|
Baaq uu soo saaray Ururka H/g/J/Hoose: Xoghaynta Canada.
-
KU:Dhamaan Ergooyinka Somaliyeed Ee Ka Qaybgalaya Shirka Guuldaraystay Ee Ka Socda Dalka Kenya.
-
KU:Maamulka Ururka (IGAD)
-
Ku:Dhamaan Ururada Gobjoogayaasha Ka AhShirka Guuldaraystay ee Ka Socda Wadanka Kenya.
-
OG:Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa iyo Wakiiladooda.
-
OG:Dhamaan Warbaahinta Somaaliyeed Gaar Ahaan Iyo Tan Caalamka Guud Ahaan.
-
OG:Ururada Caalamka Ee Xuquuqda Aadamiga.
UJEEDO:Waxaan Diidanahay Wax ala IYO Wixii Kasoo Baxa Shirka Guuldaraystay Oo Ay (IGAD) Qasayso Ee Ka Socda Wadanka Kenya Ilaa Laga Saxo Khaladaadka Gaar Ahaan Ilaa Dhulkeena Waamo Uu Ku Soo Noqdo Gacanteena Loona Ogolaado Shacabka Waamo in ay ayaga Mathalaan Wadankooda Waamo ,Tuugada Isbahaysatana Ay Ku Noqdaan Meesha Ay Ka Soo Duuleen Loona Aqoonsado in Ay yihiin Danbiilayaal Dagaal.
Anagoo Tixraacayna Talooyinkii Lagu Aas Aasay Shirkan Guuldaraystay Qodobadiisii Asaasiga Ahaa oo Ay Ka Midka Ahaayeen .
1-Heshiisiinta Umadda Somaaliyeed Iyo Dhaxdhaxaadinteeda Si Cadaalad Leh.
2-Dhowritaanka Xuquuqda Aadamiga iyo Anshaxa Guud.
3-Lahaanshaha Dhulka iyo Dibucelintiisa oo Loo Celiyo Umadda Xaqa U leh Iyo
Katalintiisaba.
4-Soo Celinti Xoolihi La Dhacay Warshadihi La Furfurtay iyo Danbiilayaashi oo Maxkamad Lasoo Taago.
5- Xaqdhowrka Deegaanka Dhanwaliba.
Intaasoo Idil Oo Wali Khaldan Cid Ka Hadashayna Ayan Jirin Oo Khaladkiina Lagu Saxay Khalad Kale Oo Ay Intaa Udheertahay Lahaasha Shir-u-yaalka Oo Lagala Wareegay Ummadda Somaliyeed Ha Ku Heshiiyaan Ama yaynan ku heshiinine.Intaasoo idil markaanu aragnay ayaanu go aan sanay in aan soo saarno Baaqan In Ay SI Degdeg Leh Ay uga Fiirsadaan( IGAD) Hadii Ay Daacad Ka Tahay In Ay Heshiisiiyaan Ummadda Somaaliyeed Oo Ay Rajo Ka Qabaan In Ay Taariikhda Ka Galaan Baalal Dahab Ah .
Somaali Ween Riyo Ma Aha Ee Waa Run Kii Ay Gubina Gidaarka Madaxa Ha Ku Dhufto!
Wabilaahi Towfiiq.
Xoghaynta Ururka H/G/J/Hoose Ee Canada.
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
August
28,
2004
Maxamed
Cabdulle
Wardheere
(Fuje)
oo
Taageero
Weydiistey
Dhammaan
Mujtamaca
Soomaaliyeed..
wuxuu
gaariga
dhigan
jiray
agagaarka
Afar
irdoodka
Muqdisho,
maanta
taageero
ayuu
kaa
sugayaa
Kulaabo
bogga
hore
ee www.somalitalk.com
|