SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 HA NOO TALIYEE TUUG MAHAYSAAN !!!

 Halayaabin oraahda kor ku xusan, markaad akhrisaad ii Garaabi doontaaye waliba markaad Bogatid qormada oo aad miisaantid nuxurkeeda

Dawladdii hore ee Soomaaliya ayaa muddooyin kii danbe waxaa Caado u noqotay In qofkii xil ka qabta dowladda marka horaba la is weydiiyo hebel ma nacasbaa ?

Mase waa Nin Rag ah oo wax tabcanaya ! Taas oo loola jeedo ma daacadbaa

Mase waa nin dhacaya Hantida Qaranka Soomaaliyeed waxaana la isku amaani jiray Habel guryuu dhistay oo wax buu tabcaday IWM   Haddaba akhristow fikarkaas iyo aragtidaas Malaga bad baaday Intii Dowladdii bur burtay ? jawaabtu waa fududahay oo waxa adeg deg kuugu Sawirmaya su,aal ah Haddii ayadoo Dowladdii jirto ? boob jiray Dowlad la,aantu Maxay soo siyaadinkartaa oo aan ka sii dar iyo anaa xoog weyn ahayn Haddii aan mar xaladaas ka gudubno oo u soo daa degno deegaanka Dowlad Gobaleedka Puntland maka bad baadney qorshahaas ku saleysan xulashada Ee qofkii tuug ah loo Saanyado, waxaan kaloo wada og nahay Intii la dhisay maamulkaas markii horana siduu ahaa waan wada og nahay

Markii danbe ee Odaygu ku darsadayna waanu ognahay Laakiin hadda Maxuu noqon karaa haddii uu lix bilood ku darsaday Haddaba aniga oo aan aragtidayda ku dheeraaneynin Waxaan oran karaa Waxaa Baxay hal ku dhig oranaya Geelu Darantii waaba kaga Daray !!! Haddaba nin kii khayr sugayow tan iyo intii uu odaygu Xoogga Ku qabsaday wax weyn oo la taaban karo isma badalin Howshuna waxay ku socotaa NIN WAX XADA IYO XARIIF MOOYEE NIN XAQ DOON YIRI KU XISAAB WAA !!!

Haddaba Akhristow waxaad ogaataa inta Nin Tooxsigu Jiro Ama Qabqablayaasha ay dulminayaan dadka aqoonta leh in aysan wax suurta galeynin Waxaan saas u leeyahay Wasaarad kasta iyo jaga kasta Waxaa loo dhiibaa ruux aan u qalmin aqoon ahaan iyo wadaniyadna aan aqoon iyo Somalinimo Haddaba akhristow Hadalku Duca la,aan ayuu tarmaa ee soo kuu soo bixi mayso Su,aal ah HANOO TALIYEE TUUG MAHAYSAA !!!!!!

 Runtii marar badan waxaa igu soo dhacda Qabqalayaasha markaan maqlo Heesaha Geela looqaada ama wey ku sifoobaan marka Laga hadlayo waliba Wadaninimada bal ila arag Heestaan Geela loo qaado Gadaal ayaan ka macneyn doonaa Nin na Dhalashuu Kuugu Dhiidhiyey Nina Dhuunuu Kuugu Soo Dhacay

Runtii Odayaashii u soo halgamay Xornimada Somalia ee S.Y.L iyo Qabqablashaasha in La til maamayo ayaad moodaa  bal aan macno yar ka bixiyo sidaan horay u sheegay Heestaan Geela wiilka Xeradiisa ku dhashay naftiisa ayuu u huraa  habaynkiina Waa ku Qarwaa  jacayl uu qabo awgiis Dhalasho ayuu Ugu Dhiidhiyey ayaan Oran karnaa Markaas Laakiin Wiilka Geela iskaga yimid oo aan Xeradiisa ku dhalan Dhuuni ayuu ugu Soo Dhacay soo Ma ahan Haddaba Qabqablashaaha Dagaalka iyo Raggii nafta u Huray Xornimada Somalia isku fiiri Runtii in aysan dhalasho ka Ahayn ee dhuuni ay ka tahay soo ma cada !! bal Fiiri Takadaha iyo Ayraboorada iyo Canshuuraha ay ka Qaadaan dad weynahay Soo Dhunuu kuugu soo Dhacay looma Cuno Taariikhda Somalia ayaa waxaa ka mid Ahaa Ee iskoolada lagu dhigijiray  Halgankii Somalia  Haddaba xaggge ayey naga martay Haddaba waxaaa qurux bad naan lahayd in lagu dhigo  Siiradii Nabiga S.W.C iyo Halgankii u dhaxeeyey asaga iyo Gaalada iyo Munaafiqiinta runtii Darsi cajiiba ayey Somalida u noqon lahayd maantay Munaafaq iyo Muumina iskagama darmadeen Culumaduna Door kooda ayey Cayaari lahaayeen Shaki la,aan Haddaba Akhristow Aragtaye qabqablayaasha laakiin maxaa u qarsoon Heesaha Geela ayaa waxaa ka mid ah Hees Oraneysa Hashu Laac Iyo Laanta Aragtaye Lunta Hoosiyo Laagta Ma Og Tahay Hadda Miyaad og tahay waxa u qarsoon Qabqablayaasha Hadda  lixda Bilood iyo lixdii Sano ee C/laahi,  Cadaaladda uu sheegay maantay in uu ku Xukumayo puntland xaggee ayey ku taalaa  kitaab kee Ayaa Qoraya Nin aad Taqaani ayey Dhahaan Somalidu Kumaad Tahay lama Dhaho !!

Haddaba  Hashu Laac iyo Laanta Aragtaye Lunta Hoosiyo laagta ma og tahay   (lunta) hoose waa Meel God ah iyo (laagta) Ma og tahay Akhristow waa meel Biya maraan ah laagtu Haddaba marka aad aqoontaada diineed iyo aragtidaada is ticmaasho waxaa kuu soo Baxaysa Oraah Orayneysa Hanoo Taliyee Tuug Mahaysaa !!!!!!

Ustaad Abdiweli Bashir Dalboon 
Nairobi Kenya
cdalboon@hotmail.com
 Afeefasho aragtidayda anigaa iska leh oo magacaygu ku saxiixan yahay ina gaar tahay

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD