SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
soomaaliyeey kitaabku kitaabkii ma yahay

Dadka soomaaliyeed oo lagu tilmaamo inay yihiin dad boqolkiiba boqol islaam ah ayaad waxaad moodaa diin jeceel kooda iyo ku camal falkeeda inuu kala fogtahay oo sida ay u rumaysan yihiin uguma dhaqmaan badankood ilaa in ilaah haleeshiiyey mooyee.

Markii lasoo qaxay waxay dad badan oo soomaaliya soomareen wadamada carabta taasoo ay ku wada nool yihiin gaalo iyo muslimba oo carabigu uu yahay luu qadooda ay isku af gartaan dad badan oo soomaaliya ayaa waxay ku qaldameen marka ay la kulmaan qof caraba oo kusalaamaya salaantii ay u yaqaaneen in ay tahay mid muslimka u gaara (asalaamu calaykum)iyo takbiirtii ay ku takbiir san jireen sida (alaahu akbar) inay dadkaasu muslim yihiin laakiin isma weeydiin in kalmadu ay carabi tahay oo muslim iyo gaalaba ay isticmaalaan. marka layiraah kitaab isla markiiba qofka soomaaliga waxa maskaxdiisa kusoo dhacaya in laga hadlayo kitaabka quraanka laakiin eraygu inuu macnihiisu yahay buug in yarbaa og.

Hadaba hadaan usoo daadago u jeedadayda waxaa tan iyo intii xornimada la qaatay iyo ilaa iyo tii carta aan arkaynay wasiiro madaxweeyna yaal lagu dhaarinayo kitaab kaasoo runtii muuqaalo kala duwan lahaa kitaab yada qaar waxay ahaayeen kuwo aad loo qurxiyay oo ku jira sanduuq yar oo waliba quful korka uga sii xiran yahay qaarna waxaa lagu duubi jiray cimaamad ama maro qaar kalena waxay ahaayeen kuwo isku laaban oo galdi weeyn leh oo aan la ogayn waxa dhexdooda ku qoran qofka la dhaarinayo haduu yahay madax weeyne ama wasiir waxa uun saari jiray gacanta markaasuu cadayn jiray inuu raacayo waxa uu kitaabkaas farayo oo uu ka dhabaynayo wax kastoo kuxusan cidina magaran karto in kitaabkaas ku qornaayeen erayo u fasaxaya in qofka masuulkaa uu xaaraanta banaysto ama uu dhaco hanti dadweeyne ama uu cadaalad daro sameeyo hase yeeshee anagu waxaan un u arkaynay kitaab ay ku qoran yihiin hadalkii eebe ee xaqa ahaa ee uu yiri isku dhaqa kuna camal fala.

Waxaa aad iiga yaabiyay oo igu dhaliyey inaan qoraalkaan qoro markii ladhaarinayey dawladii carta ayaa waxaa nasoo jiitay oo dar dar iyo hide diile nagaliyay markii uu masuulkii markaas xilka loo dhaariyay uu balan qaaday inuu raaci doono kitaabkaas inta uu kor u qaaday iyo waxa ku qoran waxaa halmar isla qayliyey wixii goobta joogay takbiir allaah akabar iyo erayo qiiro leh anigii dhagaha u taagaynayna waxaan niyada gashanay in tani ay tahay rajadeenii ugu fiicnayad waxaase nasiiba rajo galisay mar ay madaxweeynihii kumeel gaarka ahaa ay idaacad bbc du waray satay taasoo galabtaa su aal muhiimma weeydiisay oo ay dadbadani xasuustaan taasoo ahayd(maxaad oga duwan tihiin kuwii hore oo la idinku aamini karaa taasuu masuulkii ku jawaabay kitaabkaan iyo dhaartii aan marnay), saas ugama fogayn markii la dareemay balan ka bixii ugu horeeyey iyo sad bursi keenay in ay dowladii fadhiid noqoto shaki kuma jiro in dad badan oo culumo ahaa oo ayagu dadaal dheeraada galiyey garab istaagida iyo uducaynta dawladaaas ay hada ka shalaynayaan taasoo aan dhihi karno waxay qayb ka tahay sal fudaydka iyo hubsiimo la aanta nahaysata hadaan soomaali nahay.

Hadaba gunaanadkii iyo gaba gabadii soomaaliyeey kitaabka aan ku dhaarinayno dadka danbe oo aan dooranayno oo ay ugu horayaso kan kenya hanala ka fiirsho kitaabka dhexdiisa waxa ku qoran oo inta la kala furo gacanta haloo saaro oo yaanan waxba laysku qarin magaranayo meesha wax ka qaldan yihiin nin kitaab ku dhaartay ogna in waxa uu gacanta saarayo uu yahay hadalkii ale umalayn mayo in uu liibaani lahaa. Taas macnaheedu waxa uu noqon karaa kitaabku kitaabkii mayahay mise waa mid quraan dhurwaa ah oo lasoo qortay.


xasan3@hotmail.com

hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD