SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XAALADA NAFSADEED EE BUSH OO LAGA DAYRIYAY

Bush oo la sheegay in uu qabo cudurka lagu magacaabo “waalida isla waynida”

             Majalad ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sheegtay in madaxwaynaha Maraykanka Gorge W. Bush in uu qaato daawooyin iyo kaniiniyaal aad u xoogbadan oo uu kaga hortago ama uu ku xakameeyo xaaladdisa nafsadeed oo aa u kacsan taasoo ka dhalatay qaab maamulkiisa qaldan waa sida ay majaladaasi u qortay.

Majalada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay xustay in kontrolka daawada iyo siinteeda madaxwaynaha uu u xil saaranyahay dhaqtarka aqalka cad ee Maraykanka Col. Richard kaasoo sheegay in daawadaas ay saamayn xoog leh ku leedahay maskaxda madaxwaynaha sidoo kalena ay xoojiso go’aan qaadashadiisa, halka dhinaca kalena ay daawadaas u keento hoos u dhac awooda jirkiisa iyo awooda uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka ka horyimaada.

mid ka mid ah kalkaaliyeyaashiisa ayaa wuxuu yiri isagoo ka hadlaya daawada “daawadan waa midi laba af leh, mar madaxwaynuhu wuxuu noqdaa mid aad u caro badan oo mararka qaarkood ka xanaaqa amaba ka dida wax aysan shimbiruhu ka didin, marna wuxuu noqdaa nin aad u firfircoon oo diyaar u ah inuu howl kasta qabto”.

Dhaqtarka aqalka cad ee Maraykanka wuxuu xusay in daawadaas ay ahayd mida keentay in madaxweynaha horaantii bishii hore ee luulyo uu ka soo xanaaqo kana soo istaago shir jaraa’id uu qabanayey isagoo aad uga carooday su’aalo ay waydiinayeen wariyeyaasha, su’aalahaas oo ku saabsanaa xiriir ka dhexeeyay isaga iyo maamulaha shirkad wayn oo dalkaa ka dhisan, wuxuuna markaa ku qayliyay la taliyeyaashiisa oo qaakood ag dhoobnaa wuxuuna ku yiri “iga dhaqaajiya wuxuushtan, hadii aad yeeli waysaana ogaada in aan dhammaantiina idin eryayo”.

Arinta ku saabsan miisaan la’aanta maskaxda ama caqliga madaxwaynaha maraykanka ee Bush waxay ahayd midda ugu muhiimsan doodaha ka taagnaa dalka maraykanka gaar ahaan magaalada Washington bilihii la soo dhaafay inkastoo dadka qaarkii ay ku tilmaameen in wararkaas ay yihiin dacaayad madaxwaynaha laga fidinayo.

Dhaqtar caan ah oo dhinaca cilmu nafsiga ah kana shaqeeya jaamacadda gorge Washington laguna magacaabo Dr. Jostin Frank ayaa sheegay in xaaladda bush ay aad u daran tahay wuxuuna xusay inuu qabo cudur lagu magacaabo “Waalida isla waynida”, dhaqtarka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri aad baan ula yaabay dhaqanka madaxweyne Bush, waxbadan ayaan la socday dhaqdhaqaaqiisa waxa uu samaynayo waxaan daawaday cajalado badan, isagoo wax aqrinaya isagoo khudbaynaya iyo isagoo shaqaynaya intaba waxaa ka muuqata in uu isku dhex qasan yahay, anigu waxaan ku qiyaasay sidii qof daroogo isticmaali jiray oo laga joojiyay balse aan weli dhab u bogsoon.

Dhaqaatiirta qaarkood ayaa sheegay in ay aad u welwelsanyihiin isticmaalka daawooyinkani iyo kaniiniyaashan xooga badan ee madaxwayne Bush taas oo muujinaysa shaki ah in uu ahaan jiray nin daroogada isticmaala, dhaqaatiirtaas waxay sheegeen in Bush laftirkiisa uu qirtay in uu qamrada aad u isticmaali jiray inkastoo ay jireen warar duulduul ah oo aad u xoogbadan oo sheegaya in uu si ba’an u isticmaali jiray mukhaadaraadka xiligii dhalinyaronimdiisa, wararkaasoo aad u socon jiray xilligii uu u tartamayay  gudoomiye nimada gobolka Texas.

Dr. Frank ayaa isagu si bareer ah u sheegay in uu Bush aad u isticmaali jiray muqaadaraadka isla markaana aan si dhab ah looga daawayn, hadana uu qabo waalida isla waynida mar uu arintaa ka hadlayana wuxuu hadalkiisa ku soo jaray “taas aniga ayaa huba”.

Waxaa illaa iyo hada la hubin daawooyink uu dhab ahaan u qaato Bush balse wararka ka imaanaya aqalka cad ayaa sheegay oo keliya in ay daawooyinkaasi yihiin kuwo dejinaya dareenka kacsan ee Madaxweynaha oo ka dhashay qaabka qaldan ee maamulkiisa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 4, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD