SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Xil aan Xeer ku dhisnayn, iyo Xasuuq aan Xikmadaysnayn 

Abdisaid Musse Ali-Koor  aabdisaid@hotmail.com

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...  

“Dadkan waxay xor ahaan doonaan markay diyaar u noqdaan inay yeeshaan xilka geyigooda”[1]

Maanta soomaaliya waxaa dhaqan iska noqday in qof aan lahayn xilkasnimo, waddaninimo, iyo aqoon maamulba inay si wajigabaxnimo ah isu soo taagaan masraxa la isku sharaxo ee la leeyahay waxaa laga soo dooran qof ka mid noqon doona mas’uuliyiinta soomaaliya.

Sidaan la socono qaarkood waxa kaliya ee ay yaqaaniin waa dhicida iyo bililaqaysiga hantida ummadda, qaarkoodna waxaaba la xukumaa caasumado kale oo maba inkiraan… 

Waxaa dhowaan waraysiyo kala duwan bixiyey labo nin oo xag jireen ah oo ka mid ah ururka Al-Itaxaad, ‘Sh.’ Cumar Faaruuq, iyo Col.Xasan Daahir Aweys

Cumar Faaruuq markuu ka hadlay sababta uu uga soo horjeedo shirka Kenya, uuna xubin muhiim ah uga noqday kii Carta wuxuu ku jawaabay “shirkaas soomaali ayaa mas’uul ka ahayd, kanse Gaalo ayaa wadata”, waa runtiis dadku inay soomaali ahaayeen walow ay koox gooni ahaayeen hase yeeshee, miyeysan shirkaas shirgudoon uusan ka ahayn nin la yiraahdo Michele Antoine? Wuxuu kaloo sheegay inay hadda dawladda Sacuudiga u xilsaartay inuu kawado dacwo waddanka Jabuuti, waxaanse, horeyba u ogeyn inay dawladaasi ahayd midda Cumar Faaruuq waligeed biili jirtay. Waxaan kaloo horey u ogeyn inuu shiikhu ahaa aabihii fatwada ee dagaalkii lagu hoobtay ee Waqooyi Bari soomaaliya 1992. 

Col.Xasan Daahir Awys ahna abaanduulaha xooga Al-Itaxaad, isla markaana ahaa ninka ka sababta u ahaa in laga dagaalamo, Araare, Waqooyi Bari, Gedo, intaba wuxuu lahaa amar bixinta waligiisna lama sheegin asagoo ka horyimid xasuuqii Gen.Caydiid, iskaba daaye, shalay 10/8/2004 wuxuu qirtay inuu ahaa dadka u dagaalamayey Gen.Caydiid asagoo leh, ‘ha umalayn inuu Caydiid kaligiis dagaalka watay’. 

Sidaan la socono, Col.Xasan Daahir Aweys waa ninkii bixiyey fatwada oranaysa “Qofkii ka horyimaada xukuumadan Carta waa GAAL” September 2000 kii, waxaase nasiib darro ah in qofka ay isku reerka yihiin labadan shaqsi uu yahay qof aan GAAL ahayn, kan ka aragti/reer duwanna uu yahay nin asagu GAAL ah, amase, u shaqeeya Gaalo. 

Sidaad la socotaanba labadan shaqsi marnaba kama aysan hadlin xasuuqii, dhicii, barakicintii iyo dhibkii loo geeystay dadkii laga barakiciyey deegaanadooda, iskaba daaye qaarkood waxay isku dayeen meeshay ku heleen badbaado inay uga dabotagaan oo ka ogaan dagaal hor leh, 1992, ‘sh’ Cumar Faaruuq wuxuu fatwo ku bixiyey Riyaadh asagoo leh, ‘waa gaalo, ee halala dagaalamo, xitaa kuwa niyadda ka raacsan xukunkoodu waa gaalnimo’, kan kalena wuxuuba ahaa ninka bixiyey dagaalkaas amarkiisa Col.Xasan Daahir Aweys.

‘Sh’ Cumar Faaruuq mar uu ka hadlayey DG Puntland asagoo jooga Vancouver, Canada, 1998, wuxuu yiri, ‘Waa Balaayoland’ waana in lala dagaalamaa, sidoo kalena markuu la kulmay Gen.Caydiid 1996, wuxuu yiri ‘Waa Odey soomaaliyeed oo mujaahid ah’, waan naqaan dadkuu ku jihaaday oo ahaa dad soomaaliyeed laakiinse ka reer duwan Jeneraalka iyo jamhadda sheekha oo ayagu 1991kii la baxay AAKHIRO-MOOG.

Qurbo-Jooga

Shirwalba marka la qabto oo soomaali loo qabto waxaa yimaada dhowr Professor, iyo

Xasan Daahir Aweys ma Diidana in Soomaalidu Dawladnimo Hesho
Guji.....

dhowr siyaasiin hore, tusaale; C/risaaq Xaaji Xuseen, Cali Khaliif Galeydh, Cabdullaahi Caddow, Cabdi Ismaaciil Samater, iyo dhowr kale, qaarkood waan aragnay oo uma baahnin inaan sheegsheegno, sababtoo ah, waxa kaliya ee ay u yimaadaan meesha waa inay xoogaa xantoobsi ah ka helaan..Hadday shirkaan ka caroodaan raggaan dhamaantood maxay ka badali karaan arimaha soomaaliya ee cakiran? Waa waxbana, sababtoo ah maba aha dad wax ka qabankara, dhib iyo dheef waxa la isku hayo. 

Caddowga soomaalida ee ugu weyn ma ahan qabiil, qabyaalad, iyo qob-qobid ee waa qof aan waxba ka garanayn waxa la isku hayo, xeerin karin gar, xal keeni karin oo ka hadlaya arimaha soomaaliya. 

Waxaan xasuustaa, in 1999, dhowr jeer soomalida MN, USA looga hadlay Start-tribune ka magaalada Minneapolis, ayagoo laga hadlayo siday u shaqeystaan, howlkar u yihiin, lacagta ay diraan oo bishii gaaraysa 2 million  amase ka badan, dhowr maalmood ka dib waxaaba isla wargeyskii kusoo qoray malaha Professor ka carooday dadkaas wax diraya oo uu u qaatay inay yihiin hal jifo, wuxuuna yiri; “soomaalidu dhamaantood waxay lacagta u diraan ururka Al-Itaxaad” Markaas ayaa jawigii waxaa isbadalay soomaalida laga haystay iyo wacyigelintii wanaagsanayd, ileyn mid ka mid ah dadkooda oo muddo joogay waddanka islamarkaana waxka dhiga jaamacaddaha ugu sareeya Gobolka ayaa ka qoray wax aan wanaagsanayn oo been ku salaysan. 

Prof.Cabdi Ismaaciil Samater, ma naceyb baa u geeyey arintaas mise wax kale? Waxaa haboon inuu ka jawaabo su’aashaas oo ay weydiiyaan dadka ay isku aragtida/reerka yihiin, laakiinse, waxaa la ogyahay inuu lacag kasoo qaatay ururka Al-Islaax asagoo u samaynaya dacaayad, laga yaabee inay ayagu soo siiyeen warbixintaas, ileyn markuu soo qoray maqaalkaas iyo waxaa isku mar ahaa kulankuu la yeeshay ‘Sh’ Maxamad Garyare ee Minneapolis. 

C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuu ahaa Odeyaashii lahaa sumcadda wanaagsan daggaalada ka hor, ileyn asaga iyo xukuumaddii foosha xumayd ee Ina Siyaad xiriir wacanbay lahaayeen e, markaa wax nacayb ah lagama qorijirin amase laguma daabici jirin wargeysyada Ina Siyaad.

Odeygu wuxuu yimid magaalada Kismaayo 1991, dadkoo diif, qax, iyo ildarnaan ku jiro, waxaa isu yimid odayaashii markaas isugu yimid magaalada, ayadoo laga aaminsanyahay inuu noqon doono halyeygooda, waxaana maalinkaas laga dooday saddex aragtiyood;

  1. USC aan la dagaalano, oo aan Xamar xoog ku galno
  2. USC waa dad la kiciyey, ee si dagaalku u damo ha layiraahdo, noqda madaxdii waddanka.
  3. USC aan iska celino hadday noo soo dhaafaan Jillib

Aragtida hore, waxaa aaminsanaa dhamaan dadka da’da yar ee aan garankarin dagaalka, burburka iyo barakacu dhibkiisa, raggaas dhamaantood waxay u badnaayeen rag dagaal oo da’ yar, hase yeeshee waxaa xoojiyey fikraddaas hore, C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa nin waayo-arag ah, lehna aqoonta maamulka soomaalida sida laga aaminsanaa, wuxuuna yiri;

‘USC waa dad cuqdad qaba, taariikhdana laguma sheegin ayadoo dad cuqdad qaba ay wax maamulaan’

Runtii dad badan waxay aaminsanaayeen in la isku raacayo aragtida saddexaad oo ahayd midda kaliya ee dadkoo dhan heshiiska ku ahaayeen, laakiinse, waxaa afduubay aragtidii dadka haraagii Siyaad Barre iyo Odeygii lahaa waayo-aragnimo sare. 

Haraagii Siyaad Barre

“Waxay musuqmaasuq bareen dadkeenii qaarkiis; waxay gateen qaarkood; waxay ka qaybqaateen siday u qaldi lahaayeen runta; waxay  dib u celiyeen xornimadeenii”[2]

Dadka soomaalidaa ee aan waxba ka duwanayn xaalada dumarka markay umulaan siday u ilaawaan fooshii haysay dhowr maalmood ka hor, ayaa waxay kalifaysaa inay seeto dheeraato nolosha iyo damaca qaldan ee waxmagaradkaan aan kor kusoo sheegnay. 

Waxaa u fudud dhamaantood, inay u shaqeeyaan amase la shaqaystaan hay’ad kasta oo jecel burburka iyo afduubka ummadda, sida Al-Islaax (laga xukumo Masar), Al-Itaxaad(laga xukumo Sacuudiga), iyo haraaga oo u badan kuwa la shaqaysta hay’adaha sirdoonka ee waddamadaas aan kor ku sheegnay iyo kuwo kale oo aan isla naqaan. 

Hadday dadka qaarkiis aaminsanyihiin in shaqsiyaadkaan ay yihiin kuwo jecel xukun kaliya, waxaa caddaan lahayd inay leeyihiin meel ay sal ku leeyihiin, laakiinse, raggaan dhamaantood waxay samaysan lahaayeen meel ugu yaraan laga soo dooran karo…Tusaale, waa adagtahay in mid ka mid ah lasoo doorto, haddii dadkoo dhan laga qaado hubka, lana banneeyo goobta la isku sharaxo,  lagana ilaaliyo caqabad walba ee ka hor imaan karta doorasho xor ah… 

Haddaan ognahay inaan la soo dooranayn, haddaan ognahay in waxqabadkoodu yaryahay, haddaan ognahay inay dhamaantood aysan waxba dhaamin Cali-Baabaha aan baranay ee bililiqada uun yaqaan, maxay ku dhacday inay nasoo horfariistaan? 

Waxaase intaas sii dheer ileyn way ogyihiin inaysan labo waxarood kala diri karin e, waxay aad u jecelyihiin in la helo ciidamo shisheeye oo u dagaalama, una xirxira shacabka! 

Shalay iyo Maanta

Waxaa dhici jirtay 1991kii in naloo soo sheego dad badan oo aan naqaan oo ku hoobtay badda ayagoo USC ka qaxaya amase, la laayeyba…Waxaan xasuustaa hoobashada badda in dadkii shalay ku shirbi jiray amase, goobaha fadhi ku dirirka uga doodi jiray in ay maanta ragga qaarkiis ayagoo hanti iyo xoolo Xamar ku haysta ay caruurtoodii ku hoobtaan badda Talyaaniga iyo Liibiya u dhexeysa…Kan shalay hoobtay wuxuu ka qaxayey in la dilo, kan maantase ku dhimanaya Saxaaraha Suudaan asagoo lugaynaya amase asagoo Laash yar saaran waxa waddaa waa qosol uu ku qoslay walaalkiis dhiban shalay.

Billad Sharafta soomaalinimada ee ugu saraysa

Abuukar Caddaani, intuusan dhiman waxaa haboon in soomaalidu ugu mahadceliso kartidii, kaalmadii, iyo kalsanoodii uu siiyey dadkii lagu xasuuqay Iskuulka Maxamuud Axmad Cali 1991, sida igu maqaal ah ninkaan wuxuu badbaadiyey dad badan, waxaa haboonaan lahayd in dadkii qaarkamid ah ay ka warbixiyaan siday wax u dhaceen.

Sidoo kale, waxaa la sheegaa in nin la yiraahdo Ina Xaaji Xasan uu badbaadiyey dad badan magaalada Gaalkacyo, taas oo lagu cambaareeyo sababtoo ah, waxay noqotay in isla kuwii uu badbaadiyey ay eheladoodu dileen Feb 1991kii…Sidoo kale waxaa haboo isla dadkii inay wax ka qoraan. 

Ma Gudbayaasha

Waxaan hubnaa Col.Xasan Daahir Aweys, iyo Dr.Ibraahim Dasuuqi ba inaysan magaalada Xamar hal qofna ku badbaadin, haddaba aan isweydiinee, maxay tahay qofka qiimihiisa haddii markii loo baahnaa uusan waxba qaban, mar aan loo baahnayna uu caqab noqday? 

Taariikhda madow ee shaqsiyaadkaan kore waxay liddi ku tahay taariikhda wanaagsan ee dhowr qofood oo soomaali ah ay leeyihiin marna ma ogolaan doonaan in la sheegsheego arimahaas.

La yaab maleh inaysan dadkaan dhamaantood rabin in wanaag ka dhasho soomaaliya, waxaase, la yaab maleh, qofka aad ogtahay ee degan Xamar waxbana ka qabanwaayey haddana ku andacoonaya soomaaliya ayaan wax ka qabanayaa? 

Waxaa ah wax lagu qoslo, qof hananwaayey maamulka magaalada yar ee halka reer loo baneeyey  Xamar, inuu isku dayo inuu haweysto maamulka soomaaliya….Haddaad jeceshahay inaad wax uun maamusho ka bilow magaaladaada amase xaafadaada, markaad hagaajiso aagaas waxaad xaq u leedahay inaad haweysato amase aad isku daydo inaad hanato waddanka oo dhan. 

Midda kale, qofka ka imaanaya deggaanka Xamar ee jecel inuu noqdo mas’uulka sare ee soomaaliya ma yahay mid;

  1. Keeni kara hantidii la dhacay (mise waa mid ku faana barakicintii?)
  2. Ma yahay mid aragtidiisu ka madaxbanaantahay reerkiisa hoose (mise sidii C/qaasim buu Cabsiiye ku ekaan?)
  3. Nabad iyo colaad ma keeni karaa?

Illaa uu ka soo baxo degaankaas qof leh astaamahaas waa in lagu qoslaa markuu yiraahdaa waxaan u tartamayaa mas’uuliyad sare, ileyn wax uu awoodo ma jirtee!

Qofka soomaliga ah marna ilaawimayo banaysigii ay dadka qaarkiis bannaysteen shanta asaaska u ah qofka muslimka ah ee aan la taaban. Culimadda iyo aqoonayahannada Xamar waxayba qaarkood inkiraan in dhib dhacay.! Waxaad ogaataan in ummadda aysan marna ilaaweyn kii xumaa ee haraagii Siyaad Barre, Al-Itaxaad, Al-Islaax, USC, iwm.

Abdisaid Musse Ali-Koor  aabdisaid@hotmail.com


[1] Biko, Steve; I write what I like (selected writings)

[2] De Witte, Ludo; The assassination of Lumumba

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD