SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Wararka xafiiska dacwada iyo tarbiyada soomaaliya
  • In ka badan 500 oo wiil oo seminaar looga furay xarunta ibnu baaz
  • Aqoon iswaydaarsi cilmi ah oo ka furmay Gaalkacyo 

Aqoon iswaydaarsi cilmi ah oo ka furmay Gaalkacyo 

Waxaa xalay ka furmay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo aqoon isweydaarsi cilmi ah oo socon doona 11-20/07/2004.

Xafladii furitaanka aqoon iswaydaarsigaas waxaa ka soo qayb galay culimada deegaannada P/land iyo maamulka gobolka Mudug oo ay ka joogeen guddoomiye ku xigeenka gobolka Maxmed Cumar Saalax iyo taliye ku xigeenka qaybta booliska Axmed Barre Shiil (Axmed dheere), Xafladdaas waxaa hadal ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka gobolka oo ku soo dhaweeyay culimada gobolkooda, ugana mahad celiyay cilmiga iyo wacyigalinta ay siinayaan dadwaeynaha reer Gaalkacyo, wuxuuna ugu yeeray dadweynaha inay aad uga faa’iidaystaan cilmiga culimadu bixinayso, wuxuuna ka digay in hadalka culimada si xun loo tarjumo ayna lagama maarmaan tahay qofkii ujeeddadoodu ku adkaato in uu weydiiyo waxa ay uga jeedaan, isla markaana wuxuu ku boorriyay culimada in ay ka hadlaan waxyaabaha bulshada waxtaraya. Waxaa isna halkaa hadal soo dhawayn ah ka soo jeediyay Sh. Xuseen Cigaal oo ka mid ah ducaada iyo duqowda magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in siddeedda waddo ee magaalada soo gashaba culimada loola taagan yahay caleemo qoyan.

Waxaa kale oo ka soo qayb galay kumanyaal ka mid ah dadwaynaha magaalada oo buuxiyay masjidka iyo fagaarayaasha ku xeeran, waxaa kale oo loo furay haweenka madraso weyn oo ka soo horjeedda masjidka. Waxaa xusid mudan in Idaacadda codka nabaddu si toos ah u lalinaysay xafladdii furitaanka iyo muxaadaradii ku xigtayba, waxaa kale oo duubanayay dhacdooyinka aqoon iswaydaarsiga idaacadaha kale ee magaalada, si ay xilliyo iyaga munaasib u ah u soo daayaan, waxaa kale oo lagu duubayay maqal iyo muuqaalba, dad aad u farabadanna waxay ku duubanayeen rikoorro, waxaa kale oo duruusta lagu xiriirin doonaa Paltal-ga, haddii Rabbi idmo, si ay uga faa’iidaystaan dadweynaha Soomaaliyeed ee aan joogin Gaalkacyo . Ciidanka bilayska ayaa iyaguna ku gadaannaa masjidka iyo fagaarayaasha u dhaw dhaw ee dadweynuhu duruusta ka dhagaysanayeen, si ay nidaamka u ilaaliyaan una kala hagaan gaadiidka. Aqoon isweydaarsigaan waxaa looga jeeday in sare loogu qaado wacyiga iyo aqoonta diineed ee bulshada, in lagu horumariyo xiriirka wanaagsan ee bulshadu la leedahay culimada, in dadweynaha loogu kaalmeeyo sidii ay xal sharci ah ugu heli lahaayeen mashaakilkooda, taas oo ku imaanaysa fataawada iyo talooyinka culimadu siinayaan dadka, in dadweynaha lagu boorriyo horumarka iyo wax ka qabadka dhibaatooyinka haysta bulshada reer P/land iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, sida: Alle ka fogaanshaha, Dulmiga, Dhaqan xumada… iwm.

Duruusta ka baxaysa aqoon isweydaarsigaan waxaa ka mid ah: Dulmigu waa mugdiyo aakhiro, Tawxiidka, Raacista Nabiga (csw), Ujeeddooyinka shareecada, Qabyaaladda iyo xumaanteeda, Sababaha daciifiya Iimaanka, Ahmiyadda guurka iyo sidii Nabigu u tarbiyeeyay Asxaabta. Waxaa ka qayb qaadanaya aqoon iswaydaarsiga culimo badan oo ay ka mid yihiin:

  • 1-    Sh. C/qaadir Nuur Faarax
  • 2-    Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
  • 3-    Sh. C/laahi Cali Xaashi
  • 4-    Sh. Jaamac C/salaan
  • 5-    Sh. Shariif Maxamed Shariif C/raxmaan
  • 6-    Sh. Axmed-Daahir Xasan
  • 7-    Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
  • 8-    Sh. Bashiir Jaamac Kite
  • 9-    Sh. Maxamed Macallin Axmed

Gabagabadii waxay Nadwaqdaani u tahay dadweynaha reer Gaalkacyo fursad qaali ah oo ay ka faa’iidaysan doonaan, waxaana taa ku tusaya sida xiisaha leh ee ay u soo xaadirayaan goobta Nadwadu ka dhacayso saacado ka hor waqtigii la bilaabi lahaa, hadallada ay ku hadaqayeenna waxaa ka mid ah: ALLAY LEHE GAALKACYO WAA NABSI BAXDAY, iyagoo uga jeeda inay la soo simantay asaaggeed (Boosaaso) oo muddo dheer barwaaqadaan kaligeedd guranaysay, waxaana muuqata in Nadwada Gaalkacyo aad uga xiiso badan tahay kuwii ka dhacay Boosaso iyo Galdogob. Dhanka kale aqoon iswaydaarsiyada noocaan ahi kuma cusba P/land ee waxaa horay loogu qabtay magaalooyinka Boosaaso iyo Galdogob, tan Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu qaban doonaa xilliga xagaaga kuwo la mid ah magaalooyinka Qardho iyo Garoowe, haddii Alle idmo.

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

<><><>

In ka badan 500 oo wiil oo seminaar looga furay xarunta ibnu baaz

Waxaa markay taariikhdu ahayd 10/7/2004  looga furay markazka ibnu baaz ee magaalada Muqdisho seminar socon doona laba usbuuc in ka badan 500 wiil oo wax ka barata jaamcadaha iyo dugsiyada sare ee muqdisho iyo nawaaxaigeeda.

 xafladdii furitaanka seminaarkan waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha xiriirka ardada soomaaliyeed ee caalamiga ah maxamuud cabdi ibraahim oo ka hadlay ujeedooyinka seminaarkan.

 waxaa isna halkaas ka hadlay hawl wadeenka xarunta inbu baaz c/fataax xasan axmad oo tibaaxay in seminaarkani qayb ka yahay olole ballaadhan oo loogu tala galay wacyigalinta arada wax ku barata muqdisho iyo nawaaxigeda xillga xagaaga. wuxuuna intaas ku daray in seminaarkani yahay midkii 5aad ee la qabto sanadkan 2004 waxaa kale oo uu tilaamay in seminaradda noocan ahi sii socon doonaan inta ka dhimman fasaxa jaamacadaha iyo iskuullada.

 waxaa kale oo xafladdaas ka hadlay pr.sh. bashiir axmad salad oo macallin ka ah jaamacadda abuu bakar al sidiiq ee magaalada karaji - waddanka baakistaan. sheekha oo muddo badan waddanka ka maqnaa waxa uu sheegay  in xilligii waddanka ugu danbaysay kulamada sidan u ballaadhan ay ka dhici jireen oo kaliya  goobaha ciyaaraha iyo riwaayadaha.

 wuxuuna intaas raaciyay in arrinkani dadka soomaaliya khayrka la jecel yididiilo galinayo, mar haddii dhallinyaradii waddanku goobaha khayrka sidan u soo buuxinayso.

   Xidhiidhka ardayda soomaaliyeed ee caalamiga ah oo  fulinaya seminaarkan ayaa ii sheegay in ardayda ka soo qayb gashay seminaarkan ay ka badan tahay xadkii loogu tala galay oo ahaa 500 oo arday.  hoolka duruusta ka socnaysana  waxaa ka muuqtay inuu buux dhaf ahaa, indhuhuna waxaa ay qabnayeen kooxo dhallinyaro ah oo fadhiya dibadda qaacada (hoolka) ka dib markii kuraastu ka buuxsantay. 

  Seminaarkan waxay ardaydu ku qaadan doonaan duruus iyo muxaadaraad kala duwan oo ay soo jeedin doonan in ka badan 10 macallin, waxaa kale oo duruusta barbar socon doona nashaadyo kale oo ay ardaydu ka qayb qaadanayaan abaal marinna lagu guddoonsiin doono sida : tartan aqooneed maalinle ah , cilmi baadhis lagu sameynayo nolosha bulshada , qoraallo ay ka soo diyaarinayaan taariikhda saxaabiga loogu mgac daray koox walba, hawlaha iyo adeegga goobta durustu ka socoto , gabayo iwm.

Waxaa xusid mudan in  seminaarada noocaan ahi aad u soo jiiteen dhallinyarada iskuulada dhigata oo aad arkaysid kuwo ka qayb qaatay seminaaradii hore oo kuwa cusub is qoraya, haddii aad la sheekaysatidna waxay kuu sheegayaan inay seminaaradii hore aad uga faa'iidaysteen wax weynna ka korodhsadeen.  

xafiiska dacwada iyo tarbiyada soomaaliya

dacwah@hotmail.com

SEMINAARAKA WACYIGALINTA ARDAYDA JAAMACADAHA IYO DUGSIYADA SARE EE MUQDISHO

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

BAYAANKII KASOO BAXAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD