SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
   

Maxkamadaha Islaamiga ah-Aragti

 

Shakhsi, urur  ama fikrad marka la doonayo in la huwiyo qadaasad oon laga daba hadlin, waxaa la raaciyaa sheey muqaddas ah, sida erayga (islaami) tusaale

Waxaa marar badan dhagahaada ku soo dhaco iyada oo ay dadku leeyihiin madrasa islaamiya , xisbi islaami,  maxkamad islami, zaciim islaami ah  iyo waxii lamid ah, Taa macnaheeda  waxaa weeye xisbigaas iyo zaciimkaas iyo maxkamadaas waxeey qaadanayaan dhamaan waxii weeynaan ama qadaasad ahaa oo eey diinta islaamka laheeyd, oo haddad xisbigii ama fikirkii ama maxkamadii wax ka sheegtid waxeey noqoneeysaa idiga oo islaamkii laf ahaantii wax ka sheegay ,waxaadna noqoneeysa qof ilaaheey iyo diintiisiiba dagaal bareer ah ku qaaday.

 

Sida aan wada ogsoon nahay burburkii doowladnimadii soomaaliya, iyo nidaam la,aantii ka dhalatay ka dib, waxaa waddanka goballadiisa kala duwan ka soo ifbaxayay wax loogu magac daray maxkamado islaami ah, waxaase is weeydiin mudan:-

 Maxkamadahaan horta maxeey yihiin?

 Maxkamado islaami ah ma jiri karaan iyada oon doowlad islaami ah jirin?, haddeey jiraanse maku saleeysanyihiin caddalad iyo sinnaaan?

 

Waxaan jeclaan lahaa inaan moowduucaan xassaasiga ah aragtideeyda ka dhiibto inigoo og dad badan ineeysan igu raaci doonin doodeeydana waxaan ku soo koobayaa qodobbadan soo socda:

 Waxaan aaminsanahay maxkamad islaami ah ineeysan jiri karin iyada oon doowlad islaami ah la helin,

Sida la ogyahay xukuumad waxa ay ka koobantahay sadax awoodo oo kale ah fulinta, sharci dajinta iyo garsoorka, iyada oo ay yahiin awoodo is garab socodo, oo aan kala maarmin. Sidaa awaadeed ma jirikarto awood garsoore iyada oo aaneey jirin mid sharci dajin sida aaney u jiri Karin hay’ad sharciyeeyn iyada oon lahayn mid fulin.

 Marka aad sameeyneeyso maxkammad waxa lagama marmaan ah in eey  leedahay awood buuxdo oo ay ku hanan karto nabad galyada deegaankaas eey ka talineeyso.

        Soomaaaliya waxeey gacanta ugu jirtaa qabqablayaal iyo mooryaan hubeeysan oon naxariis daran, geeystana danbiyada ka dhaca waddanka kuwa ugu xun sababna u ah dhibka maanta ka jira waddanka, waxaan shaki ku jiran ineeysan maxkamadahani awood u laheeyn ineey ka qabtaan kuwaas ummadda, soona horgeeyaan caddaladda, taasi macnaheedu waxaa weeye cadaaladda maxkamadahaas waxey ku koobanyihiin dad yar oo masaakiin ah, oo dhibbanayaal ah  had iyo jeeerna hadaf fudud u ah mooryaanta hobeeysan, waa aabihii tuugga daa kan yarna madaxa gooy. 

 

Midda kale axkaamta shareecadu waxeey u hadashaa dhoowr siyaabo oo kala duwan mar waxeey ula hadashaa qof walba goonidii in laga doonayo waajibaad inuu sameeyo sida salaadaha , sakada, xajka, iyo WLM ah, marna hadalku waxuu ku dhacayaa xakuumad islaami ah , qof ama koox iskeed uma fulin karto sida jihaadka , fulinta axkaamta shareecada ee xuduudaha sida xatooyada, sinada.

Taariikhda islaamka iyo aduunka midna lama sheegin maxkamad isku magacaawday (Islaami) oo nafta aadamaha ee ilaaheey karaameeyay ku baneeysaneeysa  magaca eebe iyo kitaabkiisa, iyada oo aan marka hore sugin baahida nabadgalyo iyo bulshadeed ee dadkeeda, shakina kuma jiro cidda kaliya ee arinkaan u qumi karo ineey tahay doowlad eey u dhanyihiin awoodaheeda, kuna timid doorasho xur ah iyo rabitaanka dadkeeda.  

 

 

Xaaladda shacabka soomaalida maanta uu ku jiro waxeey la mid tahay dhibkii iyo gaajadii dhacday xilligii khilaafadii Sayid Cumar ee loogu magacdaray sanadkii {caamu-ramaada} ama  danbasta iyo gaajada, sanadkaas oo uu khaliifka soo saaray wareegto uu u kala diray dhamaan wilaayadihii islaamiga ahaa ee hoostagayay waagaa, wareegtadaa waxuu ku sheegay khaliifka inaan cid wax xadday gacmaha laga jarin , isaga oo eegayay duruufaha qallafsan ee markaa soo foodsaaray doowladddiisii una dhimrinayay shacabkiisa tabaaleeysan, aragti dheerna u lahaa nuxurka shareecada iyo qaabka ugu habboon ee loo dabbaqayo ujeedooyinkeeda.

 Waxaa xusid mudan in waqtigii uu al-khaliifa cumar   joojinayay gacangooynta tuugada eey jireen abaaro ba'an oo saaameeyay dhaqaalihii iyo nolashii dadka oo kali ah , balse doowladdiisii iyo nidaamkeediiba wuu jiray, waxeeyna aheeyd waqtigii uu  islaamku sameeyay isballarintii ugau weeyneeyd taariikhda, markaad isbarbar dhigto waqtigaas iyo xaaladda maanta soomaaliya eey ku jirto oo doowladnimadii iyo nidaamkiiba eey gacanta ka baxday, waxaad ugaaneeysaa maxkamadahan ineeysan ku saleysneeyn asaas diini ah iyo mid akhlaaqi ah midna.  

Sayid cumar ayaa mar uu sagootinayay gudoomiye gobal  hoos tagayay maamulkiisa waxa uu weeydiiyay su'aal oo waxuu yiri, maxaad sameeyn laheeyd haddi tuug wax xaday laguu keeno, gudoomiyahii ayaa ku jawaabay gacanta ayaan ka goyn lahaa, bal si wanaagsan u dhuux macnaha  jawaabta cumar waxuu yiri :-“Ogoow haddii qof gaajaysan ama shaqo la’aan hayso iiga yimaado gobolkaka aan kuu dhiibay, la soco gacantaada ayaa maqan”.

bal eeg fahanka sare ee cumar waxa uu dareemay in diinta loo soo dajiyay maslaxadda bulshada, oo marka hore eey leeyihiin xuquuq kaddibna laga doonayo waajibaad, axkaamta xuduudaha iyo danbiyada midna laguma fulin karo bulshada ka hor inta aaneey helin xuquuqdii eey shareecadu siisay bulshadaas.

 

 

 Waxaa kale oo wax aad looga xumaado ah warbixin  eey soo saareen ha'adaha nabadda iyo xuquuqda aadamaha u doodo ee Elmen ee magaalada Muqdisho, ka dib kormeer eey ku soo kala bixiyeen maxaabiista ku xirxiran xabsiyada maxkamadaha islaamiga ah ee muqdisho, waxeeyna aad ooga deeyriyeen xaaladda nololeed iyo caafimaad ooy maxaabaasta ku suganyihiin.

waa yaabe maxeey macnaheedu tahay maxkamad lagu sheegay  islaami,  haddana maxaabiistii ku jirtay xabsiyadeedu eeynan haaysanin xaquuqda asaasiga ah ee islaamku siiyay qofka maxbuuska ah.

sidoo kale muddo laba toddobaad laga joogo qoraal eey soo saareen maxkamadahaas waxeey ku sheegeen ineey marnaba aqbali doonin in ciidamo shasheeye waddanka la keeno eyna dagaal kaga hortagi doonaan ciidamadaas. Aniga shakhsi ahaan waxaay ila tahay  in danta shacbaka soomaaliyed eey ku jirto in ciidamadaas wadanka yimaadaan, kana qeeyb qaataan xisiloonida sidii loogu soo calin lahaa waddakeena, waxii doowlad ah oo lasoo dhoodhoobana cagaheeda ugu istaagi laheeyd, mana garanayo sababta eey uga hortagayaan ciidamadaas iyo cidda eey ugu daneeynayaan midna, waaba haddii ciidamadaas nasiib aan u yeelanno oo naloo ugolaado.

waxaan isweeydiiyay maxkamadahaan iyo mileeshiyooyonkooda awoodda eey sheeganayaan ineey kaga hortagayaan ciidammadaan shisheeye, meey ku jiheeyaan qabqablayaasha iyo kuwa dhiiga ummadda ku nool, kana badbaadiyaan dalka iyo dadka 14-ka sano afduubka ugu jiro, markaas loomaba baahdeen ciidamadaas shisheeye , maxkamadahoodana waxeey yeelan laheeyd asaas sax ah.

gabagabadii maxkamadaha isku magacaabay islaamiga marna waa ineeysan ka qeeyb noqonin mixnada uu shacabka soomaaliya maanta marayo, kana qeeybqaadanin dhibka mooryaanta iyo qoowleeysatada hubeeysan ku hayaan ummadda, iyaga oo  huwan magaca islaamka, albaabadana u laabaan dhamaan xabsiyada hoos tago, loona baddalo hay'ado samafal oo looga faa,iideeyo shacabka  tabaaleeysan, sida hooy lagu xannaaneeyo agoonta eey waaalidkood leeftay xabbada mooryaanta naxariista daran.

 had iyo jeerna ha xasuusnaadaan  in ummadihii hore wixii halaagay eey aheeyd iyaga oo qabqablaha ka cifiyo xukunka , kan tabarta yarna ku fuliyo oo madaxa jara.

 

Cabdulwaaxid C/llahi Shaafici

 

bukuraale@hotmail.com

London U.K   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD