SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxamed Cabdi  Xaashi oo xirid looga baqayo iyo Cali Khaliif oo la xagxaganayo

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 
 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaa Puntlandpost soo dhejisay warqad dacwo ah oo ka dhan ah Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi. Warqaddu waxay sheegtay inta fal-dambiyeed ee loo haysto madaxweyne-ku-xigeenka; laga bilaabo aflagaaddo madaxweyne, khiyaano Puntland ilaa burbur iyo isku-dir. 

Warqadda dacwadda waxaa maxkamadda u soo gudbiyey ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Puntland. Xeer ilaaliyihii guud wuxuu jiraa baa la yiri Kenya laakiin hadduu xeer ilaaliye guud jiro muu isagu dacwadda soo oogo? 

  • “Dirquu igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye”

Horta looma baahnayn inaan difaaco Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cali midna laakiin mar haddaanan weli arag  cid arrintaas ka hadlaysa ayaan fahmay sheekooyinka noocan ah waxay reebi karaan oo ah is-nac hor leh oo beelaha dhexdooda ah iyo dhibaato hor leh marka si arrimahaas looga hortago waa in inta goori goori tahay qofkii talo hayaa uu soo dhiibto. 

Horta rag badan oo mucaarad ku ahaa C/hi baa hadda keeno iyo bishin-tuur la isagu daray oo isaga boorsooyinka u qaada. Ama sidii Khaliif u yiri: 

  • Dacay baannu wada qaayibniyo oho ma diidaane!

Waxaan labo isku qabanayn in Maxamed Cabdi Xaashi uu muujiyey geesinimo aan horay loo arag markuu intaas oo jeer uu sheegay hadalo lid ku ah hogaamiyaha Puntland laakiin maxay tahay dacwaddan hadda lagu soo oogay ku-xigeenka? 

Horta wasiirradii iyo madaxdii kale ee taageersanaa Maxamed Cabdi Xaashi daadkaa qaaday halka kii dhibta ugu daran ka kacday lagu yiri: ogoloow jago kalaan kuu dhiibayaaye si aan uga aarsado Maxamed Cabdi Xaashi. Wasiirkaas wakaas hadda C/hi Kenya la jooga oo raadinaya xubin baarlamaan. Intii aan dowladdii ugu dambaysay Puntland laga dhisin ayaan maqlay in god loo qodayo Maxamed Cabdi Xaashi laakiin marna ma soo qorin iyadooysan arrintaasi ahayn mid ra’yi ahaan loo qori karo ilaa warku soo baxo. 

Bal su’aashan aan dhex dhigo reer Puntland: madaxweynaha iyo ku-xigeenka kee dambi weyn ka galay shacabka iyo geyiga Puntland oo loo baahanyahay in dacwad lagu soo oogo? Teeda kale xeer-ilaaliye ku-xigeenku miyuusan war ka hayn inta qof ee kornaylku ka dilay Puntland? Haddii xeerka duurjoogta la isticmaalo waxaa dambiilaa kii dab yar sidii gabyaagu u yiri: 

 

  • ·         Shabeelkii intuu micista dhalay meel dayacan seexshay

  • ·         Ee geelu marayee haddana ari mag weydiistay

  • ·         Is-mutuxinta maaggaaga waa lagu maleeyaaye.

Bal xeer-Ilaaliye ku-xigeenka ha xasuusto meerisyaas gabaygaa ilayn taariikhdu iyadaa soo noq-noqotee! 

Marka xeer-ilaaliye ku-xigeen haddaad dacwad u haysato ninkii ka maqnaa Puntland markii xoogga lagau qabsanayey oo aan ka qayb qaadan dilkii ilmo adeeradaa oo aad difaacayso, aflagaado loo geystay “madaxweynahaaga” waa arrin aan horay loo arag. Soow Tii Khaliif yiri maanta meesha ma taal:

  • ·         Reer Cismaan digtii gaartay bay wada diryaameene

  • ·         Sidii loo derderay bay dhammaan doc ula jiifaane

  • ·         Waxaa loo dudumiyaa sidii dooro idifleeye.

  • ·         Dulankii Qardhood iyo Kobnaa lagu dullaalaaye

  • ·         Bah Dirtii dalaaniga ahayd, Dalalku weydeeye

  • ·         Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba e’

  • ·         Daris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabeeye.

Inkastoo gabayga horay loo yiri laakiin maaha mid qabiil wada saamaynaya laakiin waxaa ceeb ah in nin madax ah lagu diro qof kale. Miyuusan xeer-ilaaliye ku-xigeenku ogayn sida tooska ah ee Maxamed Cabdi Xaashi u dhalliilo C/hi halka adigu aad ku sifoowday meerisyadaa kore ilayn C/hi baad difaacaysaaye. 

Waxaa ceeb ah in inta ehelkeen dhibaato aad ah soo gaarto haddana naloo adeegsado in nala ku diro qabiilooyin kale. Marka hadduusan xeer-ilaaliyuhu arrintaas raaligelin ka bixin isagaa u baahan in loo gabyo. 

Hadda Maxamed Cabdi Xaashi mala xiri karaa, hogaamiyihiisa oo ka dambi badan oo joogaa? Maxaase hadda sheekada loogu soo beegay? Anigu waxaan isleeyahay rag baa sawir is tusay oo yiri: haddii dowlad Soomaaliyeed  dhisanto  si aan u helno jagada ugu sarraysa Puntland waa in Maxamed Cabdi Xaashi jagada laga qaadaa weliba isagoo la xiray oo la dulleeyey. 

Haddii Maxamed Cabdi Xaashi la xiro waxaa meesha soo galaay isla gabaygii  Khaliif Shiikh Maxamuud markuu haystay qabiilka uu Maxamed Abshir ka dhashay intuu xabsigii Soomaaliya ku jiray, wuxuuna yiri: 

·         Abshir derykii lagu meeriyaan, cidi ka sii deyne

·         Damashkiyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye

·         Dugsi waxaan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale

 

·         Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye

·         Hogaan laguma doodeen sidii, dooho awrka ahe

·         Hohay lama durbaansheen, intay labo dibleeyaane. 

Teeda kale ma idin la tahay in qabiilkuu ka dhashay Maxamed Cabdi Xaashi ay yeelayaan in odaygooda sidaas loo ihaanayso sabab la’aan? 

Sidoo kale qolyaha “ubaxa kacaankaa” waxay weerar ku soo qaadeen Cali Khaliif iyagoo leh waa tuug. Qolyahaas dacaayadda ka qoraya Cali  waa kuwo aan horay ugu arki jiray doodaha iyagoo aniga laftayda igu haysta waxaan uga hadlo “aabbaha kacaanka”.

 Toloow maaddaama Kenya qaab qabiil wax loo qaysanayo ma reer Sool iyo Sanaag Bari baa laga filayey in xubnahooda loo aqoolo? Ma markay diideen baa keentay in siyaasiyiintooda ugu caansan la cayrsado? 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD