SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QARAMMADA MIDOOBAY IYO GACANTII AY KU LAHAYD FARAGALINNO UU MAREYKANKU KU SAMEEYAY WADDAMO ISLAAM AH!!::: Qaybtii 1-aad

Qore: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

 

Waxaa jirta oraah caan noqotay oo uu ka yiri Mareykanka iyo Golaha Ammaanka nin lagu magacaabo Oscar Alias una dhashay Laatiin America kuna guulaystay Oscar-ka Novel Press-ka, kaasoo ku helay abaal marintaas hawlo nabadgalyo raadin ah oo uu ka fuliyay waddamo badan oo ku yaalla Laatiin America, waxayna Oraahdii uu yiri ahayd: "Haddii Mareykanku isku arkay inuu yahay Quwadda keliya ee adduunka ka jirta, waxa uu dabayaaqada qarniga 20-aad ama horraanta Qarniga 21-aad noqon doonaa Dowladda ugu liidata Dunida".

Sida muuqata Mareykanka iyo Ingiriisku waxay ahaayeen labadii dowladood ee isku bahaystay inay weerar aanay amar uga haysan Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa ku qaadeen dalka Ciraaq, iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin Golaha amaanka, waxaana uu Golaha ammaanku ka soo saaray Qaraan aad u qabow oo ku baaqaya in xabbadda la joojiyo, taasina waxay daboolka ka qaadday in Mareykanku uu fulin karo go'aan kasta oo uu isagu keligii gaaro.

Mareykanku ayaa ku andacooda marka uu doonayo inuu ku tunto sharafta iyo karaamada dal lahaa inuu la dirirayo waxa uu ugu yeeray Argagaxiso, isagoo sheegta ama ku hal qabsada inuu difaacayo sharafta dadka iyo dalka Mareykanka oo lagu tuntay 11-kii September 2002, waxaana jira laba sababood oo uu Mareykanku sheego inay qasab ku tahay markii ay soo wajado baqdin weeraro kaga yimaada dibadda uu qaadan karo qaraar isaga uun ku keli ah, labadaas arrimood oo kala ah:

1. In ay jirto arrimo uusan kala mid ahayn dowladaha kale ee ku jira Qarammada Midoobay, isagoo sheegtay in dagaalladii 11-September ku dhacay Mareykanka aysan jirin dowlad kale oo kala xanuunsatay ama ay ku dhaceen dhibaatada isaga ku dhacday oo kale, taasina ay isaga u ogolaanayso inuu keligii go'aan cad qaato, haddii uu khatar ku soo wajahan dareemo.

2. In haddii uu arrin isaga quseyso kuna saabsan waxa uu ugu yeeray argagaxisa si kadis ah go'aan looga qaadan waayo ay isaga u bannaan tahay inuu go'aan qaato.

Waxaa jirta in Oscar uu yiri oraah kale oo ahayd: "Inteenna badan waxaan rajeynaynaa inuu noqdo qaniga 21-aad mid lagu sinnaado, oo aanay jirin cid awood gaar ah leh, uuna noqon doono mid ka duwan qanigii isaga ka horreeyay ee 20-aad, sidoo kale, waxaa muuqata in Mareykanku uu haatanba billaabay inuu ku tallaabsado arrimo fool xun, kuwaasoo ka dhigi kara in si deg-deg ah ay awooddiisu hoos ugu dhaco".

Akhristoow waxaa halkaan kaaga muuqanaysa in Mareykanku si cad ugu tuntay awooddii Qarammada Midoobay isla markaana ay u suuro gashay ujeedooyinkii uu ka lahaa dunida, balse waxaa cad in sharciyadda Qarammada Midoobay ay ku dambeyn doonaan jidka cusub ee uu Mareykanku u falay oo ah in dowlad weliba ay markeeda ku xadgudubto sharciyada Qarammada Midoobay sida Mareykanka iyo Xulufaddisaba ugu xadgudbeen.

KU TUMASHADA SHARCIGA QARAMMADA MIDOOBAY

Maalin ayaa waxa uu ku khudbeeyay Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Koffi Annan in Golaha Amaanka loo furay Nabad iyo inuu xal ka gaaro dhibaatooyinka dunida ka jira; isla markaana ay arrimahaas uga shaqeeyaan Hay'ado ay Jamciyadda Quruumuhu leedahay, waxaana uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowlad walba oo adduunka ka jirta ay dhowrto isla markaana u hoggaansanto qawaaniinta u degsan Golaha Ammaanka, aysan dhici doonin cid si gaar ah loo necbaysan doono.

Waxaa ka mid ahaa go'aannadii loo dejiyay Ummadaha Midoobay kaddib dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida, in aysan jirin dowlad ku xadgudbi karta dowlad kale xorriyaddeed, isla markaana aan lagu xadgudbi karin sharciyada Ummadaha Midoobay u degsan iyo in Dowladaha ku jira Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa ay u wada dhamaadaan go'aan kasta oo ay soo saarayso Jamciyadda Quruumaha, balse waxaa si lama filaan ah oo xanuun badan mar qura ugu istaagay Mareykanka iyo dowladihii ay is bahaysanayeen sida Ingiriiska iyo Israa'iil.

W/D:- Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD