SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

CIRAAQ HA DAYSO AFDUUBKA, CAYR-SE NINKUU RABO HA QAFAASHO.

 

Waxaa maalin dhawayd aan aad u la yaabay qoraal uu soo saaray C/qaasim Salaad Xasan (Madaxweynihii lagu hingoobay ee Dawladdi lagu dhisay Carta), qoraalkaas oo C/qaasim ugu baaqay qaar ka mid ah raga dadka ku taxaabta Ciraaq oo la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah oo darawal u ahaa Shirkad laga leeyahay Kuwayt, in ay soo daayaan Ninkaasi Soomaaliga ah ee lagu Magacaabo Cali Axmed Muuse (Xaraare).

C/qaasim oo ka dhashay beesha Cayr ee ku xoogan Muqdishu, ayaa waxaa isu kay qaban weyday hadalkiisa muujinaya in uu ka gil-gishay afduubka ninkaas Soomaaliyeed, iyo xaqqiqda runta ah ee ka jirta Muqdishu.

 

Waxaa caado ka noqotay Muqdishu in lagu afduubo dad masaakiin ah oo aan awood looga baqo lahayn, ayna in badan filalkaas geystaan qaar ka mid xubnaha dablayda H/Gidir ama Cayr ee uu ka dhashay ama ku biilo C/qaasim in ay yihiin ciidan qaran.

 

Weli iima suurto-gelin imana soo gaarin qoraal C/qaasim uga hadlayo falalka noocaas ah ee ka dhaca Muqdishu, iyo arimaha la hal maala, mana maqal wax is ku day ah oo Dawladiisu uga hor tagayso arimahaas.

 

Hadaba aan is weydiinee muxuu ula jeeday C/qaasim baaqa uu ku dalbayo sii deynta Cali Axmed Muuse??

Ø       Ma Caalamka is maqashiibaa?

Ø       Ma ha lagaa arkaa??

Ø       Ma wax-qabad ayuu uga dhigayaa Soomaalidii dooratay 4 Sanno ka hor??

Ø       Ma is buun-buunin uu ku raadinayo in uu mar kale ku maan gado Soomaalida miyaa??

 

Aniga oo ka mid ahaa kumaanaankii Soomaaliyeed ee ku hingoobay dawladdi Carta, raqbad iyo rajo weyna ka lahaa in ay hirgasho, yididiilo fiicana ku qabay in Soomaali ka bixi doonto rafaadkii la soo maray.. Ama si kaleba aan u dhigee aad  u taageeray C/qaasim in uu madaxweyne noqdo, kuna sirmay beentii iyo hadaladiisii uu u soo xushay in uu ku helo codka dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Hadana barasho fiican u yeeshay Mr. C/qaasim iyo wixii uu Soomaali u qaban karay ama uu awoodi lahaa ee uu gabay; Anigoo dareensan in C/qaasim ay kala duwan yihiin ficilkiisa iyo hadalkiisu.!!;  Isla markaana ku qanacsan 100% in C/qaasim iyo siyaasadiisa qabyaalada ku dhisani sabab u ahayd fashilkii dawladdii lagu soo dhisay Carta, ee sii kala fogeeyay Soomaalidii isu soo dhawaanaysay. Haddii aan hoos u sii dagana anigoo halkaan ku fadhiya in haddii la igu afduubo guriga C/qaasim hortiisa in uusan amar ku siiyeen askartiisu in ay I soo dayso, ayaan leeyahay: Hadalka C/qaasim waa QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!! Amaba hadii ay ka ahayd waxtar uga dhig Soomaali waxa uu iila muuqday TOO LITTLE TOO LATE!!

 

Markii aan aad uga fakaray sababta C/qaasim uga hadlay arintaan wakhtigan uu mar kale is leeyahay hogaanka u qabo Soomaali ayaan waxa aans oo xusuustay maahmaah soomliyeed oo oranaysa ‘Mar I dage Allaha dago, laba goor I dagase anigaa is dagey!!!!!!! C/qaasim markaan hadal kuu soo socon maayo oo waxaa la arkay waxqabadkaaga!!

Madaxweyne Soomaali waxaa u noqon kara ninkii laga helo:

Ø      Diin iyo Garsoor

Ø      Geesinimo

Ø      Wagarad

Ø      Cadaalad

Ø      Deeqsinimo

Ø      Daganaan

Ø      Damiir iyo Dulqaad,

 

Anigoo aan hadalkaygu ku dhisnayn qabyaalad iyo wax kale midna C/qaasim intaas midna ma leh.!!

 

Maanta oo aan qoraalkan qorayo ayaa waxa aan aad ugu faraxsanahay in ay I soo gaartay sii deynta Cali Axmed Muuse (Xaraare), Nabad Allaaha ka ku gaarsiiyo qoyskiisii iyo ehaladiisii.

 

Ilka-bariis Cismaan

ilkabariis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD