SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Scww,

    SHAN WAJILAYAAL BAA KU MARAN SHACABKII FIICNAA,
    SHAYDAAMO BUURBUURAN BAA SHOOLADA U GALAY.            
Qore, Siciid Maxamud Xuseen(Siciid Indhoole) UK.
 
Siyaasadda mustaqbalka ee beesha Direed iyo Goonisutaaga Somaliland ayaa maanta tacsidoodii loo fadhiyaa oo ceel ku dhacday.
 Madaxweynaha Somaliland daahir riyaale ayaa sheegay in aanu shirkaasi haba yaraatee wax dhiba ku keenayn ,taasna tariikhda ayeynu u daynaynaa.
 
Somaali qabaa,ilkeedu wuxuu kala baxaa 5Qaybood waaweyn iyo badh 0.50 qayb badhkeed oo ah beelaha laga tiro badanyahay 5.5 5ta(shan) Qaybood ee waaweyn ayaa u kala baxa ,Dir , Isaaq , Daarood ,Hawiye iyo Raxanweyn iyo beelaha yaryar oo ah badh.
 
Waxaa nasiib daro ah in laba beelood oo waaweyn gunta laysu geliyo iyadoo ay ka danbayso arimo siyaasadeed iyo ujeedooyin qarsoon danta laga leeyahay ay tahay.
(a) In la xalaalsado dhulkii laga haystay beesha dir .
(b) In lagu burburiyo Gooni-isutaaga Somaliland .
(c) In la curyaamiyo siyaasada beesha Direed .
 
Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha jibouti ,Ismacil cumar geelle sida wanaagsan ee uu uga faa,iseystay dowlad la,aanta somalida ku habsatay iyo damiirla,aanta shanwajilayaasha aan cidna matelin iyo shaydaamada buurbuuran ee hawlahaas u fuliya isagoo adeegsaday waxkasta oo u awoodi karayey siyaasad  dowladeed ,maaliyad iyo waxii u kari karaayey, waxaanse leeyahay ,,  WAA LAA DOOGIYEE, YAAN LA DACAROON,,...
 
Anagu hadaanu nahay beeshaas balaadhan ee Direed ee la dulmiyey waxaanu ku balanqaadaynaa in aanu jawaab fiican ka bixino quudhsigaas cadaanka ah ee lanagu sameeyey iyadoo aanu u hurayno wax alaale wixii nagu waajibay ee jabhadayni ugu horeyso ,hadaanu nahay bulshaweynta beeshaas waxaanu ku balanqaadaynaa anigoo qiimeyna in aanay tani ahay quudhsigii ugu horeeyey  ee loo badheedho oo ay ugu danbeyeen carta iyo kan doofaaraley waxaanu samaynay dulqaad kii ugu badnaa ee ay umad xaqeeda la duudsiyey samayso , lakiin maanta waxaan ku balanqaadaynaa in aanu jawaab fiican ka bixino dulmiyadaa isbiirsaday oo aan hadhow la odhan ,Dirbaa sidaa yeelay,......  CALI AYAA GEEL LAAYEY,................
..SAKAARO QOOR QABASHO, BIYO KUMA CABTO,..................
Somaliland khasab laguma keeni karo,anaga xaqayaga ciyaar laguma duudsiyi karo, waanuu dhamaaday dulqaadkii,............ 
 
Waxaanu balanqaadaynaa ,haddii ilaahay yidhaahdo , inaanu curyaamino dulmigaa  halkaas lagu soo dhoodhoobay ,kaashana cid aalaale cidii ay dhib ku hayso ,xuquuqdoodana lagu duudsiyey.
 
Macnaha shanwajilayaal cidii u dhuun daloosha nuxurka sugaanta way la bixi kartaa xigmadaa iyada oo ay  tahay kuwa daaq taga ee aan dadkooda waayaha la qaybsan ,rabitaankoodana ku shaqayn waxaanaan ku soo gabagabaynayaa gabaygii Abwaan Cali sugale, Marxuun Muse Galaal u tiriyey markii la hagraday iyo Kaalintii uu kaga jiray umada Somaliyeed,..........................   KUWII NOLOSHA KUGU GAASIRAY BAA TAAGAN GOONYAHA, MARKAAD AAKHIRO U GUURTAY BAY LEEYIHIIN INA GALAALOW,...............................
 
  Qore, Siciid Maxamud Xuseen(Siciid Indhoole) UK.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD