SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay
  • Xaflado lagu maamuusayay dhalashada JWXO oo ka kala dhacay dalalka Qadar & cariga maraykanka.
  • Shirkii Geeska Afrika ee Sweden lagu qabtay oo wufuud Ogadenia ka socota ka qaybgashay.
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhuubay gobolka Bakool
  • Dagaallo cadowga lagu naafeeyay iyo dad la xidhxidhay.
  • Warysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha xuquulul insaanka Ogadenya ee wadanka Kanada Fawsiya C/kariin Sh. C/qaasin.

Dagaallo cadowga lagu naafeeyay iyo dad la xidhxidhay.

Dagaalo kadis ayuu Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya ku naafeeyey ciidanka calooshiisa u shaqaystaha ah ee gumeysiga Itoobiya ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Ogadenya.

Dagaalladaas waxaa ka mid ah:

11-8-04 weerar ay geesiyiinta siidammada xoraynta Oagdenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya waxaa lagu dilay 5 askari, 6 kalana waa lagu dhaawacay.

19-8-04 dagaal uu CWXO ku qaaday magaalada Gurdumi gudaheeda, wuxuu cadowga kaga dilay 13 askari. Warar laga helay ciidanka cadowga gudihiisana waxay sheegayaan in weerarkaas 20 kale lagaga dhaawacay.

Dhinaca kale sidii caadada u ahayd wuxuu cadowgu dilay dad shacab ah oon waxba galabsanin, waxaana dadkaas ka mid ah:

Magaalada Wardheer waxay ciidamada cadowgu ku laayeen dadkan hoos ku qoran markii ay taariikhdu ahayd 11-8-04:

  • 1. Max'uud Shiil
  • 2. C/kariim Beddel
  • 3. Sahra Suufi.

Waxay isla goobtaas ku dhaawaceen dadka kala ah:

  • 1. Cabdi Madoobe Aadan
  • 2. Tube Beddel Cali

Meesha lagu magacaabo Dhaban Adi, oo Fiiq u dhow, waxay ciidamada cadowgu ku dileen laba nin oo shacab ah oon dambi lahayn, waxayna kala yihiin:

  • 1. C/raxman Sheekh Khaliif
  • 2. Cabdi Muxumed Gaab

Sidoo kale wuxuu cadowga gumeysatada ahi ku xidhxidhay meelo badan dad aan waxba galabsan, waxaana dadkaas ka mid ah:

Galadiid; waxay ku xidhxidheen 23-8-04 dadkan hoos ku qoran:

  • 1. Xasan Khaliif Axmed
  • 2. Sh Max'ed Sahal Cali
  • 3. Yusuf Xareed Cali
  • 4. Nuur C/qani
  • 5. Max'ed Cali Mahdi
  • 6. Muxumed Cumar Hudle
  • 7. Xuseen Max'ed Xareed
  • 8. Deeq Cali Barre
  • 9. Deeq Cabdi Mahad 

Sida oo kale Gunagado waxay ku xidheen 18/8/04:

  • 1. Camaari Sh. Axmed
  • 2. Adan Camaari Sh Axmed
  • 3. Sh. Cabdi Aw Cumar.

Saddexdaa nin waxaa la sheegay in cuntadii loo gayn jiray la soo celiyey, taasoo keentay tuhun ah inay dileen.

Xaflado dhalashadii JWXO lagu maamuusayay.

Wararka isdaba jooga ah ee wariyayaasha RX ay ka soo dirayaan xafaladaha lagu maamuusay sanadguuradii 20aad ee asaaska JWXO, ayuu wariyaha noo jooga dalka Qadar soo wariyey In: 

Casho sharaf ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha jaaliyadda Ogadenya ee dalka Qadar oo lagu maamusayay sanadaguuradii 20aad ee asasskii JWXO ay unugga dalka Qatar ku qabteen magaalada Doha habeenkii Jimcaha.

Waxaa ka soo qayb galay cashada odayaasha jaaliyadda, culimau'diin, dhalinyaro iyo ardayda dalkaa wax ka barata. Cashada ka dib waxaa warbixin isugu jirta taariikhdii ururka iyo marxaladda hadda la marayo ka jeediyey fadhiga wakiilka jabahadda u jooga Qadar.

Warbixintaa ka dib waxaa la guda galay in la falanqeeyo qodobadii uu wakiilku soo hordhigay

jaaliyadda. Go'aano dhaxalgal u ah dhismaha unugga iyo taageerada jabhadda ayaa la go'aansaday.

Waxay xubnaha jaaliyadda Doxa munaasabadan u soo gudbiyeen gudoomiyaha jabhadda iyo dhamaan hogaanka sare ee jabhadda hambalyo, waxayna muujiyeen inay taageerasan yihiin dhamaan go'aanadii kalfadhigii Golaha Dhexe ee jabhadda ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

Xubnaha Unugga Jabhadda ee Dooxa waxay sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyeen dadwaynaha Ogadenya, meel kastoo ay joogaan, waxayna u rajeeyeen inay sannadkan midkiisa kale ku gaadhaan gobanimo taam ah.

Dhinaca kale: xaflad si heer-sare ah loosoo agaasimay kuna beegnayd 20 guuradii kasoo wareegtay yagleelkii JWXo ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, Minnesota USA.

Xafladaas oo ay kasoo qayb galeen dad aad utira badan oo isugu jira Somalida Ogadenya iyo Somalida Somaliya ayaa waxaa si khaas loogu marti qaaday kana soo qayb galay: Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Raisul wasaarihii hore ee jamhuriyadii somaliya ,Dr.Xuseen mataan oo ahaa wasiirkii difaaca ee dowladii burburtay ee somaliya, Mudane Mohamud Wardheere oo ah siyaasi somaliyeed lataliyana uah xaga arimaha somalida sanatar Coleman oo kamid ah sanatarada Minnesota ee wadanka maraykanka.

Waxaa sidoo kale lagu marti qaaday xafladaas wafdi ka socday ururka xuquuqul insaanka Ogadenya oo ay hogaaminayeen: Dr. Maxamuud Ugaas Muxumed iyo Mudane Maxamed Muuse,iyagoo halkaas kusoo bandhigay warbixin ka hadlaysay xadgudubyada uu Guumaysiga Itoobiya ku hayo dhamaan Qawmiyadaha dulman ee Itoobiya gaar ahaan Soomaalida Ogaadeenya.

Ugu dambayntiina Waxaa Munaasibada ka hadlay Gudoomiyaha Unugta Minnesota Cabdirashiid Baasuuke, iyo Maxamuud Nuur Gud. Midwest JWXO. Waxay kaga hadleen ujeedada laga lahaa munaasabadan qaaliga ahayd iyo Taariikhda Halganka Shacabka Ogaadeenya uu ugu soo jiray Xoriyadooda hadana uu weli ku jiro iyagoo halkaas kasoo jeediyey warbixino aad loogu bogay oo isugu jiray Taariih iyo wacyi galin.

Shirkii Geeska Afrika ee Sweden lagu qabtay oo wufuud Ogadenia ka socota ka qaybgashay.

27-29 bishan ogosto ayaa jamacada Lund ee dalka Sweden lagu qabtay shir looga hadlayay Nabadgalyada, horuminta iyo dib u heshiisiinta dadyowga geeska Afrika guud ahaan,shirkaas ayaa lagu marti qaaday kana qayb galeen wafdi ka socda jaaliyada Ogadenia ee dalka Denmark,Fowsiyo Cabdulqaadir oo ka socotay ururka udooda xuuququl aadanaha Ogadeniya ee wadanka Canada,Kiin Mohamed oo iyana ka socotay ururka xuquuqul insaanka Ogadeniya ee wadanka Holland

Shirkan ayay ka soo qaybgaleen wufuud ka kala socatay dalalka Somalia, Eratariya, Jabuuti,Kenya,Suudaan, koox ka socotay Xabashida,iyo aqoonyahano laga marti qaaday jaamacadaha geeska afrika, kuwa maraykanka,faransiiska iyo weliba ingiriiska

Shirkaas ayaa si kulul loogaga dooday dhibaatooyinka hor tagaan nabadgalyada,horumarka iyo Iskaashi dhexmara dadyowga wada dega gobolkan Geesafrika.

Fosiya Cabdulqadir SH. Qaasim aya qoraal cilmibaadhiseed kaga hadashay xadgudubka joogtada ah ee gumeysi Itobiya ku hayo shacbiga Ogadenia gaar ahaana dumarka iyo caruurta.

Dhanka kale waxaa dood kulul dhex martay wafdiga Ogadenia iyo kooxda ka socotay gumeysiga Itoobiya, oo islamarkaana dagaal kulul dhexmaray iyaga iyo wafdigii dalka Erartariya. shirka ayaa la isla gartay in dhibweyn ay ka wado gobolka geeska Afrika gumaysata Xabashida iyada oo gumaysata dadyow badan oo uu ugu horeeyo shacbiga ogadenia, dagaal dhul balaadhsi ahna ku hayso dalka Eratariya, iyo weliba faragalinnteeda joogtada ah ee ay kaga hortgayso nabad ka dhacda Jamhuuriyda Somaliya.

Ciidamo itoobiyaan ah oo la soo dhuubay gobolka Bakool.

Wararka ka imanaya gobollada koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo itoobiyaan ah oo aad u hubaysan oo aay dul-heehaabayaan diyaaraddaha qumaatiga u kaca ee dagaalku soo galeen qaar ka mid ah degmooyinka koonfurta soomaaliya ee xadka la leh dhulka Ogadenya.

Wararku waxay intaasi ku darayan in meelaha ay ciidammada Itoobiya soo gaaleen ay ka mid yihiin

tuulooyinka Rab-Dhuure, Yeed iyo Ceel Barde.

Ciidamadan oo Tiradooda lagu qiyaasay ugu yaraan 1500 oo askari ayaa la sheegay inay ku sii siqayaan gudaha Soomaaliya.

Dawlada Itoobiya ayaa dunida u muujisa inay ka mid tahay dawladaha dhexdhexaadinaya kooxaha soomaaliyeed ee ku shiraya dalka Kenya, hase yeeshee waxay dhinaca kalana ku dadaalaysaa sidii ayna nabad uga dhalan lahayn dalka Soomaaliya, sidaas darteed waxay baryahan denbe kordhisay dhaqdhaqaaqii millatari ee gudaha Soomaaliya ka wadi jirtay.

Maalmo yar ayaa laga joogaa markii ay ciidammo itoobiyaan ahi soo galeen tuulooyin ka tirsan

gobollada Bakool iyo Hiiraan, halkaasoo ay dad rayad ah ka qafaasheen, isla markaana ay dadwaynihii ka boobeen qalab is-gaadhsiineed oo dadwaynuhu ay haysteen.

31.08.2004

Ahmed Gaal`eri

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalkcom | August 31, 2004

Afeef: Aragtida Warkan waxaa leh Xoriyo.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD