SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
GUDOOMIYAHA GUURTIDA SL SALEEBAN GAAL OO QUDBAD KA JEEDIYEY GOLAHA HORTIISA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Guddoomiyaha cusub ee Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in siyaasadda Somaliland ay tahay wadatashi, sida uu dhigayo Dastuurku, sidaa darteed-na Golaha Guurtidu aanu ku dhaqaaqi karin wax aanay isla ogolaan axsaabta iyo golayaashu oo aanay ka wadatashan. Waxa kale oo uu ku baaqay in maamulka la gaadhsiiyo gobolada Bariga. 

Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta khudbad dheer u jeediyey golaha Guurtida, xaflad loo sameeyey doorashadiisa, waxa uu yidhi;

"Siyaasaddeennu sida dastuurkuba sheegay wadatashi weeye - wixii rasmiyaad ah baan ka hadlayaa maanta - ama Saddexda Gole ha ahaadeen ama axsaabta iyo golayaasha ha ahaadeene waa inaynu ku maamullaa hawlaheenna qaranka ee waaweyn - maamulka waxa leh xukuumadda, laakiin giddigeenba waa inaynu wadatashi ku maamulaa".

"Wax aynaan axsaabta iyo golayaasha ku wadan oo ka wadatashanna kuma dhaqaaqi karno. Dadweynuhu isagaa axsaabta keensaday waxay mudan yihiin in arrimaha lagu dhaqayo dalka ee waaweyn lagala tashado, sidaa golayaashu ay u wadatashanayaan ayay iyaguna mudan yihiin in lala tashado," ayuu raaciyey.

Waxa uu sheegay in wadatashiga noocaas ah haddii la sameeyo uu filayo in aanay Somaliland waxba ka xumaanayn, ujeeddooyinkeedana ay gaadhayso.

"Waxaan filayaa haddaynu sidaa yeello inaanay waxba inaga xumaanayn, inaynu ujeedada aynu leenahay gaadhayno, inaynu horumar gaadhayno, inaynu ictiraaf helayno," ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey, "Bayd gabaya ayaa wuxuu yidhaahdaa, ‘Cir taradhay Rag wuu toli karaa Taako labadeede'. Ninkii yidhi garan maayee laakiin, wax wanaagsan buu yidhi". Wuxu sheegay in aan cirka la gaadhi karin, laakiin xikmadda uu ninkaasi uga jeedaa ay tahay in raggu wixii ay u dhaqaaqaan ee ay ku tashadaan ay gaadhi karaan.


Saleebaan Maxamoud Aadan oo ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda Beri la geeyo. 

Xisbiyada mucaaridka ah ayaa marar badan ku baaqay in wadatashi laga yeesho arrimaha waaweyn ee qaranka, gaar ahaan shirka Mbagathi ee Soomaalida, hawlgalka gobolka Sool iyo Sanaag bari iyo tallaabooyinka lagaga hortegayo faragelinta Cabdillaahi Yuusuf ku hayo goboladaas iyo diyaarinta doorashooyinka baarlamaanka. Hase yeeshee, Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa ayay ku dhalliileen inay talada la jeestay, isla markaana ay ka baxday heshiis ay Saddexda Xisbi ku gaadheen arrintaas doorashadii madaxtooyada kadib.

Sidoo kale, Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu waajibiyey in maamulka la gaadhsiiyo Gobolada Sool iyo Sanaag-bari, isaga oo sheegay in dalku uu kala hadhay dhinaca horumarka, oo gobolada Bariga iyo Galbeedku kala hadheen.

"Ma lihi wax badan baa galbeed gaadhey. Laakiin, ama horumar dhaqaale ha noqoto ama is-haysashada bulshada ha noqoto ama adeegyada gaadhaya ha noqotee Galbeedna Jaamacadihii baa laga soo baxay, Barina degmooyin baa jira oo aan weli iskuulkii aweliga ahaa ka bilaabmin," ayuu yidhi Saleebaan.

"Waa waajibkeenna in aynu dowladda wax la qabano, nidhaahno waa in la gaadhaa. Waa waajib ina saaran, kuma eegan karo sidaa. Midnimada ummaddana waa inaynu la xaqiijinaa, haddii aynaan midaysnayn waxba ma qaban karo," ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in aanu xukuumadda hadda joogta iyo tii ka horreysey midna aanu ku dhalliilayn in aanu maamulku gaadhin gobolada bariga Somaliland, balse ay tahay mid cannaanteeda la wada leeyahay, haatanna wadajir looga hawlgalo.

"Xilka marka ugu horreysa xukuumaddaa leh, waxaynu ballanqaadaynaa inaynu kula hawlgallo fulinteeda iyo inay beelaha iyo xuduudaha wada gaadho," ayuu yidhi.

Saleebaan waxa kale oo ka hadlay abaarta ba'an ee dalka haatan ka jirta, waxana uu ku baaqay in aan laysku hallayn hay'adaha, balse ummaddu gurmato, isaga oo sheegay in wax kasta oo laysku dardaraa ay waxtar noqonayaa.

ISHA WARARKA: GOLAHA GUURTIDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

SOO TABINAYA MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004


Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD