SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waad noqon kartaa Qab-qable dagaal!

Maxamed Cabdi Maxamuud <alifleey@hotmail.com>   

Qorshe xumadii siyaasadeed ee ay ku socdeen ururadii xukunka ka tuuray taliskii Maxamed Siyaad Barre 1991 kii, ayey ku  noqonayaan kuwo ay dushooda tahay buruburka dalka ka taagan  mudada 14ka sanno ah, inkasta oo  dadka sida weyn u dersa isbedelada dhaqan dhaqaale ee soo mara bulshooyinka  caalamka, waxay ka sakow ururadaas   mas’uuliyadda arintaas u xambaariyaan nidaamyadii dalka soo maray 30 kii sanno ee ka horeeyey burburka, iyagoo dooda  ku saabasan arintaasna saldhig uga dhiga caddaaladaridii, musuqmaasuqii iyo adee-gsigii qabiilka ee foolxumada ku dhisanaa oo ay ku dhaqmayeen maamuladaas xukunka isaga dambeeyey ay yihiin kuwa keenay guud ahaan dhaqan gadoonak ku dhacay ummadda soomaaliyeed.

Hadaba ururkii U.S.C. oo ahaa kii lafdhabarka u ahaa xidida-u-siibkii maamulkii Siyaad Barre, waxa uu noqday mid ugu horeyntiiba ku guul dareystay inuu abuuro jawi xasilooni iyo nabadgelyo ku dhisan, xitaa ugu yaraan dhulkii uu gacanta ku hayay oo ay ku jirto casimaddii dalka. waxayna taasi badelkeeda ay curiyeen daga-aalo ba’an oo lagu hoobtay oo ay iskala horyimaadeen beelahii ugu waaweynaa taageerayshii uu lahaa ururku, waxuuna u qeybsamay laba kooxood oo ay kala hogaaminayaan Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii dawladdii lagu soo dhisay shirkii Jabuuti iyo kooxda kale oo uu  horkacayey Gen. ceydiid oo  aad uga biyo diidsanaa sharcinimada dawladaas, waxuuna qilaafkoodku dhaliyay dagaalkii caanka noqday ee afarta biilood ka socday Muqdisho ee keenay masiibo bani’aadam inta la xusuusto taariikhda koonfurta soomaliya tii xoog badneyd, inkastoo dagaalkaasi ujeedadiisu ku saleysneyd ku tartanka awoodda xukunka dalka haddana natiijadiisu waxay ku dhamaatay kala qeybsanaanta magaalada Muqdishu (waqooyi iyo koonfur) iyo qadka cagaaran.

                                              ka dib Xabadjojintii dagaalkaas  waxa ay labadii hogaamiye mid kastaa ku qancay dhulkii uu awoodda ku lahaa isagoo sameystay xulafooyin siyaasadeed oo magaca uun ku kooban, waxuuna dadaal u galay sidii uu caalamka iyo soomalida kaleba ugu qancin lahaa in uu isagu  saxan yahay si uu taageero ugu helo hankiisa ah MADAXEYNE. laakinse ta aanay ragaasi waligood ku fakarin oo aan madaxooda ku soo dhicini waxay  tahay dhaqdhaqaaqyadii ay wadeen kuwii iyaga ka hooseyey ee ay gacanyarayaasha ka dhigteen, waxaana markii ugu horeysay waagu ku baryey Gen. Ceydiid oo markaas isu  diyaarinayey  caleema saarka madaxweynenimo riyo ku dhisan, waxayna arintaasi u cuntami weyday oo fursad ka dhigtay ninkii ay jananka sida weyn  isagu dhawaayeen ee Cismaan Caato, waxuuna qilaafkoodu keenay in markii dambe  ay dagaal fooda is daraan kasoo maxsuulkiisu noqday burbur cusub iyo  hogaamiye kooxeed kale oo ay Muqdisho yeelato. sidaasi si la mid ah ayey siyaasaddii fadhiidka aheyd ee Cali Mahdi xakmeyn kari weyday in ku-xigeenadiisii ay si fudud oo aan dhiig ku daadan ugu xuunsiibtaan hogaamiye kooxeedyo cusub iyagoo taageero ka helaya jilibyada hoose ee ay ka dhasheen.

Hadaba fikradaas WAAD NOQON KARTAA HOGAAMIYE DAGAAL ee uu hal abuurkeeda lahaa Cisman Caato waxay noqotay mid si xawli ah ugu dhex faaftay gudaha taageerayaashii ururkii burburay ee U.S.C.una sii gudubta ururadii kale ee ka jiray koobfurta sida S.D.M. iyo S.N.F. waxaana meelo badan ka qaraxay dagaalo sababay burbur iyo baaba’ xaaladda koonfurta dalkuna waxay gashay marxalad aad looga aragagaxo waxaana mar waliba sii kala tagayey kooxihii markii hore wada socday waxaana soo badanyey tirada hogaamiye kooxeedyada, taasoo ilaa maanta sii socota  waxaana goor kasta dhagaheyna ku soo dhaca magaca dhiigya-cab kale (hogaamiye dalgaal)oo cusub. sababta labaad ee sii xoojisay jiritaanka iyo sii badashada hogaamiye kooxeedyada, waxay tahay dawladdaha deriska inala ah oo ay ugu horeyso dawladda itoobiya oo fulineysa ujeedooyinkeeda soo jireenka ah ee cadowtinimada ku dhisan kuna dadaaleysa in ay soomaaliya ku sii jirto xaaladda qaska iyo fawdada ah ayaa  gacansaar la sameysatay qaar ka mid ah madax kooxeedyadaas kuna taakuleysay hub iyo saanad fara badan oo ay ku abuuraan dagaalo joogto ah.  Ugu damneyntii waxaa soo baxay in ragaasi uu mid kastaa naftiisa ku qanciyay inuu gaaray waxii uu ku soo taamayey, isagoo kuwa taageeraya ugu beensheego in toodu ay socon doonto oo ugu dambeynta meeshoodu ay tahay halka laysagu imaan doono, cakirnaantaas waqtiga dheer ah waxaa ja dhashay in uu dalkii u sii kala googo’ay gobolo iyo xaafado midinimadiina ay noqoto wax la iska iloobo oo aan la arag in cid hadalkeedaba soo qaada.

Sidaas darteed waqtigaas dheer oo ay nimankani afduubka ku haystaan ummadda ayaa u ogolaaday in ay waxii ay doonaan sameeyaan sharaftii iyo qaranimadii soomaaliyeedna dhulka ku sii xabaalaan, waxay ku kaceen fal kasta oo waxshnimo ah sida dilka iyo xasuuqa maatida, dabargoynta indheergaradka, marin habaabinta dhalinyarada, xaalufinta kheyraadka dalka, abuuridda iyo ka ganacsiga muqadaraadka,  ku aasidda sunta iyo haraaga kiimikada badda iyo berriga soomaaliyeed iyo afduubka kuwa u shaqaalaha samafalka (soomali iyo ajnabi),waxayna soo baxeen iimaan laaweyaal u soo taagan baaba’inta dadkooda iyo dalkooda, sidaa darteed markii ay wax kasta oo muuqda dabarjareen ayaad arkeysaa in qaarkoodau soo jeesteen   in ay ka been sheegaan ama ayba masaxaan taarikhihii sooyaalka ahaa ee ay ummaddu laheyd, taasoo aan tusaale ugu soo qaadan karno wareysi uu maalin dhaweyd bixiyey mid ka mid ah kuwii ugu raadka dambeeyey dagaal-oogayaasha isagoo mar wax  la weydiiyey maalmaha1da LUULIYO IYO 26ka JUUN oo ah maalmo  ay xusuustoodu ku weyn tahay soomali kasta oo fahmaya waxa ay xoriyadi tahay,   ku sifeeyey in maalmahaasi  ay yihiin maalmo masiibo oo raad xun ku reebay ummadda soomaaliyeed isagoo la simaya 21 Oktoobar, waaba  yaabe maalintee ayuu ku badalan lahaa maamlahaas sharafta iyo xurmada leh, ee aanay jirin cid dafiri karta qiimahooda. waxaan filayaa inta garan kartaa qiimaha ay gobanimadu leedahay ay maanta tusaale kooban kaga qaataan waxa ku dhacay dadka reer ciraaq taasoo ay  hubaal tahay in nidaam kasta oo duli ah oo soo maray aanay ku badelan karin dhibaatada maanta heysta, ugu dambeyntii waxaan qormadeydan ku soo gabagabeyn doonaa ilaa intee ayuu qaadan doonaa casriga QABQABLAYAASHA DAGAALKA? ummadduna goorma ayey ka bixi doontaa aafduubka ku dheeraaday? ma soo bixi doonaa jiil u istaaga soo nooleynta sharafka iyo midnimadii dadka soomaaliyeed? dhamaan su’aalahan jawaabtooda oo ah kuwa aan ka sugeyno mustaqbalka, waxaan alle ugu baryayaa inuu ummaddiisa u soo saaro iftiin ka bixiya xaaladdan dhibka badan kana dul qaado duliga ku habsaday,  hogaamiye kooxeedyada sii farcamayana uu alle faracood joojiyo, aamiin.

Maxamed Cabdi Maxamuud <alifleey@hotmail.com>   

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]