SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

MAXAA U DHEXEEYA

SOOMAALILAND IYO OGADENIA

MACAG AHAAN IYO SIYAASAD AHAAN?. 

Waxaynu wada ogsoonahay in ummadda soomaaliyeed meelkastooay joogaan magaca ahaah ay wadaagaan magaca (Somali) . Taasi oo aan u malaynayo inaanu khilaaf ka taagnay. Waxaa hadaba aniga iyo in badan oo ila mid ah aanu is waydiinay markii dadka mid ah  ama maamulkii SNM uu ku dhawaaqay inuu dawlad samaysanayo ka madax bananan Somalia inteeda kale  looguna  yeedhay Somaliland. Arintaasoo in dad badan ka cadhaysiisay kuna noqotay lag dhuun istaagtay oo ay liqi kari waayeen. Una arkeen in lagu kala goynayo ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah , run ahaantiina  manta la og yahay midhahay dhalisay , sida dad badan oo maxabiis ku ah jeelasha Hargeysa   qaar badan oo ka mid ahna iyaga oo nool gacanta loo geliyay nacabka Ethiopia kuwaasoo aanay jirin haba yaraatee wax ay galabsadeen , balse lagu coolaadiyano ama lagu dilay mesha ay ka soo jeedaan . Hadaba arinmahaasi naxadinta leh ee aynu kor ku soo xusnay ee aan diinta Islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed toona horeloogu arag ,  ayaa waxay yihiin  kuwo dadka maamuka Hargeysa ay ku abuureen qucdad ay kaliya ula dan leeyihiin inay ku waraan kuraasta xukunka . Hadaan hadaba u soo laabto nuxurkeenii ahaa Somaliland iyo Ogadenia maxaa u dhexeeya .

Aan ku soo koobo qaybtan intaanan geli ogadenia.

Soomaaliland macnaha af soomaaliga waxa weeye DHULKII SOOMAALIDA.

Hadaba waxa Su’aashu tahay ma tarjumayaa macno ahaan sidaasi dalkani iyo dadka maamulkiisa hayaa?/

OGADENIA.

Inta aynaan gudagelin siyaasad ahaan bal aynu in  yar ka taabano macnaha Ogadenia. Waxa aan shaki ku jirin in macagani uu yahay mid kaba sii qalafsan magac ahaan kan somalilandwaayo? Kaasi waxaaba ka muuqday magacsoomaaliyeed balse kan waxaa ka muuqda macag qabiil , halka gobolka ay degan yihiin dad aad u badan oo ka soo jeeda qabiilooyin badan oo soomaali ahi. Waxaa kale oo aan markhaati ka nahay in labadan magacba ay asal ahaan ka yimaadeen xikuumadii Ingiriiska waqtiyadii ay dadka guamaysanaysay, hadaanan qaldanayn, iyagoo hadafkoodu uu ahaa kala qaybinta soomaalida. Hadaba waxaa beryahan dambe soo kordhayay in dadka isku magacaaba inay u halgamaan ogaden ay falal xun xun ku sameeyaan dadka soomaaliyeed ee degaanka degan ama ka shaqaysta , halka ay dad badan ku eedeeyaan in ay jaajuus ama basaasiin u yihiin dawlada Ethiopia . Waxaa kaloo xusid mudan inaan ka wax ka sheegno in Jabhada ONLF ee isku magacawda inay xuquuqda ogadenia u halganto ay bilaabeen falal xun xun oo la mid ah kuwa maamulka hargeysa uu ku sameeyay dad badan oo ka soo jeeda Somaligalbeed , taasoo dhalisay inay nimankaasi jabhadda ahi  dad shicib ah oo aan waxba gaysan baabuurtoodii ku gubeen dhulka Somali Galbeed.Hadaba anigoo doonaya inaan soo koobo fikradayda waxaan kula tali lahaa dhamaan dadka aaminsan fikradahan aan soo sheegnay in ay ka noqdaan iskuna laabtaan oo ay ummadda ay walaalaynteeda ka shaqeeyaan , waxaan nahay ummad muslimiin ah Soomaali ah walaalo,ah is dhalay , isku degaan ah., is guursada, qaraabo iyo ehela ah . Horena waa tii loo yidhi Oodi Ab ka dhow. Waxaaan dad waynaha  labada shacbi kula talin lahaa in ay miisaamaan danta ka dhaxaysa naftoodana runta u sheegaan inaanay dadkaasi dantooda wadin , haduu walaalkaa yahay Riyaale Iyo hadii ONLF ay reerkiina tahayba .Macnaha iyo Siyaasada ka dambeysa Somaliland iyo Onlf ay tahay Qabiilooyin isku sheegaya dadlada am jabhad.

Waxaan ku soo koobayaa odhaahdayda Ilaahay aynu ka baqano oo aynu sidan isu dhaano oo aynu fahano waxa ummadan danta u ah iyo waxa aan danta u ahayn.

 

AHMED .

Cadceed2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]