SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dalladda culimada soomaaliyeed oo dood cilmiyeed ka qabatay ka hortagga afduubka iyo ka ganacsiga dadka

 Subaxnimaddi khmiista 15/7/2004 waxay dalladdda culimad soomaaliyeed ku qabatay hotelka saxafi ee magaalada muqdihso dood cilmiyeed lagaga hadlayay ka hortagga afduubka iyo ka ganacsiga dadka , dooddan waxa ka soo qayb galay hawlwaddeenno ka tirsan dalladda culimada, culimaa'u diin kale , xubno ka stirsan ururada ka hadla xuquuqda aadanaha siyaasiyiin saraakiil iyo odayaal dhaqameed , dood cilimiyeedkan waxay dalladda culimadu ka soo jeedisay xukunka sharciga ah ee leehayay qofka qof muslim ah gacanta u galiya cadaw gaala ah isga oo ay u gaynayso inuu gaalda raalli galiyo ama nacayb uu u hayo dadka muslimiinta ah.

 sh.cismaan ibrahim oo codka dallaada ku hadlayayna wuxuu sheegay in ficilkaasi gaalnimo yahay diinta lagaga baxayo waxaa kale oo uu sheegay in dadka gaystay afduubkii lagu qafaashay laba ka tirsan culimada soomaaliyeed ee gaalada loogu dhiibay ay yihiin qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada, maleeshiyaad aan haybtooda la garanaynin iyo shakhsiyaad ka tirsan saraakiishii hore ee ciidanka oo iyagu xihdiidh gaar ah la leh cadawga umadda , ka dibna waxay dalladda culimadu sheegaty in hadafka doodani yahay in la caddeeyo xukunka sharciga ah ee uu leyahy qofkii ku kaca ficillada noocan ah iyo sidii wax looga qaba lahaa ama looga hortagi lagaa dadka ku lug leh.

Dadkii ka hadlay dood cilmiyeedkan waxaa ka mid ahaa: sh.nuur baaruud gurxan ku xigeenka dalladda culimada soomaaliyeed, sh. cismaan  ibraahim, ugaas axmad bile ,sh.maxamuud sh..axmad xasan ( abuushayba) sh.maxamuud cabdi ibraahim, prf.sh. bashiir axmad salaad,dr.sh.cumar iimaan sh.claahi cumar, janaraal maxamad cabdi eng.xuseen siyaad (qoor gaab) iyo kuwo kale.

  ka dib dood dheer oo qaadatay wax ka badan 3saacadood ka soo qayb galayaashu waxay soo saareen bayaan loo dhanyahay oo uu akhriyay sh.axmad maxamad sulaymaan oo ka mid ah guddoomiye ku xigeennda dalladda culimada soomaaliyeed qodobadii ku soo baxayna waxaa ka mid ahaa :

1.           canbaarayn loo soo jeediyay cidda gaysata afduubka kufsiga dilka iyo dhaca gaar ahaan dadkii ka danbeeyay afduubkii gaalada gacanta loogu galiyay labo ka mid ah culimada soomaaliyeed

2.           in bulshada soomaaliyeed ka dhiidhido ficilkan foosha xun ee lagula kacay culimada.

3.           in la ballddhiyo maxkamadaha islamiga ah lana taagero iyada oo la xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya maxkamadaha islaamiga ah iyo ciidamada madaniga ah

4.           in lagu wacyi galiyo bulshada khatarta ay leedahay arrintani iyada oo loo marayo masaajidda iyo qalabka warbaahinta.

5.           in hoggaamiya kooxeedyda iyo ganacsada ciidamda haysta ay ka feejignaadaan in maleeshiyooyinkoodu ka qayb qaataan ficilkan foosha xun ayna ogsoonaadaan in wax laga weydiin doono waxa ay gaytaan ama lagu gaysto aagagga ay ka taliyaan

6.           in jihaad wada jira oo umaddu u dhantahay lagu qaado dadka faraha kula jira fal danbiyeedkaan 

waxaa xusid mudan in dalladda culimada soomaaliyeed horay bayaan uga soo saartay afduubka noocan ah waxayna tilmaantay in dadka cadawga gacanta loo galinayo ayna ku koobnayn muqdisho ee ay ka dhacday somliland iyo punlanba loona baahanyahay in bulsha waynta soomaaliyeed ceebtaas ka dhiidhido oo ayna ogolaanin marnaba in dadkooda laga ganacsado oo gaalo laga iibiyo gaar ahaan culimada oo baryahan danbe lo soo dhigtay  

xafiiska dacwda iyo tarbiyada soomaaliya 

dacwah@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD