SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

IS LUG JIIDKA BEELAHA,&WAQTIGOYNTA IGAD RUN IYO RUYO TEEBAAN U QAADANAA???????
 
  Soomaalidu wa ay isla yaabantahay, calamkuna waa uu la yaabanyahay. Maanta waxaa wax laga argagaxo noqday magaca soomaalidda marka uu ku soo dhaco, dhegaha shucuubta kale ee caalamaka, oo hal xiraale ay furi wayeenba ay ku noqotay sababta soomaalidu ay u heshiin la,yihii. Waxaan aragnaa in maanta xalkii soomaaliya uu gacmaha ugu jiro, oo ay ka talinayaan Dowlado codawtinimo dheer ay kala dhexayso, isla markaasna aan muslim ahayn, oo ay u dheertahay, dhul-soomaaliyeey oo ay boob k haystaan.Halka ay soomaalidu xili u muuqatay mida ka mida dowladdaha afrika ugu tunka wayn, marka loo eego dhanka milateriga, isla markaasna danaha larabo in laga hirgelsho geeska africa lagala tashan jiray.  Si kastaba ha ahaatee maanta isla qabwynidii, sharafki iyo karaamadii loo hayn jiray beri soomaaliya ma,uu jiro oo iyaga ayaa dhulka la galay.
       Soomaalidda in lala yaabo waa daw(gar)waayo waa dalka kali ah ee caalamaka aanay ka jirin nidaam iyo dowlad ka shaqeeya danaha dadka.Dhowr iyotoban shir oo loo qabtay ayanay waxba ka soo naaso cadaanin, marka laga reebo ki jabuuti oo loogu dhawaaday soomaaliya in ay markale ku soo biirtobeesha caalamka,laakiin hadan iyagasoomaalidu)ay markale fursadaasi khasaariyeen. Waxaana loo baahday in la qabto sirkale oo ahkan iminka ka socoda duleeedka caasimadda kenya, shirkaasi oo haysta is koorka ah in uu yahay shirkii uu dheeraa ee caalamaka lagu qabto ebid.ayaa sanka la galay in uu laba jirsado.
          Shirkaasi wax,uu soo maray heerar kala gedisan oo isugu jiray quus iyo rajo intaba. Kooxaha halkaasi ku hardamaya yaa iyagu isaga soo baxayey markasta oo ay u arkan in dantooda gaarka ah aanay ku jirin sida ay wax u socdaan. Haba ugu horeeyaan Ragga hubaysan, ee Burburka iyo baaba,a iyagu horseedka ka ahaa, balse iyagu isu garanaya in ay yihiin rag mujaahidiin ah oo soo halgamay islamarkasna ay tahay maanta maalinkii la,aablmarinlahaa!!!!!!!   Hada shirkaasi wax uu kufaa,kacaba waxa uu soo gaaay heer, dhamaan dareenka bulshadda soomaaliyeey ee ay ragaadisay nidaam la,aantu uu ku sii jeedo halkaasi bal in ay wax uun gabaad uga noqda,dilka,isbaaraadda,afduubka iyo kufsiga oo ka qayb noqday nolol maalmeedka ay uga soo bixi lahayeen.
         Hadaba su,asha ugu wayn ee la is weydiinayaahi waxa weeye: Waqtiga ay IGad qabatay islamarkaasaa ay beesha caalamku ku raacay, ee ah in soomaaliya ay dowlad yeelanayso, Hraanta bishan aynu ku jirno ee Agost waa war fiican, laakiin Run iyo Riyo teebaan u qaadanaa? inagoo maanka ku ayna wixii soomaalidda kala qabsaday 2dii weji ee kan iminka socda ka horeeysay, isla mar,ahaantaana ka fududaa, maanta oo xaaladu marayso heer awood qybsina waxaan daah saraanayn in sidii hore wax ka sii adkaanayaan.
            Waxaa daqiiqad walba dhegaheena ku soo dhacaya beel hebel xalbay ku dhowdahay, maahane waa la dhexgelayaa mayee inta majoratiga ah ayaa la tixgelinaya iyo ereyo intaas ka sii badan oo xaalada sii murjinaya. ergay walba oo ka qayb gelaya shirka waxa kaliya ee uu ku qanci karaa waa in uu sad bursi u helo beesha uu ka socdo, hadii kale gash iyo gush maleh.
            ugu danbayntii warka ka soo yeeray horboodayaash shiraka(IGA) ee ah in ay hubaan in weakaan Dowlada ay ka soo baxayso shirka kenya waa hadal aanu caqligu qaadan karin, marka loo eego inta ka harsan xiliga kama danbaysta ah ee ay qabteen,iyo howsha dhiman baaxadeedda.Hadiise Arin dahsoon ay jirto oo Kiblegat uu meel kale wax ku ogyahay,oo arintu tahay fad, ama ha fadin, ama ergooyinku ay sameeyaan wax isu quurid iyo tanaasul waa weji kale, hadiise arintu sida ay iminka tahay ku sii socoto, waxaan Anigu u qaadanayaa in  waqtigoynta IGAD ay la mid tahay, hadaladii aan horay u maqli jirnay, sida hogaamiyihii/shaqsigii shirka ka maqnaada ama caqabad ku noqdda wuxuu mudan doonaa cawaaqib xun, iyo madal hebla ayeey wax qabsoomayaan,oo ay ugu danbeeysay 31 july oo lagu hungoobay, dhamaan hadaladaas iyo goodiskaan ayeeynaan isaga sheekaynaynin inta ay la,egyihiin waxa ka qabsoomay..

<><><>

NINKII DOOLAR BADAN SITAA HOGAAN DOWLADEED                            QABAN!!!!!!!!!!
 
    Marka ugu horaysa ee ay isha ku dhuftaan maqaalkan dadyoowga akhrinaya,waxa,ay u badantahay in ay horayba ka mucaaradaan,waayo ciwaanka Qormadda ayaan ka tarjumaynin in hogaanka dalku yahay wax dadka u dhexeeya,jaranjarta lagu gaari karaana ay tahay,doorasho iyo ksbashadda kalsoonidda dadka oo kaliya.
    Wadamadda soo koraya iyo kuwa gumaysiga ku hoos nool waa u caado, musuqmaasuga, cadaalad daridda iyo wax kala-faquuqidu, waxaana la sheegaa in wax yaabahaasi oo dhan ay saldhig u tahay, saboolnimadda,jahliga iyo ilbaxnimadda oo aad u hoosaysa.
    Hadaba dalkeena hooyo(somalia)ilaa uu madaxbanaanidiisa uu qaatay, ma,aanu,arag nidaam cadaaladda, wax walbaahina sabab ayeey leeyihiine, inkasta oo siyaabo kala duwan lagu sheego hadana, inta badan waxaa laysku waafagsanyahay, in arintaasi uu qabiilku udub dhexaad u yahay, qabiilkastaahina waxa ay u arkaan in ay nolol wanaagsan ku noolaan karaan hadii ay iyagu ku soo baxaan hogaanka dalka. Sidaas darteedna wax ay naf iyo maalba la bar-bar istaagaan kan reerkooda ka socda oo ay isleeyihiin waxbuu u soo dhicinkaraa!!.Waa taas sababta Caalamku xal ugu la,yaha dhibatadda dhibaatadda ragaadisay shacabka soomaaliyeed, islamarkaasna,raja beelka ka dhigtay in shanta qayb ee ku astaysan calanka buluga ah ee soomaaliya ay Xeero qura wax ku wadaagaan.
    Iminka shirka ka soconaya kenya, waxaa ku sii qulqulaya rag sheegay in ay yihiin musharixiin, kuwaas oo intooda badan ay yihiin rag naax-naaxsanoo qurbo joog ahaa iyo kuwii dalka gudihiisa, dadka dhiigiisa uga beecmushtarijiray,mid walbaahina waxa uu wataa shandado dhowr ah oo ay ku jirto lacagtii badanaysay,oo uu doodanayo in uu ku hanto jagadda ugu sareeysa dalka.Oday dhaqameedka ayaa la sheegaa in uu yahay kan kaliya ee sharciga ah, isla markaasna si buuxda u metela qybaha bulshadda, isaguna meel dheer ma,uu jiro oo waxa,ay ku xirantahay, in madaxa loo salaaxo,beeso aan weligiis soo marina faraha laga saaro, markaasna heshiis mugdi loogaga saxiisdo!!
    Hadaba waa maxay waxa ugu horeeya ee uu mudnaanta siinayo hogaanka nuucaasi ku soo baxaahi?...Jawaabta meel dheer ha,uraadin, balse waxa,aytahay in uu soo celiyo lacagta boqolaalka kun ee doolar ah,hadaanayba malaayiin doolar ahayn ee ka baxday intii uu ku jiray ololahiisii doorashadda....Marka xigta in uu gacanta ka saaro, ashkhaastii kala qayb-gashay ololahiisa,ee ka soo jeeda jufo-hoosaadkiisa, wixii uga baxay oo kunjibaaran, marka ugu danbaysan uu kayd ahaan u xareeyo wixii uu ku tartami lahaa 5-sano ka dib marka uu waqtigu ka idlaado.
    Isku soo xooriyoo waxa ka soo socda kenya,khatartooda ayeey leeyihiin hadii dhinacyo badan aanay muujin doorkooda....Maanta Abley(mindi)aad u afaysan ayeey gacanta ku heeystaan horboodayaasha bur-burku,halka ay odayaasha dhaqankuna gacanta ku hayaan luqunta(qoorta)umadda oo hadii ay u dhiibaan manaxayasha ay mas,uuliyadda dharbarka u ridandoonaan...waayo maanta waxa ay haystaan(odayaasha)jaaniska ah in eey leeyihiin saxiixa ama ogolaanshaha ugu danbaysa ee cidda noqonaysa Xildhibaan.
    Hadaba Duubka daacada,ahoow ha u qaadan in aan adiga kula hadalayee, howshaada wado, kanse uu ku jiro hunguri dhaqaaladoon waxaan ku leeyahay,maanta waxaad leedahay sharaf, qadarin iyo karaamo ay kuu hayaan dadkaagu, sidaasdarteed ha siisan Dalkaaga,Diintaada iyo Dadkaaga sanuud xaaraana oo haka gelin taariikhdda baal mugdiya, ee ka soo dhalaal mas,uuliyadda lagaaga fadhiyo.
    Ogowna in ninka soo baxayaahi aanay muhiim,ahayn, inuu yahay mid ka soo jeeda sup-kalaankaaga, basle Dowlada caadila ayaa dadka deeqdee, ku xulo Hufnaantiisa,Daacadnimadiisa,Aqoontiisa iyo in aanu Dadka denbi ka gelin, oo aanu xasuuq gaysanin,Qarankana aanu denbi ka gelin oo uusan ku soo shaqayn Dabadhilif iyo laba wajiilenimo.

 

 

Qore: Mursal Max,ed Ma,xuud(Garaad)
L/H/wadag/Mugadisho Email: stethy1@yahoo.com  

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD