SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MAXAMED ABSHIR: NESON MANDEELAHA SOOMAALIYA

Abdiweli Cali
Humanrights20010@yahoo.com

           


Janaraal Maxamed Abshir

Abaarihii goor ay ku beegan tahay duhurnimadii markaan soo tukaday salaadii Jimcada ayaan soo maray xaafadaha Soomaalidu degen tahay ee magaalada Miniyaabulis. Intaan xaafada dhex socday isheydu waxay milicsatay goob ay dad fara badani ku xoonsan yihiin. Dabadeed waxaan u dhaqaaqay goobtii ay dadweynuhu ku urursanaayeen, si aan u ogaado waxa meesha ka socda. Waxaan arkay in dadweynuhu ku meegaaran yihiin, iyagoo weliba hadba gacan-qaaday nin gaar ah oo ay ka muuqato Soomaalinimo iyo imaam buuxa.

Nin ay ka muuqato haybad gaar ah. Haybad ay inta badan lunsadeen odayada Soomaaliyeed ee haatan nool.  Waxaa ninkaas ka muuqatay sumad gaar ah oo muujinaysa inuu yahay siyaasi ruug-cadaa, naftiisa iyo xoogiisana u horay ummada Soomaaliyed. Guud dadka afka-soomaaliga ku hadla iyo kuwa u dhashay Soomaalinimada waxay u hayaan sharaf gaar ah, taasoo uu ku mutaystay inuu qaato magaca Imaam.  Ninkaasi wuxuu noqday  janaraal Maxamed Abshir Muuse. 

Markiiba waxaa maskaxdayda ku soo dhacday: Nin siyaasi ah, oo ku caan baxay qaran-jaceyl, nabad-jaceel, waqtigiisana u huray horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa oo maanta awooda inuu bulsha weynta Soomaaliyeed si qunyar ah, oo nabad leh u dhex mushaaxo, isagoo aan gef iyo godob cidna ka gelin maba jiro aan ka aheyn Imaam Maxamed Abshir, hadduu jirana waa in tiro yar oo fara ku tiris ah. Haddaba talow ma jiraan siyaasiyiin sidaas oo kale ah, mise badankood waxaa daba socda wardiyayaal ka ilaaliya dadkii ay dhibta u gaysteen?

In-dheergarato fara badan oo Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye waxay Maxamed Abshir ugu magac dareen Nalsan Mandeelihii Soomaaliya. Qaar kale waxay ugu magac dareen ”Nabadoonkii Soomaaliya.” In kale waxayaba huwiyeen magaca: ”Imaam” Tusaale ahaan wargeyska ”Insight, tirsigii 539, June 27, 2001” kana soo baxa Miniyaabulis, wuxuu cinwaan uga dhigay bogga hore: ” Abshir Somali’s Mandela.” Maxamed Abshir Muuse wuxuu magacaas ku mutaytay: waa Siyaasi ka madax-bannaan musuq-maasuq, khaa’inimo, hagar-daamo, laba-wajiilinimo iyo daneysi gaar ah, had iyo goor danta guud ee ummada ayuu ka hormariyaa tan gaarka ah, mana ku badna shakshiyadaad noocaas oo kale ah guud ahaan siyaasiyiinta Afrika oo dhan, gaar ahaan siyaasiyiinta Soomaaliya. Dadka lagu sifeeyey heybadaas gaarka ah ma tiro badna, waxaana ka mid ah: Nelsan Mandeelaha Koonfur Afrika, Maxamed Abshir, Kuwe Nakrumihii Gaana, Gaandhi, Senator Paul Welstonkii Minasoota iyo kuwa kale.

Wargeyska Washington Post (March 17, 2003) ee ka soo baxa Washington wuxuu ku tilmaamay Imaam Maxamed Abshir, mudadii uu ahaa hoggaamiyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed inuu ka soo saaray ciidanka boolis anshax-wanaagsan, oo u hogaansama sharciga dalka, islamarkaana hawshooda wadaninimo si habboon u guta. Waxay kale oo ay ciidanku ka madax-bannaanaayeen mudadaas islamarkaana musuq-maasuqi, eex, qaraaba-kiil iwm. Burburkii Soomaaliya ku habsaday ka dib ciidanka weli ay ka muuqatay hufnaan iyo anshax-wanaag waxay ahaayeen booliiskii uu gacanta ku hayey Janaraal Abshir.

Janaraal Maxamed Abshir, siduu wargeysku qoray, waxay dowladdii militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Barre Eebbe janadii ha ka waraabiye ay ku xukuntay 3 sano iyo  ½. Xilligaas wuxuu ku xirnaa aqalkiisa oo ku yaalay Muqdisho, ka dib markuu Maxamed Abshir diiday inuu la shaqeeyo dowladdii Jaalle Maxamed Siyaad. Mar jaalle Maxamed Abshir uu ka waramayey dadaalkii Siyaad Barre ugu jiray inuu kasbado wuxuu yiri: ”Maxamed Siyaad Barre wuxuu isku dayey inuu igu iibsado lacag iyo inuu ii magacaabo jago sare ee sumcad weyn leh. Wuxuu ii ballan qaaday wax kasta oo aan aniga doonayo, hase ahaatee, waan ku gacan-sayray in aan la shaqeeyo (Washington Post, March, 2003).

Haddaan bar-bardhigno, dhanka kale, laba siyaasiyiin oo jagooyin sar-sare ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, kwaasoo kala ah marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal Eebbe janadii ha ka waraabiye iyo jaalle Cumar Carte Qaalib. Labadaas siyaasi dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigtay, hase ahaatee, nasiib-daro waxay noqdeen rag si sahlan lagu iibsaday. Ma noqon rag madal-adag ee leh  xeer adag ee hagga damacooda iyo hungurigooda, waxay noqdeen laba nin oo si fudud isugu dhiibay dowladdii Siyaad Bare. Maxamed Siyaad Barre wuxuu u ballan-qaaday labadaas nin in ka yar intii uu u ballan-qaaday Maxamed Abshir, sidaas ay tahayna waxay isu-dhiibeen mac-macaankii dabinka ku dahsoonaa ee Siyaad Barre.

Adduunyadii iyo jagooyinka sumacada sare lahaa ee uu marxuum Maxamed Siyaad Barre u magacaabay ayey door-bideen. Waxay doorteen inay wax ka dhuuqaan maalkii iyo maamulkii xaaraanta ahaa, halka jaalle Maxamed Abshir gaashaanka-u-daruuray, go’aansadayna magaciisa iyo haybadiisa inuu ilaashado, waa kuma siyaasi kale ee jago sidaas u sareysa Soomaaliya ka soo qabtay oo ay dunidu u qirsan tahay daacadnimo, nabad-jaceyl, islamarkaana diiday inuu la shaqeeyo xukun ula muuqday inuu ahaa mid qaldan, aan ka aheyn Maxamed Abshir? Waxaa iyadana muujinaysa daacadnimad, xil-kasnimad janaraal Abshir goortuu sanadkii 1967 iska casilay jagadii uu ka hayey dowladda ka dib kalkuu diiday in ciidanka booliisku ay u codeeyaan xisbigii SYL ee markaas talada hayey, waxaana markaa wadanka madax ka ahaa marxuum Ibraahim Cigaal iyo Cabdirashiid Sharmarke. 

Sanadkii 1972 ayuu Siyaad Barre xabsigii guri ku haynta ka sii daayey Janaraal Maxamed Abshir, hase ahaatee, waxba kuma raagin xornimadii yareyd ee uu hantay. Siduu u sheegay wargeyska Washington Post, Maxamed Abshir waxaa muddo yar markuu dibada joogay la dhigay xabsiga qalafsan ee godka. Sababata loo xiray markan waxay aheyd: ka dib markuu soo galay gegida kubbada cagta ee Moqdishu Stadium, halkaas oo lagu qabtay xaflad weyn Goortuu janaraal Maxamed Abshir gegida soo galay waxaa mar u kacay dhammaan bulsho weyntii Soomaaliyeed ee gegida isugu soo ban-baxay, iyagoo isku daray sabcis xooggan iyo soo dhaweyn, taasi waxay ka caraysiisay marxuum Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna markiiba u taxaabay Maxamed Abshir xabsi dheer oo uusan ka soo laaban muddo dhan 9 sanadood. 

Waxaa mudan in la xuso, inkastoo dhib nafsadeed iyo mid qoys ay dowladdii marxuum Siyaad Barre u gaysatay Maxamed Abshir misna kama muuqato naceyb, aar-gudasho iyo aano uu ku sido uurka, taasoo astaan u ah heerka uu ka gaaray siyaasada iyo horumarka nafsadeed oo aan ilaa iyo imminka laheyn cid kale oo Soomaali ah oo sidata. Astaanta waxa kale oo lagu aqoonsadaa Nelson Mandeelaha Koonfur Afrika, isagoo cimrigiisa oo dhan xabsi ku qaatay ayuusan haddana u heyn xumaan cadaankii tirada yaraa ee noloshiisa seejiyey. Weliba sidaas ay tahay waxay labada siyaasi Mondele iyo Abshir ku caan-baxeen inay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka labada dal ay ka kala dhasheen.

            Waxa kale oo inoo muujinaya Maxamed Abshir in uu yahay nin ka duwan siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed kal-gaceylka ay u hayaan guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed ha noqdeen Hawiye, Daarood, Dir, Isaaq, Raxaweyn, Ciise, Jareere Weyne, Reer Xamar Waxaan xasuustaa goortuu soo booqday USA, Minnesota, inuu ahaa siyaasiga keliya oo ay ardayda Soomaalida ee jaamacadaha dhigta ay codsadeen inay la kulmaan, lana sheekaystaan, kalana tashadaan ayaaha wadankooda. Weli lama hayo, intaan ognahay, siyaasi Soomaaliyeed oo Minasoota soo booqday oo ay ummada Soomaaliyeed, iyagoo ka kooban qabiilo kala duwan ay isugu soo baxeen aan ka aheyn Maxamed Abshir. Sidaa oo kale dhammaan barfasoorada Soomaaliyeed ee ku sugan USA iyo weliba ururka Indheer-garatada Soomaaliyeed waxay u fidiyeen marti sharaf gaar ah, isagoo weliba khudbad qaaya leh ka jeediyey shirarkooda, welise ma jiro siyaasi kale oo mutaystay.

            Dhanka dibada, ilaa iyo imminka, janaraal Maxamed Abshir Muuse waa siyaasiga keliya ee Soomaaliyeed oo ay dunidu u aqoonsan tahay inuu yahay siyaasiyiinta Soomalida ee nool ninka ugu hufsan. Peter S.Bridges oo dan-jire ka ahaan jiray Soomaaliya wuxuu u sheegay wargeyska,”He may be the best Somali living.” Sanadkii tegay xafiiska soo galootiga ee Maraykanka waxay janaraal Maxamed Abshir iyo qoyskiisa u diideen dib u dejinta dalka Maraykanka. Diidamada xafiiska Soo-galootiga ma ay noqon mid ay mahadiyaan, waxaana markiiba ku kacay siyaasiyiin iyo dan-jiryaal Maraykan ah oo warqad ashtako ah u gudbiyey dowladda Maraykanka. Intaa waxaaba ka sii darneyd weliba, waxaa iyana arrintaa ka dhiidhiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka, gaar ahaan gobalka Minasoota, iyagoo dhigay mudaaharaadyo looga dhii-dhinayo go’aanka diidmada ah ee xafiiska soo-galootiga.

abshir Eeg sawirka oo weyn: Startribune
Maxamed Abshir iyo gabar yar oo uu awoowey u yahay, magaceedana layiraahdo Maryam, Minnesota. Guji...

Danjirayaal iyo siyaasiyiin u shaqeyn jiray hey’ada Peace Corps oo ay ka mid yihiin: qareenka Martin R.Ganzglass oo la soo shaqeeyey Maxamed Abshir lixdameeyadii, wakiilka Wisconson Thomas E.petri, Robert Oakley oo ahaan jiray danjiraha Maraykanka u joogay Soomaaliya 1982-1984, islamarkaana ahaa wakiilkii madaxweyne George H.W.Bush u qaabilsanaa Soomaaliya mudadii u dhaxaysay 1992-1994, xilligaas oo ay ciidamada Maraykanku ku sugnaayeen Soomaaliya; April Glaspie, oo aheyd la taliyaha dhank siyaasada ee ciidankii Qaramada Midoobay ee joogay Soomaliya waxay si wada jir ah u qoreen warqad ay dowladda Maraykanka kaga codsadeen in si degdeg ah dalka loo dejiyo janaraal Maxamed Abshir, iyagoo taageero hiil iyo hooba ah ma mutaystay bulsha weynta Soomaalide ee ku sugan Minasoota, taasna si buuxda ayaa loogu guulaystay.

             Guntii iyo gabagabadii janaraal Maxamed Abshir Muuse waa siyaasi, indheer-garad meel dheer wax ka cabbira, islamarkaana had iyo jeer u heellan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya. Wuxuu mutaystay, sida Nelson Mandela oo kale, in laga abaal-mariyo nabad jaceylka iyo hawshii wanaagsaneed ee uu u soo qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Wuxuu mutaystay ina laga abaal-mariyo sida la yaabka leh ee uu xilka isaga saaray danta guud ee ummada, islamarkaan uu uga madax-baannaaday axwaash xun-xun oo ay ku caan-baxeen siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed. Waxaan oran karaa Maxmed Abshir, waa Mandeelaha Soomaaliya. 

Abdiweli Cali

Humanrights20010@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]