BAAQ NABADEED
17/08/2004
Anagoo isugu jirna dhamaan qeybaha bulsha Mudulood ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaan baaq nabadeed u jeedineynaa qeybaha Beesha ee ay dagaalladu ku dhex marayaan gobolka Galguduud magaalooyin ka tirsan.
Hadaba waxaan idiin soo jeedineynaa dhamaan mas'uuliyiinta ku sugan magaalooyinkaas iyo madaxyada kale ee sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ku dhaqaaqaan sidii loo nabadeyn lahaa dadkaas walaalaha ah ee uu ka dhex soconayo isdilka.
Baaqaan wuxuu ku wajahan yahay dhammaan Culuma’udiinka, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Duubabka, Siyaasiinta, iyo Dhallinyaradaba in ay masu’uuliyad iyo xil adag iska saaran sidii ay u joojin lahaayeen dhiigaas macna darrada ku daadanaya isla markaasna ay abuuraan jawi saldhigiisu yahay nabad iyo isfagarad buuxa.
Sidaa darteed, anagoo ah Jaaliyadda Mudulood ee degan dalka Ingiriiska waxaan si wadajir ah u go’aansanay in aan idiin soo jeedino isla markaana idiin kula xisaabtanno ciddii rabta in ay waxyeeleyso nabadda iyo horumarka beesha, waxaana dardaaran naga ah in shuruud la’an la joojiyo colaada iyo is-ugaarsiga ka socda beesha dhexdeeda.
Hadaba waxaan Ilaahay idiinkaga baryeynaa in uu tubta toosan idiin waafajiyo, dalkeenana ka qaado dhibaatada mudada dheer heysatay si loo soo wada celiyo midnimadii iyo wadajirkii uu dadkeenu lahaa.
Waxaa Saxiixay
-
1- Cali Cadoow ''Cali Jarmal''
-
2- Axmed Xassan Indhakoreey
-
3- Dr. Xassan Maxamuud Cali Baseey
-
4- Col. Xassan Maxamuud Dhoore
-
5- Abuukar Cali Jimcaale
-
6- Axmed Cabdalla Calas
-
7- Cali Cadoow Maxamed
-
8- Maxamuud Cabdulle Xassan
-
9- Cali Axmed Maxamuud
-
10- Xassan Axmed Shiikh Cali Afamaato
-
11- Xaaji Xassan Buule ''Qaroofoow''
-
12- Axmed Xassan Daani
-
13- Maxamuud Suudi Afrax
-
14- Maxamed Maxamuud Fanax
-
15- Cabdi Calasow Diicey
-
16- Daahir Xussein Miriq ''Daahir Onot''
-
17- Sh. Cabdulqadir Macallin Cabdulaahi
-
18- Maxamed Cali Raage
-
19- Cabdi Xassan Sh. Axmed
-
20- Yaasiin Maxamed Cabdi ''Bulsho''
-
21- Xassan Muuse Sheekh
-
22- Xaaji Maxmuud Muxudiin Shatax
-
23- Muxudiin Maxamuud Xassan
-
24- CAbdirsisaaq Jimacaale Yaroow
-
25- Maxamed Ibraahim Deyniile
-
26- Ciise Cibaar
-
27- Maxamed Barre Cali
-
28- Dahir Geesaweyne
-
29- Mascuud Shiikh Cali
-
30- Xaaji Muxidiin Raage
-
31- Aweys Maxamuud Osman
-
32- Maxmuud Cabdulle Xassan
-
33- Cali Axmed Maxamuud
-
34- Shiikh Axmed Xussein Cabdi Ceyreey
-
35- Warsame Cabdullaahi
-
36- Ibrahim Cukaash
Wariye
Saleeban Xassan Calasow
London, Uk
alasow73@hotmail.com