SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Seminaarkii wacyigalinta gabdhaha oo la soo gabagabeeyay

 Waxaa lagu soo gabagabeeyay 29/06/2004 xarunta Ibnu Baaz ee magaalada Muqdisho Seminaar muddo laba toddobaad ah uga socday qiyaasta 400 oo gabdhood oo ka mid ah gabdhaha wax ka barta jaamacadaha iyo d/sare, xafladdii xiritaanka waxaa ka soo qayb galay dalladda culimada, jaamacadda islaamiga, xiriirka ardayda Soomaaliyeed ee caalamiga ah, maamulka xarunta Ibnu baaz, macallimiinta Seminaarka duruusta ka bixisay, waalidiinta, ardayda, qalabka warbaahinta Muqdisho iyo marti sharaf kale, waxaana halkaa laga soo jeediyay hadallo isugu jira mahadcelin loo soo jeediyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta Seminaarkaan oo isugu jiray xarunta Ibnu Baaz, Xiriirka ardada, macallimiinta, dadkii ku tabarucay lacagta lagu fuliayay Seminaarka iyo ardayda, waxaa kale oo aad looga hadlay ahmiyadda seminaaradaani u leeyihiin dhallinyarada soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha, waxaana loogu baaqay dadwaynaha Soomaaliyeed ka qayb qaadashada hawlaha noocaan oo kale ah oo loogu adeegayo bulshada, iyadoo carrabka lagu adkeeyay in hawlahaan oo kale u baahan yihiin iskaashi, tusaale ahaan: gabar Soomaaliyeed oo joogta Muqdisho ayaa ku deeqday kharashka ku baxay Seminaarkaan, macallimiintuna waxay ku deeqeen aqoontooda iyo waqtigooda, xarunta Ibnu Baaz-na waxay ku deeqday goobta iyo qalabka, xiriirka ardaduna fulinta hawsha iyo qabanqaabadeeda. Waxaa kale oo ka soo qaybgalayaashu codsadeen in seminaarradaan la sii baahiyo lana joogteeyo.

Waxay gabdhuhu si aad iyo aad u sarraysa uga faa'iidaysteen duruustii ay ku qaateen seminaarkaas, waxaana wax aad loogu farxo ahayd in ay gabdhahaasi ahaayeen kuwa ay aad u sarrayso aqoontooda diineed iyo tooda maadiga ahba, taana waxaa tusaysa in ay 18 gabdhood oo qur ahi ka hoos mareen darajooyinkii loo baahnaa, waxayna gabdhuhu aad u farxad galiyeen macallimiintooda iyo waalidiintoodaba. Waxaa la siin doonaa dhamaan gabdhaha ka qayb qaatay Seminaarka shahaadooyin, waxaa kale oo halkaa lagu guddoonsiiyay ardayda abaalmarinno isugu jira kutub, cajalado iyo lacag caddaan ah iyadoo ardaydu ay ku tartamayeen:

1-                           Imtixaan qoraal ah oo la qaaday markii duruustu dhamaatay oo 21kii gabdhood oo ugu sarreeyay ku qaateen abaalmarinno oo dhammaantoodna ku gudbay in ka badan 90%. Waxaana imtixaanka galay 221 gabdhood oo ka mid ah 400 oo loo furay seminaarka.

2-                           Maqaallo gabdhuhu ay qof qof u soo diyaariyeen.

3-                           Cilmi baarisyo gabdhuhu si koox koox ah u soo diyaariyeen oo ka hadlaya arrimaha bulshada.

4-                           Diraasad gabdhuhu ka soo qoreen taariikhda saxaabiyadda loogu magac daray kooxdooda.

5-                           Tartan aqooneedkii maalinlaha ahaa ee dhexmarayay gabdhaha.

6-                           Nudaamka iyo hawlfulinta kooxaha.

 

Qaar ka mid ah macallimiinta Seminaarka wax ka dhigaysay oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ay gabdhahaani u qalmaan inay u noqdaan gabdhaha Soomaaliyeed tusaale wanaagsan marka laga eego xagga aqoonta, wacyiga, dadaalka iyo dareenka wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin. 

Waxaa xusid mudan in seminaarkaani qayb ka yahay olole ballaaran oo ardayda lagu wacyigalinayo, laguna dareensiinayo khataraha ku soo wajahan, sidii ay uga hortagi lahaayeen iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen naftooda, qoysaskooda iyo ummaddooda. Waxaana ka socday xarunta Al-Imaam Al-Bukhaari laba seminaar oo mid u socday wiilasha jamacadaha iyo dugsiyada sare, midna wiilasha d/dhexe, waxaana midkood la soo gabagabayn doonaa axadda soo socota. Waxaa kale oo laga furay Mac-hadka Ubay ibnu kacab ee qiraa'aadka Seminaar wiilasha ah sabtidii aynu soo dhaafanay, waxayna seminaarradaani si isdaba joog ah u socon doonaan ilaa waqtiga waxbarshadu ka bilaabanayso, waxaana maamulka xarunta Ibnu Baaz uu isla goobtaas ka sheegay in la bilaabi doono diiwaan galinta wiilasha jaamacadaha iyo d/sare oo ka qayb qaadan doona seminaarka kan ku xiga. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada Soomaaliyeed

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD