SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
BAAQ AY WADA JIR U SOO SAAREEN BEELAHA GERI KOOMBE iyo CABDI KOOMBE
  • Ku: IGAD & Hay'adaha caalamigi ah ee jooga shirka Kenya

Beelaha Geri Koombe iyo Cabdi Koombe oo la siman walaalahood Harti Koombe, waxa ay mar labaad halkan ku cadaynayaan sida ay uga soo horjeedaan qaabka ay IGAD ku wadaan shirka Soomaalida uga socda kenya iyo qaabka ay u qaybiyeen kuraasta baarlamaanka ee beesha Daarood.

Sida la wada ogsoon yahay, inkasta oo ay IGAD iska indha saabeyso, beelaha Geri Koombe iyo Cabdi Koobe wdegaanadooda waxaa kamid ah: Jubbada Hoose, Bari, Nugaal, Mudug, Bariga Kenya, Bariga Itoobiya iyo meelo kale oo kamid ah geyiga Soomaaliya.

Haddaba waxaan mar labaad halkan ku cadayneynaa in:

  • Qaabka ay IGAD ugu qoondaysay xildhibaanada beelaha Daarood in ay ahayd hab gebi ahaanba aan waafaqsanayn xaqiiqada, habkaas oo ah xaq duutin oo ka fog caddaalada.

Waxaana IGAD xusuusineynaa:

  • In beelaha Geri Koombe iyo Cabdi Koombe ay kamid yihiin beelaha ka qayb qaadanaya shirka Kenya, sidaas daraadeed in ay IGAD tix geliyaan dhambaalka aan u gudbiney oo ay markaas si siman beelaha Soomaaliyeed kuraasta ugu qaybiyaan, waa haddii ay rabaan nabada Soomaaliya, oo ay daacad ka tahay xal u raadinta khilaafaadka dadka Soomaaliyeed.

Waxaan IGAD ka sugeynaa jawaab degdeg ah.

QORAAL AY GERI KOOBE & CABDI KOOBE U DIREEN IGAD... GUJI [EGLISH]

GERI KOOBME
Abdi Osman Maalim Sagal:
Tel: 254-721-755241
Nairobi, Kenya
CABDI KOOMBE (JAMBEEL)
Botan barre Samatar
Tel: 254-720-390562
cabdikoombe@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2004

Xuseen Caydiid, C/Lahi Yusuf & C/Lahi Cadow oo Ka Hadlay Arimaha Shirka Kenya
»C/laahi Yuusuf oo wadahadal la yeeshay taageerayaashiisa
»C/laahi caddow: "hogaamiye uma xayrinaanayo dalka".
»Xuseen caydiid: "Dhaartii ka dhacday QM Xaq ma ahayn"
Dhammaan ka akhri halkan...

WARARKII AGOOSTO 25
» Bayaan kasoo baxay Beesha Tolomoge..
» Kulan taageero ah beesha Silcis Gargaarte...
» Dhaarinta Xildhibaanada sidee looga arkay Sudan..

Dhammaan ka akhri halkan...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD