SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 

April 17, 2004

WARARKII MAANTA: 

Kenya oo Qirtay Khaladaad ka Dhacay habmaamulkooda Shirka Somalida
Kenya oo soo saartay Go'aan ka dhan ah Baasaboorka Soomaaliga
Roobab Lixaad leh oo Jabuuti Dad ku laayey

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Guddoomiyaha Guddiga Fududaynta IGAD, Bathwel Kipligat ayaa markii ugu horaysay qirtay inay khaladaad ka dhaceen hab Maamulkooda Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaalida.

Kipligat oo hadal qoraal ah ka soo saaray Nairobi ayaa sheegay inay dhaceen Khaladaad ku saabsan Matalaada Kooxaha iyo Maamuladda Soomaalida oo dad aan Rasmi ahayn ay uga qayb galeen Shirar Muhiim ah, Wuxuuna sheegay in arrimahaasi ay ku dhaceen qibrad yaraantooda Kooxaha Soomaalidda. Laakiin Waxa uu sheegay inay hadda si wanaagsan u barteen Kooxaha Soomaalida, sidaas darteedna ay saxayaan Wixii qaladaad ah oo dhacay.

Kipligat waxa uu sidoo ka dalbaday Kooxaha Soomaalida inay soo gudbiyaan Mawqifkooda ku aadan Qodobka 30,aad ee Axdiga si xal loogu helo Khilaafka ka taagan Qodobkaasi, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ergadda ka qayb galaysa Shirka Soomaalidu ay yihiin 366 qof.

Mar uu ka hadlayay Kipligat cidda soo xulaysa Baarlamaanka Somalia, waxa uu sheegay in Xildhibaanadda ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah iyo Siyaasiyiinta la casuumay, Wuxuuna sheegay inuu dhamaaday murankii ku aadanaa in cid isku koobto Soo xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Hadalka Kipligat ayaa qaar ka mida Kooxaha Soomaalida waxay u arkaan inuu yahay mid soo xoojinaya Murankii ka taagnaa Qodobka 30 aad ee Axdiga Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Waxaana Kooxahaasi ay sheegeen inaysan ahayn in dib loogu laabto qodob mar hore la ansixiyay, iyagoo Kooxaha Diidan ee horay wax uga ansixiyay Axdigana ku tilmaamay Kooxo dano gaar ah leh oo diidan nabad ka aslaaxda Somalia.

<><><>

Dawladda Kenya ayaa soo saartay go’aan ay ku hor istaagayso in dalkeeda lagu soo galo Baasaboorka Soomaalida.

Go’aankan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayeey ku mamnuucday in lagu dhufto Dal Ku Galkeeda Baasaboorka Somalia, Waxayna Kenya go’aankan u sababaysay kadib markii ay soo gaareen Warar dhinaca Sirdoonka ah oo muujinaya inay ku soo fool leeyihiin Weeraro Argagixiso oo sida la sheegay laga soo abaabulayo dhinaca Somalia.

Kenya waxay sheegtay in si Ku Meel Gaar ah ay u joojisay in dalkeeda lagu soo galo Baasaboorka Somalia, Waxayna sheegtay inay dhawaan dalkeeda ka masaafurisay Saddex Qof oo Soomaali ah isla markaana lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda.

Go’aankan lagu mamnuucay Baasaboorka Soomaalida ayaa soo baxay xilli uu dalka Kenya ka socdo Shirkii Dib u Heshiisiinta Soomaalida, iyadoo inta badana Soomaalida shirkaasi ka qayb galaysa ay wataan Baasaboorka Somalia, Waxaana laga yaabaa in mamnuucista Baasaboorka Soomaalidu uu saamayn ku yeesho Hab sami u socodka Shirka Kenya.

<><><>

Dadkii ku dhintay Roobab lixaad leh oo ka da’ay Jabuuti ayaa imminka waxay tiradoodu kor u sii dhaafaysaa 56 qof iyadoo laga cabsi qabo inay tiraddu intaasi ka sii badato.

Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa Magaaladda Caasimadda ah ee Jabuuti, waxaana ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu sheegtay in tiradda dadka dhintay ogaalkood ay gaarayso 52 qof. Laakiin waxay sheegtay Wasaaraddu in Hawlaha Samatabixinta oo socda ay awgeed ay marba marka ka dambaysa sii kordhayso Tiradda dadka dhintay.

Isbitaalka Wayn ee Jabuuti oo inta badan la gaynayay Maydadka dadka dhintay ayaa isna xaqiijiyay inay dhinacooda soo gaareen 55 qof maydadkood, Waxaana isbitaalka afhayeen u hadlay uu sheegay in Saddexdii qof ee ugu dambaysay ay ahaayeen Caruur aad da’doodu u yar tahay.

Daadadkan oo saameeyay guud ahaan Dalka Jabuuti ayaa laga yaabaa inay ka dhashaan Cuduro ay ka mid yihiin Malario, iyo Daacuun, sida ay ka digayaan Dhaqaatiirta Dalka Jabuuti.

<><><>

Iyadoo ay maanta ku beegantahay 17 ka April oo ah Maalinta Dhirta ayaa waxaa ka socda Meelo badan oo ka mida Somalia nabaad guur lagu hayo Dhirta Soomaaliyeed.

Gobaladda Shabeelooyinnka ayaa waxaa ka socday muddooyinkan nabaad guur lagu hayay dhirta Soomaaliyeed, Waxaana deegaanadaasi oo caan ku ah Dhul Beereed ay imminka ku dhaw yihiin inay isku badalaan Lama dagaan, Iyadoo Kaymihii dhirta badan ay ka bixi jirtay lagu nabaad guuriyay Makiinaddo casriya oo Saacadiiba jari kara in ka badan Boqol Geed.

Gobaladda Jubbooyinka oo iyaguna ka mid ahaa deegaanadda ugu dhirta badan Somalia ayaa hadda waxay isku badaleen dhul ay adag tahay in lagu arko dhir, waxaana deegaanadaasi isaga hayaamay sidoo kale Ugaartii ay caanka ku ahayd oo u baxsaday intooda badan gobalka ay Soomaalidu degto ee Kenya halkaasoo ay gabaad ka dhigteen.

Dhirta oo inta badan hoy u ah Ugaarta kala duwan, sidoo kalana ah daaqsinka Xoolaha ay dadku dhaqdaan ayaa waxay ahmiyad wayn u leedahay Nolosha Noolayaasha dad iyo duunyaba, Waxayna Saynisyahanaddu rumaysan yihiin in Nabaad guur ku yimaada dhirta ay keeni karto Roobka oo yaraada. Laakiin Soomaalida oo aan sidaas ahmiyad gaar ah u siin Muddoooyinkan dhirta waxay billaabeen inay si aan naxariis lahayn u nabaad guuriyaan deegaanka, iyagoo dabeetana dhirta dhuxul ahaan ugu dhoofiya Waddamo Carbeed.

Maamuladda ka jira Gobaladda Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka oo ah deegaanadda ugu badan ee dhirta laga jaro ayaan wax xil ah iska saarin inay ka hortagaan nabaad guurka lagu hayo Dhirta Soomaaliya.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD