SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida

W/D :Afyare Cabdi Cilmi & Dr. Cabdullaahi Axmed Barise
Email: qormooyinka@hotmail.com

Illeyn habaar adoogiis waa "Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay." Runtii, nasiib darro weyn ayaa haysata ummadda Soomaaliyeed. Sansaanka shirka Kenya sida ka muuqata, muddo 14 sano ah kadib, waxaa maanta Soomaali doonaya inay maamulaan qabqablayaashii dagaalka ee iyagu mas'uulka ka ahaa wixii dhibaato soo gaaray ummadda. Waxaa taas ka sii daran cidda loo dacwoonayo oo garta naqaysa oo laga filayo wanaag waa IGAD oo Itoobiya iyo Kenya gacanta ugu jirta.

Haddaba, saamaynta ay yeelan karto natiijada laga filayo shirka Kenya maxay tahay? Maxaase la gudboon dadka Soomaaliyeed? Qormadan kooban waxaan ku falanqeyn doonnaa aragtideenna ku aaddan labadan su'aalood.

Marka si hoose loo fiiriyo geedi-socodka shirka Kenya ee muddada dheer socday, waxaa muuqanaya in nidaamka ay dowladaha maamulaya shirku ku wadeen uusan ku salaysnayn ujeeddo nabad-raadin ah. Waxaa cad in shirkan laga foolinayey natiijo dan u ah dalalka cadowga ku ah Soomaaliya oo markii horeba iyagu qasbay in shirkan la qabto. Tusaale waxaa noogu filan ereyadii uu isaga oo aan la gabban si cad ugu dhawaaqay Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arap Moi. Sidoo kale, hadallada marar badan ka soo yeeray Kipligat iyo falalka laga arkay intii uu shirka madaxda ka ahaaba waxay muujinayaan daacad-darrada IGAD iyo dowladaha deriska ah. Waxaa noo muuqda inuu shirkani ku yeelan karo aayatiinka ummadda Soomaaliyeed saddex raad oo waaweyn haddii aan wax laga baddelin sida ay wax u socdaan.

Kow, halista ugu weyn ee ka iman karta shirkan waa in maamulka dalka gacanta loo geliyo qabqablyaasha dagaalka ee ay Itoobiya taageerto, dabadeedna ay billaabaan dagaallo cusub oo sokeeye. Runtii, waxaa jira ififaalo muujinaya dhiillo colaadeed oo ka soo cusboonaada dalka. Sida la wada ogsoon yahay, waxaa waayadan danbe yaraaday awoodda dagaal-oogayaasha. Waxaa kale oo hoos u dhacay xamaasaddii qabyaaladda. Waxaa isku furmay isku-socodka dadka, walow uusan is-dhexgalku gaarin heer wanaagsan.

Nasiib darro, sida warar xog-ogaal ah oo laga helay diplomaasiyiin jooga shirka Kenya ay sheegayaan, Itoobiya, iyadoo isticmaalaysa IGAD, waxaa ka go'an inay ka ilaaliso Baarlamaanka iyo xukuumadda ka soo baxaya shirka shaqsi ka soo horjeeda siyaasaddeeda ama rumeysan Soomaali-Weyn. Waxaa weliba taas dheer inay Itoobiya riixayso sidii ay dagaal-oogayaasha ay iyadu taageerto ay iyagu go'aamiyaan cidda matalaysa shacabka Soomaaliyeed. Ogooboo, cidda kala saaraysa ugu danbaynta liisaska iskhilaafsan waa IGAD oo gacanta ugu jirta Itoobiya iyo Kenya.

Walow uu nidaamka ay IGAD qortay sheegayo in xulitaanka xubnaha Baarlamaanka ay wada leeyihiin siyaasiyiinta, odoyaasha dhaqanka, bulshada rayadka iyo hoggaamiyayaalka kooxaha, haddana waxaa dadka goobjoogga ahi xaqiijinayaan in ay IGAD maqasho oo keliya qabqablayaasha dagaalka ee Itoobiya ay taageerto. Taas waxaa daliil u ah go'aannaddii lagu gudbinayey tirooyinka iyo liisaska ay qorteen qabqablayaasha dagaalku.Waxaa iyaduna jirta in nidaamka markii hore loo maamulay shirku uu muujinayo inaan la eegin danta ummadda Soomaaliyeed ee la fiiriyey waxa danta u ah dowladaha shirka wada iyo qabqablayaashooda. Haddii aad si taxadar leh u aqriso warbixinnada ay qoreen 6-dii guddi ee la saaray waxaa kuu caddaanaya in danta la xeerinayey aysan ahayn mid Soomaaliyeed.

Labo, weli shirku kama doodin waxa laga yeelayo xadgudubyadii xuquuqda aadanaha iyo xasuuqii loo geystay shacabka Soomaaliyeed. Sida caadada ah, marka la xallinayo dagaal sokeeye, waxaa qodobbada muhiimka ah ee xallinta u baahan ka mid ah in dadka is-haya ay ka doodaan oo go'aan ka gaaraan qaabka loo abbaarayo dhibaatooyinkii dhacay. In la is cafiyo iyo in la ciqaabo dadkii mas'uulka ka ahaa dhibaatada, labaduba way furan yihiin. Laakiin, inaan laba soo qaadin waa dulmi ku gooni ah ummadda Soomaaliyeed. Waana dibindaabyo si ku tala-gal ah ay u sameeyeen qolyaha maamulaya shirku.

Saddex, shirkan oo aan u aragno kii ugu liitay ee loo qabto Soomaalida waxaa ka muuqda in doorkii haweenka, aqoonyahanka, culumada iyo waxgaradka kale oo dhan la daboolay. Waxaa la buunbuuniyay doorka qabqablayaasha dagaalka oo runtii aad u soo yaraanayey sanadihii la soo dhaafay. Haddii sida ay wax ku socdaan lagu sii wado, waxaa abuurmaya boqollaal qabqable dagaal waayo dadka farriinta loo dirayo waa "hadba sida aad wax u disho ayaa laguu aqoonsanayaa oo wax lagugu siinayaa." Waxaa jira dad farabadan oo hubeysan oo marka ay arkaan in hubka wax dheeraad ah lagu helayo iyaguna adeegsan doona oo wixii la keeno hor-istaagi doona. Taasina waxay keeneysaa in iska-daba-wareegga lagu jiro muddada soo socota.

Ugu danbayntii, waxaa dhici karta in shirkani uu sii fogeeyo in la helo heshiis iyo dowlad qaran. Waxaa iman kara inuu kiciyo xamaasad cusub oo qabyaaladeed iyadoo qabaa'ilka qaar loo tuso in qabiillada kale ay diiddan yihiin reer hebel. Waa farsamadii ay waligeed adeegsan jireen siyaasiyiinta doonaya inay taageero u helaan mashruucooda sax iyo qalad mid uu yahayba. In dareenka noocan ah la abuuro waa ay sahlan tahay waayo waxaa lumay kalsoonidii. Haddii ay sidani dhacdana, waxaa dhici karta in ay u gogol-xaarto inuu dalku kala googo'o iyo inay qabaa'il awal heshiis ahaa ay isku nacaan.

Haddaba, maxaa la gudboon Soomaalida? Marka hore, waa in la isweydiiyo danaha uu shirkani xeerinayo cidda iska leh. Warka borobogaandada loogu talagalay ee ah waxaa dowlad ku dhisanaya shirkan Soomaali waa in hoos loo dhugto. Dadka Soomaaliyeed, kuwa jooga shirka iyo kuwa ka maqanba, waa inay ku dadaalaan inuu maamulka shirku gacantooda soo galo si ay iyagu u go'aansadaan qodobbada ay ka heshiinayaan iyo xilliga ay ka wada hadlayaan. Waxaan qabnaa in haddii ay Soomaalidu ka wada hadasho dantooda iyagoo adeegsanaya afkooda iyo dhaqankooda ay xal gaari karaan.

Tan labaad, waa in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan, aqoonyahanku ay culeys ku saaraan hey'adaha caalamiga ah ee shirka jooga in nidaamka shirka la hagaajiyo oo uu noqdo mid furan oo aysan ku amar-ku-taagleyn qabqablayaasha dagaalku. Sidoo kale, waa in aqoonyahanku ay ku soo bandhigaan warbaahinta caalamka iyo tan Soomaalidaba tabaha ay dalalka deriska ah iyo qabqablayaasha dagaalku ay ku fashilinayaan ama ay ku raadaynayaan shirka.

Adduunka kama jirto qof leh aniga ayaa u dooraya dadweynaha qofkii matali lahaa si uu aniga ii doorto. Yacni, qaar badan oo ka mid ah qabqablayaasha dagaalku waxay doonayaan inay hoggaanka sare ee dalka ka mid noqdaan. Maaddaama aysan kalsoonida dadka heli karin, waxay doonayaan in kuwii qoryaha u siday iyaga ay meesha keenaan si ay cod u helaan. Taasi caqliga iyo sharciga midna sax kuma aha. Maaddaama aysan hadda suurtagal ahayn in dadweynuhu ay doortaan dadka matalaya, waxaa lama- huraan noqonaysa in waxgaradka beeluhu ay doortaan cidda matalaysa.

Saddex, waa in la helo qolo dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya oo u garsoori kara waxa la isku qabto. Itoobiya iyo Kenya ma noqon karaan dhexdhexaad waayo waxa ay ka leeyihiin Soomaaliya dano waaweyn. Waxayna lug ku leeyihiin billowga iyo sii socoshada colaadaha ka jira Soomaaliya. Waxaa la wada ogsoon yahay in ninkii caraysan oo raba rasaas uu Soomaali ku laayaba uu aado Itoobiya.

Afar, qodobbada laga hadlayo waa inay ku jiraan waxa laga yeelayo danbiilayaashii geystay dhibaatada. Annagu hadda ma lihin ha la ciqaabo ama ha la cafiyo, laakiin waxaan leennahay waa in shirka Soomaali ay ku heshiinayso arrintan la keeno oo laga doodo. Haddii aan sidaa la yeelin waxaa dhici karta in dib loosoo gocdo dhibaatooyinkii dhacay oo dib u heshiis buuxa aan la helin.

Ugu danbayntii, cilmi-baarisyada laga sameeyey xallinta dagaallada sokeeye waxay muujinayaan in diintu ay qeyb weyn ka qaadato xallinta mushkiladda. Muzambique, South Africa, Guatemalla, Il-Salvadore iyo Cambodia markii ay xallinayeen mushkiladdooda waxay adeegsadeen diintooda, kaniisadahooda iyo dhaqankooda.

Dhibaatada Soomaaliya ka dhacday waa mid akhlaaqi ah. Haddaba, diinta Islaamka iyo culimada Soomaaliyeed waxay ka mid noqon karaan tiirarka ugu weyn ee qeyb ka qaadan kara dib-uheshiisiinta Soomaalida iyo daaweynta dhibaatooyinka jira. Waxaa lama huraan ah in culumada iyo aqoonyahanku ay qeyb ka qaataan nabadeynta. Nasiib darro, maaddaama colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay salka ku hayso diin, shirkan qolada ugu horreysa ee xitaa haddii ay beelahooda ka soo baxaan aan loo oggolayn inay shirka cag soo dhigaan waa culimada. Haddaba, waa yaabe, sidee la rabaa in heshiis loo gaaro haddii diintii iyo dadkeeda la fogeeyo?

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed uu ka samatabixiyo dibindaabyooyinka ay maleegayaan cadowgu. Waxaan ku boorrinaynaa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan, kuwa ku nool dalka dibaddiisa inay indhahooda furaan oo si joogto ah ula socdaan waxa dhacaya maalmaha soo socda. Dadka aqoonta iyo xilkasnimada lagu tuhmayo ee jooga meesha shirku ka dhacayo waxaa saaran xil weyn waayo wax kasta oo ka soo baxa shirka Kenya waxay saamayn weyn ku yeelan doonaan dadka iyo dalka oo dhan.

Afyare Cabdi Cilmi waa arday wax ka barta Jaamacadda Toronto. Dr. Cabdullaahi Axmed Barise waa macallin wax ka dhiga Jaamacadda Zayid University.

E-mail qormooyinka@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD