SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
  • Go’aamo muhiim ah oo ka soo baxay kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO.
  • Itoobiya oo xadka Kenya ay la wadaagto miinooyin ku aastay.
  • Meles Zanawi oo diiday in uu shuruucda doorashooyinka wax kabadalo.
  • Laba sargaal oo ciidamada cirka ee Itoobiya ka tirsanaa oo la xidhay.
  • Safiirada Itoobiya oo lagu amray in ay gudaha soo galaan.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno qaybtii labaad ee sheekadii Amakaag iyo suugaan halgameed.

Go’aamo muhiim ah oo ka soo baxay kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO. 

Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya ayaa kalfadhigiisii seddexaad qabsaday, kaasoo socday muddo labo toddobaad ah, waxaana ka soo baxay go’aamo muhiim ah oo wax wayn ku soo kordhin doona halganka soomaalida Ogadenya. 

Kalfadhigaas oo la soo gabagabeeyay shantii bishan Julay, waxaa lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: qiimaynta is-badallada xaaladda dunida  gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ee saamaynta ku leh halganka shacabka Ogaadeeniya, horumarinta iyo sii xoojinta iskaashiga Jabhadaha iyo xoogagga la dagaalama gumaysiga Itoobiya, xoojinta is-kaashiga iyo wada-shaqaynta hoggaamada iyo dhamaan hay’adaha kala duwan ee Jabhadda iyo weliba qiimaynta istaratiijiyada guud ee halganka iyo marxaladda halganku ku sugan yahay. 

 Wakaaladda Wararka Ogadenya ayaa nuqul ka heshay go’aamadii ka soo baxay kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, waxaana go’aamadaas ugu muhiimsanaa: 

  • (1)      In la hormariyo lana xoojiyo wada shaqaynta hay’adaha Jabhadda.

  • (2)      In la sii hormariyo hufnaanta iyo tayada maamulka hay’adaha Jabhadda.

  • (3)      Xoojinta ku dhaqanka xeerka iyo anshaxa ururnimo, iyadoo goluhu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Jabhadda iyo xeer-hoosaadyo kale oo muhiim ah oo looga gol leeyahay sii horumarinta tayada wax qabadka xubnaha.

  • (4)      In la xoojiyo xidhiidhka sokeeye een la leenahay dadyawga ehelka u ah halganka shacabka Ogaadeeniya, gaar ahaan walaalaha Soomaaliyeed iyo dalalka kale ee dariska ah.

  • (5)      In la xoojiyo xidhiidhka wax wada qabsi een la leenahay Jabhadaha iyo xoogagga xaq u dirirka ah ee ka soo horjeeda gumaysiga Abasiiniya.

  • (6)      In la sii horumariyo lana xoojiyo xidhiidhka aan la leenahay dalalka saamaynta wayn ku leh geeska Afrika gaar ahaan dalka Maraykanka.

  • (7)      In la taageero dadaalka dunidu ugu jirto la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, kuna baraarujino caalamka argagixisada dawladeed (State Terorisum) ee Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeeniya ee aan waxba galabsanin.

  • (8)      In la kordhiyo dhaq dhaqaaqa diblomasiga ah ee ku wajahan kasbashada iyo ka dhaadhicinta dawladaha, Ururada caalamiga ah iyo kuwa goboleedba qaddiyadda Ogaadeeniya, si joogta ahna loogu bandhigo xaqnimadeeda.

Kalfadhigu wuxuu sidoo kale canbaareeyay fikirka foorara ee gumaysataha Abasiiniya ee dulmiga wajiyada badan iyo ku xadgudubka xuquuqda aadamaha ku haya shacbiga Ogaadeeniya iyo guud ahaan shucuubta kale ee ku hoos nool dulmigiisa. Wuxuu kaloo dhaleeceeyay siyaasadda gumaysiga Itoobiya ee ku dhisan dhul-ballaadhsiga iyo gardarraysiga dariska. 

 Kalfadhigu wuxuu dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqay inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadaxaajood iyo is-afgarad, kuna dadaalaan sidii ay u soo celin lahaayeen qaranimadii Soomaaliya, isla markaana iska ilaaliyaan shirqoollada uu maleegayo cadowga Itoobiya oo ku dadaalaya sidii uu uga hortegi lahaa in Soomaaliya ay lugeheeda dib isuku taagto. 

 Kalfadhigu wuxuu dhinaca kale dadwaynaha soomaalida Ogadenya ugu baaqay inay sii laban-laabaan halganka xaqa ah ee ay kaga soo horjeedaan cadowga gumaysiga Itoobiya. 

Dadka u dhuun-duleela arrimaha gobolka Geeska Afrika, oo dulmar ku sameeyay go’aamada golaha Dhexe ee JWXO, ayaa ku tilmaamay inay ka muuqdaan dib u-habayn siyaasi ah iyo culays dheeraad ah oo la saari doono dhinaca hawlgallada millatariga ee ay fuliyaan ciidammada xoraynta Ogadenya. 

Itoobiya oo xadka Kenya ay la wadaagto miinooyin ku aastay. 

Wargayska oogu caansan ee ka soo baxa wadanka kenya, laguna magacaabo  The NATION ayaa 10.07.2004 lagu soo daabacay Miinooyin ay Ciidamada Itoobiya ku aaseen inta u dhaxaysay Mooyale iyo Marsabad oo ah gudaha wadanka kenya. 

 Miinooyinkan ayaa markii ugu horeeysay ku qarxay mid ka mid ah 4 Riti oo uu nin reer baadiye ah watay, waxaana halkaas lagu waayay Ritigii ay Miinadu la kacaday iyo waxii saaraa, hasa yeeshee waxaa ka badbaaday ninkii Awrta watay iyo sadexdii Riti ee kale.

 Goobtii shilku ka dhacay ayaa waxaa yimid ciidamada Boliska ee wadanka Kenya, waxayna goobtii ka heleen miinooyin badan oo jidka laga buuxiyay kuwaas oo ay ka buuxiyeen Ciidamada Itoobiya. 

 Xadka labada dal ayaa waxaa ku xayiran ilaa 40 gaadhi oo ah nooca loo yaqaano LORI [40 Lorries] xaaladan ayaa walwal weyn ku keentay dadka reer Kenya ee xuduuda Itoobiya iyo Kenya dagan. Ciidabada Booliska ee kenya ayaa waxay ku howlanyihiin siday jidkaas la gooyay u furi lahaayeen. 

 Meles oo diiday in uu shuruucda doorashooyinka wax kabadalo. 

 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in uu Meles Zanaawi diiday in uu shuruucda doorashooyinka wax ka badalo. Ra``iisal wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan diidmada ah sheegay mar uu baaralmaanka u jeedinayay warbxin sanadeed.  

Ururada mucaaradka  ah ayaa dhawr jeer oo hore waxay dawlada ka codsadeen in wax laga  badalo shuruudaha u dajisan gudida doorashooyinka iyo qaabka loo qabto doorashooyinkaba.

 Gudiga doorashooyinka wadanka Itoobiya ayaa waxaa soo magacaaba ururka talada wadanka Itoobiya haya ee TPLF. Ururada mucaaradka ah ee raba in ay doorashooyinka ka qayb galaan ayaa waxay u arkaan in ayna maamuli karin doorashooyin si xor ah u dhacaya dad uu hal urur  soo magacaabay oo dhinac kaliya ka soo jeeda. 

 Ururada  macaaradka ah ayaa ka digay in ayna aqbali doonin habka loo qabto doorashooyinka, waxayna sheegeen in uu wadanka ka dhici doono dagaal sokeeye hadii ay xukuumadu ku shubato doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan sanadka fooda inagu soo haya ee 2005 wadanka Itoobiya. 

 Laba sargaal oo ciidamada cirka ee Itoobiya ka tirsanaa oo la xidhay. 

 Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa noo soo tabiyay in la xidhay laba sargaal oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee wadanka Itoobiya .

 Labadan sargaal ayaa waxay u dhasheen qoomiyada Oromda, waxayna ka tirsanaayeen xafiis madaxeedka ciidamda cirka Itoobiya ee ku yaala magaalada Debre Ziet oo u jirta 45 KM magaalada Addis Ababa. 

Labadan sargaal ayaa lagu kala magac-aabaa Kuma Birrisa iyo Xuseen Genemo. Labadan sargaal ayaa waxa ay dawlada Itoobiya ku eedaysay in ay sir bixiyeen islamarkaana ay hub u gudbiyeen ururka dawlada Itoobiya la dagaalama ee OLF. 

 Warku waxa uu intaa ku daray in sirtaas loo gudbiyay wadan Itoobiya daris la ah kaas oo loo malaynayo wadanka Eritrea. Warar kale oo aanu ilo muhiim ah ka soo xiganay ayaa sheegaya in la xidhay gudoomiyihii ururka ardayda Oromoda Dawit Odo, waxayna Itoobiya ku soo eedaysay in uu Dawit waday abaabul  uu ardayda Oromoda ah ku kicinayo si ay dawlada ula dagaalamaan. 

Labadii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa ciidamada cirka  Itoobiya ka baxsaday 36 Sargaal oo wadamada reergalbeedka iyo kuwa dariska ah waydiistay magangalyo siyaasadeed. 

 Safiirada Itoobiya oo lagu amray in ay gudaha soo galaan. 

 Warar aanu ka helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in dhamaan safiirada Itoobiya ee wadanka dibadiisa ku maqan amar lagu siiyay in ay gudaha soo galaan. 

 Sargaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya oo aan rabin in magaciisa la sheego ayaa waxa  uu yidhi”Safiiradan waxa loogu yeedhay in wax qabadkoda la qiimeeyo ama waxay afkooda ku yeedhaan “Gimmgama”lagu sameeyo, nidaamkaas oo lagaga ta khaluso cidii lagu tuhmo in ay ka soo hor jeedo maamulka uu madaxda ka yahay kaligii taliye Meles Zenawi. 

Amarkan loogu yeedhayo diblamaasiyiinta dibada ayaa waxaa diiday in badan oo ka mid ah madaxda loo yeedhay iyaga oo ka baqanaya in la xidho ama jagada laga qaado, waxayna safiiradaasu u baxsadeen wadamada reer galbeedka, halkaas oo la filayo in ay ka dalbadaan magangalyo siyaasadeed.  

 Waxa kale oo uu warku intaa raaciyay in inta soo hadha la isku shaandhayn doono. Waxaa wadanka Itoobiya ka baxsaday safiiro, saraakiil, ciidamo, Arday iyo madax aad u tiro badan sanadahi ugu danbeeyay, kuwaas oo diidan sida uu wax u maamulayo ururka Itoobiya talada u haya ee TPLF/EPRDF. 

13.07.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD