SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

soomaaliya oo qaxooti qaabilaysa iyo qabiilka oo ku danbeeya qurbaha

Mar ka uu wadan bur bur siyaasadeed ku yimaado waxay sababtaa in umad badan oo awal garab rarato ahayd uu bara kac ku yimaado mar walbana waxay dhibtu ku dhacdaa dadka tabarta daran ee aan awalba haysan raasamaal.
waxaan ka mid ahay dadkii soomaaliyeed ee kasoo haajiray dalkoodii yimidna wadamada reer galbeedka qaasatan yurub runtii qofwalba waa ka dharagsan yahay in wadankiisu yahay meesha kaliya ee uu kaga badbaadi karo waxyaabo badan oo aan halkaan ku baranay sida istrees,cunsuriyad,isdhexgalid ama hadaan si kale u iraahdo(isguursiga nin iyo nin ama naag iyo naag) waxaasoo oo dhan oo ahaa ku runtii dhagahayga ku cusub ayaan waxaan caadaystay inaan soo maro markaan shaqadayda ka soo rawaxo maqaayad ama meel kafeega lagu cabo oo soomaalidu ku yara sheekaysato mar walboon imaado waxaa kula kulmaa rag soomaaliyeed oo aad u niyad xun kana wal walsan waqtiga sii socda iyo warasada ay qurbaha ku hayaan oo aysan u hayn meel ay la aadaan ama ay u celiyaan nabad galyo la aanta dalkii ka jirta awgeed.
    -ilaah faraj qayrqaba hanoo furo oo hanoo badbaadiyo ubadkeena anigu ma arko in ilmo lagu dhex hayn karo bulshadaan aan lanool nahay waxaa saas yiri nin oday ah oo isagu fadhiyay maqaayada kaasoo waliba koob uu ka cabay kafee hadba dhinac u foorarinaya oo aan ba ogayn waxa uu gacmaha ku hayo-----------
    -maalin walba waxaan sii wataa boorsadayda oo meel aan daganay majirto waxay ahayd erayo kasoo yeeray nin aan waxyar ay oga dhiman yihiin 60 oo ilaa lix caruura iyo hooyadood soo galiyay qurbaha isgiina ka dabayimid wax kastuu wadankii ku ahaaba hada xaalku waaa jikada hala wad galo---------
 
    -meel aan saas usii fogayna waxaa fadhiyay dhawr wiil oo dhalinyaraa ahna kuwa qurbaha ku koray oo odayaashaan madax xanuunka ku riday iyagu waxay ku mash quulsanaayee kubad iyo is reerb reerbka koooxaha ingriiska iyo waliba koox fanaaniin ah oo dhawaan imaanaysa------------------
 
anigoo awalba kusoo daalay shaqo aan subaxdii u jarmaaday marna leh aloow yaa gurigaagii ku geeya ogna ar kayna sida dadka wadanka lihi aysan joogitaankeena u jecleen kuwo yar yar aan dhalayn guriga iiga horeeyaan waloow aysan wali gaarin da saas u wayn ayaan waxaa madax xanuun igu siiriday dhibka iyo ciqaabta haysta odyaasha cimrigaas ku jira oo maanta u dhaxeeya laba daran mid dooro ama boorsadaada qaado oo ilmahaaga ka tag hooyo kaligeed ah ha ku hareen oo hadhoowna gaalo gacanta ha u galeen ama u ad kayso dhib kasta oo jira.
 
ayaan waxaan imid gurigaygii isla markiiba markaan dharkii shaqada iska bixiyay ayaan waxaan isku kala bixiyay kursi meesha yaalay si aan aan u sugo salaada maqrib taasoo ahay xili samar ah oo maalintu ay aad u dheertahay dhawr saacadoodna ay ka harsan tahay salaadii maqrib waxaan galay hurdo dheer.
 
dhulku waa bar waaqo roobku waxa uu ka da ay meelkasta oo dhulkii kamida gobol kastana wuu gaaray, xabad iyo dhawaaqeed waxaa ugu dan baysay waqti dheer dadkiina waa karaystay ilaah bayna ugu mahad celinayaan aduunka waxay ugu nicib yihiin nin qurbo kayimaada oo waxay aamin san yihiin in qabiilkii iyo qurunkiiba ku danbeeyo qurbaha.
 
hadii aad boqolaal kun oo lacag ah banaanka oga tagtid cid saas u eegaysa maleh oo qofwalba waxaa ku wayn alle ka cabsiga, dil iyo burcadnimadii jiri jirtay hada waxay umuuqataa mid dabar goday daku waxay isku salaamaan salaanta muslimka oo kaliya cid danaynaysa qabiilkaaga iyo sin jiyadaada midna majirto.
waxaa aad noogu badatay wanaaga iyo nimcada dalkii alle ku manaystay waxaan go aansanay aniga iyo laba saaxibaday ah bal in aan dalkii aadno oo aan soo eegno waxaan laga sheegayo si bal aan meeshaan isaga tagno.
waxaan goosanay tikgidhadii diyaarada waxaana u duulnay dalkii sitimaan ka dib.
diyaaradu waa mid ay leedahay shirkada diyaaradaha ee soomaaliya rakaabku wuxuu isugu jiray soomaali iyo ajnabiba dhawrsaacadood kadib ayaa naloo sheegay inaan suumanka xirano oo safarkeenii dhamaad yahay aana soogaarnay soomaaliya ayna diyaaradu caga dhiganayso gegida dayuuradaha waxaan jaleecay daaqada dhinacayga waxaan hoos u fiiriyay dhulka waa goor fiid ah runtii isla markiiba waxaan dareemay in isbadal wayn kuyimid dalkii aan dhawrsano ka hor oga carararay bur burka iyo bililiqada.
dhulku waa wada iftiin nalala kala duwan saro dhaadheer iyo jidad waaweeyn oo baabuurtu isku cayrsanayso ayeey indhahaygu qabteen si miyir leh oo aan la dareemeeyn ayuu duuliyihii diyaaradu uu cagaha dhulka ugu dhigay runtii sadexdeenuba waxaan wadanka ka maqnayan mudo oo waxaan wadanaa baasabooro ajnabi ah.
 
isla markiiba waxaan soo raacnay dhuun dheer oo na keentay halka ay fadhiyaan shaqaalaha baaritaanka iyo hubinta baasaboorada intii aan safka ku jiray waxaan arka yay sida uu albaab kasta uu mashquul u yahay oo diyaaraduhu ay u soo caga dhiganayaan kana duulayaan daqiiqad kasta waa ale mahadi oo waa wax aan u baahnayn markii lasoo gaaray baaritaankii baasabooradayada ayaa durbadiiba waxaa noo yimid niman labisan dharka ilaaliyayaasha aan askarta ahayn kuwaasoo noo sheegay in aan raacno oo ay ayagu ka socdaan waaxda socdaalka waxaan se u sheegnay inagu inaanan qaxooti ahayn rabina inaan is dhiibnoo oo aan anahy dad soomaaliya oo qurbaha ka yimid oo usoo xiisay wadankoodii .
hase yeeshee si dagan oo aan buuq lahayn ayuu mid kamida ilaaliyayaashaas waxa uu noo sheegay in dawladu ay u qor shaysay dadka qurbaha ka yimaad in aan wadanka lagu siidayn mudo lix bilooda oo waxaa la idiin diyaariyay hotel ka baxsan magaalada  halkaasoo aad wax walba ka heli kartaan sabtuna waxay tahay waxaa wali idinku danbeeya qabiilkii iyo qurunkii dalkaana waxaas ilaah waa oga raayay oo waxaa u baryay waa cusub umaduna waxay is haystaan gacmaha meeshay rabaan ayeeyna usafraan iyadoo aysan ka baqayn wax ku colaadiya ama ku naca qabiilkooda.
 aragnay in aan ku soogalnay dal ay kala danbayn iyo ismaqal ka jiro sharciguna uu ka shaqaynayo xoogaa doolara oo ann kusoo tolonay surweelada  anagoo aaminsan in nala kadhacayo waxaan ogaanay in cid baahani jirin oo anaga nala siiyay jeegag aan wax ku gadano in lixdaas bilood oo dhaqan celintaa waxaa nala keenay hoteelkii waxaana nala siiyay furayaa qofwalbana qolbaa la dajiyay kali kuma ninhin oo waxaa hotelak buuxiyay dad badan oo qurbaha ka yimid oo qaarkoo lixdii bilood u dhamaatay lana hubiyay inay qabiilkii iyo qabyaaladii ka dhaqantay oo ay yihiin dad saafiya loona diyaariyay guryo ay ku noolaadaan inta ay doonaan.
markii aan yara nasanay ayaan waxaan usoo daadagnay maqaayada cunada si aan cashadii oga cuno waloow ay dadbadani fadhiyeen hadana waxaa naloo sheegay in hada salaadii cisholagu maqan yahay oo goor dhaw ay dadku inataa kasii badan doonaan waxaan soo qaadanay cunadeenii waxaana fariisanay miis aan saas oga fogay albaabka laga soo galo maqaayada isla markiiba waxaa ishaydu qabata joornaalo badan oo afafa kala duwan ku qoran oo badankood ahaayeen soomaali waxaan soo qaatay mid soomaali ku qornaa boga hore ee joornaalka waxaa ku qor naa cin waan weeyn oo ahaa. in doowladu ay u ogolaato dadka magan galyo doonkaa inay wadanka si sahal ah kusoo galaan oo loo dadajiyo sharciyada iyadoo sababtu ahayd kooxaha wax odorosa oo ka digay in ay warshado badani istaagi doonaan shaqaale la aan awgeed.
waxaa meel hoose kusii qornaa in qaxootigii ugu badaa uu soo galay dalka bilihii ugu danbeeyay isu gaynta dadka magan galyo doonka ahina ay kor u dhaaftay dhawr malyan.
isla markiiba waxaan tusay saaxiibaday oo iyagu intaanan wadanka soo galinba cabsi ba ani haysatay oo islahaa goormaa la idin qafaalan doonaa habeenkii waa seexanay subixii markuu waagu bar yay ayaa waxaa nalaku soo garaacay albaabka waxaana naloo sheegay ina aan la kulmi doono dhaqtar kaasoo na baari doona inaan qabno buufis iyo waliba cuduro kale qaasatan cudurka ay dhiska oo aad loogala dagaalamao dalka waxaan la kulanay dhaqtarkii waxa uuna naweeydiiya su aalo uu ku baarayay inaan nahay dad wax u dhiman yihiin dhinaca maskaxda iyo in kale baaritaan kabacdi waxaa nala geeyey qolkale halkaas oo ay noogu diyaar ahaayee shaqaale gacanta nagu hayn doona mudadaas lixda bilooda waxaan nala siiyay jad wal ay ku qoran yihiin waxa aan qaban doon maalin walba oo laga bilaayo maanta waxaana naloo sheegay quraacda kadib in nalagu soo wareejin doono magaalada oo aan soo dalxiisi doono.
waxaa nala saaray bas waxaana kusoo wareegna magaaladii taasoo yaab iyo ama kaag nagu riday quruxda iyo haybada ka muuqata iyo waliba sida asluubta ah ee ay wada yaasha baabuurtu isku ix tiraamayaan una dhawrayaan sharciga ilaa intii aan wareegaynay maanan maqal wax hoon yeerinaya tiiyoo aan ognahay sida arxan la aantaa oo wadayaashu oga dhawaajin jireen hoonka.
ninkii hagayey waxa uu baska dhexdiisa noogu daaray filim kaasoo uu is bar bardhigayay meel kasta oo aan marayno sidii ay ahaan jirtay iyo sida hada ay tahay taasoo dad badan ka ilmaysiisay.
 
markaan soo dhamaysanay wareegeenii waxaan kusoo noqonay hoteelkii qadada kadib waxaan sadexdeenii go aan sanay inaan ka baxno hoteelka oo aan magaalada aadno runtii waa noo suurtoobi waysay sida loo ilaalinayo dadka qurbaha ka yimid oo looga cabsanayo fidnadooda inay dadka kale ku daartaan soo nooleeyaana boogo waa hore la dhayay oo buskooday  waxayna nagu qaadatay mudo asbuuc ah inaan banaanka oga baxno huteelka waardiye la aan waxaana ka faa idaysanay iyadoo waardiyayaashii ay tukanayaan.
waxaan qaadanay taxi kaasoo nageeyay faras magaalaha runtii cidna kama aanan garanayn magaalada hadana ma aanan dareemeey wax na og waxaa nahayiyo in aan magaalada daganay markii aan cabaar wareegnay ayaan waxaan aragnay bas wayn kaasoo u baxayey gobolada daka wadayn dad waayeela oo dalxiis ahaan loo waday waxaana barinay darawalkii inaan raacno waana naga yeelay markii uu baskii mudo socday oo dadka oo dhami ay aamusan yihiin waxa daldalmayaana aan anaga nahay dhawr jeerna ay gadaal noo soo fiiriyeen odayaal waayeel ah oo iyagu ogaaday inaan nahay dakii qurbaha aananan jecleeysan hadalkeena badan ayaa mid sadexdeenii kamid ah waxa uu inta is iloobay ugu yeeray si kaftan ah qabiilkiisa mid kale kaasoo kuleh barigii ma xasuusataa reer hebel sidii ay idiin galeen halmar ayaa waxaa isla ashahaatay waxii baska saarnaa oo kanaxay rageena dhalinyarada waxa aan ka sheekaysanayno iyo qabiilka oo aysan dhawaanahaan maqal habar aan saas nooga fogayn oo fadhiday kursiga nagu xiga naxdin darteed wadnahaa istaagay wadihii baabuurku isla markiba waxa uu wacay boolis iyo ambulaas wax yar kadimna waxaaba naga hor yimid poliskii kuwaas oo nagu soo celiyay hoteelkii--------------
way socotaa ee lasoco qaybta kale

hassan <xasan3@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD