SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WASHINGTON
 Soomaalida degan agagaarka washington Dc.oo si heer sare usoo dhaweeyay Walaalahooda Somali Bantuu.

Maalintii Bishu ahayd julay 3deedii, ahaydna maalin sabtiya oo badanaa laga nasto howlmaalmeedka shaqo,ayaa Somalida ku nool Xaafadaha kulaalaya Caasimada Maraykanka ee Washington Dc.Gaar ahaan qaybta Maryland waxay casumaad iyo soo dhawayn usameeyeen ilaa 50 qoys oo dhawaan laga keenay xeryaha qaxootig ee Dalka Kenya.Xafladaas oo ay qabanqaabiyeen Walaalo isxilqaamay ayaa waxaa isugu yimmid dad kor udhaafaya ilaa 300 qof iyadoo lagu sameey Beer wayn oo ah meelaha lagu qaato nasashada.

Qado sharaftii loo sameeyay walaalaha ku cusub dalkan ka dib,waxaa mid mid la isu baray qoysaskii ka soo qaybgalay Xafladda loogu talo galay soo dhawaynta iyo isbarashada Somali batuuga ka Yimmid dhulkii hooyo.waxaa si qurux leh muuqalka madasha usii bilay hablo yar yayr oo da,doodu udhaxayso 13 jir ilaa iyo 16 jir ku labisan hugii aynu dhaqnka u lahayn,badi gabdhahaasi waxay ku dhasheen dalkan Maraykan ,laakiin waxaan oran karaa waxay nasiib u yeesheen inay ku soo barbaareen hooy laga tixgeliyo dhaqankii iyo hidihii aynu isir ulahayn.

Waxaa is dhexgalay oo maalintii oo dhan wada cayaarayy ubadkii ku cusbaa halkan iyo kuwii hore u joogay ,waxaa madasha laga soo jeediyay in la joogteeyo isu-imaanshaha Soomaalida ku nool Washingto Metropolitan.lana sameeyo urur ka shaqeeya isku xirnaanta Soomaalida ku nool agagaarka DC.Waxaana si aan la koobi karin uga Mahad celiyay sidii loosoo dhaweeyay Somalida Bantuu oday ku hadlayay magacooda,isagoo xusay wax kastoo la soo maray somali iyada isleh oo marna makala maaranto, waxaa ii muuqata Somaalidii la arki jiray inay halkan ku nooshahay oo marti soorkii hidaha aynu u lahayn maanta aad noo dhigteen haddaanu nahay koytida cusub ayuu yiri.Waxuu ku kaftamay Handeni tagnay(Tansania),Musambiig iyo Saambiya sheeeganay laakiin Hoygeenu ogaanay waa Mugaambe iyo Caro Baaso Jubba.

Waxaa ka mid ahaa dadkii Xafaladaas ka soo qaybgalay Shiikha tafsiirka ka akhriya Masjjidka Daarul-Nuur ee daanta Virginia,Shiikh Maxamed Cabdullaahi ayadoo reer Maryland shiikha ka codsadeen inuu iyagana siiyo maalin ay ku daalacdaan tafsiirka ,shiikhuna waa ka aqbalay codsigoodii.Shiikh Maxamed oo in ka badan 5 sano ka akhrinayay tafsiirka quraanka kariimka ah iyo Axaadisba ,ayaa waligii Soomaalida ku boorin jiray inay Midoobaan oo gacmaha isqabadaan, Qabiilaysigana ku tilmaamay waxaa Soomaali halkaas dhigay,oo if iyo aakhiraba seejiyay.

Aden-gaas Washington DC. Metro-politan

<adengas@hotmail.com>

 Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD