|
Khilaafkii beelaha ka dhimanaa baarlamaanka oo la soo afjaray barina lagu wado in la dhaariyo Canab Mumtaz
Somalitalk.com
Agoosto 28, 2004
War ka soo baxay xafiiska IGAD ayaa sheegaya in la dhaarin doono xubnaha ka dhiman baarlamaanka bari ,kadib markii ay ka baaqdeen beelahaas dhaartii todobaadkii hore dhacday ee baarlamanka khilaaf siyaasadeed oo ku dhex jiray awgiis,ayay hadda ku suurta gashay in la isku keeno xubnahaas,kadib markii lagu guulaystay in la xaliyo dhibaatadaas iyadoo ay dhex galeen qaar ka mid waxgaradka beelahaas iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Khilaafkanka oo ka dhex jiray beesha Harti iyo beelo kale ayay maalmihii la soo dhaafay kulamo ay iskugu imaanayaan ku guulaysteen dhinacooda in ay sameeyan isku soo dhawaansho ah sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ku dhex jira.
Xubno sare oo ka mid ah beeshaas oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijayay in dhaartaas ay bari dhacayso ayna ka soo wada qayb galayaan dhamaan beelihii dhimanaa. Beesha mareexaan ayaa ka mid ah beelaha uu khilaafku ka taagnaa soo gudbinta xildhibaanadooda baaarlamaanka.qaar ka mid ah dadkaas ayaa eedayn u soo jeediyay C/raxmaan jaamac barre iyagoo ku eedaynaya in uu hor taagan yahay magacyadii la gudbiyay ee baarlamaanka uga mid noqon lahaa beeshaas,sida ay hadalka u dhigeen uuna doonayo in uu kuwo kale ku badalo. Dhaartaan oo ka dhacaysa xarunta QM ee magaalada Nairobi oo ah halkii horey loogu dhaariyay baarlamaanka ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan madax uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Dowladda kenya, wakiiladda IGAD ee shirka iyo wakiiladda beesha caalamka ee daneynaya arrimaha soomalida.
waxaa kale halkaasi laga soo jeedin doonaa goorta la dooranayo gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisaba, sidoo kalena la soo bandhigi doono qaabka uu u howl gali doono baarlamaanka cusub ee jamhuuriyada soomaaliya. Madasha shirka waxaa si wayn looga dareemayaa olole ay wadaan tartamayaasha jagada madaxweynenimo ee soomaaliya iyagoo kulamo la yeelanaya xildhibaanada ku guulaystay baarlamaanka.
canabmumtaz@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com
|
August
28,
2004
Waraysi: Ismaaciil Buubaa
..Aniga waxaan ka mid ahay inta qabta midnimadii dalka soomaaliyeed iyo in sina aanu dalku u kala go'i karin Guji 28/8
Dugsiga Hoyga Xamar: 116 Arday oo La Guddoonsiiyey Abaal marino
Agaasimaha Dugsiga C/raxmaan Yuusuf ayaa.. Guji
Qaabkii Dhaarinta ee Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|