SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

    Soo Dhaweyntii Garaad Cabdillahi Maxamed Guuleed Oo Si Weyn Looga Dareemay Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool.

 

Laascaanood(Radiolascaanod)19-07-04 Isniin:-Saaka subaxnimadii waxaa magaalada Laascaanood si weyn looga dareemay Garaad Cabdillaahi Maxamed Guuleed, oo isagu ah Garaad ay beesha Koonfurta Sanaag dhawaan ku caleemasaartay Gobolka Sanaag.

 

Hadaba markii ay saaka isa soo taageen duleedka magaalada Laascaanood, waxaa halkaasi kaga hortegay dad weyne aad u fara badan, kuwaasi oo isugu jirey Xubno Ka Tirsan Maamulka Gobolka,Aqoonyahano, Indheergarato, Cuqaal, iyo Siyaasiyiin u dhalatay deegaanka, dhamaantoodna waxay Garaadka u lulayeen caleemo qoyan iyo erayo diirdiiran oo ka turjumayey raalli ka ahaanshaha Garaadnimada ay beeshu u igmatay Garaad Cabdillaahi Maxamed Guuleed.

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

Garaad Cabdilaahi iyo marti sharaftii kale ee uu hogaaminayey waxay socod dheer ku soo mareen wadada wadnaha ah ee dhex marta magaalada Laascaanood, waxaanay u sii ambabaxeen dhanka karinta waqooyi, iyadoo ay halkaasina taagnaayeen dadweyne isugu soo baxay sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Garaad Cabdilaahi. 

 

 

 

 

 

 

 

 

Markii ay karinta Waqooyi ka soo laabteena waxay iyagoo muujinaya damaashaadka iyo rayn raynta u talaabeen dhinaca koonfurta Magaalada Laascaanood, oo halkaasina si diiran oo kalgacal leh loogu soo dhaweeyey. 

Ugu dambeyntiina waxay soo gaadheen kobtii amaba rugtii loo qorsheeyey Garaadka iyo waftigii uu hogaaminayey in ay ku nastaan, sidoo kale isla rugtaasina waxaa ku sugayey dadweyne aad fara badan, kuwaasi oo iyaguna doorkooda soo dhawayneed ka qaadanayey.   

Ka dibna waxaa bilaabmay gacan qaadkii Garaadka, wuxuuna halkaasi ka jeediyey hadalo aad iyo aad u qiima badnaa, sida isagoo u hambalyeeyey dhamaan hawlwadeenadii soo abaabulay hawshan u dhacday sida farxada leh. 

 

 

 

 

 

 

  

Garaad Cabdillaahi iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa intii aanay u soo ambabaxin magaalada Laascaanood waxay soo mareen deegaanka Fiqi Fuliye, Awrboogeys iyo Xudun, halkaasina waxaa ku qaabilay odayaashii deegaanka, waxaana halkaasi loogu sameeyeen qaddo sharaf, iyadoo ay Garaadka iyo odayaasha deegaankuna isku dhaafsadeen hadalo dardaaran ah iyo ku boorin la xidhiidha xilka loo caleema saaray. 

Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag.

Radiolascaanod.com

Laascaanood Puntland Somaliya

Kala xiriir: assadlaska@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD