SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Baarlamaanka oo kulankooda ugu horeeya yeelan doona Khamiista iyo Ergada oo dib loo celin doono todobaadkan.

Canab mumtaz,
Somalitalk.com 

Agoosto 31, 2004

War ka soo baxay maanta galinkii dambe Guddiga fududeynta shirka ee IGAD ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ah (September 2, 2004) uu baarlamaanka soomaaliyeed yeelan doono kulankoodi ugu horeeyay ee ay kaga wada hadli lahaayeen arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa kadibna doorashadii guud ee madax weynaha jamhuuriyada soomaaliyeed. 

Kulankan oo ka dhici doona Halka uu ka socday dooda baarlamaanka kenya ee loo yaqaano "BOMAS OF KENYA"ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan baarlamaanka soomaaliyed ee dhawaan la dhaariyay

Baarlamaanka oo ay horyaalaan arrimo badan oo culus waxaa ugu muhiimsan waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan qaabka ay u dhici karto doorashayooyinka madaxweynaha ka dib marka ay nidaamiyaan doorashada gudoomiyaha oo laga yaabo lafteeda in ay qaadato waqti kale, 

Guddiga Fududeynya shirka ee IGAD ayaa cadaadis ku saaraya baarlamaanka sidii ay u dhamayn lahaayeen wax walba si bishan dhalan doonta dabayaaqadeda ay wax walba u dhamaadaan. kulanka ay bisha September iskugu imanayaa wasiirada IGAD si uu ugu soo beegmo iyadoo wax walba ay dhamaad u dhaw yihiin, qaar ka mid ah xildhibaanada la dhaariyay oo aan ka wareystay sida ay wax u socdaan ayaa sheegay in ay filayaan wax walba in ay guul ku dhamadaan iyadoo la filayo in dhamaadka bisha soo socota la dhameeyo doorashada madaxweynaha iyadoo ay hadda socoto is diiwaan galinta tartamayaasha jagada madaxweynenimo. 

Dhinaca kale ururka midnimada Afirka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qaabkii lagu gayn lahaa ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda wadamada qaarada Afrika soomaaliya, iyadoo caasimada soomaliya ee mogadihso ay dowladu ka dagi doonto lagama maarmaana ay tahay in ay ahaato amaan si aysan caqabad uga qabsanin dowlada cusub howlgaladeeda. 

Waxaa kale oo warkooda ay ku sheegeen maanta Gudiga shirka in dib u celin lagu samaynayo laga bilaabo bishan september 3-deeda dad gaarayaa illaa 200 oo ku sugnaa mudadii uu shirku ka socday goobaha shirarka, qaarkood ay ahaayeen goob jooga yaal halka kuwo kalena ay ka mid ahaayeen ergada sidaas awgeedna lagu celinayo dalka maadaama uu dhamaaday shirka si ay uga sii qaybqaataan soo dhawaynta dowladda.

MAGACYADA XILDHIBAANADII BAARLAMAANKA LOO DHAARIYEY  OO DHAMEYSTIRAN

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

SomaliTalk.com | Agoosto 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD