SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WUU II SOO ISLAAMAY!

Mr. Labac-labac 

Qalanjo: Haloo, aabe iska warran?

Aabe: Aluu! Nabad Aabe sidee tihiin?

Qalanjo: Aabe waanu fiicanahaye ka warran reerihii?

Aabe: Aabe dhib ma jiro ee biilkii ma soo dirtay?

Qalanjo: Aabe biilkii ha ii joogee warbaan kuu wadaa! Aabe Abshir dheh! Waxaa I guursanaya wiil aad u wanaagsan oo hadda soo Muslimay!

Aabe: Aabe kuma maqlayo, telefoonku wuu googo’ayaa! Ee maxaa Muslim ah?

Qalanjo: Aabe waa wiilka aanu israbno ee waxaanu doonaynaa in aad wilaayadda ku soo wareejiso inaadeerkey Ahmed

Aabe: Haa! Waan gartay Aabe. Wiilku waa qoladee?

Qalanjo: Aabe waa Madow!

Aabe: Yaahoo Madow aa! Naa maxaad nagula hadlaysaa? Ma anagaad Afrikaan iyo Sawaaxili noo keeneysaa waxyahay aan akhlaaqda lahayn!

Qalanjo: Aabe sug, sug fadlan ha igu dhigin telefoonka! Khalad baad fahantaye, Aabe ninku waa Mareykanka madow!

Aabe: Yaah Mareykan aa! Waaba Khadar Illaahay keenaye. Aabe dee lacagta ka soo dhur ninka sidee wax kaa yihiin! Aabe maad sidaa I tiraahdid. Waa yahay Aabe waan soo wareejiyey wilaayadii, soona dir lacag fara badan oo aanu aroos la yaqaano kaaga dhigno Soomaaliya, ma garatay. Waanu idiin soo duceynaynaa, wax khayr qaba Illaahay ha idin kala siiyo, balaayadana ha idinka xijaabo! 

Waxay qoftaa dumar ahi noqon kartaa mid ay kala tageen nin Soomaaliyeed carruurna leh iyo mid curad ahba. Waxaa halkaa ka bilaabmaya isbarashadii wacnayd ee dahsoonayd ee kala duwanaanshaha dhaqanka, fikradaha iyo hab nololeedka. Ninkan oo markii horeba aysan Muslinimadiisu sii buurnayn ee ay ka ahayd soo xera gelinta qoftan dumarka ah ee ay niyadiisu jeclaatay ayaa la soo baxaya dabeecadihiisa rasmiga ah iyo caadooyinkiisa dhaqameed. Waxaa dhacda in marar badan lays afgaran waayo oo ereyada maldahan ee luqadu leedahay laysla fahmi waayo amaba ay gabadhu taqaano fara ka hadalka oo keliya. Markii la damcay in la weydiiyo sidii ay ruux aysan afgaranayn, dhaqan garanayn guri ugu tegeyso ayaa waxaa hadalka soo af jaray maahmaahda oranaysa “ Shan faroodle isma afgaran waayo”.

Ninkii oo careysan baa halkan ka qayliyey Hey, Pitch! Bring your black ass here! I said, get in now woman! Pitch! Naagtii oo jahwareersan oo waxay sheegto garan la’ baa ku qaylisay: “Hayaay, cod weynaa bismilaahiye, balaaya ku qaaday waakan oo waa gediisii!

Alla ba’ayeey, waa maxay imtixaankani! Hooyo muxuu leeyahay? Walaale muxuu leeyahay”. Hooyo wuxuu ku leeyahay soo gal guriga! Kaalay sariirta!, Naa wuxuu ku leeyahay wasakhyahay soo gal qolka!.

Waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka jira ee ay keeneen isdhexgalku iyo is afgaran waagu. Waxaa dhacaysa in hooyo ay u turjumayaan carruurteedu ugana turjumayaan nin aysan af aqoon oo ay tidhi wuu iqabaa ama gabadh looga turjumayo nin ay keensatay! Waxaa anfariir iyo argagax ku dhaca carruurtii ay naagtani wadatay. Intii ay arki lahaayeen hooyadood oo la guhaadayo, la caayayo, la faraxumeynayo, la daroogeynayo ama la garaacayo waxay ka doorbidaan in ay cararaan, dawladu qaadato ama ay ehelo isu dhiibaan ka dibna waayaan daryeelkii hooyanimo iyo aabanimo oo ay duurkooda galaan noqdaana kuwo hadhow mujtamicii ku soo laba kacleeya oo waxyeelo iyo dhibaatooyin u geysta. Ogow noloshu waa meerto isku noqnoqota! Wixii maanta xumaada haddii aan hadda la toosin oo layska indho tiro ama maxaa iga galay ay kugu dhaafto isbaaro ayaa ku sugaysa wakhti aan fogeyn!

Waxaa la arkay dhibaatooyin badan oo ay geesteen ajaanibkii gabdhahayagu ay raaceen: Dilid joogta ah, Daroogo siin, Sharmuuteyn, Diin ka saarid!, Xardhid iyo biro ka lulid meel walba (tattoo), Si kasta iyo meel kasta ka isticmaalid! Hinaasid iyo maseyr iyo guhaad joogta ah, waalid iyo qaraabo warkeeda daa! Telefoon sooma dhici karo! iwm.

Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa! 

Mr. Muslim

Hadal is weydaarsigu waa intii sare oo kale iyo sida waalidku ugu farxayo in ay gabadhooda siiyaan nin shisheeya ah. Haddii uu cadaan indha buluugla ah yahayna warba kama taagna oo arooska kii Madoobaa loo dhigay baa lasii laban laabayaa. Waxaa dhacdaba in aan aroosba loo dhigin waayo ninkaaba la aroosayaa maadaama uu yahay nin haybad fiican leh! Markaa arrintu waxay ku dhamaanaysaa iska xaluulo gurigaaga ! iyo Naa iska aamus adigaaba nasiib leh oo helay nin Cadaan ah oo Muslim ah!

Markii la gaaray todobaad bixii oo ay gabdha badan oo wardoon ahi ay soo booqdeen gabadhii aroosada ahayd ayaa mar keliya lagu dhawaaqay: “Alla walaaley sidaanu anaguna ku helnaa ninkan oo kale oo sunadu ka muuqato”. Waxay ugu jawaabtay: “ Gabdhow nin Soomaaliyeed ka raystay! Waayo marka aad debecdid ee meel waliba huluuq, buluq, buluq ku soo tiraahdo ayuu naag kale oo giigsan kaa raadsanayaa”. Waxay uga sheekeysay gabdhihii kale in ninkan Cadi uusan indho aan iyada ahayn uusan lahayn: markuu guriga ka baxayo iyo markuu soo gelayaba waa Honey, Darling, Baby, Sugar. Haddaan debco iyo haddi kale waxaan u ahay Guduudo Carwo!. Aroosadii baa gabdhihii martida ahaa tustay liis dheer oo sugid ah (waiting list) oo ay ku qoran yihiin magacyada gabdhaha raadinaya wiilasha Cadaanka ah ee soo Muslima, waxayna u sheegtay in ay magacooda dabada ka raaciyaan!

Qosol iyo jaanta oo rago ayaa xigtay, kadibna gabadhii aroosada ahayd ayaa garba eeg iyo saacad eeg biloowday. Mar keliya ayaa sidii loo fadhiyey ay ku dhawaaqday: “ Alla nabadeey walaalayaal, kala carara wiilkii baa xiliyadan oo kale yimaada. Waa ajnabi oo kama helo buuqa badan, markaa anigu ma rabo in uu arko wuxuu dhibsanayo. Welibana guri hagaajis, uunsi iyo udgooneyn baa ii hadhay”. Gabdhihii baa yaabay oo ku yidhi: “ oo kaalay, waa maxay! Gabadhu waaba tolowdaye! Naa waa yahay hadhow baan ku soo wacaynaa”. Waxay u sheegtay in ninkeedu dhibsado telefoonka badan ee soo dhacaya oo aysan doonayn in ay soo wacaan.

Markii ay gabdhihii dibada u baxeen ayay xan bilaabeen: “ Cajaaib! Naayaadheheen, maxaa gabadha si ka ah? Mid kalaa qabsatay hadalkii oo tidhi: ‘ Gabdhow waxba ma ogidiine I dhegeysta! Ummada Illaahay waa kala qolo-qolo iyo kala dad. Intii isku degaan ahiba way is dabci, dhaqan iyo af yaqaanaan. Waxaan idiin sheegayaa in ay gabadhani qaadatay dhaqankii ninkeeda oo ay ka dhowrayso wixii uu dhibsanayo, kuna dedaalayso sidii ay u raali gelin lahayd. Mid kalaa tidhi Bal eeg waa xaamilo oo 9-keedii baa go’ay haddana har iyo habeen way shaqaynasaa waayo ma oran karto ninkeeda biil u dir dadkeeyga waayo dhaqan uu yaqaanaba maaha!. Ma soo warwareegi karto, telefoon cid uma diri karto, qof ay qaraabo ama asxaab yihiin ma salaami karto, aroosyada ma aadi karto si ay cadowgeeda u soo jebiso. Mid kalaa tidhi maxay kuugu taalaa waataas oo carruurtaas cad-cad bay dhashaye!

Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa! 

Mr. Midgaan 

Kulanka Midgaanka iyo gabdhuhu wuu soo gaaban yahay oo dooda dheer ee xaga sare ku taala ee bixinta gabadha laba gaari maayo inta badan. Waayo waxaaba yar gabdhaha la sheekeysanaya amaba dariiq la maraya nin Midgaan ah. Waxaa laga fogaanayaa 5 talaabo oo sidii in uu cadho qabo ama uu yahay karantiil baa layska ilaalinayaa. Haddii ay dhacdo in guur dhexmaro Gob isku sheega iyo dadka la dulmiyey waxaa lagu bilaabaa cadaawad iyo faquuqid. Waxaa wiilka ama gabadha guursatay Midgaha laga soo qaadaa qof xijaabtay oo waxaa loo dhigaa tacsi. Ilmahoodu awoow, abti, eedo, habaryar, ilmaadeer iyo qaybaha kale oo qoysku ka kooban yahay ma soo dhexgeli karaan. Hasa yeeshee marka uu Midgaanku darajo, sharaf iyo lacag Eebe ku manaysto wax dhib ah looma arko oo waa laga lufluftaa. Midgaan miskiin ah uun baa ba’ay!

Marar badan waxaa dhacda in dhamaan dadka ka soo jeeda qowmiyada la takooro rag iyo dumarba ay sheegtaan qolooyin kale si ay u helaan ictiraaf iyo in ay bulshada dhex galaan.

Waxaa ka dhacday Magaalada Minniapolis in gabadhi ay reerkooda aroos uga tumeen Soomaaliya iyadoo looga hambalyeynayo guurka ay guursatay Nin Mareykanka Madow ah. Muddo markii lays qabay ee laysu yeeshay ilmo yar ayaa maalin gabadhu ku dheeraatay ku hadlida telefoonka. Saacado badan ayay tororoklaynasay oo uu isna soo horfadhiyey. Markii danbe ayuu inta uu is hayn waayey oo uu is iloobay waxaa uun ka soo baxsatay: “ Yaakhey adiga Illaahay ka cabso oo telefoonka bes iska dheh”!

Gabadhii baa af labadeed yeedhay: “ Alla ileen wuxu Jareer buu ahaa! Waryaa Aabahaa was Adoon yahow I fur! Alla ba’ayeey ma anigaa Jareer I qabi karaa!

Telefoon bay badda de-deg u dul marisay oo la hadashay waalidkeed. Reerkoodii baa aad u xanaaqay kuna yidhi la socodsii ehelkaaga iyo qabiilkaaga ku agjooga deg-degna ha lagaaga furo! Xagee anaga iyo Jareer iska soo galnaa! Waa maxay meeshu wadaada ma joogaan miyaa! Naa iska fur haddii kale habaar baan kugu ogahay! Ma la Ba’ay!

Waxaa kaloo aad ka akhrisan kartaa qisada caanka ah ee ku qoran buuga uu qoray Ahmed Mohamed Diiriye ee lagu magacaabo “Ma abaal gudee Waan aar gudaa”! ee lagu daabacay Qaahira 1997. Qisadu waxay ahayd sidan:

Oday Soomaali ah oo ku noolaa Jarmalka ayaa guursaday gabadh Jarmal ah una dhashay gabadh. Sanooyin kadib oo ay gabadhu qaangaadhay ayaa nin Soomaaliyeed wadankii waxbarasho uga yimid. Wuxuu dhiganayey jaamacad ku taala Magaalada uu joogay qurbaawigii hore. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadii nin wada kulmeen, mise saaxiibo hore ayay ahaayeen. Waa layku soo booday, kadibna wuxuu keenay gurigiisii oo reerkii oo dhan buu baray una sheegay in uu yahay saaxiibkiis ay hore isu aqoon jireen.

Wuxuu wiilku iman jiray xaafada marka uu fasaxa yahay oo soo bariidin jirey. Waxaa dhacday in ay reerkii ka heleen wiilkii waayo wuxuu ahaa mid asluub iyo akhlaaq badan quruxna Eebe siiyey. Gabadhii reerka ayaa wiilkii iska caashaqday, kadib marka uu reerka yimaado ayaa waxaa la arkaa aabihii oo wejiga u bedelaya wiilkii una careysan!.

Marka la weydiiyey waxa iska bedelayna wuxuu hadalka ku jaraa waxba. Maalintii danbe ayuu u adkeysan waayey gabadhiisa oo wiilka aad ugu sii dheereynasa, markaasuu ku yidhi gabadhii: “ ka har wiilkan oo dib danbe ha ula qoslin, ha ula socon, kugumana arki karo agtiisa”!. Reerkii baa garan waayey meesha ciladu ka jirto. Waxaa loo sheegay in wiilkani aad uu u akhlaaq wacan yahay ayna ku qanacsan yihiin in uu gabadhooda la socdo. Mida kale ayay yiraahdeen waxaad wada tihiin isku dad iyo isku jinsi oo horena waabad isku taqaaneen! Maxaa ku haya? Bal wuxuun noo sheeg!

Aabihii baa afka furtay oo iska ooyey: “ Naa ninku waa Midgaan, Waa Midgaan! Waa nasab dhiman! Isma guursano! Ma geeyo hablahayaga!. Gabadhiisii iyo Xaaskiisii baa Illaahay yaab u keenay waxayna fahmi waayeen waxan uu ka hadlayo. Waxaa soo shiray haweentiisa reerkoodii bal si ay u ogaadaan, una xaliyaan mucjisadan aysan weligood arag. Waxaa Aabihii la xasuusiyey in uu caqli yar yahay oo uu qabo naag ka dhalatay qowmiyada Jarmalka oo dadka madowba u taqaana Daanyeero! Waxaa la xasuusiyey in ay u hayaan ixtiraam oo ay tixgeliyeen jacaylka walaashood markii ay isaga guursanaysay! Waxaa loo sheegay in wiilkan ay isku jinsi, diin iyo dalba yihiin! Waxaa lagu soo afjaray gabadhaada haddii ay jeclaatay ninka ha ka hor istaagin sidii aanu anaguba aanan kuugu diidin walaasheen!. Aabihii oo aad moodid in geeriyi ku timid ayaa meeshii looga dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya: “ Ma fahmasaan waxa I gubaya! Bal Midgaan ha kula xidido oo gabadhaada ha guursado!

Haddaba maxaa ku kelifay Ajiga dhibaateynta walaalahood?

Ma jinsi kalaa! Ma diintaa farasa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! 

Mr. Soomaali 

Hadalkii bay gabdhihii sii wateen iyagoo wadooyinka waaweyn marba gees u goynaya qayladoodana laga maqlayo futa biciid! -- Qayla iyo bulaan dheeraa Yaahoo!. Mid baa lahayd dumarow waxaan filayaa in ay khaldan tahay sida aanu ula dhaqano ragga Soomaaliyeed oo haddii aanu sida gabadhaas oo kale aanu ha dhicin ha jabin aanu odhan lahayn in ay nacnac ahaan la haayeen. Laakiin Subxaanalaahiye maxaynu ku sameynaa:

Carruuta garaac si aad u daandaansatid, markuu kula hadlana kasha xawaashka soo qaado oo kuleetiga ku dheg adigoo firimbiga ka ci’ dheerna dhowr goor ku celceli warqadii dhig! Madaxayga dhig! I fur right now!. Haddii uu kaa aamuso oo uu far kuu qaadi waayana sii wad bulaanka, dagaalka ilaa derisku maqlaan oo ay u yeedhaan booliska ama uu xanaaqo oo gacani kaa soo gaadho ka dibna waa la yaqaan 3-dii xaraf-- 911! iyo catowga: Ma nin baa la waayey! Yaa raba belaayadan qombobsan ee caloosha dheer oo weyda ah! Waxaa la helayaa mid maroodiya oo kor iyo hoosba ka weyn! Foori waryaa! 

Mid kalaa gabadhii hadalkii ka boobtay oo tidhi: “ Naa hooy cagta dhig! Nin Soomaaliyeed waa la yaqaan oo intuu booyaaso kaa dhigto, sanad walbana mijini gashay mijini baxday uu kaa dhigo buu hadhowna mid kale kaa raacayaa. Hala ogaado in dhaqaalaha laga curyaamiyo oo hogaanka loo hayo si uusan u qooqinba. Anigu kolay naag baan ahaye ninkaygu xataa kor iima soo eegi karo oo tababar fiican buu qabaa: Habeenkii markay tahay saqda dhexe baan aroos iyo Baadhi(Party) aadaa oo marka uu waagu walalac yiraahdo baan ka soo noqdaa iyadoo cashadeydii iyo cabitaankii isu kay dulsaaran yihiin. Isagaa carruuta haya, u qubeeya, Xafaayada ama Dheebarka(Diaper) ka nadiifiya, cuntada kariya. Nin Soomaaliyeed waa sidaas mudankiisu! Waa in uusan hawoon oo sidaa xiniinyaha loo hayaa!

Gabadh ka mid ahayd gabdhaha oo dhaqan wanaag ka muuqday ayaa u jawaabtay oo tidhi: Walaashey soo dhowoow, war lagu sii. Horta ogow ninka alaabtiisa uurka hooyadiis buu kala soo dhacay ee adigu umaadan samayn. Ta kale, maxaad uga cararaysaa oo aad u khilaafaysaa kitaabkaaga sharafta leh ee aad fikrado kale oo dadka amraya in ay naag keliya guursadaan aad ugu riyaaqaysaa. Kutub Eebe soo dejiyey oo dhigaya ragow naag keliya ku ekaada ma jiro sow ma ogidiin! Dadyowga aad fikirkaa ka qaadateen waxay leeyihiin naag keliya iyo 100 naagood oo saaxiibo ah markaa ma waxaad leedahay ninyahow saaxiibo badan yeelo oo keligay I qab!. Mase ogtahay in dumarka qurbaha joogaa ay naftii ka baxday oo buufis, kaadi macaan, kaadi sokorow, murqo iyo lafo xanuun laga saari waayey! Wallaahay waa runtaa walaaley bay hal mar wada yiraahdeen!

Haddaba waxaan idiin sheegayaa bay tidhi sirta nolosha ee dhegta ii soo dhoweeya: “Ogow gabadh kale oo walaalshaa ah oo aad isfahmaysaan hadday wax kula qaybsato oo aad isku meel degtaan in aad raaxo iyo nolol wanaagsan ku noolaanaysaan”!. Ilmo wada korsi, wada xoogsasho, Buufis iyo cudur la’aan, soo warwareeg iyo dalxiis badan, dhaqaale iyo lacag urursi fiican! Maxaad ka weydeen oon raaxo ahayn!. Mar keliya ayay cirkaa ka dhawaaqeen: “ Alla ku hooji! Bal eeg waxay nagula talinayso! Allow ha I joojin dhacdadaas oo kale saa madaxaaba iskay daba mari lahaaye.

Gabadhii baa hadalkeeda sii wadatay oo xasuusisay kuwii kale in ragga Soomaaliyeed yihiin ragga keliya ee dunidan ku nool ee ay naaguhu guhaadiyaan(abuse) oo sidey doonaan ka yeelaan marka laga reebo Ragga reer guuraaga iyo Geeljiraha Soomaaliyeed oo iyagu adadeyga, garaaca, iyo ku shaqaynta dumarka u arka raganimo! Dumarka reer guuraagu iih iyo aah midna ma leh: way kariyaan, koriyaan, dhisaan, raraan, xoolaha raacaan inta qowsaarkii qabay uu tuulooyinka qaad la fadhiyo ama uu harqoodaalka jiifo! Kaasi waa nin la mood, kuwa la nooc ahna qurbaha waa laga helaa. Laakiin guud ahaan nimanka Soomaaliyeed xajista yaan laydinka fahmine ayay ku soo gabagabeysay.

Meel dhexe markii la marayo oo loo dhow yahay xaafadii la deganaa ayaa waxaa ku soo lug darsatay naag Cadaan ah. Kadib markii lays bariidiyey ayay naagtii cadeyd weydiisay in ay shaqo ka yimaadeen. Waxay gabdhihii ugu jawaabeen in ay maanta fasax yihiin, qaarna ay saaka soo shaqeeyeen. Waa laysa sii wareystay oo dhaqanka Soomaaliga laga sheekeystay. Waxay u sheegeen in aysan dumarku badanaa aysan shaqayn oo raggu ay soo shaqeeyaan-- kirada, cuntada, biilka reeraha wadankii jooga, dahabka iyo aradka iyo wax ka sii badanba ay ragga dushiis tahay. Naagtii baa hadli kari weyday yaab dartii markaasay weydiisay in ay daacad ugu waramaan oo ay joojiyaan kaftanka. Kadib markii lays dhaarsaday ayaa wuxuu noqday hadalkii ka soo yeedhay: “ Alla maxaan nin Soomaaliyeed u guursan waayey!” Gabdhihii baa qosol gariir ku dhuftay Ihiiii, IhiiIhiii!!!

Haddaba maxaa ku kelifay dumarka Soomaaliyeed dhibaateynta ragooda? Ma rag Soomaliyeed nacaybaa! Ma jinsi kale jacayl baa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin nacayb baa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! 

C/Rahman Eelay  eediran@yahoo.com

 CAJABAYEEY YAA SOOMAALI U CIIDAMIYA!

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD