SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SOMALILAND WAA QARAN EE MA AHA DIR

Somaliland waxa ay ka soo dabaalatay ama ka soo badbaaday dhibaatooyin ka waawayn waxa ay dawlad federaal ah oo Somalia u dhalataa ay gaadhsiin karto. Dhibaatooyinka ay soo martay Somaliland ee ay ka samato baxdayna waxa ka mid ahaa xasuuqii Dawladii Siyaad Barre iyo shirqoolkii Kooxda Carta.

 
   Halgankii qadhaadhaa ee ay ummadda Somaliland u soo martay ladgaalankii Taliskii Siyaad Barre ee ay dad duunyoba ku dhamaadeen , waxa uu dhalay xornimada iyo madaxbanaanida ay haysato ummadda Somaliland maanta. Waxa ay Somalialnd la soo gashay dagaal , Somalia oo ahayd ama ka mid ahayd wadamada ay ciidamadoodu  ugu hubka iyo tababarka fiicnaayeen ee ka jiray Geeska Afrika.
 
 
  Somaliland waxa ay ka badbaaday shirqoolo badan, oo ay Kooxdi Carta ee adduunka oo dhami taageerasnaa ay u maleegtay, ha ahaadeen salaadiin ku sheeg ay iibsatay ama shiqsiyaad caloosha u shaqaystaayla , oo yidhi waxa aanu matalaa Somaliland , sida kuwa imika jooga  Mbaghati , ee la soo baxay Somaliland waa Dir.
 
     Somaliland ma ah Dir mana jiro wax Dir  la yidhaa , Somaliland waxa ku nool , beelo badan oo Somali ah, oo aan ku xisaabtamayn beelaysi oo ah Qaran. 
 
      Somaliland  waxa ay la xaajoonaysaa ama  hor fadhiisanaysaa Somalia iyda oo qaran ah , oo aan ahayn waxa la soo samaystay ama DIR. Somaliland markii ay la midawday Somalia kula may midoobin Dir baa nahay, waxa ay la midawday Somalia iyada oo qaran ah. Kooxda Mbaghati , waan in ay siisaa Dirta Somalia ee koonfureed 61 xubnood ee ay ku leeyihiin Baarlamaanka, inta ay ku xidhayaan , wax ay yidhaahdeen waxa jira Dir Waqooyi. 
 
    Somaliland haddii ay ka soo samato baxday , shirqooladii Carta iyo gumaadkii dawladii Somalia, waxa iska yar dhibaato kaga timaada Dawladda Federaalka ah ee loo dhisayo Somalia.
Sababta oo ah , haddii ay Somalia isku soo raacayso  Somaliland ku duul oo  gooni isutaaga Somaliland midaynayo  mar hore ayay dawlad dhisanlahayeen, oo dawo ayaabay u noqon lahayd Qadiyadda Somaliland, waxase iska cad in aanay taasi meesha ku jirin,  Somalilandna ay mar walba qarnimaddeeda difaaci doonto haddii ay beelaha Somalia u heshiiyaan iyo haddii kaleba.
 
      Beelaha Somalia waxa la gudboon in ay marka hore heshiiyaan , oo ay dawlad dhistaan kadibna iyaga oo ah qaran, matalana Somalia ay soo hor fadhiistaan Qaranka ama dawladdaa Somaliland ee uu shicibka Somaliland doortay.
 
       Somaliland oo la yidhaa maanta waxa aad tihiin Dir , ee kaalaya idinka oo Dir ah , waxa ay la mid tahay Somaliland oo dib ugu noqota meeshii ay taagnayd 14 sano ka hor , markaa waxa haboon  , haddii aanay Somalia wax ku qaybsanayn Somalinimo oo aanay raga leh waxaanu matalnaa Somaliland , Somalinimo loo dooranayn , waxa idin la gudboon in aad ku tidhaahdaan ragaas , Somaliland waa qaran ee ma ah DIR , ee nagataga inta aanu wax dhisanayno, waa haddii aydaan Somalinimo wax ku siinayn ragaas.
 
        Somaliland maanta ma ay jirto mar ay ka fiicanatahay , haddii ay noqoto dagaal ama is difaacid , oo waxa aaban jirin wax dhibaato ah oo kaga iman kara Kooxda Mbaghati, marka aynu garab dhigno taliskii ina Siyaad iyo shirqooladii Kooxda Carta. Shaqsiyaaka le waxa aanu nahay Dir , haba yaraatee ma soo gali karyaan Somaliland , haddii ay soo galaana sidii kuwii Carta ee ka horeeyay unmbaa xabsiga la dhigi iyada oo loo cuskanayo Dastuurka Dalka.
 
    Mucaaridka Somaliland ee ka doodaya dhibaatada kaga iman karta Kooxda Mbaghati, waxa kala gudboon in ay ka doodaan shaqsiyaad sheeganaya Somaliland in ay matalaan ama ka socdaan , sidii looga hortagi lahaa iyo sidii sharciga loo marin lahaa , marka ay cag soo dhigaan ciidda Somaliland. 
 
 
         Haddii ay Jabbuuti ka dambayso waxan loogu magacdaray DIR, oo ay Jabbuuti leedahay waxa aanu nahay Dir, taas waxba kama jiraan , oo waxa aanu ognahay in aan Jabuutiyaan lagu noqon Dir baan ahay , se lagu noqdo Jabuutiyaan haddii aad ka soo jeedo oo qudha beesha Ciise, haddii aad ku dhalatay Diri Dhabe iyo haddii aad ku dhalatay Bay dhababa. Haddii aad tahay waxa loogu yeedho DIR oo aad ku dhalato  Saylac ma noqon kartid Jabuutiyaan, mar haddii aanad ku abtirsanayn beesha Ciise. Wa xa kale oo la ogyahay haddii aad tahay CANFAR oo ku dhalatay Casab ama Casmara in aanad noqon karayn Jabbuutiyaan. Markaa Jabuuti waa in ay joojisaa shirqooladan ay soo maleegtay ee doonayso in ay Somaliland wax ku yeesho iyo dhibaatadan ay soo galisay ama dhexdhigtay DIR- ka Koonfureed ee Somalia.             
 
 
   Nabadeey.

mahamud samatar <samatarapt@yahoo.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD