SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
UMMADDA SOMALIYEED MAANTA MA' U BAAHAN TAHAY BAARLAMAAN IYO DAWLAD QABIIL IYO BEELO KU SALEYSAN?

Danjire Ali Abdi Gurhan
 www.gurhan1@wanadoo.fr

Jawaabtu waa maya aniga aragtideeyda. (Dugsi ma leh Qabyaaladu waxay dumiso mooyaane). Waxaa murtidan tix gabay ah ku sheegay Eebe ha u naxariistee

Abwaan Abdullahi Timacadde. Hase ahaatee Somalidu kuma camal falin murtidaas digniinta iyo waanada qiimaha leh xambaarsanayd.

Haddaynu haddaba u leexano dhinaca Kenya iyo kooxa halkaas l isugu geeyay, waayo go'aanku wax iyaga ka soo go'ay m ahayne! Waxaa is weydiin leh . maxaa ilaa iyo hadda laga gurayaa dalka Kenya? Maxaa natiija ah oo ka soo baxay?

nasiib darro, halkaas, wax ka soo baxay ma jiraan, oon ka ahayn in mar kale Adduunka hortiisa lagu tuntay sumcaddii iyo karaamadii ummadda somaaliyeed,ayadoo laga lumiyayay labo sano oo dheeri ah.Dadka meeshaas la isugu geeyay m ahayn kuwo ehel u ah in ay ka taliyaan aayaha ummadda Somaaliyeed ( mindhaa waa jireen dad tiro yar oo iyagu daacad ka ahaa in shirku guuleysto, gaar ahaan kuwa ka socday Bulshada rayidka ah, laakiin waxay ku dhex baabeen mowjadii waday majaro habaabis iyo musuq-maasuq). waxaase la yaab leh, maxayna shirkauga bixin una cambaareynin, markay arkeen in la marin habaabinayo. Waa saal meesha ku jirta loona baahan in ay is weydiiyaan hadday daacadnimadoodu dhab ahayd.

Dadka Kenya isugu tagay oy horboodayaan dagaal oogayaalku waxay ku heshiiyeen oo keliya in aysan heshiinin.Waxay noqdeen Buurtii jiirka dhashay.Yididiiladii iyo rajadii soo cusboonatay ee shacabka somaaliyeed ayey cagta ku dhufteen.

29kii January 2004, waxay qalinka ku duugeen heshiis aysan daacad ka ahayn, oo isla muddo yar ka bacdiba ay ku kala tageen, kuna kala maqanyhiin illaa waqtigan.

Beesha caalamka oo markii ugu horreysay si dhab ah ugu soo jeesatay in ay wax ka qabato mushkilada Somalia waxaa ku dhacay quus iyo niyo jab, arrintaasoo

keeni karta in aysan dib dambe faraha ula gelin, haba yaraate wax Somalia ku saabsan.Hadday taasi dhacdana wavaa masuul ka ah taariikhduna ciqaabi doontaa.

dadka sababay guuldarraadas, ummadda soomaaliyeedna geliyay xayndaab rajo laan ah, silic iyo saboolnimana baday..

Sidaa darted,qof kasta oo soomali ah oo ka danqanaya dhibaatada dalkiisa haysata ee 14 sano soo silcisay raalli kama noqon karo, in kooxo yar oon diin iyo sharci toona

ilaalinaynin ku tuntaan danaha shacabka. heshiis ku sheegga ku saabsan in 4 belood iyo nus wax lagu qaybsado oo Qaranka dib loogu dhiso habka caynkaasi ah, m aha waxa Dadweynuhu sugayay . Kuwa soo jeediyay taladaasna m aha dad ka naxaya ummadda soomaaliyeed,mna aha kuwo duruusta waayaha ku camal falaya.. Waxay doonayaan oo keliya in danahoodii ay halkii uga sii socdaan, Qarankana halaag hor leh u horseedaan.Mase is-weydiiyeen in 4ta Beelood,mid walba dexdeeda, khilaaf iyo dagaal ka oogan yahay.Tan kale, in dadka soomaaliyeed ee aan ka mid ahayn 4ta beelood Bar, ama Nus lagu tilmaamo

m wax la yeeli karaa? . Yaa tirakoobkaas sameeyay in ay Bar yihiin?, waa arrin cusub oon horey u soo marin soomaalida, waa aragti

fool xun oo xaqiraad iyo yasid salka ku haysa. .Sidee baa nidaamka caynkaas ah wax loogu qaybsan karaaa looguna heshiin karaa in si caddaaladi ku jirto lagu soo xulo

xubnaha Baarlamaanka.Mase noqon karaa mid ummadda danaheeda matala Baarlmaanka habkaas lagu soo doortay, ee Qabiilka bidaai'ga ku salaysan.

.Waa guuldarro iyo jab jabkiis in Qarniga 21aad dib loogu laabto heerkaas gaboobay. Hadduu faaiido leeyahay kii Carta lagu soo dhisay ayaa meel mar noqon lahaa..

Dhibkii iyo cadaabkii 14ka sano waxy ahayd in duruus buuxda lagala baxo. In ay u noqoto Shacabka soomaaliyeed talaal ay kaga badbaadaan cudurka iyo cawaaqib xumida Qabiilku keenay. Bal aan hadda ka soo qaadno in habkan wax lagu dhoob-dhoobo oo wax Dawlad ku sheeg ah la dhiso, suura gal ma tahay in Dawladdasi si

qaran u fakarto, si daacad ahna ugu adeegto ummadda somaaliyeed, mise waxay la kala safan donaan Beelihii soo doortay?Jawaabtu waa iska caddahay, qof kastana

wuu garan in aysan noqonaynin Dawladdii shacabka soomaliyeed maanta u baahnaa, Tii ayadoo isku duuban si deg-deg ah colaada iyo cadaawaada dadka la dhex dhi

gay wax ka qaban lahayd, Tii karaamadii iyo sharaftii luntay soo celin lahayd, Tii kalsoonida dadka kasban lahayd m noqon karto Dawladda habkaas lagu dhisay haddii runta laysu sheegayo(Hal booli ah nirig xalaalah ma dhasho), ayey somalidu ku maah-maahdaa.Haddaba maxaa talo ah, sidee loo soo af jari karaa mushkiladan?

Dadweynaha soomaaliyeed oo keliya ayey taladu k go'daa, asaga ayey markan la gudboon tahay in uu gacanta ku dhigo masiirkiisa, gudaha iyo dibeda meel uu joogaba. Aqlabiyada amusan(silent majority) waa in ay jiifka ka kacdaa, ashuunka lagu adimayo waa in laga baxo, Dadka wax-garadka ah ee dadkooda iyo dalkooda jecel waa in ay saaxada siyasadeed soo galaan,waa in ay hoggaanka u qabtaan aqlabiyadda dulman ee amuusan.

.Sidaas darteed waa in si dhaqso ah loo guda galaa sidii loo as- aasi lahaa xoogag siyasadeed oo beddala Kooxa qabyaaladda ku saleysan ee qab-qablayaaha dagaalku ku amar taagleeyaan, xogagaaso ka tarjumaya rabitaanka umaada somaliyeed oo ah nabad , dimoqaraadiyad iyo caddaalad in lagu soo dabaalo waddanka sida ugu dhaqso badan.Waa in dunidu iyo dadka soomaliduba ogaadaaa in ay jiraan dad soomaali ah oo ka duwan dagaal-ooga yaasha ummadda afduubay ee adduunka ka reebay.

Haddaba, mar hadduu nidaamkii dawladeed burburay, muddo aad u dheerna burbursana, Nairobi waxa ka socdana cakiran yihiin waxay ila tahay si marxaladdan looga gudbo, in dhismaha Dawladda salka laga soo billaabo(Salkaa laga unkaa weel hadaad suubi leedahaye) Sidaas darteed in la raaco habkii lagu dhisay Dawladdii ugu horreysay markii Istiqlaalka la qaatay 1960, habkaasoo ahaa haddaan la kaashado xusuustayda sida soo socota:

1- In marka hore la doorto gole laga xilsaaro dejinta Xeerkii ama dastuurkii Qaranka lagu dhaqi lahaa(Constituent Assambly) ama Majlisu Shuura.

2- In goluhu magacaabo Madaxweyne ku meel gaar ah.

3- Madaxweynuhu in uu magacabo Riisul wasaare soo dhisa dawlad ku meel gaar ah oo tiradeedu kooban tahay,aqoon, waddaninimo iyo waayo- aragnimana leh.

4 In dastuurka qoraalkiisa muddo sand ah lagu dhammeeystiro, asagoo goluhu la kaashanayo khubaro somaliyeed ama ajnabiba oo ku xeel dheer aqoonta sharci dejinta iyo Dasaatirta.

5- In sanad ka bacdi la abaabulo Afti (Referndum) Dadweynaha laga ansixinayo Dastuurka.

6 In Dawladda ku meel gaarku abaabusho dorashooyin guud oo lagu doorto Baarlamaan cusub.xogagga siyaasadeed ee sharciyeysana ku tartamaan doorashooyinka

Waxaan talo ahaan ku soo jeedin lahaa: in aysan ka badnaanin 4 urur siyaasadeed oo barnaamijkoodu ku saleysan yahay soomaalinimo waddaninimon houmar dhaqan

dhaqaale aaminsan, kuna camal fala mabaadd'da dimuqraadiga ah.Sidaas waxaa looga hortagi loogana, kuwo doonaya in qabiil iyo wax ummadda jaha wareeriya wax ku dhistaan.

7-In Baarlamaanka cusubi doorto Madxweynhii Jamhuuriyadda somalia ee rasmiga ahaa.

8-Madaxweynhu in uu ka magacaabo Raiisul Wasaare, Xisbiga aqlabiyada helay,isaguna soo dhiso Dawladdii rasmiga ahayd ee Jamhuuridda Somalia.

Haddii habkan la raaco, waxaa laga kaafoomi lahaa in waqtigan xaadirka muddo dheer lagu lumiyo Barlamaan iyo xulkiisa aan wax sharciyad lahayn ( legitimacy), waayo barlamaan waxaa doorta Dadweynaha. Wxaa meesha ka bixi lahaa.habka foosha xun ee 4 Beelood iyo Barka Aniga aragtidayda, Goluhu waa in ay goblladu soo doortaan,kana koobnaado(Culumada diinta islaamka ku xeel dheer, Aqoon yahanka soomaaliyeed, Haweenka ku caan baxay uruurinta iyo daryeelka bulshada somaaliyeed intuu waddanku burbursanaa

Ganacsata xil kaska ah ee kaalin weyn ka qaadatay ilaalinta dhaqaalaha iyo habsami u socodka ganacsiga Dalka meel aanay Dawladu ka jirin,gaar ahaan masuuliyiinta

Xawaaladaha oo kaalin aan la illaawi karin ka qaatay daryeelka iyo isku xirka dadweynaha somaaliyeed, meel kasta uu joogaba.

Dhallin yarada iyo beeraleyda waa in ay iyaguna ka mid noqdaan Golaha). Haddii la doonayo in si daacad ah oo soomaalinimo iyo waddaninimo ku dheehan tahay wax loo qabsado, degmo walba ama gobol walba way garanaysa cidda u matali karta golaha iyo dadka ay ku kasoon yihiin. Sidaas darteed , gudashada xilkaas waa in loo daayo laguna kaalmeeyo Gobollada Wddanku ka kooban yahay.Waxaan soo jeedin lahaa in gobol walba 6 xubnood soo doorto oo ka kala socda qaybaha bulshad ee kor ku xusan.

Bulshada rayidka ah waxaa saaran xil gaar ah oo taariikhi ah in ay xilligan ciyaarto door waddaninimo oo ummaddu ku diirsato Iyadoo laga shidaal qaadanayo shaqadii iyo abaabulkii waddaniga ahaa ee Abwaan Xadraawi iyo dadkii weheliyay ay ka fuliyeen waddanka oo idil.Waa in shaqaadii iyo fikraddiisii ay socdaan lana xoojiyaa.gobollada in gacan la siiyaa sidii loo soo xuli lahaa xubnaha golaha sharci dejinta oo ah furaha dhismaha Dawladda ummaddu sugayso.Si loogu gudbo abaabul dhab ah iyo wax qabad(Organization and action) waxaa habboonaan lahayd in heer degmo, gobol iyo qaranba laga dhiso guddiyo ka hawl gala abaabulka bulshada iyo wacyi galinteeda

sidoo kale dadka u haajiray qurbaha in meelaha ay ku nool yihiin ka dhisaan isla guddiyadaas oon ku magacaabi lahaa "GUDDIYADA DALJIRKA SOMAALIYEED (Somali Patriotic Committees).Markaad fiiriso shabakadaha Internetka waxxad ka heleysaa afkaaro aad u qurux badan oo cabbiraya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Somalia

Hasayeeshe waxaa maqan sidey afkaarahaasi u noqon lahaayeen ku camali oo wax ku ool ah.Guddiyadan waxay ku abtirsan karaan ururkii S.Y.L..ee horseedka u ahaa gobonimada Qaranka somaaliyeed 1960,iyaguna noqdaan kuwii dib u soo nooleeyay Dawlanimadii burburtay 1991.

Muddo u dhaxeysa 2 ilaa 3 sano ayaa lagu gunaanadi kari lahaa mushkilada daba dheeratay ee Qaranka Somaaliyeed ku habsatay haddii si daacad ah oo muwaafaqo leh soomaalidu isugu taxalllujiso in ay sharafteedii soo ceshato. Beesha caalaamka xil ayaa ka saaran sidii loo hirgelin lahaa dib u dhiska Qaranka Somaliyeed. waxaa la xusuusan yahay kaalintii wax ku oolka ahayd ee Qaramada

Midoobay ka ciyaareen u diyaarinta shacabka somaaliyeed hanshada madax bannanidiisa laga billabo 1950 ilaa 1960. Sidii o kale iyo si ka hagaasan oo  ka firfircoon ayuu Dadweynaha somaaliyeed uga sugayaa Beesha caalamka, gaar ahaan Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa kaalmo hiil iyo hooba leh oo deg deg ah in ay la soo gaaraan dadka somaliyeedeed ee sida xun u dhibaateysan

Lakiin ha la ogaado, waxaa la kaalmeyn karaa oo keliya ciddii istaahisha in la kaalmeeyo.

 

 Somaliya ha noolaato. 

Danjire Ali Abdi Gurhan
 www.gurhan1@wanadoo.fr

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 4, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD