SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARAR GOOS GOOS AH:::

  • Dad boqolaal sanno degenaa deegaanka Jamaame oo halkaas ka soo qaxaya

  • Cumar Xaashi Aadan: “Beesha Xawaadle waa lagala dhuuntey shirkii ay beelaha Hawiye ay ku qaybsadeen..

  • Ugaas Maxamed Weli  beesha Daarood haddii ay qaybsan weydo…

  • Deegaanka Siigaale oo ka dalbaday Maxkamadaha…

  • Ugaas Maxamed Weli  beesha Daarood haddii ay qaybsan weydo…

JAAMAC CALI JAAMAC “Qaar ka mid ah dowladaha IGAD ayaa qasaya wax qaybsiga beesha daareood….

Jaamac Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda waddanka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya Beelaha Daarood, kaddib markii ay qabsan waayeen 61-ka xubnood ee xubnaha Baarlamanka, wuxuuna sheegay in khilaafkan ay wadaan qaar ka mid ah waddammada IGAD oo uusan carrabaabin, isagoo sheegay in ay la safan yihiin siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Daarood. “Way dhammaatay waqtigii caddaalad darrada, waxaana loo baahan yahay in Beesha Daarood ay si caddaalad ah ku qaybsadaan xubnaha Baarlamanka” ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac oo mar uu u warramayay Idaacadda Banaadir wax laga weydiiyey keenista ciidammo shisheeye ee dalka, waxaana uu yiri “waqtigan looma baahna ciidammo shisheeye in la keeno dalka, balse haddii ay dantu kullifto way bannaantahay in la keeno ciidammo shisheeye, si ay hubka uga dhigaan kooxaha maleeshiyooyinka ah”.          Jaamac Cali Jaamac waxa uu si aad ah uga soo horjeedaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana uu ku tilmaamay ninka qaska ka dhex wada beesha Daarood ee doonaya in uu xoog ku maamulo.       “Waxaan aaminsanahay in inta aan la gaarin 20-ka Bishan ay Beelaha Daarood si nadiif ah ku qayban doonaan xubnaha Baarlamanka” ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac oo intaa raaciyey “Haddii ay taasi dhici weyso waxaan qabaa in faragelin lagu sameeyo, kaddibna loo qaybiyo xubnaha Baarlamanka” 

Cumar Xaashi Aadan: “Beesha Xawaadle waa lagala dhuuntey shirkii ay beelaha Hawiye ay ku qaybsadeen..

Wasiirka Lacagta ee Dowladda KMG ah Cumar Xaashi Aadan, haatanna ku sugan madasha shirka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Beesha Xawaadle oo ka mid ah beel weynta hawiye aysan ka qayb galin shirkii lagu qaybsaday xubnaha Baarlamanka.

“Shirkaasi waa lala dhuuntay, cid ka tirsan Beesha Xawaadle oo ka qayb gashayna ma jirto” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo u soo jeediyey Beelaha Hawiye in ay dib isu saxaan, si caddaalad ahna lagu qaybiyo xubnaha Baarlamanka.

“Haddii Beelaha Hawiye ay isi sixi waayaan, isla markaana guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta aysan dib u eegin liiska magacyadii loo gudibiyey Beesha Xawaadle go’aan ayay ka qaadanaysaa” ayuu yiri Cumar Xaashi oo aan caddeyn go’aanka ay qaadan doonto Beesha Xawaadle.  Waxaa la sheegay in shirkii ay isugu yimaadeen Beelaha Hawiye ee lagu qaybsaday xubnaha Baarlamanka  ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in Beesha Xawaadle aysan ku qanacsanayn tirada kaga soo aaddan xubnaha Golaha Baarlamanka ee dowladda cusub ee Somalia.

Ugaas Maxamed Weli  beesha Daarood haddii ay qaybsan weydo…

Ugaas Maxamed Weli oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqan-ka Beesha Daarood ayaa waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Beesha Daarood uu yahay mid ku yimid dano shaqsiyadeed iyo weliba jaahilnimo is biirsaday.

“45-xubnood ayaan si caddaalad ah ku qaybsannay xilligii Carta, maanta waxaa soo baxay dad dhahaya xilligii Carta waa nala qadiyey oo caddaalad darro ayaa nalagu sameeyey, taasina ma aha mid soconeysa” ayuu yiri Ugaas Maxamed Weli Sh. Axmed oo sheegay in uu aaminsan yahay in Beesha Daarood aysan qaybsan karin xubnaha Baarlamanka inta laga gaarayo 20-ka Bishan, balse waxa uu u soo jeediyey xubnaha kale ee Beesha Daarood in ay gacan ka geystaan sidii si caddaalad ah loogu qaybsan lahaa xubnahaasi

Deegaanka Siigaale oo ka dalbaday Maxkamadaha…

Waxaa deegaanka Siigaale ee degmada Hodan maalinba maalinta ka dambeysa ku sii kordhaya  kooxaha Burcadda ah iyo nabadgalyo xumi baahsan, waxaana doraad deegaaankaas lagu dilay nin dhalinyaro ah oo la garan waayay meydkiisii, iyadoo markii dambe dadka deegaanku ay go’aansadeen in ay iska aasaan, waxaana lagu waramay in dad fara badan ay soo arkeen wiilkaasi meydka ah.         

Haddaba dadka deegaanka ayaa ka dalbanaya maxkamadaha Islaamiga ah in ay soo gaaraan deegaankaas, si ay gacanta ugu dhigaan kooxaha burcadda ah ee dhibaatada ku haya deegaankaasi.  

            Dhinaca kale odayaasha deegaanka ayaa haatan ku howlan sidii deegaanka Siigaale uu u yeelan lahaa ciidammo madani ah oo suga nabadgel-yada, iyadoo dhowaan deegaankaasi ay ka dheceen dagaallo markii dambe demintooda uu ku guuleystay Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

Dad boqolaal sanno degenaa deegaanka Jamaame oo halkaas ka soo qaxaya

            Deegaanka Jamaame oo lagu tiriyo deegaannada ugu nabdoon ee dalka ayaa waqtiyadan dambe waxaa ka jiray qax ay sameynayeen dad horey u degganaa deegaankaas, kaddib markii beel ka mid ah beelaha deegaankaasi ay ku qasbeen in ay ka guuraan deegaankaasi, taa oo ay soo dedejisay, dil, dhac iyo iyadoo lagala wareegay guryahoodii iyo beerahoodii.

“Waxaan degganaa deeaganka 200-sano, waana deegaankii ay ku dhasheen awooweyaasheen, maanta ma aha in ay beel naga soo qixiso deegaankaasi” ayuu yiri nin oday ah oo careysnaa, deegaankaana ka soo qaxay bil ka hor, wuxuuna intaa sii raaciyey “Goor ay ahaataba mar uun baan dib ugu noqon doonnaa deegaan-keenna, waayo hantideenna cid aan uga heybeysanayno ma jirto”, ugu dambeyntii dadkii ka soo qaxay deegaankaasi ayaa waxa ay u soo jeediyeen beesha ku kacaysa arrintaasi in ay ku waantoobaan oo ay soo dhoweystaan dadkooda, waayo waxa ay sheegeen in ummadda Soomaaliyeed aysan kala maarmin oo mar walba ay isku baahan tahay.  

Zanawi oo ka hadlay eedeeymaha ah in aan Itoobiya jecleyn Dowlad ka dhalata Somaaliya
»Ganacsade Bashiir Raage oo sheegay inay gar tahay gooni isu taaga Gobolada Waqooyi
»Nin meydkiisa la garan waayay oo laga helay agagaarka guriga shaqaalaha, Muqdisho..
»Winston Tubman “Illaa iyo haatan Q/Midoobay kama hadlin waxa laga yeelaayo qabqablayaasha”...
iyo Warar kale oo Goos Goos ah

.W/D Amiin Yuusuf Khasaaro 

E-Mail  <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD