheer ayay ku qaadatay in ay shirka dib ugu soo celiyaan madaxdii horay shirka uga carootay ama iskaga baxday-ba markii ay saluugeen sida loo maareeyay arrimaha qaarkood. Arrintaasna waxaa ay keentay in dowladda Kenya u dirto Soomaaliya Safiirkeeda u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey si uu ugu soo qanciyo hogaamiyayaal ay ka mid ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan , Barre Adan shire, Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato iyo kuwo kaleba in ay shirka dib ugu soo laabtaan.

Dadaal kaas ayaa guulaystay kadib markii ay hogaamiyayaashaasi, shir ay Muqdisho ku yeesheen ku go`aan sadeen in ay shirka dib ugu laabtaan, ayagoo ka jawaabayay codsigii iyo dadaalkii ay dawladda Kenya muujisay. waxayna markaas qabeen niyadsami ay dowladda Kenya ka haysteen, niyadsamidaas oo ahayd in wax laga qabanayo arrimihii ay ka cabanayeen ee ay shirka markii horeba uga baxeen, taas oo qaar kood ku tilmaameen in ay balanqaad rasmi ah ka haysteen dowladda Kenya, balanqaadkaas oo tilmamayey sida qaar ka mid ahi sheegeen in wax laga qabanayo arrimihii ay ka gadoodeen.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa ay ahayd 14Sep2003 maalinkii ay soo gaareen magaalada Nairobi wafdi balaaran oo ka koobnaa dhinacyadii Muqdisho baaqa ka soo saaray, go`aansadayna in ay shirka dib ugu soo laabtaan, waxayna kala ahaayeen dhinacyadaas, Madaxwayanaha Dowladda KMG ah C/qaasim Saalad Xasan, Gudoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba Col: Barre Adan Shire, ku xigeenada Muuse Suudi Yalaxow, oo kala ah Eng Cadow iyo C/raxmaan Shifti, Hogaamiye Kooxeedka Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Cabullaahi Black oo ah ku xigeenka xaabsade, soo noqoshada hogaamiyaashaas ay shirka dib ugu soo laabteen ayaa waxaa ay ahayd tilaabo ay soo dhaweeyeen wakiilada beesha caalamka gaar ahaan dowladdaha arrimaha Soomaaliya daneeya iyo Soomaali badan oo jecel in uu shirku guulaysto si loo helo dowlad loo dhan yahay oo dhibaatada ka saarta shacabka Soomaaliyeed ee 13-ka sano dowladd la`aantu halakaysay.

Haddaba markii ay hogaamiyaashaas soo gaareen magaalada Nairobi oo ahayd galabnimadii 14Sep2003 waxaa ay subaxnimadii 15Sep2003 bilaabeen shirar iyo wadahadalo ay la yeesheen madax ka socotay dowladda Kenya, sida uu sheegay C/qaasim Mar uu la hadlayay dad Soomaaliyeed oo ku shirsanaa Hotelkii uu daganaa waqtigaas ee Grand Regency, waxaa uu sheegay in markii ay hamayn baryeen subaxnimadiiba lagu wargaliyay in uu jiro shirkii guud ee ergooyinka Soomaalidda ee lagu ansixin lahaa Axdiga KMG ah. C/qaasim oo arrintaas ka hadlayay ayaa waxaa uu yiriwaxaa noo yimid Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Kenya iyo Danjire Kipligat iyo saraakiil kale oo dowladda Kenya ka socday, waxayna noo sheegeen in uu maantay jiro shirkii lagu ansxin lahaa Axdiga KMG ah, waxayna naga codsadeen in aan ka soo qaybgalno shirkaas, waliba waxaa uu Kipligat si gaar ah noogu sheegay in uu u-safrayo dalka Biljam oo uu midowga Yurub warbixin ka soo siinayo heer-ka uu shirku marayo, waxaan ugu jawaabnay, marka hore anagu shirka maantay tagi mayno, waxaana soo jeedinaynaa in la joojiyo, xalay ayaan nimid waxaan ubaahanahay in aan waqti u helno sidii aan anaga Soomaalida ah iskaga afgaran lahayn khilaafaadka naga dhexeeya, gaar ahaan in aan isla meel dhigno Axdiga KMG ah , sidaas darteed waxaan codsanaynaa in shirka labo ilaa sadex casho naloo hakiyo, Kipligat waxaan ku iri safarkaaga aad oo markaad soo laabato kadib ayaan isku imaanaynaa, shirkana hala joojiyo, sidaas ayaan ku heshiinay oo waxaan ku kala tagnay in shirka la joojiyo sadex casho, hase ahaatee saacado kadib ayaa waxaa noo yimid dublumaasiyiin ay ka mid ahaayeen xoghayaha guud ee IGAD ninka lagu magaacabo Attala Bashiir iyo Safiirka Talyaaniga Carlo Ungaro iyo sarkaal ka socday Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya, waxay noo sheegeen in aan maantay shirka dib loo dhigi Karin, sidaas darteed waxaan idinka codsanaynaa in aad shirka timaadaan, waliba safiirka talyaanigu waxaa uu moodayay in Axdiga KMG ah qodob qodob looga doodi doono ee muusan moodayn in ay halmar sacab ay ku ansixnayaan sidoodii, qoladaas dambana waxaan u sheegnay hadii la doonayo in shirka ay ka soo baxaan wax loo dhan yahay waxaa lagama maarmaan ah in waqti aan uga baaran degno Axdiga iyo arrimha shirka oo dhan nala siiyo, waqti badan maanan codsan ee sadex casho ayaan codsanay, markii ay qolyahaas naga tageen galabkii waxaa naloo sheegay in la yiri waxaa la meelmariyay Axdiga KMG ah oo waliba dad isku dayay in ay aragtidooda dhiibtaan meesha lagu garaacay oo wax yeelo loo gaystay, halkaas ayayna ruwaayadoodii ku dhamaysteen ileen awalba ruwaayad ayaa waxaa dhiganayay hal koox ah oo iswadatay”.

Sababihii suurta galiyay in la meel-mariyo Axdiga KMG ah.

Bal dhanka kale aan eegno haddii ay C/qaasim iyo saaxiibadiis sidaas la kulmeen, waxaa ayana iswaydiin mudan, muxuu yahay xooga jiiray hoogaamiyaashaan? oo suurta galin waayay in la maqlo codsigooda ay ku dalbanayeen in sadex casho shirka loo hakiyo, kuwaas oo mudo dheer laga shaqaynayay sidii ay shirka dib ugu soo noqon lahaayeen, ayagoon maalin joogina lagu dhawaaqay in la meelmariyay Axdigii KMG ahaa,

Su`aashaan jawaabteeda dadka qaarba meel ayay ku dhufanayaan, qaar waxaa ay leeyihiin waxaa jiray shirqool iyo kutalagal ahaa in sidaas loo la dhaqmo hogaamiyaashaas, qaar kale waxaa ay leeyihiin Danjire Kipligat ayaa aad u doonayay in uu midowga Yurub la tago go`aan ay soo dhaweyn karaan, kaas oo ah in Soomaalidii isku raacday Axdi KMG ah loona gudbay wajigii awood qaybsiga, ama wajigii ugu dambeeyay ee shirka, sida heshiiskii5/7/2003ee ay gaareen hogaamiyaasha xiligaas oo uu danjire Kipligatna kaqaybgalayay shir madexeedkii Midowga Afrika oo uu latagay heshiiskaas, si uu madaxda Afrika uga dhaadhiciyo inuu shirku meel wanaagsan marayo, balse heshiiskaaa ayaan waxba ka fulin, dadka qaar waxaa ay leeyhiin Itoobiya ayaa arrimahaas oo dhan falkisay, hase ahaatee anigu haddii aan eego sidii wax u socdeen waxaa ay iila muuqataa sidatan.

Marka laga soo bilaabo waqtigii ay hogaamiyaashaas soo gaareen magaalada Nairobi ilaa lagu dhawaaqay Axdiga KMG ah in la ansixiyay, waxaa socday dadaal weyn iyo dhaqdhaqaaq badan oo ay wadeen kooxda SRRC iyo qaar ka tirsan TNG gaar ahaan garabka Xasan Abshir iyo Cabdalle Deerow, waxaana dadaalkaas ku weheliyay hogaamiye kooxeedka Maxamed Qanyare Afrax oo ay asaga kala boodeen inta badan madaxdii kooxda G-8 oo uu horay gudoomiye ugu ahaa , balse ay siyaasadu kala leexisay. dadaal-kaan ayaa waxaa lala beegsanayay in aan marnaba la ogolaan qorshe kasta oo lagu doonayo in dib loogu dhigo kulanka guud ee ergooyinka ee lagu meelmarinayo Axdiga KMG ah, Danjire Kipligat ayaa isku dayay subaxnimadii hore ee maalintii 15Sep2003 inuu ku qanciyo madaxa kooxaha doonayay in la furo shirka in ay siiyaan sadex casho madaxda kale ee shirka dib ugu soo laabatay oo dadaal dheer loo galay sidii ay shirka ugu soo noqon lahaayeen, hase ahaatee soo jeedintaas Danjire Kipligat waxaa uu kala kulmay diidmo adag iyo in loogu hanjabay haddii uu shirka baajiyo in ay shirka ka baxaayan dhamaan gollaha S.R.R.C. iyo qolyaha ay isku aragtida yihiin, waxayna isla markiiba kooxda SRRC-du ka abaabuleen bartamaha Xerada Mbagathi mudaaharaad aan saas uweynayn oo lid ku ah in la joojiyo shirka. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayeen in ay kooxda SRRC jabisay albaabka Hall-ka shirarka oo xirnaa iskana buuxiyeen guddaha Hall-ka si ay umuujiyaan rabitaankooda, tilaabadaas oo ka mid ahayd tilaabooyinkii ay culayska ku saarayeen gudoomiyaha shirka danjire Kipligat si uu u-furo shirka.

Haddaba arrimihii u ahaa udub dhexaadka in madaxdii Soomaalida iyo kooxihii Soomaalida oo aan u dhamayn shirka ama ansixinta Axdiga KMG ah, laguna dhawaaqo in la meelmariyay Axidiga KMG ah, ayadoo ay banaanka ka joogaan hogaamiyaal iyo ergo badan oo muhiimad u lahaa shirka sida aqoonyahano iyo siyaasiyiinka soo jeedo gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo aan fursad loo siin in ay aragtidooda ka dhiibtaan, ayaa waxaa lagu soo koobi karaa qodobadan.

Kooxda S.R.R.C. oo markasta ku dadaasha in ay qaadaan tilaabooyin ay kaga soo horjeedaan kooxaha kale ee ay siyaasadda isku diidan yihiin, waana wax markasta laga dareemo shirka Soomaalida heerka adag ee uu gaarsiisan yahay garabootanka siyaasadeed ee ka dhexeeya hogaamiyasha Soomaalida, taas oo maalinkaas S.R.R.C. ku qasabtay in ay qaadaan tilaabo kasta oo lid ku ah hogaamiyaasha ay ka mid yihiin C/qaasim,Barre, Cusmaan Caato, Muuse Suudi iyo inta la aragtida ahba oo ay siyaasad ahaan aad ukala fogyihiin kooxda S.R.R.C. Xubin sare oo ka tirsan gollaha S.R.R.C. ayaa waxaa uu yiri“ Danjire Kipligat waxaa maalinkaas qabsatay labo daran mid dooro anaga go`aan ayay naga ahayd in aan ka dareerno shirka hadaan maalinkaas la ansixin Axidiga KMG ah” ma shaqsiyaad ayaan u xayirnaanaynaa ayuu is waydiiyay” inkastoo ay jiraan qodobo muhiim ah oo ka mid ah Axdiga KMG ah ayna dhici kartay hadii ay C/qaasim iyo raga weheliyay ay fursad u heli lahaayeen aan la meel mariyeen oo ay ka tuuri lahaayeen Axdiga KMG ah, in aan madaxdaas fursad loo siin in ay dib u eegid iyo talaba ku yeeshaan Axdiga KMG ah, ayaa waxaa uu ahaa qodob ay ka midaysnaayeen gollaha S.R.R.C.da iyo dowladda sida weyn u-taageerta golahaas, taas ayaana kaliftay in ay ku dhaqaaqaan talaabadaas, isku soo wada duuboo qodobkaas ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee cararka keenay.

 

Xasan Abshir iyo Cabdalle Deerow ayaa maalintaas ka mid ahaa madaxdii geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in la meelmariyo Axdiga KMG ah, waxaana jirtay sabab muuqatay oo labadaas hogaamiye ku riixaysay in ay tilaabadaas qaadan, sababtoo ah shuruudihii uu Madaxweyne C/qaasim uu shirka ugu soo laabtay ayaa waxaa ka mid ahaa in aysan Xasan Abshir iyo Deerow matalin ergada dowladda KMG ah, haddaba si uusan C/qaasim ugu hirgalin shardigaas, oo labadaas hogaamiye ka dhigilahaa xubno caadi ah oo shirka kaqayb galaya ayay waxay door bideen; si ayasan taasi u dhicin in la meelmariyo Axdi aan loo dhamayn si ay u beegsadaan wajiga sadexaad ee shirka oo hogaamiye kasta u celinaya gudaha beeshiisa taas oo aan C/qaasim u ogolaalayn inuu ka aarsado labadaas hogaamiye ee ay kala fogaadeen kadib markii ay isku jiireen siyaasada Soomaaliya ee jiha la`aanta ah. Qodobkaasna waxaa uu ahaa qodob kaalin weyn ka ciyaaray meelmarinta Axdiga maalinkaas, waxaanad ogataa in ay mowqifkaas ay labadaas hogaamiye taageero uga heleen kooxda S.R.R.C. iyo qaar ka tirsan dowladdaha safka hore oo ayagu markasta hortaagnaa in uu C/qaasim kaalin mug leh ku yeesho shirka.

Ergada PuntLand ee hogaamiyo Col Cabdullahi Yuusuf ayaa ayagu waxaa ay ka cararayeen in hogaamiyaashaas yimid faragalin dambe ku sameeyaan Axdiga KMG ah taas oo ay uga cabsi qabeen in la hor istaago qodob-ka tilmaamaya jiritaanka dowladd Goboleedyo oo ay reer Puntland aad ugu dhagnaayeen, balse markii dambe la yiri waxaa laga gaaray heshiis meel dhexe la iskugu yimid, taas oo ay qolayaha dhaliilsan Axdiga KMG ah ku tilmaameen in aan qodob-kaas wax badan laga badalin ee kaliya siiqadii hore wax laga badalay laakiin uu macnihii wali meesha ku jiro haddaba reer Puntland ayaa maalinkaas dhankooda ugalay dadaal iyo orad sidii loo meelmarin lahaa Axdiga KMG ah si ay uga baxsadaan dood markale lagu hor-istaagayo qododbka ay sida wayn udanaynayeen.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa asagu maalinkaas aan kaalin yar ka qaadan meelmarinta Axdiga KMG ah ee ilaa hadda lagu muran sanyahay, ayadoo ay Qanyare qaar ka tirsan kooxda G-8 in mudo ahba ku xamanayeen inuu balan hoose lagalay kooxda S.R.R.C. iyo dawladda Itoobiya. Arrintu si kastaba ha ahaatee Qanyare waxaa ay maalinkaas dani biday in uu fagaaraha ka cadaysto mowqifkii in muddo ahba lagu xamanayay, waxayna si cad u kala leexdeen saaxiibadiis, ay in ka badan halsano ka wada tirsanaayeen kooxda G-8 oo asagu gudoomiyaha u ahaa waxayna asaga iyo Barre Hiiraale siiyeen waraysiyo aad u kala fog Idaacada BBC-da. dadka sida rasmiga ah u la socda shirka Soomaalida ayaa waxaa ay leeyihiin Qanyare maalinkaas waxaa uu taageero muhiim ah u fudiyay kooxda S.R.R.C. oo raadinaysay cid ku taageerta mowqifkooda oo kooxaha kale ee Soomaalida ah sababtoo ah Qanyare waxaa uu huwaanaa magicii kooxda G-8 oo ay si aad ah isaga soo horjeedeen kooxda S.R.R.C. waxayna tilaabadaas uu Qanyare qaaday u noqotay kooxda S.R.R.C. daliil ay markasta adeegsadaan in kooxda G-8 go`aanka wax ka gaartay, inkastoo la’og yahay in inta badan kooxihii ku midaysnaa kooxda G-8 ay diideen go`aankaas.

Qodobaka shanaad ayaan waxaan oran karnaa waa taageeradii iyo dadaalkii ay dowladda Itoobiya la garab istaagtay go`aan kaas , xubinimada guddiga fasamadaIGAD ee ay Itoobiya ka mid tahay ayaa u suurtagalisay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto meelmarinta Axdiga KMG ah ee maalinkaas.

In dheergarad ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay leeyihiin waxaa jira qorshe siyaasadeed oo ay ku shaqaynaysay dowladda Itoobiya, kaasoo ah in shirka aan lagu dhisan dowladd loo dhan yahay oo ay dhamaan kooxaha Soomaalida ku midaysan yihiin ama ay wada aqoonsan yihiin, taas oo shaki badan galin karta dano badan oo ay dowlaada Itoobiya ka leedahay Soomaaliya. Sidaas darteed ayaa dowladda Itoobiya waxaa ay beegsatay tilaabo lagu wiiqayo in ay shirka ka soo baxdo dowladd loo dhan yahay, ayadoo ka doorbiday in lagu dhawaaqo Axdi ay aqoonsan yihiin hal koox oo kamid ah kooxaha Soomaalidda , kaa soo u diidaya kooxaha kale ee diidan Axdigaas in ay ka qaybqaataan dowladaas maadama aysan aqoonsanay dastuurkii lagu hagi lahaa dowladaas.

Jawi ku dheehan sacab, alalaas, xamaasad aan xaqiiqi ka dambayn iyo caadifad, ayaa lagu meelmariyay Axdigii KMG ah intii sacabka tumanaysayna waxaa ay aaminsanaayeen in aysan jirin Soomaali ka dambaysa ama kamaqan madasha lagu meelmarinayo Axdiga KMG ah waxayna adeegsanayeen hal ku dhagyo ay ka mid ahaayeen “Cid Fariin ka loo qabanayo lama arko, cidna loo joogsan maayo”

Ugu dambayntii waxaan anigu u arkaa in heshiiskii lagu ansixiyay Axdiga KMG ah 15Sep2003 ay ugu muhiimsanaayeen sababihii suurta galiyay arrimaahaas aan kor ku soo sheegay, inkastoo ay indheegarad badan oo siyaasadeed oo arrimaha shirka il gaar ah ku fiiranayay ay masuuliyada arrintaas dusha ka saareen danjire Kipligat oo ay ku eedaynayaan inuusan dhex-dhexaad ka ahayn siyaasada ay isku hayaan kooxaha Soomaaliya iyo dowladaha ay ka shidaal qaataan. Hase ahaatee anigu waxaan aaminsanahay kaalinta danjire Kipligat uu ku lahaa dhacdadaas wiiqday rajadii laga qabay in la helo dowladd loo dhan yahay oo u dhalata Soomaaliya, waxaa ka weynayd kaalinta iyo culayskii kaga imaanayay dhanka Soomaalida, waxaana la cadeeyay in uu isku dadyay in uu dib u dhigo shirka balse uu diidmo adag iyo khatar ah in ay hogaamiyayaal cusubi shirka ka baxaan kala kulmay dhanka Soomaalida, sida Maxamed dheere oo ku hanjabay in uu dalbaday diyaaradii qaadi lahayd.

Isku soo wada duuboo dhamaan intii ka qaybqaadatay heshiiskaas god-ka dheerna ku riday rajadii laga qabay in ay shirka Kenya ka dhalato dowlad loo dhan yahay, ayaa waxaa ay intooda badani iska indha saabeen baahida ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad loo dhan yahay ayagoon tixgalinayna dhibaatada iyo dagaalada sokeeye ee ka dhalan kara dowlad ay hal kooxi dhistay. Waxaana inta badan dadka Soomaaliyeed u muuqda meeshii ay ku dambaysay dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti oo ahayd dowlad aan loo dhamayn, ayna ka soo horjeesteen dagaal ogaayasha intooda badan kuna kaliftay in ay dhaafi waydo xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.

Jawaabihii laga bixiyay go`ankii lagu meelmariyay Axdiga KMG ah.

C/qaasim, Barre Hiiraale iyo kooxihii kale ee weheliyay ayaan ladaahin arag-tidooda ku adaan ku dhawaaqida meelmarinta Axdiga KMG ah, shir jaraa`iid oo isla habeynkii-ba ay ku qabteen Hotelka ay daganaayeen ayay ku sheegeen in aan go`aan-kaas waxba ka jirin, waxayna ku tilmaameen shirqool lalabeegsanayo shacabka Soomaaliyeed, ayagoo cambaarayn kulul dusha uga tuuray dowladda Itoobiyo iyo danjire Kipligat, waxayna sheegeen in ay Soomaaliya dib ugu laabanayaan, maadama aan laga talagalin shirkii iyo arrimihii loogu yeeray intaba, waxayna intaas ku dareen in aysan marna aqoonsanayn go`aan-kaas lagu dhawaaqay.

Wakiilada Beesha Caalamka ee goobjoogayaasha ka ah shirka, gaar ahaan dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ayagu isla markiiba waxaa ay qaadeen tilaabooyin ay ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan shirka kuna xaqiijiyaan sidii ay hogaamiyaashaas ku gacansayray meelmarinta Axdiga KMG ah in aysan shirka ka bixin dibna ugu noqon Soomaaliya, si uu shirku ku noqodo mid loo dhan yahay, waxayna kulan deg deg ah la yeesheen hogaamiyaashii boorsooyinka u xirxirtay in ay Muqdisho dib ugu laabtaan kadib markii ayagoo goob joog ah dushooda looga dhawaaqay go`aan aysan raali ka ahayn aysana ka qaybqaadan ansixintiisa.

Kulankii ugu horeeyay ee ay goobjoogayaasha caalamiga ah la yeesheen madaxdaas oo ka dhacay Hotel Grand Regency oo ahaa goobtii ay daganaayeen wufuudaas, ayay waxaa ay u soo jeediyeen madaxdaas in ay joojiyaan qorshaha ay ku doonayaan in ay Muqdisho dib ugu laabtaan, ayna waqti siiyaan in lasaxo qaladaadka jira, C/qaasim Saalad Xasan oo ka hadlayay kulankii dhexmaray ayaga iyo wakiilada beesha caalamka shirka ka jooga oo ay ugu muhiimsan yihiin UN-ka, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Dawladda Maraykanka , Talyaaniga, Ingiriiska , Masar, iyo kuwa kalaba ayaa waxaa uu yiri

“ Waxay naga codsadeen in aan joogno, Anaguna waxaan u sheegnay inaan meesha uusan oolin shir aan waqti dheeeraad ah ku bixino, waxaa ay noo sheegeen in aysan doonayn in uu shirku bur buro sababatoo ah ayay yirhaadeen 11 bilood ayaan shirka dhaqaalihiisa bixinayay dowladdahayaguna naga yeelimaayaan dhaqaalahaas meel cidla ah ayuu ku baxay, waxaana doonaynaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay. Hadalkaas waxaa si gaar ah u yiri wakiilkii dawladda Ingriiska Devid Bell, waxaan ku irri waxaan kuugu jawaabayaa, jawaab aan hadda ka hor siiyay gabadha wakiilka ka ah maraykanka oo hadalkaan oo kale igula hadashay, waxaanan waydiiyay dawladdaadu ma waxay shirka dhaqaale ugu bixisaa in Soomaaliya lagu kala goo-gooyo oo dagaalo hor leh looga abuuro, mise waxaad u bixisaan in shacabka Soomaaliya lagu samatabixiyo, waxaa ay iigu jawaabtay waxaan ku taageeraynaa shacabka Soomaliyeed, sidaas markay itiri waxaan ku iri haddaba ka joojiya lacagtiina iyo taageradiin, meeshaan shir Soomaaliyeed ma yaalee hada adiga sidaa oo kale ayaan kuu sheegayaa hadaydan Soomaaliya dhibaataynay ka joojiya lacagtiina shirkaan, waxaan kale oo aan u faah-faahinay sababihii aan ku nimid iyo niyadsamidaan lanimid waxaanan u cadaynayay masuuliyada burburka shirka in ay qaadayaan Kipligat iyo dowladda Itoobiya, anagu aan aduunka tusno in ay naga dhab tahay in Soomaaliya loo helo dowlad loo dhan yahay, dhankooda waxaa ay noo sheegeen in aysan beesha caalamku marnaba taageerayn go`aan kasta oo aysan Soomaalidu u dhamayn”

Intaas uu C/qaasim sheegay ka sokow waxaa ay ilo xog-ogaal ah ii sheegeen in ay C/qaasim iyo saaxibadiis u sheegeen wakiilada beesha caalamka waxa kaliya ee ay ku baaqan karaan in ay tahay ayadoo laga laabto go`aankii lagaaray 15Sep2003 oo gabi ahaantiisaba ay gaashaanka ku dhufteen.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya Kolonzo Musyoka ayaa asagu waxaa uu labo goor kulan la yeeshay hogaamiyaashaas ku dhawaaqay inuu shirkii Soomaalida uga socday dalka Kenya burburay, ayna Soomaaliya dib ugu laabanayaan, xubno ka qaybgalay kulankii dhexmaray Wasiirka arrimaha dibada iyo hogaamiyaashaas ayaa waxaa ay ii sheegeen in uu Wasiirku ka codsaday hogaamiyaashaas in ay joogaan, asagana siiyaan waqti uu ku arko dhinacyada kale si loo helo xal dhexe oo looga gudbo ismariwaaga soo wajahay shirka, balse sida uu ii shegay kaqayb-galahaas waxaa ay madaxdaas hor-dhigeen Wasiirka arrimaha dibada labo shardi oo ay ku xireen joojinta safarkooda iyo kabixida ay shirka ka baxayaan, shardiga koowaad ayaa waxaa uu ahaa in uu Wasiirku ku dhawaaqo in aan waxba ka jirin go`aankii lagu ansixiyay Axdiga KMG ah iyo inuu shaqadda ka Eryo danjire Kipligat oo ay ku eedeeyeen inuu mas`uul ka ahaa waxa dhacay.

Arrintu si kastaba ahaatee Wasiirka arrimaha dibada iyo wakiilada beesha caalamkuba waa ay ku guulaysan waayeen in ay wax ka badalaan go`aaankaa ay qaateen hogaamiyaashaas.

Sidaas ayayna C/qaasim, Barre Hiiraale iyo raggii kale ee weheliyayba ay uga baqooleen dalka Kenya ayagoo kala tagay caro iyo niyad jab ay la kulmeen afartii casho ee ay joogeen dalka Kenya.

Soomaali badan oo aad u quud daraynaysay in ay shirka Kenya ka soo baxdo dowlad loo dhan yahay ayay naxdin iyo amakaag ku noqotay ka bixida ay hogaamiyayaashaasi iskaga baxeen shirka, waxayna samajeclayaashaas Soomaaliyeed ay eed dusha kaga tureen, kuwa iska dhigaya in ay talo ku leeyihiin masiirka Soomaaliyeed isla markaasna u dulqaadan waayay in ay sadex casho siiyaan hogaamiyayaal talada la wadaaga la`aantoodna ay adag tahay in la meelmariyo go`aan aysan ku jirin.

Dhawr casho kadib ayaa waxaa hal mar magaaladda Nairobi ku dhex-meeraystay warqad ay soo saareen wakiilada dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan I.P.F. warqadaas ayaa waxaa ay ka hadlaysay mowqifka wakiilada beesha caalamku ka qabaan heerka uu marayo shirkii Soomaalidda uga socday dalka Kenya oo 11 bilod jirsaday, waxaa ay ku sheegeen in ay lamaga maarmaan tahay in shirku noqdo mid loo dhan yahay, beesha caalamkuna aysan taageeri doonin Go`aan kasta oo aan loo dhamayn, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in ay lagama maarmaan tayahay in la qaado tilaabo kasta oo shirka lagu badbaadin karo.

Warqadaas oo ay Idaacada BBC-da laanteeda Af-Soomaaligu siidaysay ayaa niyad jab ku noqotay qolyihii ka qaybqaatay go`aankii lagu meelmariyay Axdiga KMG ah, waxayna qaar ka tirsan hogaamiyaashaas Soomaalida ah ee taageersanaa heshiiskii 15Sep2003 ay ku tilmaameen warqadaas mid been abuur ah waxayna camabaarayn dusha uga tureen wariye Yuusuf Xasan, balse mar aan anigu kala sheekaystay mid ka mid ah weriyayaasha BBC-da u jooga Nairobi meesha ay ka heleen warqdaas iyo warkii ay siidaayeen-ba ayaa waxaa uu iigu jawaabay “ marka hore kooxaha Soomaalida ee warkaan nagu haysta ma ayagaa Af-hayeeno u ah goobjoogayasha caalamka ee warqda qoray, haddii warqadu been abuur ahayd waxaa ka jawaabi lahaa qolyihii ay ka hadlaysay oo markastaba aan is aragno”

Arrintaa uu cuskaday weriyehaas ayaa waxa ay tahay sabab muuqatay sababtoo ah warar-ka iyo qoraalada shirka ku saabsan si taxadar leh ayay wakiilada beesha caalamku ula socdaan mana dhacdeen intii laga faafiyo mowqif been abuur ah in ay ka aamusi lahaayeen, sidaas darteed waxaa ay dadka la socda siyaasada Soomaaliya tibaaxayaan in ay warqdaasi ahayd mid jirta balse aysan ahayn mid loogu talagay in ay faafto, ayna ahady mid si kadis ah Soomaalida ugu soo gacan gashay, arrintu si kastaba ha ahaatee warqadaas ayaa waxaa ay ahayd dharbaaxadii labaad ee uu la kulmo go`aankii 15Sep2003 lagu dhawaaqay..

Garabka ka mid ah labada garab ee ay u qaybsameen ergada bulshda rayidka uga qayb-galaysay shirka Soomaalida oo ay ugu muhiimsanyihiin xubnaha kala ah Prof: Maxamed Cabdi Gaandi, Jamaac Maxamed Qaalib, Cabdiladiif Afdhuub, Caasho Xaaji Cilmi, Dr Qamar Adan Cali iyo xubna kaleba oo ayagu ka mid ahaa dadkii maalinkii la meelmarinayay Axdiga KMG ah isku dayay in ay aragtidooda ka dhiibtaan balse laga hor istaagay ayaa go`aankaas kadib waxaa ay bilaabeen olole iyo dadaal ay ku diidan yihiin wadada la marsiiyay shirka Prof: Maxamed Cabdi Gaandi oo ka hadlayay arrintaas mar aan waraystay ayaa waxaa uu leeyahay “ ee markaan isku daynay in aan arragtidaanada ka dhiibano sida wax u socdeen waana la dardaray dad lasoo diyaariyay ayaana qaylo iyo dagaal nagala horyimid taasna waxay kaliftay in aan xubnahaanagii bulshada rayid ka ahayd isaga soo baxno Hall-kii shirka lagu hayay, hadaan dib ugu laabto sidii loo meelmariyayna Axdiga KMG ah waxay ahayd si khilaafsan dhamaan xeerarkii iyo heshiisyadii horay loogu heshiiyay in shirka lagu wado, xataa lama tirin in ergadu dhan tahay oo in tiradii loo baahnaa joogto la isma waydiin dadka Hall-ka soo galay dhamaantood ma ergaa mise dadkii Mbagathi joogay oo dhan weeye, mabaadiida shirka waxaa ka mid ahayd “Consensus” lama tixgalin, anigu waxaan u arkaa wadadii iyo qaabkii lagu ansixiyay Axdiga KMG ah in aysan sax ahayn”

Hadalkaas Prof.Gaandi ka sokow kooxdaan bulshada rayidka ah sidoo waxaa magaalada Nairobi laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in shirka la badbaadiyo sida ku cad qoraalo isdaba joog ah oo ay soo saareen ayay waxay ku baaqayeen in shirka la hakiyo lana joojiyo awood qaybsiga ay ku dhawaqeen guddiga farsamada IGAD dibna loogu laabto Axdiga KMG ah, loona hawl galo sidii uu shirku ku noqon lahaa mid loo dhan yahay, qolyaha lagu tilmaamo in ay taageeraan siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya ayaa markasta dhaliila kooxdan , ayagoo cambaarayn joogto ah dusha kaga tuura qaabka iyo arrigtidooda siyaasadeedba, kooxdan bulshada rayidka ah ayaa waxaa la dhihi karaa waa kooxda kaliya ee aan ka tirsanayn kooxaha siyaasada Soomaaliya, isla markaasna shirka ku leh saamayn balaaran, qaar kood ayaa waxaa la sheegayaa in ay hanjabaado iyo caga-juglaynba kala kulmaan qolayaha arragtidooda dhaliila, hase ahaatee waxaan shaki ku jirin in ay kooxdani sumcad iyo amaan badanba ka dhex heshay bulshadda Soomaaliyeed intooda fiyow ee udiriraya in la soo celiyo karaamadii iyo qaranimadii ay ummadda Soomaaliyeed lahayd.

Qoraal ay ku saxiixnaayeen inka badan boqol qof oo ah ergada rasmiga ah ee shirka Soomaalida ahna dadka xaqa u leh inay ka qaybqaataan dooda Axdiga KMG ah sida u dhigan xeerka shirka, ayay waxaa ay ku sheegen ayagoo ah ergadii rasmiga ahayd ee shirka ka qaybgalaysay in ayasan jirin meel ay uga qaybqaateen ansixinta Axdiga KMG ah, taas oo dharbaaxo ku noqtay qolyihii ku andacoonayay in ay ergada shirka inteeda badan joogtay maalinkii Axdiga KMG ah la meelmarinayay.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Hawiye oo muddo sadex casho ah shir uga socday Hotel-ka 680 ayaa waxaa ay soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in shirka la hakiyo si loo badbaadiyo shirka, loona xaqiijiyo inuu shirku noqdo mid loo dhan yahay, gaar ahaan waxaa ay carabka ku dhufteen in la joojiyo dhaqdhaqayada awood qaybsiga, iyo in dib loogu laabto Axdiga KMG ah oo aan ilaa hadda la isku raacsanayn, warqad taas xigtay oo ay soo saareen dhawr casho kadib ayay waxaa ay sheegeen odayaashaas Hawiye hadii aan 48 saac gudahood jawaab lagu siin ay shirka kabixi doonaan, talaabadaas ayaa waxa ahayd talaabo soo xoojisay baaqyada lagu doonayay in shirka lagu badbaadiyo si ay uga soo baxaan himiladii uu shacabka Soomaaliyeed ka faliyay.

Konton qof oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonhayano, odayaal iyo waxgarad kalaba oo ka tirsan beesha Sade (Daarood) ayaa ayaguna ku baaqay in shirka la hakiyo gaar ahaan awood qaybsiga iyo in dib loogu laabto Axdiga KMG ah, ayagoo beesha caalamka ka dalbaday in shirka la badbaadiyo si loo helo dawlad loo dhan yahay.

Warqad kuwaas la mowqif ah ayaa waxaa soo saaray siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beesha Daarood oo ayaguna qaatay mowqifkaas mid la mid ah.

Jabuuti: Mowqifkii dowladda Jabuuti qaadatay ayaa waxaa uu ahaa talaabo ay ku farxeen dhamaan inta ka soo horjeeday sida wax u socdeen amaba ku baaqaysay in shirku noqdo mid loo dhan yahay, waxaanan shaki ku jirin in talaabadiii uu qaaday Danjire Ismaaciil Guulaal iyo war murtiyeedkii uu magaalada Nairobi ka soo saaray 25th September 2003 in ay ahayd talaabo wax wayn ka badashay geedi socodkii shirka oo dhan iyo aragtidii laga qabay go`aaankii 15Sep2003 lagu ansixiyay Axdiga KMG ah oo ay dadbadani u arkeen inuu go`aankaas yahay mid la mid ah “Mindi uus ku tagtay”

Danjire Ismaaciil oo ka hadlayay go`aan kaas kadib markii uu ku dhawaaqay in ay hakiyeen ka mid ahaanshihii guddiga farsamada IGAD asagoo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu yiri “ Waxaan uga baxnay arin aan u arragnay in ay halbowle u tahay arrimaha shirka, sababtoo ah ujeedooyinkii shirkaan loo qabtay ama ay IGAD ugu xilsaartay dalalka safka hore waxaa ay ahayd in la dhiso dowlad loo dhan yahay, oo Soomaali oo dhan kulmisa sidaas darteed go`aanka uu ku dhawaaqay danjire Kipligat ma ahayn go`aan uu nagala tashaday ama ay isku raacsanaayeen guddiga farsamada IGAD, waxaana la burburiyay dadaal aan usbuucyo wadnay oo aan ku doonaynay in uu shirku noqdo mid loo dhanyahay iyo in shirka dib loogu soo celiyo xubnihii ka maqnaa, sidaas darteed dawladda Jabuuti ma taageerayso go`aan aan loo dhamayn ama keeni kara in Soomaaliya colaado ka soo cusboonaadaan”.

Talaabada Jabuuti ayaaa waxaa dad badani u arkayeen in ay tahay talaabo halisgalin karta sharciyadii uu shirku ku socday maadama ay tahay dowlad ka mid ah sadexdii dowladood ee loo xilsaaray dhexdhexaadinta Soomaalida iyo maamulka shirkaba, tilmaan cad ayuu ahaa go`aankii ay dowladda Jabuuti ku joojisay ka qayb qaadashadeedii hawlihii guddiga farsamda IGAD oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya dowladdaha safka hore ee ayaga loo xilsaaray in ay Soomaalidda nabad dhex dhigaan, indheergarad Soomaaliyeed ayaa marar badan ku baaqa in IGAD la heshiisiiyo ka hor intaysan Soomaalidda heshiisiin.

Sikastaba arrintu ha ahaatee go`aankii dowladda Jubuuti ayaa taageero ku biiriyay baaqyadii iyo talooyinkii ka hadlayay in loo baahan yahay in shirka la badbaadiyo lana saxo qaladaadka iyo caqabadaha soo wajahay shirka, waxaana go`aan kaas kadib la dareemayay in dad badani garaysteen baahida loo qabo in shirka la badbaadiyo.

Dadaalkii lagu doonayay in lagu hakiyo shirka.

Maalmo kadib markii ay ku dhawaaqday dowladda Jabuuti go`aankeedii ay ku hakisay xubunimadeedii guddiga farsammda IGAD, ayaa waxaa soo if baxay warar sheegayay in ay wakiilada beesha caalamka ama qolyaha loo yaqaan IPF-tu shir ay la yeesheen danjire Kipligat ay u soo jeediyeen in shirka la xiro mudoo sadextodobaad ah si la iskugu dayo in mar kale dib loogu laabto madaxda shirka kamaqan si ay uga soo qaybgalaan shirka, ayadoo maanka lagu hayo wax ka qabashada qodobadii markii horeba keenay in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya kuna dhawaaqaan in shirkii fashilmay.

Waxaan shaki ku jirin in tan iyo markii lagu dhawaaqay in loo gudbay wajigii sadexaad ee shirka, ayna shirka iskaga baxeen hogaamiyaal muhiimad wayn ugu fadhiyay ka qaybqaadasha shirka iyo meelmarinta wixii ka soo baxaba ay jireen culaysyo badan oo soo wajahay gudoomiyaha shirka danjire Kipligat, culaysyadaas oo gudoomiyaha uga imaanayay dhinacyo kala duwan, dib u laabashadii Madaxwayne C/qaasim iyo wafuudii wehelisay iyo dhaqadhaqaaqyadii ay ka bilaabeen gudaha Soomaaliya, talooyinkii beesha caalamka, baaqyadii ay soo saarayeen beelaha iyo aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee iskugu jiray ergooyinka iyo goobjoogayaasha kalaba iyo go`aankii Jabuuti oo dhoobadii si fiican u sii qooyay, markii intaas oo dhan la isku daro, waxaa muuqatay in ay danjire Kipligat ay soo wajahaday xaalad adag oo siyaasadeed oo aan la iska indha tiri Karin, una baahan in si deg deg ah loo xaliyo ama loo maareeyo si taxadar leh , sababtoo ah dhamaan dadka baaqyadan soo saarayay waxaa ay dareensanaayeen in koox ka mid ah kooxaha Soomaaliya ay isku qaabaysay in ay kaligeed maamulato hilbaha Hashii Soomaaalida oo dhan ka dhaxaysay, ayna 11-ka bilood wax ka karinayeen, taas oo in dheer garad badan ku abuurtay dareen ah in haddii ay hashu ku socoto wadada la marsiisay 15Sep2003 ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo colaado la mid ah kuwii ay dadka Soomaaliyeed soo mareen sagaashameeyadii.

Haddaba danjire Kipligat asagoo ka jawaabayay baaqyadaas, sida muuqatayna uu dareensanaa in caqabad wayn ka horayso, gaar ahaan marka uu damco inuu soo bandhigo qorshaha lagu doonayo in shirka lagu hakiyo oo ay si wayn u diidanaayeen Kooxda SRRC oo u arkaysay in talaabo kasta oo lagu hakinayo shirka in ay tahay mid lagu wiiqayo guushii ay gaaren 15Sep2003 waa sida ay inta badan SRRC-du qabtee, ayuu danjire Kipligat waxaa uu bilaabay xeelad uu gollaha S.R.R.C. ku dareensiinayo culayska siyaasaadeed ee soo wajahay, kulan uu la yeeshay guddiga hogaamiyayaasha intooda ka joogta oo ay u badan yihiin gollaha SRRC ayuu waxaa uu hogaamiyaasha Soomaalidda ka codsaday in ay talo ka soo siiyaan dhawr qodob oo uu ku tilmaamay danjire Kipligat in ay muhiimad u leeyihiin geedi socodka nabada, qodobada uu danjire Kipligat u soo gudbiyay hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsanaa 1- sida lagu keeni karo madaxda ka maqan shirka 2-In inta madaxdaas la keenayo uu shirku sii xirnaado iyo inuu siisoconayo, 3- In ay madaxda Soomaalidu kulan ku yeesheen meel Nairobi ka baxsan si ay dhexdooda u gaaraan is afgarad arrimaha ay isku hayaan.

Warqad ay hogaamiyaasha Soomaalida intooda wax ka meelmarisay Axdiga KMG ah 23Sep2003 ay ugu jawaabeen gudoomiye Kipligat, ayay waxaa ay ka bixiyeen sadexdaas qodob jawaabo ah, waxaa ay soo dhaweeyeen in la raadiyo madaxda ka maqan shirka, ayna wakiilada beesha caalamku xil iska saaraan sidii ay ku keeni lahaayeen, waxaa ay si qayaxana u diideen talaabo kasta oo lagu joojinayo shirka ayagoo ku tilmaamay in lagu jilaafaynayo habsami u socodka hawlaha shirka waa sida ay hadalka u dhigeene, waxaa kale oo ay warqadaas ku sheegeen in ay soo dhawaynayaan in madaxda Soomaalida la iskugu geeye meel gooni ah oo ay kuwada hadlaan tasiilaadka arintaasna waxaa ay u soo jeediyeen in ay qabtaan guddiga farsamada IGAD iyo wakiilada beesha caalamka.

Ma ahayn jawaab lala yaabo in ay gollaha SRRC iyo intii la aragti ahba ay gaashaanka ku dhuftaan aragti kasta oo tibaaxaysa in shirka la hakiyo taasoo sida aan horay usoo sheegnayba ay u arkaan dube lagu dhufanayo qufulkii ay xireen, balse waxaa si cad u muuqatay inuusan danjire Kipligat ka helin jawaabtii uu doonayay ee uu rabay inuu iskaga fududeeyo culayska siyaasadeed ee soo wajahay, guud ahaan jawaabtaas waxba kama badalin jawigii cakirnaa ee ay xaaladda shirku ku sugnayd.

Mar labaad ayay danjire Kipligat ku kaliftay inuu si rasmi ah ugu soo bandhigo hogaamiyaasha Soomaalidda in uu doonayo in shirka la hakiyo mudo sadex todobaad ah si loo keeno hogaamiyaasha kale ee shirka ka maqan, soo jeedintaan dambe ayaa waxaa aqbalay Xasan Abshir Faraax iyo Cabdalle Deerow Isaaq oo siday ku sheegeen warqad ay u direen gudoomiye Kipligta 01Oct2003 ku sheegeen in ay aqbaleen soo jeedintiisa la xiriirta in shirka la joojiyo mudo sadex usbuuc ah si waqti dheeeraad ah loo siiyo hogaamiyaasha ka maqan shirka, waxaa asna tilaabadan dambe taageeray Maxamed Qanyre Afrax sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada Iqra F.M qaybteeda Afka Soomaaliga ee xarunteedu tahay magaaladda Nairobi, balse waxaan wax iska badalin sida muuqatay qoraal ay isla 01Oct2003 ay kooxda SRRC-du u direen gudoomiye Kipligat ayagoo adeegsnaya magaca gudiga hogaamiyaasha, mowqifkii ay qabeen ee ay ku diidanayaayeen, talaabada lagu joojinayo shirka.

Danjire Kipligat ayaa ugu dambayntii waxaa uu 7th October 2003 qoraal uu soo saaray ku sheegay qodobo ay ka mid ahaayeen in la dhimayo ergooyinka shirka oo tiradooda uu ku sheegay 801 ergay oo lagu soo koobi doono 400 ilaa 500 danjire Kipligat ayaa waxaa uu qoraalkaas xaafiiskiisa ka soo baxay ku sheegay in ay erga dhimistu qaadan doonto labo ilaa sadex usbuuc, asagoo sheegay in hawlaha shirkuna dib u bilaaban doonaan 21Oct2003, sidoo kale waxaa uu ku xusay qorlaakiisaas in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in hogaamiyaasha shirka ka maqan dib loogu soo celiyo oo ay iska kaashanayaan wakiilada beesha caalamka iyo guddiga farsamada IGAD.

Dadka sida fiican u la socda shirka Soomaalidda ayaa waxaa ay go`aan kaas danjire Kipligat ku tilmaameen xeelad siyaasadeed oo uu ku doonayay inuu ku qanciyo dhinacyada kala duwan ee qaarna u ololaynayaan in shirka la hakiyo inta ay shirka dib ugu soo laabanayaan madaxda ka maqan shirka, halka ay qaarka kalena doonayaan in la dhamaystiro hawalaha shirka lana dadajiyo qaybsiga xildhibaanada si loo guddo galo dhismaha baarlamaanka KMG ah, waxaa muuqatay in danjire Kipligat uu ergada Soomaaliyeed ee ku sugan madasha shirka u furay cashar cusub oo ay waayahan ka raysteen, waa darsiga ku saabsan doodaha ergada oo ay dad badani xasuusan yihiin sidii dooda ergadu shirka Soomaalida u ragaadisay intii uu ka socday magaalada Eldoret, haddaba sida muuqata danjire Kipligat asagoon si rasmi ah u sheegin in shirkii la joojiyay, sababna aan uga dhigin in loo joojiyay hogaamiyaasha shirka ka maqan, ayuu haddana waxaa uu ku guulaystay in ay dad badani aaminaan in shirka loo joojiyay madaxda maqan, sabab aan taas ahayn oo loo joojin karay ayaan muuqan, arrimahaas oo dhan ayaa loo arkayay xeelad uu danjire Kipligat ku doonayay inuu isku dayo in uu dhinac kasta qanciyo si aysan u dudin, sababo macquul ah oo loogu garaabi karo danjire Kipligat inuu sidaas u xeeladaysto ayaa muuqatay, maahan wax dad badan ka qarsoon in uu danjire Kipligat ku dhex maashooday kala fogaanshaha dhexyaala hogaamiyaasha siyaasada Soomaalidda ee dan biday in shaqsiyaad ajaanib ah u kala dab qaadaan ama isku soo jiidaan amaba markii loo baahdaana kala fogeeyaan, ayagoon wado dheer u marin.

Gollaha SRRC dhankooda ayaa go`aankaas dambe ee danjire Kipligat waxaa ay u fahmeen xeelad siyaasadeed oo lagu marsiinayo qorshihii ay mudada hortaagnaayeen ee ay ku diidanaayeen in shirka la hakiyo, qoraal uu soo saaray gudoomiyaha SRRC ee xiliga wareeg ah, Hilowle Imaam 08Oct2003 ayuu waxaa uu ku sheegay in qaybsiga xildhibaanada gollaha shacabku uu marayo heer gabogabo ah wuxuuna ku xusay dhamaan beelaha Soomaliyeed heerka ay beel kasta umarayso qaybsiga tirada xildhibaanada, warqdaas ayaa waxaa ay ahayd fariin ay gollaha SRRC-du ay ku muujinayeen meesha ay wali ka joogaan in la hakiyo shirka oo ay ku tilmaameen inuu heer gabogabo ah marayo, waxaa kale oo ay ahayd fariin ay u dirayeen dhamaan inta qabta in shirka la hakiyo la iskuna baadigoobo Soomaalida, si ay shirka uga soo baxaan guulihii laga filayay, balse waxaa muuqata in ay Gollaha SRRC-du inta badan awaamiirta ka qaataan quwado shisheeye oo sida muuqata xooga saaraya in aysan shirkaani ka soo bixin dowlad loo dhan yahay oo hanata dalka Soomaaliya oo dhan, kooxda SRRC-du waxaa ay ka hadlayaan inuu qaybsiga xildhibaanadu marayo heer gabogabo ah oo uu qarka usaaran yahay sida ay qabaan in xili dhaw lagu dhawaaqo baarlamaanka KMG ah,ayadoo aad dhanka kale arkaysid qaar ka tirsan Hogaamiyaasha Siyaasada ama kuwa loo yaqaan saxiixayaashii Eldoret oo aan laba soconba in ay jiraan dad ku mashquulsan dooda qaybsiga xildhibaanada, oo aysanba wax wakiilo ah oo uga qaybgalaya qaybta aan dirsan amaba aan aqoonsanayn Axdiga tilmaamaya qaybta tirada xildhibaanada taas oo marqaati cad u ah in ay hal kooxihi tahay waxa ku mashquulsan qaybsiga xildhibaanada,waxay u muuqataa maahmaahda oraynaysa “ nin-ba dhan u baday” iyo “ninba taagtii ha talaabsado”.

Saamaynta shir madaxeedka Kampala iyo go`aankii labaad ee Jabuuti

Intii lagu jiray go`aankii uu Danjire Kipligat ku hakiyay shirka ee uu ku tilmaamay in ergooyinka lagu dhimayo ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegayay in ay dhici karto in shirku ku sii jiro hakinta gaar ahaan inta uu ka dhamaanayo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda 24 ilaa 26 bishan October, waxaana bilowday dhaqdhaqaaq ay kooxda SRRC iyo qolyaha ay isku aragatida yihiin sida TNG garabka Xasan Abshir iyo Deerow iyo qaar katirsan Kooxdii horay loo oran jiray G-8 balse kala qaybsantay oo uu ka mid yahay Mowliid Macaane ay ku doonayeen in ay ku helaan fursad ay uga qaybgalaan shirka, si ay u caabiyaan aragtida siyaasadeed ee u madaxwayanaha Dowlada KMG ah shirkaas la tagi doono oo asaga si rasmi ah loogu martiqaaday shirka, waxayna qoraal ay soo saareen horaantii bishaan ku sheegeen inuusan Madaxwayanaha Dowlada KMG ah C/qaasim Saalad Xasan xaq ulahayn inuu shirkaas ka qaybgalo asagoo matalaya Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen inuu jilafaynayo shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya oo ay ku tilmaameen inuu heer gabogabo ah marayo, ayagooo ku tilmaamay sheegashada C/qaasim Salaad Xasan uu sheeganayo madaxwaynanimda mid khilaafsan Axdigii iyo dastuurkii lagu soo dhigay dalka Jabuuti oo tilmaamaya in ay mudadii DKMG ah dhamaatay.

Waxaan shaki ku jirin in martiqaadkii Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan lagu martiqaaday shir Madaxeedka IGAD uu ahaa dharbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday kooxaha ka qaybgalaya shirka Soomaalida gaar ahaan intooda wax ka meelmariyay Axdiga KMG ah ee lagu dhawaaqay 15October 2003 kuna qanacsan heerka uu shirku marayo, gaar ahaan waxaa xusid mudan in shirka lagu martiqaaday uu yahay shirkii urur Goboleedka IGAD oo ah ururka maamulayay shirka Soomaalida oo laga filayay in ay noqdaan qoloda ugu horaysa ee taageerta go`aamada shirka balse waxaa cadaatay in go`aankii 15October 2003 uusan helin taageero siyaasadeed guud ahaan beesha caalamka gaar ahaan urur goboleedka IGAD, waxaana muuqata in la garaystay inuu shirku yahay mid aan loo dhamayn qaladna aan ka marnayn una baahan in wax laga qabto.

Waxaana jirta in ay hogaamiyaasha kooxaha ee kusugan Mbagathi ee ayagu sida xun uga carooday martiqaadka uu madaxwayne C/qaasim ka helay shir madexeedka IGAD, lagana soo xigtay in ay heleen martiqaad todobo xubnood ah oo shir madaxeedka Kampala uga qaybqaadan doona si kor joogta ah balse wararkaasi ma ahayn kuwo si rasmi ah loo xaqiijiyay, waxayna dad xog-ogaalihi sheegayaan in ay isku dayeen codsadeena in ay shirka uga qaybqaataan si kor joogto ah ayagoo uga gol leh in ay aragtidooda gaarsiiyaan madaxda halkaas ku kulmaysa, hase haatee aan wax jawaab ah laga siin codsigoodaas, waxayna ugu dambayntii shirka u direen ayagoon wax martiqaad ah haysan sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo sadex xubnood oo uu hogaaminayo Gen Morgen oo ay wheliyaan Mowliid macaane oa matalaya kooxdii la oran jiray G-8 iyo Cabdalle Deerow oo matalaya TNG garabka ka soo horjeeda madaxwayne C/qaasim.

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ayaa laftooda waxaa ay culays saareen sida ay sheegayaan warar ka ag dhaw sidii looga faa`iidaysan lahaa shirka Kampala oo ah shirka kaliya ee ay madaxda IGAD go`aan rasmi ah uga gaari karaan sidii xal loogu heli laaha ismariwaaga shirka ka taagan, waxaana soo badanayay wararka tibaaxayay in ay jiraan soojeedimo ay wakiilada beesha caalamku ku doonayaan in shirka gabi ahaantiisba loo raro dalka Ugandha amaba si KMG ah loogu qabto dalka Ugandha kulamo u gaar ah madaxda Soomaalida si dardar cusub loo galiyo loogana gudbo ismari waaga iyo rajada sii dhimaynaysa ee uu shirku ku sugan yahay.

Waxan shaki ku jirin in ay indhaha dhamaan madaxda Soomaalida dhinacyadooda kala duwan, ergada iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliyaba gaar ahaana kuwa shirkaan sida joogta ah uga mashquulsan amaba dhaqaalaha ku bixiya ay ku sii jeedaan shir Madaxeedka Kampala, waxaana la aaminsan yahay in shirka Kampala yahay rajada kaliya ee u harsan shirka Soomaalida ee sanad jirsaday.

Arinta si kastaba ha ahaatee shir madaxeedkaan ayaa ku soo beegmay xili ay dowladda Jabuuti si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka baxday xubinimadeedii ay uga midka ahayd guddiga farsamada IGAD ee ayagu ahaa kuwii loo xilsaaray dhexdhexaadinta Soomaalida iyo hagida iyo maamulka shirkaba, dhawaaaqa xiligan ee dowladda Jabuuti ayaa waxaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan gaar ahaan xili lagu sii jeedo shir madaxeedka IGAD fikradaha ugu badan ayaa waxaa ay tibaxaayan in ay dowlada Jabuuti fariin iska sii hormarinayso si ay umuujiso inuusan shirkii mudadii halka sano socday uusan gaarin guulo lataaban karo ama lala hortagi karo madaxdii markii horeba ku heshiisay qabashadiisa, wuxuuna wasiirka arimaha dibada Jabuuti Cali Cabdi Faarax hadal uu 19October 2003 ka soosaray arinkaas ku sheegay mowqifka dowladiisa

.kaa oo ah in ay dowladda Jabuuti, ay gabi ahaanba ka baxday gudiga farsamada IGAD oo ay dhamaadkii bishii September ku dhawaaqday in ay hakisay xubinimadii guddigaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda jabuuti in mudo ahba isku dayaysay sidii looga gudbi lahaa xaaladaha qalafsan ee shirka soo wajahay, balse aan arimahaas waxba laga qaban.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu tilaamay in ay ahayd sababihii shirkaan loo qabtay in la helo dowlad loo dhan yahay, taas oo ahayd ayuu yiri arrintii loo xilsaaray wasiirada arimaha dibada ee IGAD shir madaxeedkii  Khartuum ee sanadkii 2002.   

Wasiirka dowlada Jabuuti ayaa waxaa uu ku tilmaamay in ay wax laga qoomameeyo tahay in danjire Kipligat kaligiis iska qaatay go`aan aan waafaqsanayn hawshii loo xilsaaray gudiga farsamada IGAD taas oo carqaladaysay rajadii ay Soomaalidu ka qabtay in la gaaro wada xaajood taabo gal ah oo ay ka dhalan karto xal siyaaasadeed oo nabad buuxda keena.

Sidoo kale waxa uu Cali Cabdi Faraax, wasiirka arimaha dibada Jabuuti ku sheegay qoraalkiisaas in madaxweynaha dalka Jabuuti iyo asaguba ay wadahal kala yeesheen caqabadaha shirka soo wajahay, madaxwaynaha dalka Kenya iyo wasiirka arimaha dibada ee Kenya, gaar ahaan shir madaxeedkii ururka Midowga Afrika ee ka dhacay Maputo, hase ahaatee balimihii iyo isfahamkii ay labada dhinac arintaas ka yeesheen aan waxba laga fulin.

Qoraakaas ayaa sidoo kale waxaa lagu xusuy in aysan dowladda jabuuti koox iyo qabiil gaar ah oo Soomaaliyeed taagerayn, balse ay dowladda Jabuuti sii wadi doonto dadaalkeeda ay ku baadi goobayso sidii Soomaaliya looga dhalin lahaa dowlad loo dhanyahay oo ay Soomaalida oo dhan ku midaysan yihiin.asagoo dhinaca kalena sheegay in aysan ka qaybqaadanayn go`aan kasta oo keeni kara in ay Soomaaliya colaado dib ugu soo cusboonaadaan. 

Qoraalka Cali Cabdi Faarax oo dheera ayaa waxuu ugu dambayntii ku baaqay in hogaanka shirka lagu wareejiyo ururka Midowga Afrika.

Go`aan kaan labaad ee Jabuuti ayaa waxaa uu sii fogeeyay rajadii laga qabay in ay dowladaha saf kahore mowqif mid ah ka qaataan xal u helida dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna xoojinayaa fikradihii ku baaqaysay in shirka laga bixiyo gacanta dowladaha safka hore.

Gebo-gebo:-

Waxaan soo gaarnay gabagabadii qormadaan, waxaan u malaynayaa in aan si fiican uga soo sheekaynay dhacdooyinkii iyo xogihii ku saabsanaa shirka Soomalidda, gaar ahaan intii ugu dambeysay oo aan qormadan sida gaark ah ula beegsnay, haddaba anigoo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee sida wayn u jecel in uu shirkan Soomaalidda uga socda dalka Kenya guulaysto, oo aan haddana dareensanahay baahida aan u qabo in ay Soomaaliya ka dhalato dowlad Soomaaliyeed, nasiibna aan u helay inaan shirkaan si joogto ah ula socday ilaa maalinkii uu ka furamay magaalada Eldoret oo aanka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee 15-october,2002 ka qaybgalay xafladiii lagu furayay Shirka ee uu furay Madaxwaynihii Hore ee dalka Kenya madaxwayne Moi, waxaa nasiib daro ah in aanan maantay qabin rajadii aan maalinkaas ka qabay inuu shirku guulaysto, waxaana dhici karta in aan maalinkaas ka rajo fiicnaa maantay oo ay halsano ka soo wareegtay sanadguuradii furitaankii shirka Soomaalidda.

Waxaa mar kasta ii muuqda qodobo dhawr ah oo aan aaminsanahay inay yihiin kuwa sii yareeyay rajadii aan ka qaybay in ay shirkaan ay ka dhalato dawlad loo dhan yahay, waxaa dhici karta in dad badani marka ay aqrinayaan ama ay arkaan erayga “loo dhan yahay” aysan si fiican u fahamsanayn ee ay si aan taxadar lahayn uga gudbaan hase ahaatee qofkii si fiican u sii dhuuxa erayga “loo dhan yahay” waa uu dareemi karaa macnaha wayn ee uu eraygaas xambaarsan yahay, gaar ahaan marka si gaar ah loo eego duruufahanaga gaarka ah hadaan nahay Soomaali, oo ah kala qoqobnaanta iyo kala googo’a saameeyay dhamaan 18-kii gobol ee Soomaaliya, oo aysan waxba ka qaban Karin dowlad aan loo dhamayn oo ay dhisaan qaar ka tirsan kooxaha Soomaaliya oo aan dhaafi Karin gobol ama laba gobol oo ay xoogaa maleeshiiyo ah ku haystaan, waxaana indhaha dadka Soomaaliyeed u sii muuqda meeshii ay ku dambaysay dowladii ay soo dhiseen in ka badan sadex kun oo qof oo Soomaali ah kana koobnaa dhamaan qaybaha ay bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay.

Rajada Ilaahay lagama quusto balse marka aad aragtid mowqifka aan isbadalka lahayn ee gollaha SRRC, dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo tilaabooyinka ay qaadeen hogaamiyaashii ka baxay shirka, kala qaybsanaanta lixaada leh ee ka dhex oogan guddiga farsamada IGAD, shaqsiyaad badan oo muhiimad wayn ulahaaa geedi soocdka shirka oo niyad jab ay kala kulmeen qaab socodka shirka dartiisa kana tagay shirka, kaalinta beesha caalamku ku leedahay shirka oo intii muddo ahba lagu tilmaamay kaalin daciif ah amaba aan gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa ee ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha shirka burburin karay, go`aankii ay dowladda Jabuuti gabi ahaanba uga baxday guddiga farsamada IGAD, arrimahaas oo dhan markaad si fiican ugu fiirsato waxaa kuu soo baxaysa inuu uu shirkaani labo uun mid ku dambayn doono .

In ay shirka ka soo baxdo dowladd ay dhiseen hal koox oo ka mid ah kooxaha Soomaaliya ku hardamaya ayna ku kala qaybsanyihiin dowlladaha dariska ah iyo aduun waynhuba, sida dhacday markii la soo dhisay dowladii uu C/qaasim Saalad Madaxwaynaha ka ahaa iyo dowladaas oo la timaada natiijooyin xun xun oo ay ugu horeeyaan dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxa, sababtoo ah ayadoon ilaa hadda la dhisin wax dowlad ah ayaa waxaa gudduha Soomaaliya laga soo sheegaya dhiilo colaadeed iyo hub aruursi hor leh oo deegaanada qaarkood ka jirta salkana ku haysa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya hogaamiyaasha isku afgaran waayay meelmarinta Axdi KMG ah oo uu dalku yeesho.

In shirka sida ay dad badaniba u ololaynayaan hakad lagaliyo lana baadi goobo fikrado iyo aragti cusub oo lagu badbaadinayo in uusan shirku burburin amaba looga baaqsanayo in lagu dhiso dowlad aan loo dhamayn, meesha kaliye ee hada sida wayn looga dhursugayo in ay fikradaasi ka dhalatana waa shir madexeedka IGAD ee ka dhacaya dalka Ugandha, haddii ay fikradahaas dambe hirgalaan waxaa muuqanaysa inuu shirka Soomaaliddu waqti kale oo dheer qaadanayo waxaana suurta gal ah in shirka waji kii hore ka badalan loo yeelo, sababtoo ah hogaamiyaasha ka maqan shirka ma aqoonsana Axdiga KMG ah ee la meelmariyay 15Sep2003 taasna ayaa waxa ay sababaysaa in mar kale dib loogu laabto ama dib u eegid lagu sameeyo Axdiga KMG ah, waaba hadii ay hogaamiyaashaas ogolaadaan in ay dib ugu soo laabtaan wadahadaladda Soomaalidda uga socda dalka Kenya.

Ugu dambayntii qof walba oo Soomaali ah oo xilkas ah dareemayana meesha uu marayo dalkiisii, lana socda heerka ay kala taagan yihiin hogaamiyaashaii looga fadhiyay in ay dadkooda u turaan 13sano kadib waxaa mas`uuliyadi kasaaran tahay inuu baadi goobo fikir kasta oo lagu samatabixin karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee maantay ku soo ururay maahmaahda ah “Ceelna uma qodna Cidna uma maqna

W.Q. C/shakuur Cali Mire

Qoraa iyo weriye goobjooge u ahaa shirka halkii sano ee uu socday.

Contact. Email shakuur111@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2003    
 

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]