SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Talo iyo Tusaaleyn ku aadan Mu`tamarada Islaamka ee Sweden  

Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com 

Waxaan maalintii axada oo tariikhdu ahayd 11-07-2004 lagu soo gababa gabeeyey magaalada Gotheborg  muctamarkii Islamiga ee sanad walba lagu qabto wadankan Sweden. Walaalaha soo abaabuley muctamarka aad ayey ugu mahadsanyihiin dadaalkooda iyo wanaaga ay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay u soo bandhigaan sanad walba. 

Aniga waxaan ka mid ahay dadka sida joogtada uga qayb gala mu`tamarada Islaamka ee Sweden ka dhaca, waxaana ahay qof wadanka ku nool waxna ka barta, isla markaana  la socda dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed haysta, si mu`tamarada noocan ah oo bulshadu ku kulanta u noqdaan kuwo waxtar leh si fiicana loogu faa`iideysto ayaan waxaan jaclaystey in aan u soo jeediyo talo ku  socoto dadka abaabula shirarka mu`tamarada noocan oo kala ah. 

Inta aan talada aan soo jeedin waxaan jeclaan lahaa in aan tilmaamo sida ay u weyn tahay dhibaatada Soomaalida qurbaha ku nool haysta gaar ahaan kuwa ku nool wadamada laysku yiraahdo Scandinavia ( Danmark, Filand, Island,Norwey iyo Sweden). 

Dhibaatada bulshada Soomaaliyeed ee Scandinavia ku nool sida ay u weyn tahay 

Aniga ma aqaan in ay jirto dhibaato ka weyn ummad muslim ah oo ku dhax nool dad aan muslim ahayn, oo weliba diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda u arkaan wax qaldan.  Dhibaato aad u balaaran ayaa wadamada aan  nimid inaga haysata. Soomaalidu waxaa lagu tiriyaa ajnabiga wadamadan ku nool dadka ugu shaqo laŽaanta badan,wadamo qaarkood ayaa Soomaalidu aanan shaqeynin 80%.(boqolkiiba sideetan). Caruurta Soomaalida waa  caruurta ugu liita dhinaca wax barashada inta badan ma helaan shahaada dugsiga sare oo buuxda oo lagu shaqeeysan karo ama Jaamacad lagu dhigan karo. 

Wadankan aan ku noolahay ee Sweden dhalinyarada Soomaalidu ee  ku nool gaar ahaan wiilasha  da`dooda u dhaxeeso 13 ilaa iyo 23 waxaa lagu tiriyaa dhalinyarada ugu danbiyada badan wadankan. Koox koox ayey u socdaan dadka ayey dhacaan, mindiyo ayey qaarkood wataan oo ku dhibaateeyaan dadka kale ama dhaxdooda, waxaana mararka qaarkood dhacda in dhalinyaro Soomaaliyeed iyo kuwo kaloo ajanabi ah in dhac hubaysan ay gaystaan goobo ganacsi. Inta badan waa dad waxbarashada ka saaqidey shaqana haysan, intooda badan khamriga ayey cabaan waxayna halis u yihiin in daroogada bartaan, waxaaba laga ybaa qaarkood in xashiishka isticmalaan.  

Waalidku run ahaantii xal weyn uma hayo oo aan ka ahayn in wadankii ay ku celiyaan, arintaas oo dowladu si aad ah uga soo hor jeedo. Waxaana dhawaanahan Tv-ga wadanka Sweden la soo saarey barnaamij ka hadlayo ilmo soomaali oo wadankii lagu celiyey oo ka soo baxsadey  reerihii loo gayey kuwaasoo hada lagu hayo safaardaha Sweden ay ku leeyihiin wadamada Ithiopia iyo Jabuti.  

Furiinka reeraha Soomaalida ee wadamada ku nool ayaa aad  u batey, reeraha marka ay dumaana wey sii badataa dhibaatada caruurta. Ilmihii inta badan wey dayacmaan waalidiinta Soomaalida ma aha dad inta badan marka la`is furo kadib isla shaqeyn kara oo isku tanaasuli kara, sidaa darteed dhibaatadii jirtey ayey dhibaato ku sii noqotaa. Hooyo aqoon diin iyo mid maadi ah midna lahayn oo shan caruur ah looga tagey dhibatadeeda ayey leedahay.  

 Ragii qaadka ayaa dhibaata ba`an ku haya gaar ahaan Denmark oo si caadi ah u soo gala maalin walba, xataa wadamada Sweden iyo Norwey dhibaatada qaadka ma aha mid sahlan. Qaadkana waxaa lagu tiriyaa asbaabaha reeraha Soomaalida u dayacmaan dhinac walba, xag dhaqaale, xag akhlaakh iwm. 

 Dhibaato kale waxay haysataa gabdhihii halkan ku qaan gaarey sidii guur wanaagsan loogu heli lahaa. Gabdhuhu inta badan waa gabdho fiican inkastoo iyagana ay jiraan qaar ku fogaadey dhaqanka reer galbeedka hadana inta badan waa gabdho fiican. Ayaan darada waxay ka haysataa dhinaca wiilasha, ma haystaan wiil gayaankood ah oo ay guursadaan dhalinyarada wiilasha ee wadamadan  ku kortey ma aha kuwo u soo jeedo in ay qadaan mas`uuliyad guur iyaga oo 25 jir ah ayaa inta badan weli ismoodaan caruur, ama inta badan gabdho cadaan ayey haystaan oo helideeda ay aad u fudutahay. 

Dhibaatada ugu weyn ee waalidka Soomaaliyeed soo food saartey ayaa waxaa ka mid ah tarbiyada caruurta. Soomaaliya markii la joogey ilmii bulsho muslim ah ayey ku dhax jireen, dadkuna isku aragti ayuu ka ahaa akhlaaqda wanaagsan iyo mida xun. Hadase waxaan soo dhaxgalney bulsho wixii anaga nala qumanaa qalad iyo dib u dhac u aragta, wixii anaga nala xumaana ku faanta ama wanaag loo arko. Fusqiga iyo xumaanta xad ma laha  Tarbiyada ilmaha oo waalidku keligii ku ahaana markii Soomaaliya la joogey maanta waa lala wadagaa,  ilmaha waxaa kula abaabinaya macalinkii iyo bulshada cusub ee aan soo dhaxgalney, taasina waxay keentey in ilmihii sidaad rabtid aadan u kontarooli karin, isla markaana aadan u tarbiyeen karin. 

 Fidnada wadamada jiraan wey badan tahay, qof yar oo aqoon iyo caqli ku filan lahayn sida lagu qaldaa oo diintiisa shaki loogu geliyaa wey fudutahay. Inta badan waalidiinta Soomaalidu ma aha dad dhibaatada ku baraarugsan ,kuwa ku baraarugsana xal fiican ma hayaan. Dhibaatooyinka jira ma aha kuwo qof keligiis xalin karo, waxay u baahan tahay in bulshada oo idil iskaashato si xal loo helo. 

Dhibaatada Soomaalida wadamadaan ku nool kuma koobna oo keliya ilmaha dhaqan roga ku dhacaya ama furiinka oo xad dhaafka noqdey, waxaa bulshadii ku soo kordhey cudurada waalida. Baaritaan aan ka akriyey wargays Swedhish ah  wuxuu sheegayaa in cudurka waalida uu aad ugu soo batey Soomaalida iyo dadka ka yimaada wadamadii hore ee Yuguslafiya ka tirsanaa jirey (Bosnia iyo Kosovo) 

Hadaba maxaa xal ah ?

Xalka dhabta Ilaah baa yaqaan lakiin aniga waxay ila tahay hadii la yeelo talooyinka soo socda in wax uun la xalin karo. 

1-      In la bedelo qaabka mu`tamarada u dhacaan 

Madaama ummadu dhibaato bulshadeed heesato waxaa hoboon in shirarka Islaamiga noqdaa kuwo dhibaatooyinkaa wajihi kara. Dhibaatadana madaama ay weyn tahay in loo dad badsado oo si xal suuban loo helo. In muxaadrooyin diinmeed keliya la soo jeedin lakiin laga doodo dhibaatooyinka jira, in doodaha u dhacaan qaab cilmiyeesan kana qayb qataan dad kala duwan oo taqasus kala duwan  leh si gedigooda aqoontooda looga faa`iideysto.. Ugu danbeyn waa in misaan la saraa muxaadarooyinka meesha ka dhacaya oo la fiirshaa in ay yihiin kuwo dadka meesha joogo quseya iyo in kale. Waa  in dhalinyarada ka qayb qataan oo la weydiyaa dhibta ay qabaan iyo sida iyaga ay wax la tahay oo aan wax loo sheegin keliya, iyo in mu`tamarku noqdo goob aqoonta la`isku dhaafsdo 

2-In laga faa`iideysto Fursada 

Way adagtahay in la helo ama la`isku keeno Soomaali tiro badan oo wadamo iyo magaalooyin kala duwan ku kala nool. Muctamarada Islaamiga waxay suurta geliyaan in ay isku keenaan jaaliyado badan oo Soomaali ah oo laga yaabo in mudo sanad ah ama ka badan aan dib danbe isku arkeenin kuwaaso mid walba goonidiis u dhibaateysan. Hadba aniga waxaan qabey in fursada laga faaŽiideysto oo jaaliyadahaa kala duwan isku dhaafsadaa aragtiyadooda oo ay isku gudbiyaan wixii warbixin iyo macluumaada ay hayaan  si xal mideysan loga gaaro dhibaatooyinka jaaliyad walba goonideeda u heysa . 

3-In la isku barto 

In Soomaalida inta wanaag doonka ah isku bartaan, bulshada waxaa ku jira dad badan oo aqoon kala duwan leh oo laga faaŽiideysan karto,si dadkaa  xiriir u dhaxmaro waa in laga shaqeyaa sidii ay isku baran lahaayeen, si mustaqbalka aqoontooda iyo aragtidooda looga faaŽiideysto . 

4-In la saxo qaladaadka jira 

Ma jiro wax wanaagsan oo aan la sii wanaajin karin, si muctamarku u noqdo mid waxtar leh waxaa haboon in maskaxda dadka la badiyo iyo in qiimeeyn lagu sameeyo habka muctamarada u dhacaan. In la`isweydiiyo waxa hagaagey iyo waxa qaldamey. In daba gal lagu sameeyey waxa aan hagaagin si shirka danbe qaladkii u dhicin. In dad badan oo kala duwan la weydiiyo afkaartooda iyo sida wax u arkaan, ka soo qayb galayaashu waa in la weydiiyaa waxa ay dhibsadeen iyo sheyga ay jaclaysteen, si wixii qaldanaa loo hagaajiyo, wixii hagaagayna la sii wado. 

5-In muctmamarada noqdaan kuwo waaqaca la socda 

Si mu`tamarada faaŽiido ugu yeshaan bulshada waa in muxaadarooyinka ama dooduhu noqdaan kuwo dhibaatada jirta ka hadla. Ninka Soomaaliga ee maanta ku nool Soomaaliya iyo kan ku nool wadamada galbeedka isku mushaakil ma aha sidaa darteed isku muxaadaro looma soo jeedin karo isku sina wax looguma gudbin karo sidaa darteed muxaadarooyinka ka dhacaya wadamadan galbeedka  waa in ay noqdaan kuwa waaqaca jira ka hadlaya,  xalna u noqon kara dhibta jirta.  

Muxaadarooyinka shirka ka dhacey ma ahayn kuwa bulshada dhibaatadeeda xal u noqon kara. Muxaadarooyinka ka hadlayey taariikhda khilaafadii Islamka ee ugu danbeysey iyo mida ka hadlaysey sida loo weysa qaato iyo kuwa la midka ahaa  xaqiqdii  ma ha kuwo bulshadu maanta u baahantahay, sababtoo ah ma jirin dadka meesha isugu yimid qof aan aqoon sida loo weysa qaato ama loo tukado, dad inta badan waxay u yimadeen in la dhiso imaankooda,  isla markaana laga saaro ama talo laga siiyo jahwareerka qof ahaan iyo qoys ahaanba ku dhjacey, si arimahaa loo xaliyo ma ahayn in waqtiga looga qaado wax markaa iyaga anfac u lahayn. 

Asbaabihii ay ku duntey dowladii muslimka ahayd ee ugu danbaysey ma xal buu u noqonaa in looga sheekeeyo qof  maanta ku nool dhul aan muslim ahayn oo ilmihii macalinka ay wax ka bartaan uu yahay nin aan muslim ahayn, isla markaana dadaal ugu jira sidii ilmaha u baadin lahaa ugana dhigi lahaa diin laawe. 

Shiikha muxaadarada soo jeedinayo waa in uu fahansanyahay dadka uu la hadlayo nooca ay yihiin, aqoontooda ,meesha uu qofka ku barbaarey. Tusaale ahaan wiil Soomaali oo Sweden ku korey oo hela warbaahin kala duwan istacmaala Kompuyutar tan iyo intuu yar, Internatka ka hela macluumaada uu u baahanyahay  iyo mid miyi ku soo barbaarey oo geela iyo sida loo dhaqdo ku xeel dheer, isku si muxaadaro looguma soo jeedin karo, isku sina wax looguma tilmaami karo, ninka daaciga ah waa in arimahaa la socdaa. 

Nabigeena (scw) hal su`aal oo dad kala duwan ay weydiiyeen ayuu jawaabo badan oo kala duwan ka bixiyey asagoo eegaya dadka su`aasha weydiinaya iyo baahidooda. Hadaba ninka raba in Yurub muxaadaro ka jeediya waa in uu aad ugu warqabaa dadka uu la hadlayo baahidooda, hadii kale daaciga dadaalkiisa wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisey.

Hadaba  si wax loo saxo  waxaa muhiim ah dadka shirarka abaabulaan in bulshada inteeda kale la tashadaan nooca muxaadaro dadka u baahanyahay, diyaarna u noqdaan hirgelinta fikradaha dadka kale.In tashiga lagu soo koobin inta isku aragtida ah. Oo la ogoladaa in la kala aragti duwanaan  karo. Isla markaana  la qaato talada wanaagsan iyada oo marnaba la eegaynin qofka talada ka timid. 

6-In la joojiyo is koox kooxeesiga 

Soomaali hadeynu nahay markii horaaba aqoonteena iska yareed, hadii hadana is koox kooxeeno waxaa sii dhumaya tayadeena, madaama dhibaatada bulshadeena  Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool haysato ay aad u weyn tahay aniga waxaan qabaa in awooda ummada la`isku geeyo isla markaana la joojiyo is koox kooxeesi diineedka ama in dadka loo kala sooco nin wadaad ah iyo nin aan wadaad ahayn. Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo aan culumo ahayn lakiin aqoon jaamacadeed u leh mushaakilada bulshada, xog ogaalna u ah wadamadan gudahooda dhibaatooyinka inaga haysa, waa in dad noocaa ah shirarka lagu casuumaa. Waxaa kaloo jira dad diinta aqoon fiican u leh wadankana mudo ku nolaa yaqaan sharciyadooda iyo dhaqankooda iyagana waa muhiim in lagu casuumaa shirarka noocaan ah.  

Dhibaatada ugu weyn ee wadaadadeena Soomaaliyeed haysata ayaa waxay tahay inta isku fikirka ah ayaa is aruursata oo qofka kale ee walaalkood oo diinta wax ka yaqaan lakiin ka aragti duwan in ay wax la qaybsadaan ma ogolaan karaan. Sidaa darteed waxaa meesha ku dhumayaa aqoon iyo caqli muhiim ah oo bulshada u baahneed.  

 Qof walba aqoontiisa waa loo  baahan nahay, shirarka Islaamka waxaa  looga baahan yahay in lagu casuumo Takhtar warbixin  naga siin kara cafimaadka iyo wadamada aan ku nool nahay sida laysugu daaweyn karo ama  nin si fiican ugu taqasusey dhaqanka wadanka aan ku nool nahay oo warbixin inaga siiya wadamadan aan nimid iyo sida loogu nool yahay iyo (Socionom,Social worker = bulsho caawiye), naga caawin kara (social problems) mushaakil bulshadeedka, waana dhibta ugu weyn ee dadkeena haysta Wuxuu kaloo naga caawin karaa hay`adaha aan la xiriiri laheyn marka ay nagu dhacaan dhibaato

bulsheed si aan u helno caawinaad, ama (Sociolog )inoo sheegi kara  habka dadka aan u nimid  u fekeraan iyo sidaan ugu dhax noolaan lahayn anagoo dhaqan keena wadano isla markaana dadkaan martida u nahay sharciyadooda aan uga xadgudbin. Waxaa jira dad Soomaali oo aqoontaa leh oo talo ina siina kara arimahaas.  

 Hadii sidaan la yeelin waxaa dhici doonta in bulshada kala tafaraaquqsanaato, in dadka aqoonta leh ee kala duwan aqoontooda laga faa`iideysan, in dhibaatooyinka jirt loo helina xal quman , iyo in mu`tamaradan noqdaan daawo qofkii u bukey iyo waqtigii ku haboonaa la siinin.

Gunaanad 

Si loo wajaho dhibaatooyinka bulshadeed ee jira waxa loo baahanyahay Soomaalida in iskaashadaan in shirarka Islaamka ee dadka badan isku yimaado si fiican looga faa`iideysto, in dadka culumada ah la yimadaan xikmad iyo maskax furan si dhalinyarta iyo dadka caamada ah loo badbaadiyo.  Hadaba arimahan iyo kuwo kaloo badan si loo xaliyo aniga waxaan qabaa in si wada jir ah loo wajaho, qof qof looma xalin karo dhibaatada jirta, ka hadal keliyana xal ma aha, waxaa loo baahanyahay wax ka qabad iyo daba gelid. Si taasi u suurta gashaana waa in bulshada inta aqoonta leh iskaashataa oo aan loo eegin wadaad iyo qof aan wadaad ahayn, iyo in la joojiyo is koox kooxeesiga diineed. Dadku waxay horumar ku gaari karaan oo ay dhibaatadana kaga bixi karaa marka awoodooda caqli iyo feker isku geyaan, si taasi u dhacdo waa in dib u habeen lagu sameyaa qaabkii shirarka u dhici jireen, waa in la balaariya ka soo qayb galayaasha, waa in laga wada tashadaa mooduucyada laga hadlayo si aan waqtiga loogu dhumin wax markaa dadka xal u ahayn oo qofka si kale u baran karo, si waqtiga looga faa`iideysto waa in la soo badhigaa muxaadarooyin iyo doodo waaqaca la socda, waana in la abuuraa  aqoon isweydaarsi ay ka qayb gali karaan dad aqoon kala duwan leh. Hadii sidaan la yeelin muctamaradan ma noqon karaan kuwo la jaan qaadi kara baahida bulshada isla markaana ma  xalin doonaan  dhibaatooyinka jira.

 Wabilaahi towfiiq 

Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com 

Afeef: Soomaalidu waxay tiraah hadal nin si u yiri ninna si u qaadey. Waxaan ka afeefanayaa in talada iyo tusaalaha aan soo jeediyey aan loo qaadan in dad gaar ah weerar aan ku ahay. Waa iga nastexeeyn hadii aan lays saxin oo wixii qalad oo jira la isku sheegin wey adag tahay in wax wanaag ah la gaari karo , sida aniga ila tahay.

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]