SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Taada ma Yeele; Tiisa kuma Meel Mare; Tuu Sameeyo kuma Gefto” 

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

August 3, 2004

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maalin baa nin reer baaddiye ahi soo agfariistay niman culumo ahaa dabadeedna mid baa saf-mar u weydiiyey waxa nin waliba habayn-barkii qabto. Culumadii mid baa yiri salaatu-leyl baan tukadaa; midi kalana wuxuu yiri Ilaah baan danbi dhaaf weydiistaa; midna wuxuu yiri kutubo iyo cilmi baan qoraa. Waxaa la soo gaaray reer baaddiyihii oo la yiri: oday maxaad qabataa habayn-barkii? Reer baaddiyihii wuxuu yiri: inta soo tooso oo soo kaadsho baan hurdadayda ku noqdaa! 

Waxaan uga danleeyahay qof kasta wax lama weydiiyo oo talo iyo caqli lagama sugo. 

Oday la oran jiray Xasan Samatar Khalaf ayaa wuxuu weydiiyey oday kale oo waxgarad ahaa oo la oran jiray Ducaale-hadal-wanaajiye, rag kan ugu liita. Ducaale wuxuu yiri: 

Taada ma yeele; tiisa kuma meel mare; tuu sameeyo kuma gefto. 

Labada odayba Allaha u naxariisto. Xasan Samatar wuxuu xikmadda ka raadiyey meeshay taalay oo ahayd xakiim Ducaale-hadal-wanaajiye. Bal oraahahaas aan xoogaa  dul istaagno. 

Taada ma yeele: waa kee qofka aan hadalka dadka maqlin? Waa Fircoon iyo raggii la eyniga ahaa. Ogoow mursaliintii Ilaahay oo uu ku jiro nabi Muxamed (SCW) talada dadka waa qaadan jireen. Saxaabadii nabigu hadal kama keeni jirin Waxyiga laakiin markay rabaan inay hadalka  nabiga (SCW) wax ka dhahaan waxay oran jireen: nabi Alloow ma Waxyi baa mise waa ra’yigaaga. Hadduu nabigu (SCW) dhaho waa Waxyi hadal kama furnayn laakiin hadduu dhaho waa ra’yigeyga wax bay ka oran jireen haddii loo baahdo. 

Dagaalkii Badar markii nabigu (SCW) ciidankii ku furay meel ceelka ka gadaalaysa iyadoo ceelku xagga mushrikiinta ka xigo ayaa nin saxaabi ah wuxuu yiri: nabi Alloow arrintu ma Waxyi baa mise waa xeel dagaal? Nabigu (SCW) wuxuu yiri waa xeel dagaal. Saxaabigii wuxuu yiri hadday arrintu saas tahay aan degno ceelka hortiisa oon gadaasheena dar ka samaysano si aan biyo ugu shubano. Markaan oonno aan ka cabno markii gaaladu oontana aan u diidno illeen innagaa xagga ceelka ka soo xignee. Nabigu (SCW) ma oran anoo nabi Ilaahay ah sidee fikradayda loo khilaafi karaa ee taladii buu qaatay. 

Sidoo kale dagaalkii Axsaab/khandaq markii Quraysh & xulafadeedii, Qadafaan iyo Yuhuuddii oo khiyaanno bilowday ay hareereeyeen Madiina ayaa nabigu (SCW) wuxuu Ansaar usoo jeediyey in Qadafaan la siiyo timir badan. Labadii Sacad (RC) waxay dhaheen nabi Alloow ma Waxyi baa? Nabigu wuxuu yiri mayee idinkaan idiin turayaa. Labadii Sacad (RC) waxay dhaheen nabi Alloow markaan gaalada ahaynba Qadafaan baad maanu siin jirin oo timirtayada waan ka iibsan jirnay marka ma maanta oo Ilaahay Islaamka nagu ciseeyey baan baad bixinaa? Waxay dhaheen WALLAAHI baanaan yeelayn ee waa noo dagaal. 

Marka haddii nabiga (SCW) oo dadka u kheyr badnaa uu talada dadka maqlayo haddee ciddii talo diida iyadaa cirka roob ku og. Bal suurayso nin miskiin ah oo diiday taladii culumada, odayo-dhaqameedka, siyaasiyiinta kale, ganacsatada, dumarka iyo dhallinyarada soo jeediyeen oo leh tayda keliyaa soconaysa? 

Mar mar waxaa dhacda intaad diidid talooyinka lagu soo jeediyo inaad taada ku meel martid laakiin iyada lafteedu waxay u baahantahay caqli iyo daraasad dheer. 

Waxaa intaas ka daran marka qofkaasi wuxuu falo ay dadkiisa dib ugu soo noqdaan. Muxuu nabigu (SCW) u lahaa: walaalkaa u gargaar gar iyo gardarraba; hadduu gardaran yahay gacanta qabso haddii laga gardarranyahayna xaqiiisa u raadi. Hadday taasi dhici weydo waxaa dhacda sida na haysata maanta in hal nin kubbad nagu ciyaaro dabadeedna markuu ciyaarta laga badsho uu nagu soo cararo. 

Ma is tiri Ducaale-hadal-wanaajiye wuxuuba u jeedaa hogaamiyaha Puntland? Waxaadba mooddaa inuu hadalkaas isaga u waday inkastoo Ducaale Allaha u naxariistee uu muddo dheer mootanyahay. 

Bulsho kastaa waxay lahayd dad ah nin door. Ka warran nabi Muxamed (SCW) iyo Abuu Bakar halka ay muslimiinta ka joogeen? Maalin baa Abuu Bakar (RC) iskaga guuray Madiina, muddo ka hor intuusan nabiga (SCW) la soo hijroon dabadeedna Abuu Bakar (RC) meel cid la’ ah buu afka saaray si uu u tago meel uu Ilaahay ku caabudo. Waxaa ka hor yimid nin mushrik ahaa oo ay Quraysh xulufo ahaayeen. Mushrikii markuu arkay Abuu Bakar (RC) oo soo qaxay ayuu yiri: Abuu Bakaroow adoo kale dadkiisa kama soo dhex baxo. Mushrikii wuxuu Abuu Bakar ku sifeeyey sifooyinkii hooyadeen Khadiija (RC) ku sifaysay nabiga (SCW) ee ahayd: masaakiintaad u gargaartaa; dadka danyarta ah baad caawisaa; meel cidla’ ah baad wax ka biloowdaa ama wax aan dadka kale samayn karin oo kasbi karin baa kasabtaa, iwm. Mushrigii dib buu usoo ceshay Abuu Bakar isagoo leh jiwaarkaygaad ku jirtaa oo Quraysh far kuma saari karto. Ninkaasi wuu gartay in Abuu Bakar oo kale uusan tolkiis ka dhex bixin. 

Siyaasadda Puntland

Marka siyaasadda Puntland laga hadlayo muxuu Maxamed Abshir Haamaan noqonayaa? Intaynaan ka jawaabin aan xusno sheeko yar oo igu soo gaartay inay ku dhacday Cali Sharmaake, waa madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Rashiid aabbihiis. Allaha labadoodaba u naxariisto. Waxaa la sheegaa in mar suldaan ku xukumay Cali Sharmaake inuu isaga baxo geyiga suldaankaas hoos yimaada. Markii Cali Sharmaake arrintii maqlay buu gabay tiriyey uu leeyahay: 

  • Haddii aan tawalo oo tawalo oo u kaco tub aan la gaaraynin

  • Afar hal oon laga toobanayn soo la tabi maayo

  •  

  • Fulay baa tawala meel haddaan la isu turahayne

  • Senge turuqya weyn oo nin lihi toosin kari waayey

  • Halkaan waranka kaga tuuri jiray soo la tabi maayo?

  •  

  • Dhallinyaro tumbulan meel haddii tamashle loo aado

  • Waa iga tilmaamaan habluhu talo Ilaaheeye

  • Tallaabada habsamidaan u dhigo soo la tabi maayo?

  •  

  • Xaajadu hadday tuhun gashoo odayo loo tiirsho

  • Waxba tororog baas lama rabiyo taan nuqdo lahayne

  • Halkaan tiirka ugu aasi jiray soo la tabi maayo?

  •  

Tii afraad ma xasuusto laakiin waxaan filayaa inay ahayd mid ku saabsan marti soorka iyo deeqda; oo sida la ogyahay Cali Sharmaake wuxuu ahaa nin xagga deeqda tusaale loo soo qaato. Sifooyinkaas uu Cali Sharmaake sheegay waxay keentay in aan laga cayrin geyigaas. 

Waxaa la sheegaa in Maxamed Abshir uu hadal gabaygaas la mid ah siiyey reer Puntland markay kornaylka doorteen. Soow kuuma muuqato kaalinta odayo-dhaqameedyada hadda jooga kadib markay diideen taladii jananka ooy qaateen tii kornaylka.

Soow lama dhaho “talo walaalkiis diide turaanturro ma huro”. 

Kornaylka Puntland & Moorgan 

Kornaylka waxaan leeyahay “taayadii diiday; taadii kuu meel mari weyday; hadda tii aad samaysay baan garan la’nahay si aan uga baxno”. Hadda waxaan ku leeyahay meerisyo ka mid ah gabaygii uu tirshay Ismaaciil Cigaal Bullaale Allaha u naxariistee: 

·         Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay, dab iyo baaruude

·         Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede

·         Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye.

  • ……………………………………………

·         Dadkaba haatan godob duug ah baad, ugu dahsoonayde

·         Duhurkaaba lagu toogan laa, Dayrtan maanta ahe

·         Ma daguugan tahay sow ma ogid, deynka idin jiifa!  

Marka reer Puntland waa u doqonnimo in Moorgan iyo kornaylka oo intaas oo dhib ah noo geystay ay weli iska dhigayaan inay xaq aan leenahay noo raadinayaan. Ka warran dadka inta C/hi soo laayey ehelkood haddeer leh: taliye noo qaybi xubnaha baarlamaanka?! Ama kuwuu Puntland ka soo ceyrshay inuu maalin walba dhaho ii hadla?! Ciddii rabta inay C/hi la xisaabtantooy, maantaad haysataan fursad. 

Haddii dadka taageera labadaas nin ku dhahaan “shalaad dhalatoo waa la shubi jiray/ waa lagaa weynyahay  maxaad oran? 

Waxaa loo soo qaataa tuducyo gabay ah oo uu Khaliif Shiikh Maxamuud Allaha u naxariistee tisrshay: 

hayeeshee margiga hadalka waa, lagu mataalaaye
•muddaan kaa da’weynahay hadday, maaddayu ujeeddo
•macne malaha adeeroow garkaan, loo makhaandayine

•maskaxdii Ilaah kuu gartaa, lagu macayshaaye
•ninba wuxuu martabad leeyahaa, lagu majiirtaaye
•mid yaroo maguugaa ku badan, maanta aadmige’e

•duq qalbigu madoobaaday oo, maari ku engagtay
•inkastaay cirradu maaruqdo oo, madaxa saabayso
•mabda’ malaha odaygii bartaa, malabsi ceebeede

•mid yaroo tusaala ah haddaan, meesha ka caddeeyo
•mar baad arag maqruun boqol jiraan, meyrasho aqoone
•marna toban-jir mowlaca kitaab, meeriyadaa arage

•mar baad geela madow hooro oo, muuqle leh aragtaaye
•oo maalintay curato aan, maqasha deeqayne
•marna magar xabeeb loo murraa, miijisaad arage

•mar baad arag hillaac malalaflaa, moqor biyeyneyne
•oo sahanku meeluu mariyo, miriqdi waayaaye
•marna tumey dadkii mahadiyoo, miiggan baad arage

•mar baad arag muwaashiga bakhayl, mooro buuxsadaye
•oo aan martida soori karin, mileyga jiilaalka
•marna deeqsi magac weyn lahoo, maal yar baad arage

•Rabbigay wuxu maamulaa, male ka xoog weyne
•hadduu maago mirir bay biyuhu maran lahaayeene
•mucjisooyinkiisiyo ha gelin meherad kaa dheere.
 

F.G. waxaa dhacda in meerisyo gabay ah loo kala tiirsho laba gabyaa oo kala duwan, hadday arrintu sidaas tahay anigu waxaan soo qoraa tii isoo gaartay. Waxaa kaloo dhici karta in gabay uu nin tirshay ama sheeko laga sheegay aan si khalad ah ugu tiirsho nin kale; markay arrintu taas tahay mar kasta sheekada waxaa loo tiirshaa ninkay ama qofkey ku socotay ilayn khaladkaan soo qoray taariikhda waxba kama bedeli karee. Waxaan ka codsanayaa inay walaaluhu i saxaan oo usoo qoraan sidii saxda ahayd. Teeda kale hala yaabina haddaan soo qaato suugaan ay reer Puntland aad u fahmayaan ilayn dadka waxaa lagula hadlaa waxay fahmayaane. 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD