SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

MOORAAYAANTAA HUBKA LAGA DHIGI,MACNAA KU HOOS DUUGAN!!!!!!!
 
 
  W/Q:Mursal Max,ed Max,ud(Garaad):
Email: stethy1@yahoo.com
 
    Waxaa in badan dhegaha dadka ku soo dhacay,waxa dalka lakeenayaa ciidamo ajnabiya,oo dalka ka sameeya hub-kadhis si loo soo celsho sharcigii iyo kaldanbaytii.    
 
Kormeero kala gedisan ayeey dhowr jeer ku soo kala bixiyeen Goboladda Dalka,quburo ka socda wadamadda deriska iyo kuwo carbeed.inta badan kormeeradaasi waxaa lagu soo aadinayey markasta oo shirka kenya uu u muuqdo in uu miro dhali rabo. Hasse yeeshee dad badan ayaa iyagu aaminsanaa in soo noqnoshadda gudigani aytahay, dardargelin lagu sameeyanayo shirka si horay loogu socdo.waxayse aragtidda dadku markale isu rogtay possative, markii uu dalka soo gaaray wafdigii ugu danbeeyey ee xaqiiqoraadintu.                                              kaas oo si aan horay looga baran howshiiso dar dar ku socotay sida iyaga oo booqanayey, xeryaha meleeshiyaadka iyo sidoo kale iyagoo waydiinayey,horjoogayaasha meleeshiyooyinka in ay soo gudbiyaaan tiradda iyo nuucyadda hubka ay haystaan,taas oo loo qaadan karo in ay dhab thay qorshahan lagu doonayo in ciidamo afrikaana dalka lagu keeno.
   
 Aan hadaba u soo dhaadhacno dulucdda maqaalkeena,su,aashu waxa,aytahay inta aan la keenin ka hor,maanta xalku maku jiraa ciidamo shisheeye maxaase laga dhaxli karaa guul iyo guul daro?... waxaan filayaa in jawaabta aan heli doono marka dib aan ugu laabano waayo aragnimadda aan ka haysano,howlgaladii ciidamo ajnabihi ay ku galeen dalal bdan oo caalamka ah,ujeedooyinkuba ha kala bdelnaadeene. sida wadamaddda Afghanistan, Iraq, Burundi, Seralion, Serbia,Somalia,Ivorycost iyo kuwo kale oo aad u badan. Hadaba waan aragnaa oo daah nagama saara waxa ka dhacaya maanta Ciraaq,waxaa la waayey mar qura sharafkii,taariikhdii dheerayd ee ay ku faani jireen dadka ciraaq iyo astaan kasta oo qaran madaxbaan lagu aqoon san karo,taas oo ay u dheertahay,xusuuq joogtoah,iyo anshax xumo lagula kaco raga iyo dumarka reer ciraaq,halka saddamakadib kuwii ku soo duulay ay xasilin lahaayeen.          
Maxay qabteen ciiidamadii isku bedbedelay Afghanistanoo NATO ugu danbeysay...magaareen ujeedadii ay hiigsanayeen?..marka laga soo tagomaamulkii Mullah oomeesha ka baxay,iyo dhalan rog lagu sameeyey,diintii iyo dhaqankii dadka reer Afghan,oo iminka dumarka lagu leeyahay xorbaad tihiin,timaha waad banaysan kartaan,meelaha lagu kulmana waad ka soo muuqan kartaan!!Hadaba taasi ma Dimoqraadiyad baa....kaba dhig dimoqoraadiyaddu in ay nuucaas tahaye,Kabul maanta matahay goob xasiloon..oo dalibaan sidaas maku hartay?
   Somalia dabayaaqadii 1992kii ciidamadii galay halkee ku danbeeyey howlgalkii ay ugu magacdareen Rajo-soocelinta...Sow ma,ahayn raja-soocelintu in nalagu duqeeyo hubkii ugu casrisanaa sida:AC130,blackhook helikobtar iyo kuowo kale...Sowma,ahayn in Raja soocelintu ay dumarka soomaaliyeed beeja-qabyadda ugu galaan Taangiyaashii iyo gawaaridii kale ee gaashaaneed si ay ugu bedeshaan jirkooda sanuud yar oo u dhaxeysa 5-10$!!!markii ugu danbaysayna sowmanoqon iyagoo xaaladda sii murjiyey in ay boorsooyinkooda ka xir-xirtaan?.
        
                   Hadaba bal eeg wadan kasta oo horay ay ugaleen ciidamo ajnabiya waxa,uu ku suganyahay daqiiqadan aad akhriyeeyso maqaalkan.
    Waxaan qabaa in ujeedada ugu wayn ee ciidamo shisheeye u yimaadan,somaliaya ay tahaya in ay fuliyaan 3dex-qodob. 1: In nin ay wataan oo ay raali ka yihiin hadii uu ku soo baxo hogaanka dalka ay isku dayaan in ay wax la meel mariyaan.2: In ay daraaseeyaan heerka wadaniyadeed iyo shucuureed dakan oo ah shacab muslima,si ay u xaqiijiyeen,in ay waxbakama jiraan ka dhigaan oraahda markasta soomaalidu ay ku faanto ee ah waxaan nahay umadda 100%Muslim ah.iyadoo Diimo kale la soo nexgelinayo dadka, si cabsida ah Dowlad Muslima oo soomaaliyed oo xoglihi waxa ay halis ku tahay jiritaanka wadamadda deriska.3: Inla beero H.I.V/ids si shacabka tiradda yar laakiin mayalka adag,intii xabaduhu soo hambeeyeen loogu ciribtiro,maadaama Askartaasu ka imaanayaan waddamo uu si aad,ah uhalkaeeyey cudurkasi,sida Ehopia,Ugandha,tanzania, zembabwe, south africa iyo kuwo kale. taasna aad ayeey soomaalidu ugu nugushahay oo waxaa saacidaya faqriga iyo saboolnimadda oo ay suurtagal tahay in uu qofku waxwalba ku dhaqaaqo.
     Arinta kale ee Muhimka ay tahay inla,ogaado isla markaasna ilgaara lagu eego waxa,weeyey.Askariga Afrikaan ka ihi marka uu ka shaqaynayo amaanka wadankiisa mushaarkiisu waa 100-150$ hadiise aynoqoto in uu dibadda howlgal u aado waxay u noqonaysaa jaanis waayo wax,uu mushaar ahaan u qaadandoonaa dhowr kun oo dalar.Hadaba su,aasha halkaas ka soo baxaysaa wax,ay tahay askarigaasi haduu is daacad ah u shaqeeyo howshii uu u xilsaarnaana mudokooban ku soo afjaro sow manoqonayso in uu dalkiisii dibugu laabto,oomushaarkiisii yaraa markale loogu bilaabo?
Jawaab aan haa ahayn dabcan mahaysid...sidaas darteed waxa uu ka doorbidayeee in arintu siimurugto oo sii daba dheeraato,si mushaarkiisa fiicani uu ugu socdo.
      Iminka waxaan filayaa  in aan jawaab u helnay su,aashii ahayd xalku ma ku jiraa ciidan shisheeye....Jawaabtu waa MAYA oo farwaawayn ku dhigan sidaasdarteed hdii wax nalalaqabanyo ha noloo howlgelsho ciidankii qaranka iyaga ayaa howshaas ku filane...hadii kale tana ma dhimnayd ayaa ka dhici doonta.
 
   W/Q:Mursal Max,ed Ma,uud(Garaad)Email: stethy1@yahoo.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD